Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeybgashay Dalka Switzerland

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda  uga qeybgashay Madasha Sare ee Shirarka Basel, Rotterdam iyo Stockholm ee ka socda Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland,kaas oo oo ah mid caalami ah oo diiradda lagu saarayaa maaraynta suuban ee kiimikooyinka sunta ah iyo qashinka deegaanka waxyeellada u leh.

Waftiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Sareeye Guud Mudane Maxamed Jaamac oo ay wehliyso safiirka dowladda Soomaaliya ee Switzerland, Marwo Khadra Axmed Duule iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda, iyada oo maanta madasha ay ahayd heer wasiirro waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida wasakhawga, dhaqaalaha wareega iyo maalgelinta mashaariicda deegaanka iyo isbadlaka Cimillada.

Wasiirka Bashiir Maxamed jaamac ayaa hoosta ka xarriiqay daddaalada wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay qodobada kala ah; Maareynta Wasakhawga, Ilaalinta Deegaanka, dajinta Siyaasadaha iyo Sharuucda mudnaanta u leh dalkeenna sidii loo dhameystiri lahaa iyo Istaraatijiyadda Horumarinta ee wasaaradda ku aadan deegaanka, isbadalka Cimillada iyo maareynta  halbeegyada kala duwan.

Sidoo kale, kulamo doceedyo muhiim ah ayuu wasiirka la yeeshay hay’adaha caalamiga ah sida; UNEP,  FAO, GCF, GEF iyo Bangiga Adduunka si loo xoojiyo iskaashiga farsamo iyo dhaqaale ee lagu horumarinayo kaabeyaasha deegaanka iyo xoojinta awoodda qaran ee la tacaalida qashinka halista ah.

Ka-qaybgalka dowladeenna ee madashan caalamiga ah wuxuu caddeyn u yahay dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan kobcinta doorka dalkeena ee ka go’naashaha gaarista deegaanka caalamka, ilaalinta badqabka bulshada iyo difaaca khayraadka dabiiciga ah ee jiilasha hadda iyo kuwa soo socda.

Dowladdu waxay aaminsan tahay in ka-qaybgalka madallada noocan ahi uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dhisayo sumcadda iyo haybadda dalka, isla markaana horseed u noqon karta helidda fursado horumarineed oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa maanta kulan labo geesood ah la yeeshay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha ee Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Marwo Muferihat Kamil Axmed, kaas oo dhacay intii lagu gudajiray Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, iyo tayeynta suuqa shaqada Geeska Afrika.

Labada Wasiir waxay isla meel dhigeen in la bilaabo barnaamijyo wadajir ah sida: socdaallo waxbarasho, tababarro oo la xiriira xirfadaha farsamada gacanta, iyo hirgelinta nidaam dijitaal ah oo mideeya xogta suuqa shaqada.

Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday ballanqaad labada dhinac ay ku muujiyeen in la dhiso guddi farsamo oo iskaashi joogto ah sii wada, kuna saleysan walaaltinimo, horumar iyo is-ixtiraam.

Golaha shacabka oo warbixin ka dhagaystay guddiga maaliyadda ee golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa sagaalaad oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 163-xildhibaan, ayaa xildhibaanadda Golaha Shacabka waxaa warbixin ku saabsan mooshin ama soo jeedin ay xildhibaanadda horey usoo gudbiyeen oo ku saabsan cabashada canshuuraha dalka la wadaagay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka mid ah Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Laxisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaanadda Golaha uga mahadceliyay shaqada ay qaranka u hayaan asiga oo kula dardaarmay in ay dardargeliyaan.

   

Wasaaradda cadaaladda oo bogaadisay maxaabiista ay isdhaafsadeen Puntland iyo Somaliland

Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Fedraalka ah waxeey soo dhawaynaysaa talaabada ay Maamulada Soomaaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen Maxaabiista taas oo daba joogta dedaaladii uu hormuudka ka ahaa Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ka dib socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee Magaalada Laasacaanood.

Wasaaraddu waxa ay bogaadinaysaa Madaxda Maamuladaas oo muujiyay niyad wanaag isla markaana qaaday talaabooyin horseedaya nabad ka hanaqaada gayigeena.

Arintaan waa mid muhiim u ah nabad kuwada noolaashaha shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, daris wanaaga, isku socodka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ku dhiirigalinaysaa Maamulada Soomaaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland in ay sii wadaan dedaaladan bilowga ah ilaa laga xaqiijinayo in xorriyadooda ay dib u hantaan Muwaadiniinta u xiran xiisadaha Colaadeed sidoo kalana la dardargaliyo wada hadalada Bulshada iyo nabadaynta.

Dawladda Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay qaadato door kasta oo hoggaamin isla markaana siiso taageerada lagama maarmaanka u ah taabagelinta nabad kusoo dabbaalida dalka iyo dadka Soomaliyeed.

Ciidan ka tirsan Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) Wasiiro iyo Diblomaasiyeen ka kala socdey Dalal badan oo caalamka ah ayaa maanta Dalka aan Walaalaha nahay ee jabuuti kaga qeyb galay xaflad Tababar loogu soo xiraayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Boliiska Somaaliyeed.

Tababarkaan ayaan aheyn kii ugu Horeeyey ee Dalka jabuuti lagu Qabto waana dufcadii 22,aad ee ka tirsan ciidanka Daraawiishta boliiska Soomaaliyeed oo tababar xirfadiisu sareysa ku soo qaatey Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ugu danbeyn, Taliye xigeenka ayaaa uga mahadceliyay macalimiinta fulisay Tababarkaas oo ay ugu Horeeyaan Ciidanka Boliiska Dalka Jabuuti oo kaalin Lama ilaawaan ah kageystey fulinta Tababarkaan Taliye Kaniif Ayaa sidoo kale u mahadceliyey Dalka Taliyaaniga oo kaalin muuqata ka geystey taageerida Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed

Ciidanka tababarka Soo dhameystey ayaa Ka qeyb galidoona Dagaalka Lagu ciribtiraayo Kooxaha Khawaariijta ee dulaanka ku ah dhiiga umadda soomaliyeed waxay si degdeg ah ugaaridoonaan goobaha ay hada ku sugan yihiin ciidanka daraawiishta Boliiska Soomaliyeed si loo sii wado howlgalada ka dhanka ah khawaariijta.

        

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay Faafinta Been Abuurka iyo Dacaayadaha Khawaarijta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka warhaysaa baraha bulshada iyo shaqsiyaad ku howlan faafinta warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka. Dhacdadii ugu dambeysay ee been abuurka ahayd waxay la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Khawaarijtu ku beegsadeen qaybo ka mid ah Muqdisho.

Warbaahinta taageerta Khawaarijta iyo shaqsiyaad baraha bulshada isticmaala oo aan hubin xaqiiqda ayaa si aan sugneyn u faafiyay warar sheegaya in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Xerada Xalane iyo qeybo ka mid ah Garoonka Muqdisho, ayna ku dhinteen dhowr qof oo ajanabi ah, war gabi ahaanba ahaa been abuur iyo buunbuunin laga badbadiyay.

Khawaarijta Al-Shabaab ayaa sameeyay weerarro aan lahayn bartilmaameed cad oo lagu dhibaateeyay shacabka Muqdisho, iyaga oo adeegsanaya hoobiyayaal si dhuumaalaysi ah loo soo tuuray, kuwaas oo marar badan geystay khasaaro rayid ah, oo ay ku jireen carruur u socotay dugsi Qur’aan oo toddobaadyo ka hor dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa shaqsiyaadka ku hawlan baahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Khawaarijta, kuwaas oo si toos ah ama dadban uga qayb qaadanaya qalqal gelinta amniga shacabka, gudaha iyo dibaddaba. Dowladda waxay uga digaysaa falalkan khatarta ku ah amniga bulshada, waxayna ka qaadi doontaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.

–DHAMMAAD–

Ciidanka deegaanka Degmada Ceeldheer oo dilay 10 khawaarij ah

Ceeldheer:-Ciidamada Xaq U dirirka Deegaanka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saaka aroortii hore weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanada Cali Candhoole iyo Baraag Shiikh Cabdullaahi, kuwaas oo ka dhaca dhulka hawdka ah oo 40KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Ceeldheer, halkaas oo khawaarijtu ku lahayd saldhigyo.

Weerarka oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, ayaa Ciidamada Xaq U dirirka Deegaanka waxay si gaar ah u beegsadeen deegaanka Cali Candhoole oo ahaa saldhig talis muhiim ah oo cadowgu ku lahaa aaggaas.

Dagaalka oo socday in ka badan laba saacadood, ayaa ugu dambeyn halgamayaasha deegaanka waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen dhammaan fadhiyadii khawaarijta ee saaka la weeraray.

Saraakiisha Ciidamada Xaq U dirirka ee ku sugan deegaanka Baraag Shiikh Cabdullaahi ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyo oo ka tirsanaa khawaarijta.

Deegaanada ay weerarka ku qaadeen ciidamada deegaanka waxaa khawaarijtu ku lahayd difaacyadoodii ugu waaweynaa oo ay uga hortagi jireen weerarada ka imanaya dhanka degmooyinka Cowswayne iyo Galhareer.

Todobaadkan gudihiis, khawaarijta ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer, waxaana lagu qaaday in ka badan 5 weerar oo is xigxigay kuwaas oo lagu burburiyay difaacyo muhiim ah.

Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)

Tan iyo xornimadii Soomaaliya waxaa soo maray 9 Madaxweyne iyo 10 doorasho Madaxweyne, waxaa doorasho dadweyne ku soo baxday laba Madaxweyne, kuwaasi oo kala ah AUN Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ahaa labadii Madaxweyne ee ugu horreeyey Soomaaliya. Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ka suuragashay in hoggaanka dalka uu ku yimaado doorasho ay dooranayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo dooranayeen Odayaal dhaqameed.

Siyaasiyiin iyo dhallinyaro han siyaasadeed lahaa ayaa ku hungoobay qaabka doorasho ee dalka ka soo jirtay, kuwaasi oo xooggii, fursaddii, iyo aragtii u hayeen in ay uga soo muuqdaan xilalka ugu sarreeya dalka ay dhaafisay doorashada dadban, taasi oo dhaliil ay ka keeneen bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ahayn wax sahlan 58 sanno ka dib dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod, isaga oo xusay in muwaadinka Soomaaliyeed ay lama huraan u tahay in uu gacantiisa ku ciil baxo, uuna doorta qofka uu doonaya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in la joogo xilligii laga gudbi lahaa doorashada dadban, taasi oo hadda ifafaaladayda ay muuqato. Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirrada ayaa soo jeediyey in ay laga gudbo doorashadii dadbaneed, oo badankood sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen, qaarkoodna ay xuseen in damacooda ay hor istaagayn Oday dhaqameed.

Hirgalinta doorasho qof iyo cod ah ayaa Soomaaliya u furi doonta baal cusub, waxa ayna soo xiri doonta Baalasha ay ku xardhanaayeen; Nin jeclaysiga, musuqmaasuqa, boobka kuraasta Xildhibaannada, iyo qilaafka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Madaxda.

Haddaba Diiwaan gelinta Dadweynaha oo ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa bishan Abriil ee sanadkan, si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan degmada Shangaani ay si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, taasi oo nasiib u heshay in lagu bilaabo, waxayna safaf dhaa-dheer u galeen sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen, xittaa Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa waayeello ah ayaa qayb ka ahaa dadweynaha qaatay kaarka isdiiwaangalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah maalinteeda koowaad ka bilaabatay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan qof iyo codka ah.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horreysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda, iyadoo ay ka socdaan Degmooyinka Hodan,Kaaraan, ,Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, ayay  ka socotay diiwaangalinta codbixiyaasha, si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa, horayna waxaa diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda. Muwaaddin is-diiwaan-gali oo iska diiwaan-gali degmadaada, si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee Dastuuriga ah.

“𝐓𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐨𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐧𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐢𝐢 𝐈𝐠𝐚 𝐋𝐮𝐧𝐭𝐚𝐲”, waa cinwaan uu qoraalkiisa  ka dhigay Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, Wasiir ku xigeenka Wrfaafinta.  “Waxaan ahay Aabbe Soomaaliyeed, da’dayduna waa afartan iyo wax ka badan. Waligay ma codayn, anna la iima codayn. Sidoo kale, Aabbahay iyo Hooyaday midkoodna ma codayn loomana codayn. Marka la eego dunida casriga ah, waa arrin adag in la rumaysto , sababtoo ah inta badan jiilka ila faca ah ilama qabaan xaaladaan”, ayuu sii raaciyay.

Mudane Cadaala oo qoraalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray, “Tani waa qayb yar oo ka mid ah xaqii muwaadinnimo aan ku waayay dowlad-la’aantii ku dhacday dalkayga, Maanta, markii ugu horreysay, waxaan isku diiwaangeliyay in aan noqdo cod bixiye, Waxa ugu horreeya ee aan dooran doono waa maamulayaasha Degmadeeyda”.

Is-diiwaangelintaydu waxay dad badan ula muuqan kartaa wax yar, balse kuma imaan si sahlan. Waa natiijada safar aad u dheer oo loo soo galay dib-u-soo-celinta dowladnimadii naga duntay.

By. C/lahi Ruush

Wasiirka ganacsiga XFS oo la kulmay Safiirka dalka Qatar

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah Salem Al Nuaimi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo warshadaha dalka, lana abuuro jawi ganacsi oo soo jiidan kara maal-gashadeyaal caalami ah.

Wasiir Geesood ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Dowladda Qatar, oo uu uga mahadceliyay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS oo soo xirtay qiimaynta Heshiiska la dagaalanka musuqa Qaramada midoobay

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS oo soo qiimaynta Heshiiska la dagaalanka musuqa Qaramada midoobay

Kulammada qiimeynta oo socday muddo laba maalmood ah (27–28 Abriil), ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay dalalka Belize iyo Equatorial Guinea, iyadoo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday Xafiiska UNODC, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Booliska Soomaaliyeed, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah (CSOs).

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa si rasmi ah u furay una xiray kulammada, isagoo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta hufnaanta, iyo hirgelinta isla-xisaabtan dhab ah.

Qiimeyntan ayaa muhiim u ah xaqiijinta waajibaadka ka dhashay ka mid noqoshada Soomaaliya ee heshiiska UNCAC, waxaana la filayaa in natiijooyinkeeda ay sii xoojiyaan dadaallada dowladda ee ku aaddan daahfurnaanta iyo maamul wanaagga.