Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shir-madaxeedka dalalka Ciidamada AUSSOM

Entebbe”-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shir-madaxeedka dalalka qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo saaxiibbada caalamiga ah, kaas oo lagu qabtay Madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe.

Madaxweynaha ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu ku muujiyey guulaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago dagaalkaas, lagana taageero dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay madax ka kala socotay dalalka; Kenya, Jabuuti, Masar, Itoobiya, iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Dowladda Mareykanka.

Madaxda shirku waxay isla qaateen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

• In shirku bogaadiyay guulaha ay xaqiijisay DFS oo ay ka mid yihiin; ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), xubinnimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, qaadista cunaqabtaynta hubka, dib u habaynta dhaqaalaha iyo billaabista diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada tooska ah.

• In la dardargeliyo taageerada tababarka, qalabaynta, iyo tayeynta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

• In la xoojiyo taageerada dhinaca diyaaradaha, sirdoonka, iyo garab-istaagga cirka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

• In la dhiirrigeliyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, si loo sugo xasilloonida dhulka la xoreeyey.

• In la dhaqan geliyo istaraatiijiyadda dhaqaale-ururin ee howlgalka AUSSOM iyo taageerada la siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka qeybta ka ah howlgalka AUSSOM dadaalkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka dhismaha ciidanka qaranka iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka.

              

Wasiirka Amniga iyo taliyaha Booliiska oo qaabilay Wasiirka arrimaha guddaha Ciraaq

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xarunta Tababarka Ciidanka ee Generaal Kaahiye ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Cabdul Amiir Al-Shammari oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Cutubyo katirsan Ciidanka Boliiska ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday salaan sharaf siiyey, waxaana munaasibad lagu qabtay gudaha xarunta lagu soo bandhigay Taariikhda xiriirka soo jireenka ee labada dal, iyadoona la gudoonsiiyey Wefdiga Ciraaq Hadiyado kala duwan oo isugu jira Bilad sharaf iyo alaabaha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Imaanshaha Dalka ee Wegdiga uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Ciraaq ayaa xoojinaya xiriirka labada dal waxaana si gaar ah kor loogu qaadayaa wada shaqeynta dhinacyada Amniga , socdaalka, waxbarashada iyo tababar siinta laamaha ammaanka ee Dalka.

         

Ciidanka xoogga oo dilay 21 khawaarij ah

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Baladul-Amiin ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Howlgalkan ayaa lagu khaarajiyay 21 ka tirsan khawaarijta Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii khawaarijta ee deegaanka Baladul-Amiin, iyadoo uu howgalku uu ku soo dhamaaday sidi loo qorsheeyey.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 XFS 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐢𝐫weynaha 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 kaga hadlay dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudnae Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Washington DC ayaa ka qeyb galay shirka heerka sare ee Bangiga Adduunka, kaas oo qeyb ka ah shirarka xilliga Gu’ga ee Washington ka soconaya.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika ayaa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu jeediyay khudbad uu nuxurkeeda uga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada Xukumadda ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta fursadaha muhiim ah ah ee shaqo abuur u noqon kara bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale hadal-jeedintiisii waxa uu diiradda ku saarey sidii looga gudbilahaa xaalada u jilicsanaanta xiliyada adag, isagoo tilmaamay in Dowladdu dajisay qorsheyaal muhiim u ah u adkeysiga aafooyinka dhaca xiliyada qaar.

Soomaaliya waxa ay haatan mareysaa dhabbaha soo kabashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kampala kaga qeybgelaya Shir-Madaxeed looga hadlayo Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Mudane Cabdul Amiir Al Shammari, kana guddoomay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Ciraaq.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, isagoo kala hadley iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

4-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

5-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo bogaadiyay guulaha Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ay ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro argagixisada Khawaarijta ah.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al Shammari oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka, isagoo sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududda shaqaalaha Soomaaliyeed.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  ayaa dhambaal tahniyad ah u diray dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Serbia Mudane Đuro Macut, iyo Golihiisa Wasiirada ee cusub.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa guddoomiyay shirar muhiim ah  uu la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-Socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

11- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo  la wareegay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika  oo ay ku mideysan yihiin dalalka  Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

12- Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyayaasha degaanka oo   jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta oo weerar ku soo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay in ka badan 40 dhagarqabayaal oo argagixiso ah.

13- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha   Maxamuud Cabdiraxmaan  Sheekh Faarax oo  kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Denmark ee Soomaaliya, Mudane Steen Sonne Andersen.

14- Wasiirka  Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga  Axmed Xasan Aadan ayaa  shir la yeeshay Xarunta La Socodka iyo Ilaalinta Kalluumeysiga (FMC) ee wasaaradda, halkaas oo looga warbixiyay xaaladda maraakiibta ku sugan badda, gaar ahaan kuwa sharci u heysta iyo kuwa aan sharciga ku joogin

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh  oo kulan la yeeshay Ku-Simaha Safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya Carsten Carlsen, iyagoo ka wadahadley arrimaha dib u heshiisiinta, dimuqraadiyadeynta, doorashooyinka, geeddi socodka nabad dhiska iyo xasilinta.

16- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantey tallaabo uu Maamulka Puntland ku sameysanayo warqado aqoonsi, taas oo baal marsan aqoonsiga qaranka ee dastuurka uu jideeyay.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi  ayaa mar kale ku celiyay in dowladda iyo shacabka  Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro Khawaarijta.

18- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka  Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)  ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinka Shirkadda  Bariiska ee Danwadaag si loogu wareejiyo dhaqaale loogu talagalay in lagu  soo iibiyo  mashiinnada casriga ah ee bariiska.

19- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Dr. Cali Xaaji Aden  ayaa dhagax-dhigey dhismaha qeybta xaaladaha deg-degga ah  ee Isbitaalka Forlanini/Lasareti ee magaalada Muqdisho.

20- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  si rasmi ah u daah-furey Tallaalada Oofwareenka iyo Shubanka oo loogu talagaley carruurta Soomaaliyeed.

21- Wasiirka  Arrimaha Gudaha   Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP) iyo Kooxda Isku-dhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka (IESG)

22- Wasiirka Maaliyadda  Biixi Iimaan Cige  oo Magaaladda Washington ugu qeyb-galay  shirka xiliga Gu’ga ee  IMF iyo Bangiga Adduunka.

23- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha  Maxamed Cabduqaadir Cali  ayaa  Xafiiskiisa  ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa deeq dawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana uu sidoo kale booqday dhaawacyada qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa difaaca degaanada ee lagu daweynayo Isbitaalkaasi.

25- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa  qabatay kulan muhiim ah oo ay iskugu yimaadeen dhammaan howlwadeennada wasaaradda, kulankaas oo loogu talagalay in lagu muujiyo taageero buuxda oo loo fidinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha Dagaalka.

26- Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa Muqdisho ku qabatay Ololaha wacayigelinta wajiga labaad ee Toddobaadka Ka-Hortagga Adeegsiga Bacaha iyo ilaalinta bad-qabka   deegaanka.

27- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha   Maxamuud Axmed Aaden  ayaa ka qeybgalay shirka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Suuqa Xorta ah ee Afrika  oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

28- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mongolia oo fadhigeedu yahay Shiinaha Marwo Hodan Cusman  Cabdi   ayaa warqadaha aqoonsiga si rasmi ah ugu gudbisay Madaxweynaha Mongolia, Mudane Khürelsükh Ukhnaa.

29- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallim Cabddulle  ayaa magaaladda   Gaalkacyo ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya.

30- Safiirka Soomaaliya u fadhiya  Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa kulan la yeelatey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

31- Qaar ka mid ah naafada gobolka Banaadir ayaa la guddoonsiiyay gaadiidka naafada si ay u gaaraan goobaha diiwaan gelinta kaarka doorashada

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Ciraaq

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Ciraaq Mudane Cabdi Amiir Kaamil Al-shamari oo booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha ku aaddan la dagallaanka argagaxisada, xasillinta, dib u heshiisiinta, dimoqoraadiyadeynta , maamul daadajinta iyo guud ahaan iskaashiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Kulankan oo uu ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa; Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Amiir, Guddoomiyaha Hay’adda SODMA mudane Maxamuud Macallin.Iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Ciraaq Ridwaan Xersi Maxmed.

Safiirka Soomaaliya ee Mongolia oo la kulantay Wasiirro ka tirsan xukuumadda dalkaasi

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia (ee aan degganaasho ku lahayn), Drs. Hodan Osman Abdi, ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Ulaanbaatar kula qaadatay  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Mongolia, Marwo Battsetseg Batmunkh iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Purevsurengiin Naranbayar.

Kulammadaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mongolia, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka waxbarashada, ganacsiga, iyo isdhaafsiga aqoonta iyo khibradda.

Dhinaca ganacsiga, labada dhinac waxay isku raaceen in ay jiraan fursado rajo leh oo lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan dhinacyada dhoofinta wax-soo-saarka Soomaaliya sida waxyaabaha beeraha, kalluumeysiga, iyo badeecooyinka kale. Mongolia oo leh dhaqaale kobcaya ayaa muujisay xiise ay u qabto horumarinta xiriir ganacsi oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato Soomaaliya.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi ayaa sheegtay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Dowladda Mongolia si loo dhiso xiriir waara oo ku saleysan iskaashi dhab ah, wax-wada-qabsi iyo dan wadaag dhab ah.

Dowladda Mongolia ayaa heer sare ka gaartay dhanka waxbarasho, iyadoo latimid 95% heerka aqris-qorista (literacy rate), waxana ay dhawaan heshay abaal-marin caalami ah oo lagu maamuusay tayada iyo hufnaanta barnaamijkeeda waxbarasho ee onlaynka ah, kaas oo suurtageliyay in dadka ku nool deegaannada fog-fog ay helaan fursado waxbarasho oo tayo leh.

2-kun oo naftooda ku waayey dagaalka Gaza,ka dib bishii March

In ka badan 60 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay Qaza tan iyo aroornimadii shalay, waxaana weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarrada ay Israa’iil ku qaadday dhulka Falastiin.

Difaaca madaniga ah ee Falastiiniyiinta iyo dhakhaatiirta ayaa sheegay in 12 qof oo isku qoys ah oo ku nool waqooyiga Gaza ee Jabalia ay ka mid ahaayeen kuwa lagu dilay weerarrada Israel.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku warrantay in 1,978 qof ay hadda dhinteen 5,207 kalena ay dhaawacmeen tan iyo markii Israa’iil ay jebisay xabbad joojintii ay la gashay Xamaas March 18, 2025.

Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa xaqiijiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, iyagoo oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostooda loo malaynayo inay dhinteen.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhaweeyay Dalka Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda,halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn diiran.

Madaxweynaha ayaa dalkaasi  uga qaybgali doono shirka dalalka qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo maanta ka furmi doona Magaalada caasimadda ah ee Kambaala.

Madaxwaynaha ayaa inta uu socdo shirka waxa uu soo bandhigi doonaa guulaha Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka gaareen hawlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,waxa uu sidoo kale madaxda dhiggiisa ah kala hadli doonaa dardargalinta iskaashiga wadajirka ah ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

 

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗔𝗿𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗲𝗲 𝗖𝗶𝗿𝗮𝗮𝗾

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al-Shammari, oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa, isagoo ku bogaadiyey booqashada uu ku yimid dalka, waxa uuna xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ballan qaaday in la dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal, si gaar ah dhinacyada amniga, socdaalka, waxbarashada iyo tababarrada laamaha ammaanka.