Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Ciro), Taliyaha Dugsiga tababarka General Dhagabadan G/dhexe Muxudiin Asbaro iyo Saraakiil kale.

Tababarkan oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka faa’iideystay ku dhawaad 70 askari, kuwaas oo loo diyaariyay xirfado kala duwan oo la xiriira howlgallada ciidamada, difaaca qaranka, iyo ilaalinta nabadgelyada.

Saraakiisha sare ee tababarka soo xiray ayaa sheegay in askarta la tababaray ay yihiin kuwo si wanaagsan u diyaarsan, ayna ka qeyb qaadan doonaan howlaha kala duwan ee lagu xoojinayo amniga dalka, Waxa ay sidoo kale ammaan u jeediyeen dadaalka Midowga Yurub ee dhinaca taageerada iyo horumarinta Ciidanka Soomaaliyeed.

General Cabdullaahi Ciro ayaa bogaadiyay askarta tababarka dhamaysatay, wuxuuna ugu baaqay in ay aqoonta ay barteen ku dabaqaan shaqadooda si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

 

    

Safiir Ilyaas” Dalalka EAC waa in ay qaadaan xayiraadaha fiisaha iyo caqabadaha safarka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed,”

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Soomaaliya ee Tanzania ayaa shirka kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin horumarka ka jira dalka iyo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay fuliso heshiisyada ay lagashay dalalka ku mideysan Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed caqabado ka haystaan dhanka isku socodka wadamada xubnaha ka ah EAC, taasna ay dooneyso Dowladda Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan meesha uga baxdo maadaama dadka Soomaaliyeed ganacsiyo badan ku leeyihiin dhammaan dalalka ku bahoobay Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Safiir Ilyaas ayaa yiri “Dhamaan dalalka EAC waa inay qaadaan xayiraadaha fiisaha iyo caqabadaha safarka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo sinnaanta iyo midnimada gobolka”.

 

         

Dowladda Federaalka oo lagu bogaadiyay baarista iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed

Xoghayaha Guud ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Marwo Veronica Mueni Nduva, ayaa si weyn u bogaadisay doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA, gaar ahaan dadaallada uu muujiyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), intii ay socotay Baarista Maaliyadeed ee Hay’adaha Dowladda ee BBA.

Bogaadinta ayaa timid kadib markii Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, uu si rasmi ah uga qaybgalay Kulanka 47-aad ee Golaha Wasiirrada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo 25kii April 2025 lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Intii lagu guda jiray kulanka, Guddiga Hantidhowrka ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa soo bandhigay warbixinta baarista maaliyadeed ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ee sanadkii dhammaaday 30-ka Juun 2024, iyada oo si gaar ah loo ammaanay kaalinta iyo taageerada uu bixiyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa xoojiyay dadaallada lagu horumarinayo wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha iyo ururrada – heer caalami iyo heer gobol, si loo kordhiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee gobolka, loona adkeeyo kaalinta Soomaaliya ee dunida.

   

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Ruushka

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ku soo dhoweeyay maanta oo Sabti ah Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, dhiggiisa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Ruushka ahna Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika, Mudane Mikhail Bogdanov.

Labada dal ayaa waxa ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, waxa ayna doonayaan inay ballaariyaan iskaashiga si loo horumariyo dano wadaagga labada dowladood iyo labada shacab.

       

Tababbarka Guddi-hoosaadyada Dowladda ee Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Tababbarka Guddihoosaadyada, kuwaas oo qeyb ka noqonayo hirgelinta siyaasadda “maanta waa maalin aad muhiim ugu ah dib u habaynta shaqaalaha, tababbarka ka dib waxa idin fuulayo masuuliyad weyn, waxa la idinkaga baahan yahay in aad si dhab ah uga qeyb qaadataan howlaha socda”

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo kalimad ka jeediyey furitaanka ayaa xusay “in dib u habaynta shaqaalaha ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo hadda qorshuhu yahay in laga guuro qaabka ay u nidaamsan yihiin darajooyinka jira loona guuro darajooyin waafaqsan halbeegyada caalamiga ah. Guddiyada maanta uu u billaabanayo tababbarka waxa ay laf dhabar u yihiin fulinta howshan, sidaas darteed, cid kasta waxa lagula xisaabtami doonaa masuuliyaddeeda”.

Tababbarkan oo ay bixinayaa Xubnaha Guddiga Farsamada ee hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka ayaa diiradda lagu saari doonaa, sidii xubnaha guddi-hoosaadyada waxa uga baran lahaayeen; siyaasaddda, xeerka kala xadeynta xukuumadda, kala saaridda & qiimeynta shaqooyinka, iswaafajiynta mushaarka, shaqada & darajada u qalanta, qiimeeynta waxqabad ku salaysan natiijo, in la abuuro hannaan si xaqsoor ah isugu jaangoynaya xuquuqda, shaqada, & howlqabadka shaqaalaha iyo mowduucya kale oo quseeya arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka oo ay ka mid tahay dib u eegista iyo sameynta qaabdhismeeyada.

Tababbarkaan ayaa ah bar-bilow wanaagsan iyo tilaabo horay loo qaaday, iyadoo isbuuccii hore uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre uu daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda isgaoo amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqangeliyo siyaasadaan muhiimka u ah horumarinta iyo xoojinta adeegyada Dowladda.

Muddada uu socdo tababbarkan waxa ka faa’iideysanaya Guddihoosaadyo laga dhisay dhammaan Wasaarada iyo Hay’adaha dowladda, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Agaasimeyaasha Guud.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan qof iyo cod.

Degmooyinka cusub ee maanta ay guddiga ka hawlgaleen ayaa waxaa ka mid ah Kaaraan, Hodan, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, kuwaas oo si weyn loogu soo baxay goobaha diiwaangelinta dadweynaha si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa.

Horay waxaa diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waayeellada iyo dadka xiisaha badan u haya in ay gutaan xuquuqdooda muwaadinnimo, kuna ciil baxaan codkooda ayaa si weyn uga soo muuqday goobaha ay ka socoto shaqada diiwaangelinta dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

           

Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahinta

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb gelayaan ilaa 25 weriyayaal ah oo ka kala socda Warbaahinta Gaarka loo leeyahay iyo Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Aqoon Isweydaarsiga furay ayaa sheegay in ahmiyaddu tahay kor u qaadista doorka Warbaahinta ee tabinta Doorashooyinka, iyada marwalba Saxaafadda Tabintooda ku dhisaysa dhismaha kalsoonida dadweynaha, sugnaan, daah furnaan iyo u sinnaanta dhinacyada doorashada.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa kula dardaarmay Wariyayaasha ka qeyb galaya tababarkan iyo guud ahaan Warbaahinta in ay saaran tahay mas’uuliyad oo la xiriirta jiheynta dadweynaha iyo ilaalinta dhismaha nabadda marwalba gaar ahaan xilligani oo lagu jiro marxalad dowladdu gacanna kula dagaalamayso khawaarijta, gacanna ku gudanaysa waajibka ka saaran in dadweynaha doortaan cidda maamulaysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sharxay ujeedada Tababarkan oo Wasaaradda Warfaafinta uu ka taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in diiradda la saarayo xoojinta Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka.

Tababarkan ayaa soconayaa laba maalmood waxaa uu diiradda saarayaa xoojinta fahamka Warbaahinta ee kaalintooda baahinta Doorashooyinka waxaana bixinaya khubarro ku xeeldheer Saxaafadda.

     

SAWIRRO: Degmooyinka Kaaraan iyo Hodan oo ay ka socota diiwaangelinta codbixiyaasha

Degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Kaaraan iyo Hodan ayaa saakay looga dareeray diiwaangelinta cod bixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka, iyadoo boqolaal dadweyne ay safaf u galeen is-diiwaangelinta.

Dadka saakay safafka dhaa-dheer ku jira ee isdiiwaan-geliyay ayaa waxaa kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si ay marka la gaaro doorashada qof iyo codka codkooda ugu ciil baxaan unq doortaan madaxdii ku hoggaamin lahayd mustaqbal wanaagsan.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ilaa hadda dadkooda fursad u heleen diiwaangelinta codbixiyaasha ayaa kala ah Kaaraan iyo Hodan, Shangaani, Shibis, Cabdicasiis, Boondheere, Xamarwayne, Xamar-Jajab, iyo Waabari waxaana lagu wadaa in dhawaan la soo afjaro diiwaangelinta codbixiyaasha si bisha June dadka Muqdisho ay ugu dareeraan doorashooyinka Golaha deegaanka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo washington kulamo muhiim ah kula qaatay madaxda iyo ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya dhaqaalaha

Xili ay gabagabo ku dhaw yihiin shirarka xiliga Gu’ga ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee ka soconaya Magaalada Washington DC ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxdii matalayay Dowladahooda iyo kuwa ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha.

Norway:

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federal ka Soomaaliya iyo masuuliyiintii la socotay ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalmiga ah ee Dowladda Norway Mr. Åsmund Aukrust. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowladda sida horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kobcinta wax soo saarka Dalka iyo ka wada shaqeynta dhisidda hannaanka ka gudbidda aafooyinka dabiiciga ah. Intii uu socday kulanka labada Dowladood, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay Norway doorka muuqdo ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya iyo ka garabsiinta Dowladda barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka NTP.

UK:

Kulankan Dowladda UK oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa looga wada hadlay hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha, horumarinta hey’adaha maamulka iyo meelmarinta qorsheyaasha u dagsan kobcinta dhaqaalaha si ay fursado u helaan bulshada Soomaaliyeed. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen masuuliyiinta sare ee Xafiiska Horumarinta Dibadda ee Dowaldda UK ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay natiijo aad u wanaagsan oo ku saleysan xiriirka dhaw ee Soomaaliya iyo UK.

Denmark:

Kulanka lala yeeshay Dowladda Denmark oo ay ka socdeen madaxda sare ee Xafiiska Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha miro-dhalka ah ee horumarinta Maaliyadda, sare u qaadidda hannaanka dhaqaalaha dalka iyo maalgalinta ilaha wax soo saarka dalka ku waas oo ah fursado ay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Germany:

Marwo. Birgid Pickel oo ahaa Agaasimaha Guud ee Afrika Wasaaradda Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Germany iyo qaar kale oo kamid ah wafdiga Germany ayaa kulan gaar ah waxa ay la yeesheen Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka oo ah hannaan ay Dowladdu waqti gaar ah galisay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Dowladda Germany uga mahadceliyay xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo taageeradooda.

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo saaka ka bilaabantay lix degmo ka tirsan gobolka Banaadir

Degmooyinka Hodan,hawlwadaag,Kaaraan,Yaaqshiid,Warta Nabada,Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay ka bilaabay is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa bisha June.

Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan degmooyinkan ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen,una heli lahaayeen xuquuqdooda codbixin.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka ay is diiwaangalinta ka socoto ayaa soo dhaweeyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Qaybo kamid ah shacabka degmooyin ay ka socoto diiwaangalinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaa oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Diiwaangelinta codbixiyaha ayaa hore uga socotay toddoba degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir waxayna hadda noqonaysaa in diiwaangelintu si rasmi ah uga socoto 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.