Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo kormeeray ciidamo tababar ku qaadanayay Markabka Hawlgalka Atalanta ee EU

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeeray tababbar wadajir ah oo Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Atalanta ee Ciidanka Badda Midowga Yurub ay ku sameeyeen dusha markabka ESPS Reina Sofía.

“Intii aan kormeerka ku jiray waxa aan kulan miradhal la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub, Karin Johansson, Danjiraha Iswiidhan, Joachim Waern, iyo saraakiisha Hawlgalka Atalanta ee Ciidanka Badda Midowga Yurub, annaga oo ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee amniga badda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq oo Soomaaliya soo gaaray

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo saraakiil sare oo ka tirsan hey’adaha amniga ayaa caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Ciraaq Mudane Cabdi Amiir Kaamil Al-shamari.

Soomaaliya iyo Ciraaq waa labo dal oo uu ka dhaxeeyo xiriir walaaltinnomo oo taariikhi ah, waxaana Al-shamari lagu wadaa inta uu Muqdisho joogo inuu kulamo kala duwan la qaato mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Shirka Dalalka Ciidamada (AUSSOM) oo ka socda magaalada Kampala ee dalka Uganda

Shirkaan oo ay Soomaaliya ku matalayaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare iyo saraakiil kale, ayaa looga hadlayay howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan oo shalay furmay, kaasoo ahaa heer farsamo, ayaa maanta u gudbay heer wasiir. Waxaana ka qayb galay wasiirro iyo saraakiil ka kala socday dalalka ciidamadooda howlgalkaan ku matalaya, kuwaas oo kala ah: Uganda, Kenya, Masar, Itoobiya, iyo Jabuuti. Sidoo kale waxaa shirka jooga Madaxda Midowga Afrika, Yurub iyo Qaramada Midoobey.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray taageerada iyo garab istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa howlgalka AUSSOM.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in go’aanno muhiim ah laga soo saaro.

Guddoomiyaha SODMA oo Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay daawooyin iyo gaari Aambalaas ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, xubina ka ah Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ayaa maanta Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saadaam Cabdullaahi Cismaan ku wareejiyay daawooyin iyo gaari Aambalaas ah oo loogu tala-galay in loogu adeeego ciidanka qaranka iyo geeshiyaasha u taagan dib u xoreynta dalka.

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa ammaanay doorka naf-hurnimo ee ciidamadu ku muujinayaan furimaha hore ee dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda ay ka go’an tahay xoojinta adeegyada iyo daryeelka ciidanka geesiyaasha ah ee ku jira howlgalka ciribtirka khawaarijta iyo nabadeynta waddanka.

Kulan lagu tageerayay xasilinta Caasimadda iyo Is-Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Degmada Dharkeynley ugu qeyb galay Kulan lagu tageerayay xasilinta Caasimadda iyo Is-Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen, Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Mudane Maxamuud Xaaji Cali Fiidow, Guddoomiyayaal Degmo, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa sidoo kale lagu dhiira-geliyay Saraakiisha Laamaha Amniga doorkooda ku aadan sugida Amniga.

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay garab istaaga Laamaha Amniga iyo sidii bulshada dib loogu celin lahaa xuquuqdooda ku aadan in ay soo doortaan hogaankooda, waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay gaaraan goobaha ay ka socoto is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞-𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚𝐲𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka Dowladda, kaas oo lagu hagaajinayo loona casriyeynayo nidaamka shaqo ee hay’adaha dowladda.

Hindise sharciyeedkan ayaa diiradda saaraya dib-u-habeyn qotodheer oo lagu sameynayo hab-maamulka shaqaalaha rayidka, iyadoo la xoojinayo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha dowladda.
Arrintan ayaa ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu taageerayo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), taas oo ujeedadeedu tahay in la helo nidaam dowladeed oo hufan, waxtar leh, kuna dhisan isla-xisaabtan iyo cadaalad.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Hindise sharciyeedkan oo markii ugu horreysay dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay tan iyo xeerkii hore ee Lr. 11, 2006.

Ciidanka Xoogga oo 20 khawaarij ah ku dilay deegaanka Labi-Gooleey

Ciidamada Qaranka ayaa maanta fuliyay hawlgal ka dhacay deegaanka Labi-Gooleey, oo qiyaastii 13 KM waqooyi galbeed ka xiga deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Khawaarijta oo isku dayaysay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan ayaa la weeraray, waxaana howlgalka Labi-Gooleey looga dilay in ka badan 20 dhagarqabe oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Xaaladda deegaanka Wargaadhi oo saakay cashir loogu dhigay Khawaarijta ayaa hadda deggan, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah ee duulaanka ku soo qaaday umadda Soomaaliyeed.

In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay hawlgalladii is dabajoogga ahaa ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya xaq u dirirka deegaanka ay maanta ka fuliyeen deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Golaha Wasiiradda oo bogaadiyey guullaha ciidamada qalabka Sida

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka, iyo sidoo kale hawsha iyo dadaalka ay waddaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Dhinaca kale Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Wasiirka Amniga XFS oo bogaadiyey guusha Ciidanka Xoogga ka gaareen furimaha Dagaalka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa bogaadiyey sida geesinimada leh Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay jilibka ugu dhigeen Khawaarijta, una laayeen aagga deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan ku bogaadinayaa Ciidankeenna geesiyaasha ah ee dalkooda iyo dadkooda naftooda u haraya, sida geesinimada leh ee ay ugu jilib dhigeen weerarkii fulaynida ahaa ee Khawaarijtu ay ku soo qaadday saakay deegaanka Wargaadhi, halkaas oo lagu gaarsiiyey jab-xooggan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

Mudane Fartaag, ayaa sheegay in kooxaha Khawaarijta ah ay mar walba u taaggan yihiin burburinta iyo daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed, cidda kaliya ee ka hortaaggana ay tahay geesiyaasha Qaranka ee dagaalka kula jira, waxa uuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in wadajir loogu istaago difaaca dalka, maaddaama Khawaarijtu aysan cafineyn qof walba oo wax gal ah.

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa in ka badan 40 Khawaarij ah ku dilay Shabeellaha dhexe

In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka ayaa yimid kadib markii Khawaarijta ay isku dayeen weerar naf la caari ah oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi.

Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka oo heegan buuxa ku jiray ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay cadowga khasaare xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhinaca kale, Ciidanka Qalabka Sida ayaa fuliyay hawlgal ka dhacay deegaanka Labi Gooleey, oo qiyaastii 13 km u jirta Wargaadhi dhanka Waqooyi Galbeed.

Khawaarijta ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

Xaaladda deegaanka Wargaadhi hadda waa deggan tahay, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay u mahadcelinaysaa ciidamada geesiyaasha ah ee sida naf-hurnimada leh ugu taagan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Dowladda waxay si buuxda ula wadaagi doontaa shacabka Soomaaliyeed wararka iyo faahfaahinta dheeriga ah ee ku saabsan hawlgalkan.

Dhammaad