Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Addis Ababa uga qaybgalay Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika oo si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.

Shirweynahani, oo socon doona saddex maalmood (28–30 Abriil 2025), ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirrada iyo mas’uuliyiinta ee wasaaradaha shaqada iyo horumarinta xirfadaha ee dalalka Afrika. Waxa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa xirfadaha hal-abuurnimada iyo ganacsiga, taasoo qayb muhiim ah ka ah hirgelinta himilooyinka horumarineed ee sanadkan.

Maalmaha soo socda, Wasiir Yuusuf waxa uu kulamo la yeelan doonaa Wasiirada wasaaradaha shaqada ee dalalka Afrikada, isagoo sidoo kale ka qaybgalaya dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay: Kartiyo iyo Xirfado Cusub si loo Horumariyo Hal-abuureyaasha iyo Ganacsatada Afrika.

Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo)

Waxaan ahay Aabbe Soomaaliyeed, da’dayduna waa afartan iyo wax ka badan. Waligay ma codayn, anna la iima codayn. Sidoo kale, Aabbahay iyo Hooyaday midkoodna ma codayn loomana codayn. Marka la eego dunida casriga ah, waa arrin adag in la rumaysto , sababtoo ah inta badan jiilka ila faca ah ilama qabaan xaaladaan.

Tani waa qayb yar oo ka mid ah xaqii muwaadinnimo aan ku waayay dawlad-la’aantii ku dhacday dalkayga,

Maanta, markii ugu horreysay, waxaan isku diiwaangeliyay in aan noqdo cod bixiye, Waxa ugu horreeya ee aan dooran doono waa maamulayaasha Degmadeeyda insha Allah.

Aniga muhiimad iima lahan cidda guuleysaneysa ama ajande qof wato oo mid kale diidanyahay. Waxaase farxad weyn ii ah in aan dib u helay qayb yar oo ka mid ah xuquuqdayda muwaadinnimo oo iga maqnayd.

Tani waxay fure u tahay xuquuqo kale oo wali ka maqan muwaadiniinta aan ka midka ahay. Waxaan rajaynayaa in noloshu i siin doonto fursad aan ku helo xuquuqdaas maqan.

Waan hubaa kuma bilaabanayso sidii ugu fiicnayd balse waxaan kale oo aan hubaa in ay maalin aan dheerayn gaaridoonto sida ugu fiican Insha allaah, ( Safar Kun Mayl ah wuxuu ku bilawdaa hal talaabo).

Waxaan rajo weyn ka qabaa in aniga iyo ubadkayguba aan heli doonno fursad aan kaga qayb qaadanno maalintaas iftiinka leh, insha Allah.

Intaaan oo arrimood ayaa niyaddayda ku dhiirrigeliyay in aan is-diiwaangeliyo, anigoo ay iga hor muuqato humaag qurux badan oo ku gadaaman mustaqbalka na sugaya.

Is-diiwaangelintaydu waxay dad badan ula muuqan kartaa wax yar, balse kuma imaan si sahlan. Waa natiijada safar aad u dheer oo loosoo galay dib-u-soo-celinta dawladnimadii naga duntay.

Soo gaarsiinta heerkan fadligeeda waxaa leh dhammaan intii qayb ka qaadatay halgankaas, mudnaanta ugu weynna waxaan siinayaa madaxda Qaranka ee maanta haysa talada, kuwaas oo soo jiiray jidgooyooyin badan oo loo dhigay si aanay u suurtagalin is-diiwaangelinta ka socota Muqdisho maanta.

Fariinta aan u dirayo muwaadiniinta Soomaaliyeed:

Mudane/Marwo, is-diiwaangelintu waa bar bilowga xaqa codbixinta. Waxay kaa saareysaa in aad marti ka noqoto mustaqbalkaaga. Waxay ubadkaaga u furaysaa nolol ka wanaagsan tan aad adigu haysato. Waxay talada gacanta u gelinaysaa kuwa inoogu wanaagsan.

Marka, waqti haku lumin siyaasadda saacadlaha ah ee marba dhinac isu bedelaysa — hore u soco oo qaado doorkaaga muwaadinimo.

Ogow:

Ninka maanta diidan oo berri difaacaya waad arkaysaa, sidoo kale kuwa maanta difaacaya oo berri diidaya waad arkaysaa. Labadooduba eed ma leh, waana dabeecadda nolosha siyaasadda.

Haddaba muwaadin, adigu taada raac,

Is-diiwaangeli, kadibna codkaaga si xor ah ugu diid cidda aadan rabin, kuna dooro cidda aad aaminsan tahay.

W/Q:- Wasiir ku-xigeenka easaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa galabtay Safiirka Safaaradda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Fei Shengchao kulan kula qaatay xarunta Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada dhalinyarada iyo isboortiga ee labada dal.

Wasiir Maxamed ayaa si qoto dheer u muujiyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo dadaalada lagu hormarinayo hawlaha la xiriira dhalinyarada iyo cayaaraha. Wasiirka ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay laga garab taagan tahay Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ayaa dul isaatagay in Shiinuhu xoojin doono iskaashiga Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhalinyarada iyo cayaaraha.

Madaxweynaha Aljeeriya oo aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya

Algiers; Madaxweynaha Aljeeriya Cabdulmajiid ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego), oo ah Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Aljeeriya.

Munaasabadda looga gudoomayay waraaqaha safiirnimo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadda Qaranka ee Dibedda iyo Arrimaha Afrika Maxamed Ataf.

Wasiirka Dekadaha oo qaabilay danjiraha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Wafdi ka socda wasaaradda ganacsiga oo shir uga qaybgalaya Shiinaha

Haikou: Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, oo ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamud Abdullahi Ahmed (Abukaate), ayaa maanta ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Haikou, oo ah caasimadda gobolka Hainan ee Jamhuuriyadda Shiinaha.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, maalgashi, iyo horumarinta warshadaha ee labada dhinac. Sidoo kale, shirkan waxa ka soo qeyb-galay madax sare oo ka kala socday dalalka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo ka wada hadlayay fursadaha cusub ee iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada geesood.

  

Xuska maalinta caalamiga ah ee Tallaalka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashey Munaasabada xuska maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka oo maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Xuska maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka waxaa ka soo qeyb galay Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Madax qeybeedyo, xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Hay’adaha Caalamiga ah ee qeybta ka ah taageerada Caafimaadka Soomaaliya sida GAVI, UNICEF, Ururka Caafimaadka aduunka ee WHO, Save the Children, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda Tallaalka ee badbaadinta nolosha dadka, gaar ahaan carruurta, iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan karto adeegyada Tallaalka ee la heli karo, mas’uuliyiinta iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ayaa hoosta ka xariiqay in Tallaalku yahay furaha ka hortagga cudurrada halista ah, islamarkaana muhiim u yahay horumarinta Caafimaadka guud ee bulshada.

Waxa kale oo lagu boorriyey waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda si joogto ah u Tallaalaan, si loo ilaaliyo Caafimaadka jiilalka soo koraya, xuskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo wacyigelinta bulshada iyo kobcinta adeegyada Caafimaadka dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta adeegyada Caafimaadka gaar ahaan adeegga Tallaalka oo ah mid muhiim u ah bulshadeena taasoo carruurteena siinaysa awood Caafimaad iyo adkeysi nolaleed, waxayna Wasaaraddu markasta waalidiinta Soomaaliyeed ugu yeereysaa in ay qaataan tallooyinka Caafimaad ee ka imanaya qeybaha Caafimaadka.

      

GOLAHA WASIIRRADA HIR-SHABEELLE OO KA SHIRAY DAGAALKA KHAWAARIJTA

Jowhar:-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada kaas oo diirada lagu saaray arrimo dhowr ah.

Ugu horeyn waxaa hab-raaca dhaarinta la marsiiyey Wasiirada Wasaaraddaha cusub ee Howlaha Guud iyo Tamarta iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Kheyre ayaa Golaha uga warbixiyey howlgalka dabar-gooynta Khawaarijta waxana uu ka mahadceliyey kaalinta dadka deegaanka iyo ciidamada qalbka sida ee Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ku baacsanayo firxadka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka ayaa lagu gorfeeyay saameeynta Roobka oo si weyn uga curtay deegaanada Dowladda Hirshabeelle kaas oo goobaha qaar saameyn ku yeeshay isku-socodka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdi ayaa faahfaafin ka bixiyey sida ay u socdaan mashaariicda sannadkan ee 2025.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa amray Wasiirka Caafimaadka baahinta Adeega Caafimaad iyo dardargelinta shaqadda Damal Caafimaad.

“Ma aqbali doono dayacaad shaqo, dhismaha jidadka uu hirgelin waayey ayuu shaqaddiisa maalin ka hor ku waayey Wasiirka Howlaha Guud. Isla-xisaabtan adag ayaa keeno shaqo-hufan.”

Gunaanudkii Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku baaqay in markale loo midoobo dagaalka argagixisada.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Ashkir oo khudbad ka jeediyey kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka ee Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee la dagaalanka Argigixisada ayaa ugu horreyn bogaadiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka iyo beelaha Soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta.

Mudane Ashkir waxaa uu xusay in khawaarijta ay dhiigyacab yihiin, dagaalna kula jiraan diinta iyo dadka, isaga oo soo qaatay odeyaasha Dhaqanka ee ku shahiiday waddada halganka ee ladagaalanka Khawaarijta.

“Kaalinta Odeyaasha waa muhiim, Dhaqanka Dhiigooda u shubeen halganka, waxaana loo dilay dowlad-dhiska”.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir waxaa uu odeyaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay beel-beel u shiraan, oo aan loo kala harin wacyigelinta iyo olalaha ciribtirka Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Wasiir Ashir waxaa uu soo jeediyey in ay sidoo kale muhiim tahay Doorashada Qof iyo Codka ah iyo in umadda lagu dhiirigeliyo isdiiwaanhelinta iyo in ay go’aan ka gaaraan ciddii matali lahayd.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan ku saabsan la dagaallanka Khawaarijta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay kulan guud oo Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ah kaasi oo diiradda lagu saaray Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee ladagaalanka Argigixisa.

Kulankan oo cod dheer lagu diidanyahay Argigixisada iyo joogisteeda gudaha Soomaaliya, looguna abaabulayo beelaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiir Dowlaha mudane Saadaad Caliyow, Wasiir Kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.