Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hay’adda GIST

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hay’adda GIST oo ka howl gasha Dalka Ingiriiska.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojinta lahaa la dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, iyo xog is dhaafsi ku saabsan tabaha ay isticmaalaan argagixisadu marka ay timaado ilaha dhaqaalaha.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka waxaa ka go’an ciribtirka dhammaan danbiyada Maaliyadeed iyo Maalgelinta argagixsada oo dhibaato xoogan ku haya ummadda Soomaaliyeed.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirka xiliga Gu’ga 𝐒𝐩𝐫𝐢𝐧𝐠𝐌𝐞𝐞𝐭𝐢𝐧𝐠𝐬𝟐𝟎𝟐𝟓 ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban xubno matalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Hey’adda Warbixinada Maaliyadda ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada hey’adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.

Kulamadaan horudhaca ah ayaa ujeedkoodu waxa uu daaranaa sidii Dowladda Soomaaliya ay miiska wada hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay hey’adaha Caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in kulamadii horudhaca ahaa ee uu la qaatay Wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka in ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo maanta ka furmaya Gaalkacayo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka furmaya shirka Madashaa Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya,kaa oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA)

Shirkaan oo saddexdii bilba mar qabsooma ayaa diiradda lagu saaraa arrimaha gargaarka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee waddanka, waxaana ka qeyb-galaya masuuliyiin dowladadeed, madax ka socota hay’adaha caalamiga ah iyo xeel-dheerayaal aqoon u leh arrimaha bani’aadannimada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Galmudug Maxamed Cabdullaahi ayaa yiri “Shirka arrimaha Bani’aadannimada waxa uu ku soo aadday xilli adag, waxaana rajo ka qabnaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah dalkeenna.”

Hawlgal lagu naafeeyey argagixisada oo Hiiraan ka dhacay

Balad weyne: Ciidamada Deegaanka Mabaax oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa weerar qorsheysan galabta Maqribkii ku qaaday koox Khawaarij ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyey Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khawaarij badan ay ku dileen howlgalka oo sidii loo qorsheeyey u dhacay, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartii cadowgu ay halkaas kasoo maleegayeen.

Waxaa socota qiimeynta khasaaraha Khawaarijta lagu gaarsiiyey howlgalkaan caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal, waxayna saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta.

Wixii ka soo kordha howlgalkaas kala soco Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay danjiraha Denmark

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Denmark ee Soomaaliya, Mudane Steen Sonne Andersen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii taageerada horumarineed ee Denmark loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Qodobada muhiimka ah ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa: Adeegsiga nidaamyada dowladda, Dhisidda iyo tayeynta hay’adaha qaranka iyo Isku-duwidda deeqaha horumarineed

Labada dhinac waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashi waxtar leh oo lagu gaari karo horumar muuqda oo la taaban karo.

Dowladda Soomaaliya oo la dagaalamaysa kalluumaysiga sharci darrada ah

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta shir la yeeshay Xarunta La Socodka iyo Ilaalinta Kalluumeysiga (FMC) ee wasaaradda, halkaas oo looga warbixiyay xaaladda maraakiibta ku sugan badda, gaar ahaan kuwa sharci u heysta iyo kuwa aan sharciga ku joogin. Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshe ku saabsan sidii loo xoojin lahaa kormeerka iyo ilaalinta kheyraadka badda, iyadoo wasiirka uu soo jeediyay in la soo saaro warbixin faahfaahsan oo ku saabsan maraakiibta sharci darrada ah ee badda soo galay.

Intaa kadib, Wasiirka ayaa dhageystay warbixin ka timid agaasimaha waaxda deegaanka wasaaradda iyo saraakiisha waaxdaas, kuwaasoo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay qashinka lagu shubo badda, gaar ahaan booyado waaweyn oo lagu musqulaha xeebta Lido, taasoo waxyeelo u geysanaysa caafimaadka iyo fayo-dhowrka bulshada. Wasiirka ayaa faray in si degdeg ah loo sameeyo tallaabooyin lagu xakameynayo arrintan si loo ilaaliyo deegaanka iyo caafimaadka dadka, isagoo ku boorriyay waaxda inay ka shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka dhasha wasaqeynta.

Shirkaan ayaa muujinaya muhiimadda ilaalinta kheyraadka badda ee Soomaaliya, iyadoo Wasiir Axmed Xasan Aadan uu si gaar ah u xusay baahida loo qabo in la joogteeyo dadaallada lagu ilaalinayo maraakiibta sharci darrada ah, isla markaana la xoojiyo hagidda iyo kormeerka deegaanka badda. Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in wasaaradda ay ku howlan tahay sidii loo hubin lahaa in dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha ka shaqeeya badda ay si waafaqsan sharciga ugu shaqeeyaan, si loo ilaaliyo hantida shacabka Soomaaliyeed iyo deegaanka badda.     

Wafdi ka socda wasaaradda shaqada oo socdaal ku jooga Pakistan

Islamapad: Wafdi heer sare ah oo ka kooban 17 xubnood kana socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah oo shan maalmood ah ku jooga dalka Pakistan. Wafdigan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Yussuf Wadani, ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Barnaamijka BISP, Senator Rubina Khalid, iyo Dr. Tahir Noor.

Booqashadan oo uu Bangiga Adduunka taageerayo, ujeeddadeedu waa is-weydaarsi aqooneed iyo barashada waayo-aragnimada barnaamijka BISP ee taageerada bulshada. Gaar ahaan, wafdigu wuxuu diiradda saarayaa dhinacyada muhiimka ah ee soo socda:

Nidaamka Isdiiwaangelinta Mideysan (USR):

Waa hab casri ah oo lagu mideynayo diiwaangelinta dadka danyarta ah ee u baahan taageero, si loo helo xog midaysan oo ay ku jiraan dhammaan qoysaska ka faa’iideysanaya barnaamijyada bulshada.

Hal-abuurnimada Tiknoolajiyadda:

Waa dadaal hal-abuur oo dhanka tiknoolojiyadda ah, si loo xoojiyo loona dedejiyo adeegyada taageerada bulshada, iyada oo la hirgelinayo nidaamyo dijital ah oo hufan.

Barnaamijyada Cusub sida Benazir Hunarmand: Barnaamijka Benazir Hunarmand waa hindise cusub oo lagu horumarinayo xirfadaha ka faa’iideystayaasha BISP, si loo kordhiyo fursadaha shaqo iyo isku-filaanshahooda mustaqbalka.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Pakistan iyo madaxda BISP soo-dhoweynta diirran ee ay u fidiyeen wafdiga. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in booqashadan shanta maalmood ah ay tahay fursad qiimo leh oo lagu xoojinayo xiriirka iyo is-dhexgalka labada dal.

Wafdiga Soomaaliyeed ayaa loo soo bandhigay sharaxaad qoto dheer oo ku saabsan nidaamyada BISP. Waxay muujiyeen xiise gaar ah in Soomaaliya ay ka faa’iideysato farsamooyinka iyo hababka wanaagsan ee ay goob-joog ka ahaayeen.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’an tahay in waayo-aragnimada iyo casharrada laga baranayo booqashadan lagu dabaqo geeddi-socodka horumarinta barnaamijyada taageerada bulshada ee Soomaaliya.

   

Danjiraha Soomaaliya oo u gudbisay warqadaha aqoonsiga Madaxweynaha Mongolia

Ulaanbaatar: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, isla markaana ah Danjiraha aan Deganaasho ku lahayn Mongolia (Non-Resident Ambassador), Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga si rasmi ah ugu gudbisay Madaxweynaha Mongolia, Mudane Khürelsükh Ukhnaa, xaflad ka dhacday Madaxtooyada dalkaasi.

Xafladdan ayaa calaamad u ahayd dib u soo nooleynta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Mongolia kaas oo soo bilaabmay 28 Febraayo, 1971. Calanka Soomaaliya oo markale laga taagay caasimadda dalkaas Ulaanbaatar wuxuu astaan u yahay bilow cusub oo ku saleysan dan wadaag iyo iskaashi horumarineed oo qoto dheer.

Mongolia waa dal dhaqaalihiisu soo kobcayo, waxna ka beddelay habka ay u maarayso kheyraadkeeda dabiiciga ah, gaar ahaan dhanka macdanta. Sidoo kale, waxa ay door muuqda ka ciyaartaa madalaha caalamiga ah ee ay dalalku ku midoobaan, taas oo ay Soomaaliya u aragto fursad lagu xoojin karo iskaashiga laba geesoodka iyo kan heer caalami ahba.

Kulankii dhexmaray Madaxweynaha Mongolia iyo Danjiraha Soomaaliya ayaa lagu muujiyay rajo laga qabo iskaashi dhanka ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo kobcinta fursadaha cusub ee ay labada dal iska kaashan karaan si loo gaaro horumar waara.

Danjiraha ayaa uga mahadcelisay Dowladda Mongolia soo dhoweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka labada dal, iyadoo la isku raacay in la sii xoojiyo wadashaqeynta siyaasadeed iyo midda horumarineed.

   

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan howlaha ay wadajirka u leeyihiin ka shaqeyntooda, waxaana si guud kulanka diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad iyo sidoo kale sidii looga howlgeli lahaa shuruucda horutebinta u leh horumarka dowladnimadeena.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Ku Simaha safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ku Simaha safiirka dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Danjire Carsten Carlsen.

Kulanka muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin; Dib-u-heshiisiinta, Dimuqraadiyadeynta, Doorashooyinka, Geeddi Socodka Nabad Dhiska iyo Xasilinta.