๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐’๐š๐ซ๐š๐š๐ ๐ข๐ข๐ฅ ๐ฌ๐š๐ซ ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐ญ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Somalia Xildhibaan ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐…๐š๐ซ๐š๐ก ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaaradda ku qaabilay ๐„๐ ๐๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฌ oo ah taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Afrika ee dowladda Maraykanka (AFRICOM) iyo koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayay.

โ€˜Waxayna ka wada hadleen Masuuliyiintu, sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta guud ahaan ka dhaxaysa dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka waxayna si gaara Diirada kulanka ugu saareen arrimaha ku saabsan amniga Duulista hawada iyo Garoomada Diyaaradaha.

โ€˜Wasiir Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐…๐š๐ซ๐š๐ก ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ, ayaa bogaadiyey Doorka Maraykanka ee taaโ€™geerada hagar-laโ€™aneed Ee ay la garab taagan yihiin Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed taas oo ku timid Xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo goโ€™aan cusub ka soo saaray kursiga Hop 201

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la yeeshay Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) Marwo Louise Haxthausen.

Wasiirka ayaa Wakiilka UNESCO ee Bariga Afrika uga mahad celiyay wadashaqeynta hayโ€™adda iyo Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay mid qoto dheer oo waqti badan soo socday.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muhimad gaar ah siineyso iskaashi ay kala yeelato UNESCO dhanka casriyeynta keydka baaxadda weyn leh ee Radio Muqdisho oo muddo ka badan 70 sanno ah lagu uruuriyay agab waxtar u leh taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliya, loona baahan yahay in laga dhigo mid casri ah ama loo riyo adeegga digitalka ah.

Wasiirka iyo Wakiilka UNESCO ee Bariga ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta barnaamijyada dhaqanka ee sahlaya in shaqo abuur looga sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed , iyo in dhaqanku uu fure u noqdo kaabeyaasha loo adeegsan karo dib u heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada.

Wakiilka Hayโ€™adda UNESCO ee Bariga Afrika, Marwo Louise Haxthausen ayaa dhankeeda ka mahad celisay soo dhoweynta loogu fidiyay Wasaaradda Warfaafinta, waxayna bogaadisay bogaadisay dadaallada ay DFS ugu jirto in keydka Radio Muqdisho loo casriyeeyo, tallaabadaas oo ay ku tilmaantey mid micno weyn u leh Soomaaliya dhanka kaydinta taariikhda iyo dhaqanka, iyadoo isla markaa intaa raacisay in UNESCO arintaasi gacan weynka geysan doonto.

Wasiirka iyo Wakiilka UNESCO sidoo kale kormeeray Keydka Radio Muqdisho , iyagoo u kuurgaley agabka qiimaha leh ee halkaasi yaalla . Wasiirka ayaa wafdiga UNESCO U

uga warbixiyay qorshaha wasaaradda iyo tallaabooyinka xiga ee la doonayo in lagu casriyeeyo laguna badbaadiyo kaydkaasi dhaxalka u ah jiilasha soo socda ee Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa waxaa kulanka u la yeeshay Wakiilka UNESCO waxaa ku wehliyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo masโ€™uuliyiin kale.

ย ย ย ย ย 

Wasiirka amniga oo guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda mudane Maxamed Axmed Amiir, shir lagaga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta ee isdiiwaangelinta dadweynaha.

Wasiirka ayaa ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo adeegyada ay siiyaan shacabka, gaar ahaan la shaqeynta hayโ€™adaha amniga iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka doorashada qof iyo cod.

โ€œWaxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay codkooda ku doortaan hoggaankooda. Waxaan bogaadinayaa maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga goโ€™an tahay arrintan,โ€ ayuu yiri Wasiir Fartaag.

ย ย ย ย 

Wasaaradda arrimaha Islaamka oo xujeyda uga digtay la macaamilka shirkado been abuur ah

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay uga digaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xujayda sanadkan aadeysa gudashada waajibaadka xajka 1446/2025 inay ka digtoonaadaan la macaamilka Shirkado been abuur ah iyo shaqsiyaad dullaaliin ah oo sheeganaya inay hayaan adeegga xajka, kuwaasoo ka baxsan xayndaabka Wasaaradda iyo guud ahaan nidaamka rasmiga ah ee loo maro bxinta adeegga Xajka.

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Masar oo khadka Telefoonka ku wada xiriiray

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa khadka taleefoonka ugu soo hambalyeeyey Wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Abdisalam Ali

Wasiir Al-Atty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliyeed xilka cusub ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar. Wuxuu xusay xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, kaas oo la xoojiyay bishii Janaayo 2025 kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay Masar, laguna gaarey heer iskaashi istaraatiji ah.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Masar ay si buuxda uga goโ€™an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo hayโ€™adaha qaran, si kor loogu qaado xasilloonida dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya xilligan adag ee la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Labada wasiir waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta gobolka Geeska Afrika. Waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan la-tashiga dhow ee ku saabsan shirarka heer gobol iyo heer caalami si ay uga wada shaqeeyaan caqabadaha ay wadaagaan.

Wasiirka Cabdisalaam ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinteeda ay ka qaadato hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka ayaa booqday Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di martino ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mid ah halyeeyada Macawisley ee ku soo dhaawacmay dagaalka ciribtirka Khawaarijta eek a socda dalka.

Ujeedka Booqashada Wasiirka ayaa ah u kuur galidda xaaladda dhaawacyada,isaga oo mid mid u kor tagay, waxaana uu kulan la qaatay Maamulka sare ee Isbitaalka oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladahooda iyo adeegyada loo qabtay.

Wasiir Daahir ayaa u rajeeyey halyeeyada bogsiino deg deg ah waxaana uu u sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeduba ay si buuxda u garab taagan yihiin, daryeel caafimaad oo dhammeystirana ay heli doonaan.

Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xariga ka jaray bandhigga ganacsiga waafaqsan shareecada Islaamka, kaasoo ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bandhiggan ganacsi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 70 shirkadood oo ka kala socday dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo kuwa ka socday dalalka kale ee caalamka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo munaasabadda daahfuray ayaa ku bogaadiyey ganacsatada in tani ay tahay mid ku dayasho mudan, loona baahan yahay in barnaamijkan la gaarsiiyo guud ahaan gobolka.

โ€œGanacsiga xalaasha ah waxa uu noqday mid caalamka si xooggan uga taabagalay. Wadamada Afrikaana aad uga shaqeeya hadda, dhaqaale aad u fara-badan oo malaayiin dollar ah ayaa ku baxa,โ€ ayuu yiri Danjire Jabriil, isagoo hadalkiisa ku daray, โ€œLacagaha la filayo inay gaaraan saddex trillion, dhowrsano kadibna waxaa la filayaa in meesha ugu sareysa ay gaarto.โ€

Danjiraha ayaa xusay in ganacsatada isugu timid madasha ay fursad u heystaan inay soo bandhigaan ganacsi xalaal ah.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa tilmaamay in Safaaradda oo kaashaneysa masโ€™uuliyiinta Safaaradda Thailand ay qorsheynayaan inay qabtaan madal lagu soo bandhigi doono ganacsiga xalaasha ah iyo kaalinta bulshada uga aadan inay ka qaataan fursadaha maalgashi iyo ganacsi intuba.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š

Haikou:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamud Abdullahi (Abukaate), ayaa si rasmi ah uga qeybgalay dood-wadaagga Shirweynaha 11-aad ee Iskaashiga Ganacsiga u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta, oo lagu qabtay magaalada Haikou, gobolka Hainan ee dalka Shiinaha.

Dood-wadaagga ayaa diiradda lagu saaray mowduuca: โ€œXoojinta Iskaashiga Maaliyadeed si loo gaaro Faaโ€™iido Wadaag iyo Guul Wadaagโ€. Intii lagu guda jiray doodda, Wasiir Ku-xigeenka ayaa si qoto dheer uga hadlay laba qodob oo muhiim ah:

(๐Ÿ): ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š:

Wasiir Abukaate ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin heshiisyada maalgashi ee laba-geesoodka ah (BIAs) ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay in heshiisyadani ay dejinayaan jawi sharciyeed oo xasilloon oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga tooska ah ee shisheeye. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay hadda u baahan tahay in la aasaaso hayโ€™ado maaliyadeed oo wadajir ah, sida Bangiga Horumarinta Soomaaliya-Shiinaha ama Sanduuqa Maalgashiga, kuwaas oo si toos ah u taageeri kara mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah, sida dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, korontada, kalluumeysiga, beeraha, iyo horumarinta tiknoolajiyadda dijitaalka ah. Sidoo kale, hayโ€™adahaasi waxay noqon karaan meel lagu wadaago khibradaha farsamo iyo dhisidda awoodda hayโ€™adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

(๐Ÿ):๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐…๐ข๐ง๐“๐ž๐œ๐ก ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š

Wasiirku wuxuu xusay in FinTech ay door muhiim ah ka ciyaari karto fududeynta ganacsiga iyo kor u qaadista ka mid noqoshada maaliyadeed, gaar ahaan ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhexe (SMEs). Soomaaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dhanka lacag-bixinta dijitaalka ah, iyadoo adeegyada sida EVC Plus ee Hormuud Telecom, Golis-Sahal, iyo Edahab ay si weyn loo adeegsado. Wasiir Abukaate ayaa tilmaamay in iskaashi lala yeesho Shiinaha uu ka caawin karo Soomaaliya horumarinta nidaamyada lacag-bixinta dijitaalka ah ee u dhexeeya labada dal, taasoo kor u qaadi karta ganacsiga iyo maalgashiga.

Ka-qaybgalka Wasiir Ku-xigeenka ee dood-wadaagga Shirweynaha 11-aad ee Iskaashiga Ganacsiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga maaliyadeed ee ay la leedahay Shiinaha, iyadoo la adeegsanayo habab casri ah oo kor u qaadaya horumarka dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal.

Ciidamada difaaca deegaanka oo xalay howlgal ka fuliyey howdka Ciid-ciidka ee degmada Mahadaay

Ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleyda ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey howdka deegaanka Ciid-ciidka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Khawaarijta.

Hoggaamiyaha Macawiisleyda aagagga degmada Mahadaay, Cismaan Beerey, oo howlgalkaas hogaaminaayey ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka ay ku dileen dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijtii ay weerarka ku qaadeen, isla markaana ay ka furteen hub iyo saanad ciidan.

Meydadka afar dhagarqabe ayuu sheegay in Khawaarijtu ay geeyeen deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe, Ciidamada deegaanka ayaa la wareegay goobihii ay howlgalkaas ka fuliyeen.