Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Mongolia oo Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Gudbisay

Safiirka aan degganeyn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa maanta si rasmi ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbisay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mongolia, Mudane Ts. Ankhbayar.

Soomaaliya iyo Mongolia waxay xiriir diblomaasiyadeed yeesheen 28-kii Febraayo 1971, waxaana muddo ka badan 50 sano naga dhaxeeyay xiriir saaxiibtinimo iyo iskaashi ku dhisan ixtiraam, wada-shaqeyn iyo aragti mideysan oo ku aaddan nabadda iyo horumarka caalamka.

Mongolia waa dal leh taariikh iyo dhaqan hodan ah, door muuqda na kaga jira arrimaha diblomaasiyadda caalamiga ah. Soomaaliya iyo Mongolia waxay si joogto ah uga wada shaqeeyaan arrimaha muhiimka ah ee caalamiga ah ee ay isku aragti ka yihiin iyada oo loo marayo madalaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay.

Danjire Hodan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay bilowga waajibaadkeeda cusub, ayna ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah, iyo in la ballaariyo fursadaha wada shaqeynta gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo isdhaafsiga dhaqanka.

Dowladda Mongolia ayay uga mahadcelisay soo dhoweynta diirran iyo taageerada hagar la’aanta ah ee la siiyay.

 

  

Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo taageero u muujiyay ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa maanta qabatay kulan muhiim ah oo ay iskugu yimaadeen dhammaan howlwadeenna wasaaradda, kulankaas oo loogu talagalay in lagu muujiyo taageero buuxda oo loo fidinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka.

Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u hura difaaca dalka iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka, waxaa si weyn loogu xusay dadaalka joogtada ah ee ay ciidamada Qaranka ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka. Shaqaalaha wasaaradda ayaa dhambaal taageero ah u diray ciidamada, iyagoo muujiyay in aysan keli ahayn, balse hay’adaha dowladdu garab taagan yihiin. Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada si loo helo taageero ballaaran oo lagu horumarin karo nabadda iyo amniga dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo uu wehliyo wasiirka ku xigeenka wasaaradda, ayaa hadal dhiirrigelin ah ka jeediyay kulanka, isagoo si cad u muujiyay taageeradiisa buuxda ee ciidamada Qaranka. Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu mar walba diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato taageerada ciidanka iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada inay u midoobaan la dagaalanka kooxaha nabadda diidan.

     

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan” Waxaa diyaar ah 17-urur siyaasadeed oo ka qeyb qaadanaya doorashada dadweyne ee soo socota,”

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo gudoonsiiyey 12 Urur oo soo biixiyey shuruudihii looga baahnaa ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ay u diiwaan gashayihiin 17 Urur Siyaasadeed oo rasmi ah kana qayb-qaadan doonaan doorashada dowladaha hoose ee dalka.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay  in maanta ay tahay maalin kale oo muhiim u ah ummadda Soomaaliya, maaddaama 17-urur siyaasadeed oo diyaar ah in ay ka qeyb qaataan doorashada soo socota ee golaha deegaanka ay isdiiwaangeliyeen.

” Waa arrin muhiim ah ururada diiwaangashan marka la idnku-daro ay yihiin 17-urur-siyaasadeed oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan doorashada soo socota ee golaha deegaanka, waa maalin aad muhiim ugu ah ummadda Soomaaliyeed , waxaad la socotaan tallaadadii waxaa bilowday diiwaangelinta dadweynaha codbixiyaasha gobolka Banaadir, maanta waxaa furmay saddex degmo oo cusub, waxaa isku soo aaday saddex degmo oo cusub iyo 17-urur siyaasadeed, waana wax qof kasta oo Soomaali ah ku riyoon jiray, maanta waxaan ku faraxsan nahay in aan idin guddoonsiino shahaadooyinkiina buuxay oo ah in aad tihiin ururo rasmi ah oo soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa,”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen biseyl siyaasadeed, taas oo albaabada u furtay in loo dhaqaaqo doorasho qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed u go’aamiyaan masiirkooda.

” Maanta waa maalin kale oo Soomaaliya muhiim u ah oo muujineysa in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen biseylkooda siyaasadeed oo hormuudka u tihiin adinka, haddii aan nahay guddiga doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha waxaan ku riyoon-jirnay waxay ahayd maanta oo kale, aad ayaa ugu faraxsan nahay in dad u diyaarsan in dalka Soomaaliya uu aado inuu noqdo wadan dimuqraadi oo dadka ay isdoortaan, idinkuna aad bilow u tihiin,”.

Wasiirka Qoyska iyo horumarinta Xuquuqul insaanka DF oo kulan xog-wareysi ah la yeelatay wasiiradii hore ee wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan wadatashi ah kula qaadatay Wasiirradii hore ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Dr Maryan Qaasim iyo Marwo Deeqo Yaasiin.

Wasiirradii hore ee Wasaaradda oo kulanka ka hadlay ayaa Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi uga mahad celiyey marti qaadka ay u fidisay iyo wadatashiga ay la yeelaneyso waxaana ay ballan qaadeen in ay mar walba la shaqeyn doonaan, islamarkaana ay si wadajir ah u garab taagan yihiin Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Wasiiradaba.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi uu kulanka ka hadashay ayaa Wasiirradii hore uga mahad celisay garab istaagooda iyo sida ay usoo aqbaleen marti qaadka ay u fidisay waxaana ay dhanka kale tilmaantay in si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ay muhiim tahay in la ogaado jidkii lasoo maray iyo halkii laga yimid.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo fuliyay howlgal lagu laayay kooxda Daacish

Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa Howlgallo Xiiriir ah ka waday Saacadihii ugu Danbeeyay Buuralayda Calmiskaad ee Gobalka Bari Gaar ahaan Togga Miiraale iyo Deegaanada ku hareeraysan oo ay ku dhuumaalaysanayaan firxadkii ugu danbeeyay ee kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Howlgankan ayaana Qaatay in ka badan 24saac wuxuuna ahaa mid ay Ciidamada Daraawiishta Puntland ka Gaareen Guulo waaweyn jab Xoogana ugu Gaysteen Kooxda argagixisada ah ee Daacish Sida ay Xaqiijiyeen Saraakiisha Howlgalkan Hogaaminaysana kuna Jira Furimaha Hore ee Togga Miraale.

Ciidamada Difaaca Puntland ee howlgalka Hillaac ayaana Kooxdan Arxan laawayaasha ah ee Daacish kala wareegay talisyo iyo Fariisino muhiim ahaa oo ay ku lahaayeen Togga Miraale iyo hareerihiisa Sidoo kalana ku Dilay Dagaaladan Xiriirka ahaa ee ugu Danbeeyay in ka badan 40 xubnood oo ka mid ah Kooxdan jiha laawayaasha ah ee ku soo Duulay Nabada iyo Horumarinta Bulshada iyo Dalkeena intaba.

Afhayeenka Ciimada Daraawiishta Puntland ee dhinaca howlgalka Hillaac General Maxamed Maxamuud Faadhigo ayaa cadeeyay in ciidamadu ay saacadihii ugu dambeeyay galeen dagaal adag ayna ka gaareen guulo wax ku ool ah, iyagoo jab xooggan gaarsiiyay kooxda Daacish.

Sidoo kale, Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa xalay fashiliyay weerar fulaynimo ah oo ay Kooxdaani ku doonaysay inay ku wax yeelayso Saldhig ay lahaayeen Ciidamada Puntland, wuxuuna afhayeenka xaqiijiyay in ay ahaayeen xubno ismiidaamiyaal ah oo xogtooda la sii ogaa.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay inuu gebo-gebo marayo wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka kooxda Daacish, kuwaas oo deegaanno badan xoog looga saaaray haatan ay firxad yihiin.

       

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Adduunka

Nairobi:-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo safar shaqo ku jooga Nayroobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa Dar-dar galinta, Kordhinta iyo Balaarinta Mashruuca Nagaad (SURP II) iyo Mashaariicda kale ee dib u dhiska ah ee uu maal galinayo Bangiga Aduunku.

Kulankan ayaaa hor dhac u ah kulamo kale oo loogaga wada xaajoon doono hawlaha ku aaddan mashruuca NAGAAD iyo Sidii loo gaarsiin lahaa degaanada kale ee aan hore looga hir galin mashruucan.

Shirka ayaa waxa uu ku soodhammaday si wanaagsan, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu ballan qaadey in Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka go’an tahay dib u dhiska dalka iyo in maamul goboleedayada dalka kajira si isku mid ah ay uga faa’iidaysan doonaan deeqaha caalamku uu ugu deeqo dalkeenna.

Khawaarijta oo Hoobiye ku dishay Carruur u socotay Dugsi Qur’aan

Carruur isku qoys ahaa oo u socday dugsi Qur’aan ayaa hoobiye ay Khawaarijtu soo tuurtay ku haleelay xaafad ka tirsan degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Hoobiyahan Khawaarijtu soo tuurtay ayaa waxa ku dhintay mid ka mid ah Carruurtii, halka labo kalena dhaawac culus soo gaaray, sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen waalidiinta carruurta dhalay.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa markii dowladda Soomaaliya ku qaaday guluf dagaal oo culus kana dishay tiradii ugu badnad loogana xorreeyey dhamaan deegaanadii ay ku dhuuman jireen,ayey khawaarijtu miciin biday in ay Hoobiye soo tuurto ku layso Carruurta Soomaaliyeed.

Xamar weyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaan-gelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa waxaa maanta ka billaabatay diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cusmaan Muriidi Cali oo warbahinta la hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Xamarweyne in ay yimaadaan goobaha isdiiwaangelinta.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomali oo isna goobta diiwaan-galinta codbixiyaasha degmadiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu rabo kii ugu dambeeyay ee magacaabis ku yimaado dagmada Shibis una helaan shacabkiisa inay soo doortaan qofka ay rabaan.

“Waxaan rabaa in aan noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee degmada ku yimaada magacaabis.” ayuu yiri Guddoomiyaha dagmada Shibis Cali Soomaali.

Maama Sahra oo kamid aheyd dadkii la diiwaangeliyay maanta ayaa dareenkeedq ku cabirtay sidan “Immisa sano ayaan sugeynay in aan codkeenna aan ku ciil baxno, saaka waan ku faraxsanahay in aan iska diiwaangeliyay D/Xamarweyne.”

Mid ka mid ah odayaasha degmada Shibis oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa yiri sidaan “56 Sano kadib inaan maanta qaato Kaarka Diwaangalinta Cod bixinta waa ii farxad”

Mid ka mid ah dadkii iska diiwaan-galiyey ee dagmada Xamarwayne ayaa sidoo kale yiri” waxaan diyaar u ahay inaa codkayga ku ciil baxo, isagoo ku bogaadiyey madaxda Qaranka fursad siinta shacabka Soomaaliyeed”.

Ilaa hadda waxaa howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha golaha deegaanka Magaalada Muqdisho waxay mareysaa 4 dagmo waxaana horay looga soo dhamaaday dagmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir.

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha oo lagu qabtay Jaamacadda Caalamiga ah ee Luqadaha Shisheeye ee Beijing (BFSU). Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer caalami ah, oo uu ka mid yahay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Shiinaha, Mudane Wu Yan.

Safiir Hodan waxay muujisay farxaddeeda ku aaddan in jaamacadda BFSU lagu barto afka Soomaaliga, taasoo ay arday Shiinees ah si firfircoon u bartaan. Waxay sidoo kale sheegtay in jaamacadaha Soomaaliyeed ay qorsheynayaan in ay bilaabaan barnaamijyo lagu barto afka Shiinaha, si loo xoojiyo is-fahamka iyo iskaashiga labada shacab.

“Barashada luqaduhu waa jid muhiim ah oo lagu dhisayo xiriir qoto dheer iyo saaxiibtinimo waarta,” ayay tiri Safiir Hodan.

Afka Shiinaha ayaa si xawli ah ugu fidaya caalamka, iyadoo in ka badan 75 waddan ay si rasmi ah ugu dareen manhajkooda waxbarasho . Sidoo kale, waxaa jira in ka badan 500 Confucius Institutes oo ka howlgala in ka badan 100 waddan, kuwaasoo kaalin weyn ka qaata barashada luqadda iyo dhaqanka Shiinaha.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka fashiliyey weerar khawaarijta ay ku soo qaadeen fariisimo ciidanka ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, iyadoo la toogtay kooxdii weerarka soo qaadayo, waxaana socda howlgallo lagu sii baacsanaya firxadkii Khawaarijta Daacish.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa shalay hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, iyagoo khaarajiyay khawaarijta ku dhuumalaysanaysay deegaanka Miiraale, iyagoo kasaaray Godadkii ay kuu dhuumalaysanayee.

Kooxda Daacish ayaa waxaa ku socday howlgallo culus oo nafiifin ah, waxaana laga saaray inta badan goobahii ay kuu dhuumalaysanayeen, iyagoo halkaas laguu dilay horjoogayaal ajaaniib ah iyo maleeshiyaad tiro beel ah kuwaas oo ay maydadkooda soo bandhigeen Ciidanka Daraawiishta Dowlad gobolleedka Puntland.