Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mr. Lionel Laurens, oo booqasho ku yimid xarunta wasaaradda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda howlaha dhallinyarada iyo doorka muhiimka ah ee ay UNDP ku leedahay taageerada barnaamijyada ay wasaaraddu hoggaamiso, gaar ahaan kuwa la xiriira nabadda, horumarka, iyo shaqo abuurka.

Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta iskaashiga, gaar ahaan horumarinta barnaamijka Youth, Peace and Security (YPS), iyadoo la adkeynayo kaalinta dhallinyarada ee dhanka nabadda, xasilloonida iyo amniga.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada uu Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali si joogto ah uga wado la-tashiga hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha taageera horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in kulammadan ay yihiin kuwo ujeedkoodu yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee loogu talagalay dhallinyarada dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo Soomaaliya ku matalay shirweynaha Guga ee IMF iyo Bangiga Adduunka 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed H. Shire, ayaa ka mid ahaa wafdiga rasmiga ah ee ka qeybgalay shirweynaha guga ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka oo sanadkan 2025 ka dhacay magaalada Washington DC.

Agaasimuhu wuxuu Soomaaliya ku matalay kulan gaar ah oo ay yeelatay Kooxda Wadatashiga Afrika (African Consultative Group – ACG), iyadoo halku-dhigga sanadkan uu ahaa: “Xoojinta Adkaysiga Afrika.” Shirka waxaa furay Agaasimaha Guud ee IMF, Marwo Kristalina Georgieva, waxaana ka qeybgalay madax sare oo ka kala socday dalalka Afrika, kuwaas oo si qoto dheer uga wada hadlay:

Caqabadaha dhaqaale ee qaaradda Afrika saameeyay,

Xoojinta iskaashiga ganacsi ee heer gobol,

Iyo dhiirrigelinta adkaysiga maaliyadeed iyadoo la tixgelinayo isbeddellada dhaqaalaha caalamka.

Ka qeybgalka dowladda Soomaaliya ee shirkan heer caalami ah wuxuu muujinayaa kaalinta firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto madalaha caalamiga ah ee horumarinta iyo iskaashiga dhaqaale, taas oo muhim u ah dib-u-dhiska iyo kobaca dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shirar muhiim ah kula yeeshay madax kala duwan magaalada Washington DC

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington Dc, kana qayb galaya kulanka Gu’ga sanadlaha ah ee ay sida wadajirka ah u wabanayaan Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay madaxda IMF, Bangiga Adduunka iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka.
𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha fulinta howlgalada Bangiga Adduunka Marwo. Anna Bjerde iyo xubno sare oo ka tirsan xafiiskeeda, kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee Bangigu uu kuleeyahay fulinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya iyo sidii loo dar-dar galinlahaa howlgalada mudnaanta gaarka ah leh ee ay ugu hereyao helidda maalgalinta ilaha soosaarka dhaqaalaha.

𝐈𝐌𝐅:Kulankaan oo si guul ah ku soo dhamaaday ayaa Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee Washington jooga waxa ay la yeesheen Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe Mr. Jihad Azour iyo kooxdiisa la shaqeysa, kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgalineyd ee ay aad ka u danaynayso Dowladda Soomaaliya iyo caqabadaha jira marka loo eego hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa tilmaamay in hada Dowladda Soomaaliya ay heer aad u sareeya gaarsiisay horumarinta Dakhliga, maamul-wanaaga maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda Maaliyadda iyada oo la abuurayo fursado muhiim ah oo shaqooyinku ay ka mid yihiin.

𝐔𝐒𝐀 kukanka oo uu goobjoog ahaa ku xigeenka kaaliyaha Afrika ee Wasaaradda Maaliyadda USA Mr. Eric Meyer ayaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dib-u-habeynta dhaqaalaha ee ay IMF taageerto ee ka socda Soomaaliya, sare u qaadidda dhaqaalaha guud iyo dib-u-habeynta shirlka Soomaaliga ah. Sidoo kale kulanka ayaa looga wadahadlay sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagidda lacag-dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale si guul ah ku soo gabagaboobay kulan ay wada yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo ku xigeenka kaaliyaha arrimaha dibadda ee Afrika Mr. Vincent Spera, shirka ayaa intii uu socday waxaa looga wadahadlay howlgalada ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah ee Soomaaliya ku soo duushay iyo sidii Dowladda Mareykanka ay u sii balaarin laheyd taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya.

‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)

Maxaa laga og yahay Khawaarij Yuusuf Sheekh Ciise Koba ku tukade? qormadaan waxaa ku eegeynaa Arxanlaawahii dilay xubna ka tirsan qoyskiisa, wuxuu ku dhashay deegaanka Cowsweyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee bariga Galguduud, isagoo wax ku bartay deegaankaasi, islamarkaana uu markii dambana uu ka mid noqday Macalimiinta degmada Ceeldheer, wuxuuna uu ka mid ahaan jirey kabo ku tukade gaar ahaan deegaanka Cowsweyne, ahaana Macalimiintii la dhihi jirey BB-da

“Yuusu Sheekh Ciise sida ka muuqata magacaba Aabbihii  waa Nin ahlu quraan ah oo aan dadka dhibin, Ciise turufo waa naaneystiisii hore waxaa u ahaa marka aan bartay Nin watay gaari xamauulka ah ee loo yaqaan T.M markii horena dowladdii dhacday u ahaa Dabdamis oo uu bililqeystay, waxaana iiga marqaatiya inta nool oo tiqiinay Kaba ku tukade, waxaana koba ku Tukade loogu bixiyay sida tan: ‘asagoo wato gaari bililiqa ah ayuu bilaabay in barxada degmada Ceeldheer kobaha kula dukado”, taasoo la yaab ku eheyd dadka Ceeldheer ku nool”, sidaasi waxaa Wakaaladda Wararka ee SONNA u sheegay Maxamed Shidane Dabaan oo mar ka howlagi jiray Warbaahinta Muqdisho mid ka mid aheyd, islamarkaana Bare ka ahaa Dugsiga H/Dhexe ee Degmada Ceedheer sanadihii 2 kunnadii.

Ku biiristiisii Argagixisada kadib.

“Mar aan ka shaqeynay idaacad la yiraahdo Radio Banaadi Xilligii Madaxweyne Cabdullahi Yuusud Axmed ayaa koox uu watay waxa ay hoobiyeyaal ku garaaceen Suuq bucaad, waxaa dadkii dhaawacmay ka mid ahaa Carruur uu adeer u ahaa Kaba ku Tukade oo reer Sheekh Ciise ah, waxaan heley Teleefankiisa, kadib marka uu iga aqbalay inaan waraysto ayaan waxaan weydiiyay sida uu arko dadka maatida ah ee uu hoobiya ku garaacay oo ay ku jiraan kuwa uu waalid u yahay? Asagoo ka leex leexanayo su’aashaasi ayuu iyiri : haddii aan dowlda ku biiro oo isaga tago Al-shabaab, waxaan ka baqayaa in la i doqon dilo. taasi oo ula jeedo in laga jaaseeyo waxa uu geystay”, ayuu sii raaciyay.

‘Qaar ka mid ah Wiilshiisa waa uu dilay’, si kastaba ha u dilee, waa sida ay qabaan Dadka aadka ugun dhow, balse waxaa marqaati ma doonta ah inuu xoog iyo qasab uu carruur badan uga dhalay haween Soomaaliyeed oo fara badan, qaarkoodna ay yihiin kuwa aan wali qaan gaarin, sida mid ka soo hor muuqatay Makamadda Ciidamada Qalabka Sida, waa Nasteexo Muxudiin Maxamed oo 14 jir ah, waxaana ku daray Aabbaheed oo ka mid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

“Khawaarij fogaaday Yuusuf Kaba ku Tukade waxa uu ka soo jeedaa deegaan ahaan degmada Ceeldheer, caawana waxa uu jecel yahay in uu haddii uu kari lahaa uu gacantiisa ku gubo dadka iyo duunyada ku nool halkaasi, iyadoo qaar ka mid ah Qoyskiisa ila wadaageen inuu geystay falal badan oo kufsi ah inta uu dhallinyarada ahaa,  taasoo qaab qabiil loo xaliyay”, arrintaan waxaa nala wadaagay Dad aad ay isugu dhow yihiin Khawaarij Kaba Ku Tukade.

Khawaarij Kaba ku Tukade waa Khawaarij Duurka ugu jira Baqdin iyo inuu daadiyo Dhiigga Dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan. “Inta aan ka aqaano ayaa idinku filan”ayuu Yiri Maxamed Shidane.

Diiwaangelinta codbixiyaasha oo todobaadkii labaad si habsami leh ugu socda G/Banaadir

Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo 15-kii bishaan April si rasmi ah looga daahfuray Degmada Shangaani ayaa weli socota, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada dadweynaha u soo baxaya inay isdiiwaangeliyaan.

Waa doorashadii dadweyne ee ugu horreysay oo ay dadka Muqdisho isku diiwaangaliyaan muddo 56 sano ah, waxaana falgalka iyo hadalhaynta ballaaran ee ay yeelatay hawsha isdiiwaangelintu ay muujinaysaa sida ay dadku ugu wada faraxsan yihiin.

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 23-ka bisha waxaa isdiiwaangelintu ay ka socotaa  degmooyinka kala ah Waabari, Xamar-Jajab, iyo dagmada Cabdicasiis.

Marka laga soo tago Dagmada Shangaani oo martigelisay daahfurka ololaha, waxaa kaloo ay hawshu ka hirgashay degmooyinka Shibis, Xamarwayne, Boondheere.

“Kumannaan shacab ah oo ka badan inta la filaayey ayaa isugu soo baxay isdiiwaangalinta, waana arrin muujinaysa diyaargarowga shacabka Soomaalliyeed ee ka-qeybgalka doorashada Qof iyo Cod” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Qaranka.

Diiwaan-galinta codbixiyaasha oo socon doonta ilaa iyo 15 May ayaa maalmaha soo socda ka billaaban doonta dagmooyin hor leh oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan

Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar culus ku qaaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Khawaarijta isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Khawaarijta gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.

Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey , sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.

Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa sidaan oo kale weerar ku qaaday Khawaarij isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna cadowga gaarsiiyeen khasaare culus, kuna guuleystay inay ka hor tagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay xubin sare oo FIFA ka tirsan

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay maantay Mudane Suleyman Xasan Waaberi oo ah Xubin sare oo ka tirsan Golaha FIFA ahna Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti . Kulankan waxaa ka qayb ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdiqadir Cali, iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud, Masuuliyiin kale iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo wehlinayay martida.

Booqashada Guddoomiye Suleyman Waaberi ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, halkaas oo uu kulan isbarasho iyo wada-tashi ah kula yeeshay masuuliyiinta wasaaradda, ka hor inta aysan u gudbin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Is aragaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka kubadda cagta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, horumarinta ciyaaraha gobolka, iyo sidii FIFA iyo CAF ay u sii kordhin lahaayeen taageeradooda ku aaddan horumarinta kubadda cagta ee geeska Afrika.     

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hay’adda socdaalka dalkaas

Kampala: Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulan kula qaadatay xafiiskiisa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Dowladda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka socdaalka iyo is-dhexgalka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Ugandheyska.

Danjire Fardowsa ayaa Agaasimaha u gudbisay cabashooyin ka yimid bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Uganda, kuwaas oo intooda badan aan haysan sharciyad rasmi ah oo ay dalka ku joogaan.

Sidoo kale, Safiir Fardowsa waxay xustay in maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay in loola dhaqmo sida dalalka EAC. Waxayna ku baaqday in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Uganda loola dhaqmo sida ardayda kale ee ka kala yimaada dalalka xubnaha ka ah EAC.

Dhankiisa, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa, ayaa ballan qaaday in cabashooyinkaas wax laga qaban doono, isagoo arrintaas kala kaashan doona Wasaaradda Arrimaha Urur Goboleedka Bariga Afrika ee Dowladda Uganda

  

Guddoomiyaha SoDMA oo Gaalkacyo ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bani’aadannimo oo adag iyo dhibaatooyin is biirsaday, sida; roob yaridii Deyrta, is-raaca Guga oo aan rajo badan laga qabin iyo halista sii kordheysa La Nina goobaha qaar, taas oo si weyn u saameysay nolosha malaayiin qof. Wuxuu si gaar ah u xusay in dhibaatada ay uga sii darayaan xaaladaha barakaca, amni darrada, iyo yaraanta maalgelinta gargaarka.

Shirkaan waxaa ka qeybgalayo, Guddoomiyaha Hay’adda NIRA, Wasiirada Wasaaraha Gargaarka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hay’addaha deeqaha bixiya, kuwa ka shaqeeya arrimaha Banii’aadanimada , iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Maxamuud Aadan geesood oo booqasho ku tagay jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

kulanka Intii uu socday waxa looga hadlay’Xoojinta iskaashiga ganacsiga, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista isu socodka badeecadaha iyo maalgelinta ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti soo dhoweynta diirran iyo martigelinta, isagoo sheegay in booqashadani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.