Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Ra’iisul Wasaaraaha XukuumaddaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Hirgelinta siyaasaddan muhiimka ah, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo nidaamka mushaar bixinta iyo cadaaladda dalka

 

   

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo gorsheyaasha horumarmeed ee dalka, waxay muddo toban sano ah ku howlaneed dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka kaas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada iyo sugidda amniga Qaranka.

Xukuumadda DFS ayaa horey u meelmarisay Siyaasadda Agoonsiga Qaranka, sidoo kale labadda Aqal ee Barlamaanka DFS ayaa iyana meelmariyey xeerka Aqoonsiga Qaranka Xeer lambar 9, Maarso 2023 iyo xeerka illaalinta Xogta Muwaadinka Xeer lambar 5, Maarso 2023, waxaana la aas-aasey Hay’adda Qaranka ee Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga (NIRA). Waxaa sidoo kale dalka loo soo iibiyey qalab casri ah oo lagu daabaco, lagu keydiyo, laguna ilaaliyo xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaana Aqoontooda la dhisey, si rasmi ahna loo dhaariyey shaqaalaha NIRA si ay si hufan oo ammaan ah ugu gutaan waajibaadkooda Qaran.

Ujeedada Aqoonsiga Qaranku waa mid qaran oo istiraatiji ah – in muwaadin kasta yeesho tirsi gaar ah (11 lambar) oo sharci ah, taasoo fududeyneysa helitaanka adeegyada dowliga ah, la-dagaallanka khatarta kooxaha Khawaarijta iyo kor u qaadidda socdaalka gudaha dalka iyo mustaqbalka dhow fursadaha u socdaalidda dalalka Bulshadda Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka nogotey. Sidoo kale, Aqoonsiga Qaranka wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa gaarista yoolka horumarineed ee SDG 16.9, oo ah in la gaaro aqoonsi sharci ah oo loo siman yahay dhammaan dadweynaha ka hor sanadka 2030.

Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu cargaladeynayo Aqoonsiga Qaranka (Lr. 04, 09/04/2025), waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka.
Waana jahwareer iyo nidaam darro dowladeed. Ficilladda noocan ahi wax sal iyo raad ah kuma lahan aragtiyadda dowladnimo iyo masuuliyad Qaran. Kamana muuqato lixjeclo iyo dan-qasho ummadeed

Aqoonsiga Qaranku waa xaq muwaadin, mana bannaana in laga hor istaago ama laga carqaladeeyo. Qof kasta oo Soomaaliyeed xaq ayuu u leeyahay in uu helo aqoonsi sharci ah, oo xogtiisu amaan tahay. Tallaabo kasta oo lagu hor istaago xaqaas, waxaa loo aqoonsanayaa is-hortaag xuquuq muwaadinimo oo sharci ah.

Wasaaraddu waxay ku boorineysaa madaxda Puntland in ay si garanimo leh uga qeybqaataan hirgelinta Aqoonsiga Qaranka, ayna bulshada deegaanka uga faa’iideeyaan nidaamka qaran ee horey loo dhisay. Waxaa habboon in dhagaalaha ku baxaya dhismaha aqoonsi kale oo cusub loo adeegsado shaqooyinka ama adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka deegaanka, halku lagu abuuri lahaa nidaam kale oo cusub oo carqalad ku ah midnimada hay’adaha dowladda. Ma jirto awood dhaqaale oo suurto gelinaysa in dalku yeesho Aqoonsiyo kala duwan, marka si masuuliyad leh loo eego baahiyaha tiradda badan ee bulshadeena haysta.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxay mar kale xaqiijineysaa in Aqoonsiga Qaranka yahay himilo Qaran, isla markaana u furan dhammaan shacabka Soomaaliyeed deegaan kasta oo ay joogaan. Waxaa muhim ah in aan carqalad iyo jahwareer lagu furin dadaaladda dowlad-dhiska dalka oo ah wax la wadda leeyahay.

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in awoodda argagixisada la wiiqay kadib muddo labo sano oo howlgal xiriir ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta sheegay in kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab la wiiqay awooddooda kadib muddo labo sano oo xiriir ah oo howlgal dowladdu ay hoggaaminaysay oo ahaa duulaan milatari, iyo istiraatiijiyado lagu xanibay dhaq-dhaqaaqdooda maaliyadeed, laguna baabi’iyay fikirkooda wax-burburinta ah.

Wasiirka oo galabta ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ayuu ku dhawaaqay in Wasaaraddiisu ku deeqayso hal gaari oo taakullo ah oo ah raashiin qalalan.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in marnaba aanay suurragal noqonayn in argagaxisadu gacanta ku dhigto dalka, isaga oo caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen la dagaalanka khawaarijta, kuna booriyay siyaasiyiinta in ay garab-istaag u muujiyaan ciidanka qaranka ee dalka iyo dadka difaacaya, isaga oo Allah uga baryay inuu jannadiisa Fardowsa ku galladaysto shuhadada ciidamada qalabka sida iyo xoogagga macawiislayda ee ka barbar-dagaalama, caafimaad-qab iyo bogsasho degdeg ahna ugu deeqo kuwa ku dhaawacmay.

Wasiirka ayaa xusay in ciidanka XDS kuwa dhufayska ku jira iyo kuwa kale ee weerar-tagaya ee u dagaalamaya jiritaanka dalkani iyo dowladdiisa ay qiimo weyn ugu fadhiyaan, ayna yihiin kuwa xaq u dagaalamaya oo bedqabka dadka ka shaqaynaya, isaga oo ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay garab-istaag iyo taageerro u muujiyaan.

Guddi Hoosaadyada Abaabulka iyo Wacyigelinta oo shir muhiim ah yeeshay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta guddoomiyay shirar muhiim ah oo uu la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta.

Shirarkan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo nidaamka sugidda amniga dalka, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka madax bannaan cabsi iyo xagjirnimo.
                   

Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre oo dhambaal Tahniyad ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Serbia

Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane: Xamse Cabdi Barre ayaa dhambaal tahniyad ah u diray dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Serbia Mudane: Prof.Dr. Đuro Macut, iyo Golahiisa Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa yiri:-
“Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo kan shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan hambalyo heer Qaran ah gudbinayaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan saaxiibada nahay ee Serbia.

Tan iyo markii uu dhidibada loo taagay xiriirka diblomaasiyadeed, Soomaaliya iyo Serbia waxaan wadaagnay go’aan adag oo ku dhisan is ixtiraam iyo iskaashi. Anaga oo qayb ka ah Dhaqdhaqaaqa iyo Isbaheysiga Siyaasadda Caalamka ee Dhexdhexaad ah, kuna dhisan ilaalinta Qawaaniinta Dunidda waxa aanu weli hiigsanaynaan kobcinta Nabadda, Horumarka, wax-wadaqabsuga iyo wadajirka Ummadaha Dhexdooda.

Hoggaamintaadu waxay ku soo beegantay wakhti muhiim ah, waxaan adiga iyo Dowladdaadaba idin rajeynayaa inaad si wanaagsan u gudan doontaan shaqadda la idin xilsaaray.

Soomaaliya waxay qiimeysaa iskaashiga sii kordhaya ee ay la leedahay Serbia, waxayna rajaynaysaa in la sii xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ku dhisan ee ka dhexeeya labadeena dal”.

War-saxaafadeed muhiim ah oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, wuxuu ku wargelinayaa Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyeyaasha kale oo arrimaha Doorashooyinka inuu ku kordhiyey muddada diwaangelinta ururrada siyaasadda muddo sagaal (9) maalin ah oo ka bilaabanta maalinta Talaadada oo taarikhdu tahay 22/04/2025 kuna eg 30/4/2025.

Wasaaradda Isgaarsiinta oo dardargelineysa adeegga Boostada Qaranka

Iyadoo la dardar gelinayo hawlaha mudnaanta u leh horumarinta Wasaaradda iagaarsiinta iyo teknolojiyada gaar ahaan waaxda adeegga Boostada, ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Faarax Cabdinuur Ahmed kulan la qaatay howl-wadeennada Waaxda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga dib u bilaabashada adeegga Boostada Soomaaliya, iyadoo la filayo in bisha shanaad si rasmi ah dib looga hirgeliyo dalka, taas oo u oggolaanaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caalamka inay si fudud wax ugu soo diri karaan eheladooda.

Howl-wadeennada Waaxda Boostada ayaa Agaasimaha la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka shaqo, iyagoo xusay in adeegga la cusboonaysiin doono iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyad casri ah oo fududayn doonta habsami-u-socodka adeegga.

   

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira latashiyada Qaran ee uu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA, Dr. Mary Otieno.

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah, waxaana labada dhinac ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Dhalinyarada iyo Hay’adda UNFPA. Hay’adda UNFPA ayaa muddo dheer la shaqeynaysay Wasaaradda, iyada oo taageero ka siisa dhinacyada la xiriira horumarinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa uga mahadceliyay UNFPA doorka ay ku leedahay taageerada dhallinyarada, isagoona ku booriyay inay sii balaariyaan talaabooyinka ku aadan horumarinta dhallinyarada, waxaana uu muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta hay’adda iyo Wasaaradda.

Dhankeeda, Dr. Mary Otieno ayaa bogaadisay dadaalka Wasiirka cusub iyo sida uu ugu heelan yahay awoodsiinta dhallinyarada iyo Isboortiga, iyada oo ballan qaaday in UNFPA ay sii wadayso taageerada ay siiso Wasaaradda.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad guud oo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hawlaha ciyaarahaba.

 

   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga, asigoona booqday dhaawacyada qaar ka mid ah Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanada ee lagu daweynayo Isbitaalka Xooga.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, asigoona sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno wax ka qabashada baahiyaha ka jira Isbitaalka, si ay adeeg hufan u helaan ciidamada waxyeelada kasoo gaara dagaalka lagula jiro cadowga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Isbitaalka Xooga dalka ka fulinaaya Nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha garab istaaga iyo taageerida Ciidamada iyo Isbitaalka, waxaana ka mahadceliyay Maamulka Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliya.