๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la wareegay hogaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika kadib qabsoomidda shirka 24-aad ee madashaan oo ay ku midaysan yihiin Wasiiradaย  Maaliyadda dalalka kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan iyo South Sudan.

Madashan oo inta badan diiradda lagu saaro wadaaga mashaariicda horumarineed ayaa ah madal loogu talagalay in ay isku xirto dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika, iyadoo ilaa iyo hada wax yaabaya la hirgalinayo ay ugu muhiimsan yihiin waddooyinka isku xiraya dalalka geeska si ganacsiga iyo dhaqaalaha uu u noqdo mid sahal meel walba ku gaaro.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Md. Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray kadib la wareegidda guddoonkq madasha ayaa yiri, โ€œSharaf ayey inoo tahay in aan xilka guddoomiyaha Iskaashiga Dalal Geeska Afrika kala wareego wasiir Axmed Shide. Soomaaliya waxa ay xubin muhiim ah ka aheyd aas-aaskii madashan, hadana waxa ayย  sidoo kale hoggaamin doontaa 2-da sano ee soo socota,Is dhexgalka gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah mudnaan muhim u ah himiladeena. Inta lagu guda jiro 2 sano ee soo socota, waxa aan ku dadaali doonaa si kor loogu qaado ganacsiga, maalgalinta kaabayaasha guud ahaan Geeska Afrikaโ€ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Hindisaha Iskaashiga Geeska Afrika waa barnaamij goboleed lagu horumarinayo isdhexgalka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqalaaha. Soomaaliya oo kamid ah aasaasayaasha ururkani waxa ay xubin muuqdo ka tahay madashani lagu maalgalinayo dalalka geeska Afrika.

Kulanka DFS iyo Dowladda Denmark ee Shirweynaha Sanduuqa Lacagta Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Mohamed Shire oo qeyb ka ahaa wafdi ka socday Dowladda FSย  ayaa kulan muhiim ย ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Siyaasadda Horumarinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Denmark, Marwo Elsebeth Krogh Sรธndergaard.

Kulankaasi heerka sare ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga horumarineed ee labada dal, iyadoo si gaar ah la iskula eegay sidii taageerada horumarineed ee ay Dowladda Denmark u fidiso Soomaaliya ula jaanqaadi lahayd qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan โ€“ NTP 2025โ€“2029).

Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday horumarrada laga sameeyay dib-u-habeynta muhiimka ah ee dowladda, gaar ahaan isbeddelka lagu sameynayo nidaamka lacagta dalka (currency reform), oo ah mid laf-dhabar u ah qorshaha horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga goโ€™an tahay sii xoojinta wadashaqeynta labada dowladood ee ku dhisan kalsooni, daahfurnaan iyo himilo wadaag.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ay ka mahadcelisay Dowladda Denmark doorkeeda firfircoon ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, taas oo ka tarjumeysa saaxiibtinimo iyo garab istaag dhab ah.

Wasiir Caddaalaโ€Khawaarijtu wax mustaqbal ah kuma laha dalkaan

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo ka hadlay jab xoogan oo ciidanka qaranka iyo kuwa madaniga ay gaarsiiyeen khawaarijta ayaa qiray in kooxdaasi saka lagu jabiyay deegaanka Wargaadhi oo ka tirsn Gobolka Sh/Dhexe.
Wasiirka ayaa yiriโ€khawaarijta meydadkoda ayaa daadsan Wargaadhi, Inshaa Allaah kooxdaan dalkeenna kuma lahan wax mustaqbal ah
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala waxa uu kooxaha nabad-diidka ku tilmaamay kuwo nafla caari ah oo aan u tureyn dadka iyo dalka,isagoo yiriโ€ismaqiiqoodu waa xunbo idanka Alleโ€.

Ciidamada Qaranka oo deegaanka Wargaadhi ku dilay khawaarij badan

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta oo weerar naf la caari ah ku soo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas lagu laayey dhagarqabayaal badan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la jebiyey Khawaarijta oo deegaanka Wargaadhi ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo cashir u dhigay cadowga.
Qiimeynta khasaaraha gaaray Khawaarijta oo meydadkooda ay dhooban yihiin goobihii lagu dagaalamay ayey ku howlan yihiin Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Wargaadhi, waxaana bulshada la wadaagi doonaa xogta khasaaraha rasmiga ah ee saakay la gaarsiiyey cadowga.
Faahfaahin dhameystiran goordhow kala soco Warbaahinta Qaranka.

Xafiis Qaabilsan Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo laga hirgaliyay Warta Nabadda .

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey, iyo Maareeye ku-xigeenka Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray xafiiska cusub oo qaabilsan bixinta adeegga kaarka aqoonsiga qaranka.
Munaasabaddii xarig-jark xafladdaasi waxaa ka qeyb galay masโ€™uuliyiin ka kala socday qeybaha maamulka Warta-nabadda, ururada bulshada iyo marti sharaf kale.
Xafiiska cusub ee Nira ,waxa uu bulshada u fududeyn doonaa helitaanka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Midowga Yurub oo bogaadiyey waxqbadka dowladda Soomaaliya

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson ayaa Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadcelisay dadaalka uu ku bixiyay horumarinta dowladninada, qaadashada masuuliyada amniga qaranka iyo xoojinta hannaanka maaliyadda dalka.

Karin Johansson oo ka hadlaysay kulan maanta uu maanta madaxweyne Xasan Sheekh Muqdisho kula qaatay ergada Midowga Yurub ayey sheegtay in Soomaaliya ay marayso marxalad muhiim ah oo ay higsanayso inay tallaabo hore u sii qaado, midowga Yrub oo ka duulaya staraatiijiyadda wadajirka ah ee Hawlgalka EU-Soomaaliya ee la saxiixay sannadkii 2023, uu kaalin firfircoon ka qaadanayo hawlaha horumarineed ee Soomaaliya ka socda.

โ€œGuud ahaan, sida aan uga wada hadalnay kulamadeennii hore, horumar la taaban karo ayaa laga gaaray dhamaan saddexdaas tiir. Waxaan doonayaa inaan si gaar ah u amaano adiga, Mudane Madaxweyne, iyo hayโ€™adaha dowladda Soomaaliyeed dadaallada aad ka qaadeen dhismaha dowladnimada, qaadashada masโ€™uuliyadda amniga qaran, iyo xoojinta maareynta maaliyadda dadweynahaโ€ ayey tiri Karin Johansson.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wakiillada waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, safiirradooda, hawlgalada rayidka iyo milatariga ee CSTP iyo xubnaha ka shaqeeya gargaarka biniโ€™aadantinimo.

Wasiirka Beeraha XFS oo gaaray Guriceel

Guriceel: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sii wada Socdaaladii Tacbashada Beeraha iyo Laqabsiga Isbedelka Cimiladda ee uu had iyo jeer ku tago Gobolada Dalka, gaar ahaan meelaha aanay webiyadu marin ee roobka wax ku Beerta ayaa maanta gaadhay Degmada Guriceel ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirka iyo waftigii waxay booqan doonaan Beeralay ay caawiyeen Wasaaradda iyo Hayโ€™adaha la shaqeeya ee NRC oo ay maalgelisay FCDO oo lagu dhiirigeliyo in ay sameystaan Beero aan ku xidhnayn Beerashadoodu in Roob ku daโ€™o, laakiin biyaha Roobka qabsada ama ceelal leh oo ay suuragal tahay in sanadka oo dhan miro laga gurto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la shiray ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hayโ€™adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay ka goโ€™an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

ย ย ย ย ย ย ย ย 

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka (JFS) oo kulan la yeeshay Guddiyada Dib-u-eegista iyo Dhameystirka Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen habdhowrka Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo xoghayaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa guddiyadda qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ay guddoonka labada aqal la wadaageen warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.

Ugu dambeyn Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.

ย ย ย ย ย 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Wafdi ka socda UNDP iyo IESG si loo xoojiyo taageerada arrimaha doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada horumarinta (UNDP) iyo Kooxda Isku-dhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka (IESG).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray taageeridda geeddi-socodka dimuqraadiyadda, xoojinta nidaamka doorashooyinka dalka, iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan nabad-dhisidda iyo dhismaha hayโ€™adaha doorasho ee hufan.

Wasiir Xoosh ayaa uga mahadceliyay labada hayโ€™adood doorkooda firfircoon iyo garab istaagga ay u muujiyeen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sare u qaadidda kalsoonida dadweynaha iyo hirgelinta doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Kulanka waxa uu qeyb ka yahay wadashaqeyn joogto ah oo u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo in doorashooyinka mustaqbalka ay noqdaan kuwo waafaqsan mabaaโ€™diida dimuqraadiyadda iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.