Wafdi ka socoda Wasaaradda Ganacsiga oo 𝐤𝐚 q𝐞𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 𝐞𝐞 𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamud Abdullahi Ahmed (Abukaate), ayaa maanta ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Wadamada carabta, oo si rasmi ah ah uga furmay magaalada Haikou oo ah caasimada gobolka Hainan ee Jamhuuriyada Shiinaha.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale midka maalgashi iyo hormarka warshadaha ee labada dhinac, sido kale shirkan ayaa waxa kaso qeyb-galay madax sare oo ka kala socota dalalka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo ka wada hadlayay fursadaha cusub ee iskaashi iyo hormarinta xariirka labada geesoodka ah.

 

   

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

Washington;-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Bangiga Adduunka astaan dhaqameed Soomaaliyeed — Haan, Intii lagu jiray gabagabada shirka sannadlaha ah ee hay’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka,

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda ee astaan ka turjumaysa dhaqanka Soomaaliyeed la suro xarunta Bangiga Adduunka.

Haanta ayaa ah astaan ka tarjumaysa adkeysi, iskaashi iyo horumar.

 

 

Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta Doorashooyinka

Aqoon isweydaarsigani oo ay ka faa’iidaysteen ilaa 25 suxufiyiin ah oo ka socday Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Warbaahinta Qaranka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaalinta Warbaahinta ee baahinta Wararka iyo Barnaamijyada la xiriira doorashooyinka dalka.

Tababarka oo socday muddo laba maalmood ah waxaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa ay qabashadiisa la kaashatay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) si kor loogu qaado kaalinta Warbaahinta ee Doorashooyinka.
Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Marwo Fartuun Axmed Xasan ayaa ku dhiiragalisay suxufiyiinta ka faa’iidaystay tababarka sare u qaadista daah furnaanta doorashada iyo jiheynta dadweynaha.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo soo xiray tababarka ayaa ka qeyb galayaasha ku adkeeyay xoojinta Mas’uuliyadda iyo mabaadi’ida Warbaahinta ee dhismaha kalsoonida dadweynaha iyo isku dheelitirka wararka iyo macluumaadka la xiriira doorashooyinka.

Suxufiyiinta ka faa’iidaystay tababarka ayaa gabagabadiisa waxaa la guddoonsiiayy shahaadoyinka iyaga oo ugu mahad celiyay Wasaaradda Warfaafinta hirgalinta aqoon isweydaarsigani oo muhiim u ah helidda Warbaahin iyo suxufiyiin u diyaarsan tabinta Doorashooyinka si ay ku jirto mas’uuliyad.

    

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya?

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya, Mr. Lionel Lourense.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda la saaray sidii wax looga qaban lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, magaalooyinka, iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada.

Ugu horreyn, Agaasimaha Hubinta Tayada Dhismaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Cabdikariin Xasan Daahir, ayaa soo dhoweeyey madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Madaxa hay’adda UNDP, Mr. Lionel Lourense, ayaa sheegay in UNDP iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka dhaxayso wada shaqayn dhow, loona baahan yahay in la dardar geliyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida waddooyinka, buundooyinka iyo magaalooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta DFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo soo xiray kulanka, ayaa bogaadiyey soo jeedimaha iyo aragtiyaha laga soo bandhigay. Waxa uu sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud ka go’an tahay in ay ka shaqeyso horumarinta iyo hirgelinta qorshayaashaas muhiimka ah.

     

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku bartilmaameedsaday Khawaarij firxad ahaa

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray howlgal qorsheysan oo ay maanta ka fuliyeen dhulka buuraha ah ee Yasooman iyo Aboorey ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Khawaarijta oo maalmahan si dhuumaaleysi ah halkaas ku joogay, iyagoo isku dayayay inay dib isu abaabulaan.

Ciidanka oo ka war helay xogta dhaqdhaqaaqa kooxda ayaa ugu dambeyn khawaarijta halkaas ka saaray sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas.

DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha XFS oo isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.
Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo akhriyay liiska xubnaha la magacaabay ayaa sheegay isku shaandheyntani ay saameyneyso xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda, wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wasaaradda Gaashaandhiga.
Ra’iisal wasaaraha markii uu arkay qodobada 97-aad, 98-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda DanQaran, markii uu Ra’iisal wasaaruhu tixgeliyay talada madaxweynaha JFS,islamarkaana garowsaday baahida loo qabo magacaabidda xubnahan golaha wasiirada, waxaa Ra’iisal wasaare mudane Xamsa Cabdi Barre uu magacaabay xubnahan soo socda:-
1. Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
2. Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.
3. Mudane Amb: Axmed Macallin Fiqi Axmed, waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Gaashaadhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐗𝐢𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮’𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅 𝐢𝐲𝐨 𝐁ankiga 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐛𝐚-𝐆𝐚𝐛𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲.

Washington;-Waxaa magaalada Washington DC si guul ah ugu soo gabagaboobay shirkii sadanlaha ahaa ee xiliga (Gu’ga) ee IMF iyo Bangiga Adduunka, shirkaas oo uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayay oo Dowladda Soomaaliya ku matalayay shirkaas.

Joogiyaankii Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee Washington waxaa u suuro gashay in ay ka qeyb galaan dhammaan fadhiyadii loo dhamaa ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Sidoo kale waxaa si guul ah ku soo dhamaaday Wada-hadalo ku dhawaad 6 Dowladood oo muhiim u ahaa hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa Washington waxaa uu si rasmi ah ula soo wareegay xilka Guddoonka Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika oo Soomaaliya ay hoggaamin doonto 2-da sano ee soo socota.

Magaca Dowladda Soomaaliya, waxa uu mudnaan gaar ah ku leeyahay marka la joogo shirarka IMF iyo Bangiga Adduunka, iyadoo hay’adaha ka shaqeeyo dhaqaalaha Adduunka ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsan yihiin dal ku dayasho mudan marko loo eego waddadii laga soo maray hannaankii deyn cafinta iyo habka dib-u-habeynta Maaliyadda oo horumar balaaran laga sameeyay 3-dii Sano ee la soo dhaafay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo deeqa dawo ah gaarsiiyay isbitaalka Xoogga Dalka

Wasiirro iyo xilidhaano katirsan BJFS ayaa maanta deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka xoogga Dalka oo ay ku jiraan dhaawacayad ciidanka Qaranka ee ku soo dhaawacay furumaha dagaalka.

Masuuliyiinta ayaa deqda dawada ah ku wareejiyay maamulka isbitaalka,taa oo ka kooban 10-nooc oo dawo ah,si loogu baxnaaniyo geesiyada ciidanka xoogga ee kusoo dhaawacmay dagaalka dalka looga xoreynayo khwaarijta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS  Maxamed Cabdi Xayer Mareeye,ayaa sheegay in ay marwalba ay garab taaganyihiin ciidanka Qarnka iyo kuwa degaan,waxa una intaa ku daray in muhiim tahay in dhammaan dowlad iyo shacab ay ka qeyb qaataan garab istaaga ciidanka xoogga dalka.

Wasiir Mareeye “Annagoo ah xildhibaannada urur siyaasadeedka cagaaran waxaan Isbitaalka Xoogga ku wareejinay 10 nooc oo dawo ah.”

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Dahabo Suusow oo kkamid ah xilidhibanad BFS ayaa ttirim “Haweenka Soomaaliyeed waa in ay muujiyaan taageeradooda geesiyaasha furimaha noogu jira ee Khawaarijta naga difaacaya.”

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee IIsbitaalka Ciidanka Xoogga Sadaam C/llaahi Cismaan,ayaa mas’uuliyiinta uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira khawaarijta.

“Wasiirrada iyo xildhibaannada waan uga mahadcelinayaa sida ay noogu garab istaageen daawadaan.”Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Xoogga

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay hogaamintiisa Golaha Shacabka iyo sida ay uga shaqeynayaan shuruucda furaha u ah horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa amaanay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya uga duwantahay dalalka kale islamarkaana xiriirka ka dhaxeeya uu yahay mid mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan oo hada meel wanaagsan maraya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya baarlamaanadda labada wadan oo meel wanaagsan maraya muhiimna ay tahay in la xoojiyo lana dardargeliyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa isla gartay in labada baarlamaan ay dhex marto wada shaqeyn joogta iyo is dhaafsi dhinaca qibrada ah iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta iyo tayada howlwadeenadda Golaha Shacabka.

  

Degmada Hodan oo maalintii labaad ay ka socoto diiwaan-galinta Codbixiyaasha

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan qof iyo cod.

Degmooyinka Hodan,Kaaraan, ,Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, ayay maalintii labaad kasocotaa diiwaangalinta codbixiyaasha
si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda

Horay waxaa diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda

Muwaaddin is-diiwaan-gali oo iska diiwaan-gali degmadaada si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee dastuuriga ah.