Tababarro kor loogu qaadayo aqoonta ciidanka xoogga oo ka socda Galmudug

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ( General Khaalid ) oo uu wehlinayo Taliyaha Taliska Tabarada CXDS G/Sare Axmed Ciise ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka XDS eek u sugan Galmudug.

Taliyaha ayaa sidoo kale tababar u furay cutubyo kale oo ka tirsan Geesiyada CXDS,isagoo halkaasi warbixinno kaga dhageystay Taliyaha qeybta 21aad CXDS Col Maxamed Dhagaweyne oo ka waramay kartida ciidanka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin iney qeyb ka noqdaan howlgalka cadowga lagu ciribtirayo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ( Ganeral Khaalid ) iyo Taliyaha Taliska Tabarada CXDS Col Axmed Ciise ayaa boogaadiyay waxqabadka ciidanka ,waxayna kula dardaarmeen in shacabka ay ka dulqaadaan dhibaatooyinka ay badeen kooxaha khawaarijta.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo Taliyaha Taliska Tabarada CXDS Col Axmed Ciise ayaa shahaadoyin guddoon siiyay qaar kamid ah ciidanka oo muujiyay ama galay kaalimaha hore ee tababarkaasi.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Algiers kusoo dhoweeyay dhiggiisa Algeria Ibrahim Boughali iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka wadankan oo uu wehliyo safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb geli doona shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda si rasmi ah u furmi doona, halkaas oo uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono muhiimada uu shirkan u leeyahay Soomaaliya, kaas oo sanadkan looga hadli doono arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa inta uu joogo wadanka Algeria waxa uu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan Algeria oo sanadkan shirka marti gelinaya, asigoo sidoo kale kulammo gaar gaar ah la qaadan doona dhiggiisa baarlamaanadda ee shirka ka qeyb galaya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka oo shir guddoomiyey gudida joogtada ee golaha

Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) ayaa shir guddoomiyay kulanka 10-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo looga dooday Hindise-Sharciyeedyada agyaala Guddiyadda iyo Ajendeynta Fadhiyada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa go’aamiyay in Hindise Sharciyeedyada agyaala Guddiyadda lagu soo daro ajendayaasha ugu horeeya ee Kulanka Guud ee Golaha Shacabka.

Intaas kadib Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubnaha Guddiga joogtada ayaa dood ka yeeshay dhacdadii shalay ka dhacday Golaha,waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray xubnaha guddiga ku booriyay in ay dardargeliyaan howsha ay Qaranka u hayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed. Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna. Wuxuu xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta Ajandaha Shaqo Wanaagga si loo yareeyo shaqo la’aanta, loona xoojiyo xiriirka shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo. Wuxuu Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚,” 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐡𝐚𝐥𝐠𝐚𝐧 𝐮𝐠𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Shaqaaluhu ku leeyihiin dib-u-dhiska, horumarka iyo xasillinta dalka, isaga oo caddeeyey in Xukuumadda DanQaran, ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha, kor u qaadista xirfadooda, iyo horumarinta shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

Maalintan waxa ay fursad u tahay in aynu xasuusanno dadaalka iyo halganka ay Shaqaalaha Soomaaliyeed ugu jiraan horumarinta dalka. Xukuumaddu waxa ay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo fursadaha shaqo, iyada oo kor loo qaadayo xirfadaha shaqaalaha, lana dardar-gelinayo nidaamyada lagu tayeynayo Shaqaalaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa ku dhiirrigeliyey Shaqaalaha Soomaaliyeed in ay sii laba-jibaaraan juhdigooda, uguna adeeggaan shacabka Soomaaliyeed si hufan, si ay uga dhabeeyaan dadaalka shaqo ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

Wasiir Fiqi oo maanta la wareegaya xilka wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS

Xarunta Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socda qaban qaabada xaflada uu xilka kula wareegayo wasiirka cusub ee wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi.

Xafladdaan oo ah mid loo soo abaabulay si heer sare ah ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madax ka socota dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Xafladda xil-wareejinta ayaa imaaneysa xilli la doonayo in dardar cusub la galiyo howlgallada ciidanka ee lagu soo afjaraayo kooxaha khawaarijta.

Sh/Dhexe:- Ciidanka Xoogga oo burburiyay Fariisin ay khawaarijtu ku lahaayeen Ceel-barwaaqo

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlagl sifayn ah ka sameeyay halka lagu magacabo Ceel_ barwaaqo oo hoos tagta degmada Masjid Cali guduud  ee Gobalka Sh/dhaxe.

Ciidamada geesiyaasha ah ayaa cagta mariyeen khawarijtii ku sugneyd goobta howlgalka laga fuliyay, sida uu warbaahinta uu u xaqiijiyay xdigle Deeq Yuusuf Sareeye oo hoggaaminyay howlgalka.

Maalmihii la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa kordhiyay howlgalada sifaynta ah ee lagu wiiqayo cadawga khawaarijta ee dhibaaatada ku ah hormarka iyo nabada shacabka soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay Aljeeriya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria.

, Wafdiga uu hoggaaminaayo guddoomiyaha ayaa la filayaa in uu dalkaasi uga qeyb galo shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda ka furmi doona caasimadda Algiers .

Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkaan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda dadka Falastiin.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫rad S𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 iyo Waxbarashada XFS 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 k𝐮 aadan 𝟏-𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐲 u 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda,kuwaas oo maanta  u dabbaaldegaya munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Wasiirku wuxuu xusay doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ka qaataan horumarinta dalka, isagoo tilmaamay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixisay ilaalinta xuquuqdooda iyo dhiirrigelinta shaqo-abuurka.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed waa halyeeyo u taagan dhismaha qaranka, waxaana ku bogaadinayaa hawlkarnimadooda, hufnaantooda iyo dhabar-adayggooda,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf.

Sidoo kale,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya waxbarashada, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed.

“Maanta waa maalin aan ku xasuusanno kartida, dadaalka iyo samirka aad u haysaan horumarinta dalka iyo jiilka soo koraya. Macallimiinta, maamulka dugsiyada, shaqaalaha farsamada iyo kuwa xafiisyada dhammaantiin waxaad tihiin laf-dhabarka horumarka bulshadeenna

Wasaaraddu waxay garowsan tahay muhiimadda aad u leedihiin kobcinta tayada waxbarashada iyo baahinta fursadaha waxbarasho. Waxaan idin rajaynayaa maalmo badan oo guul iyo horumar ah” ayuu yiri Wasiir Faarax.

 

Share This Article

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaar kamid ah xildhibaanada ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan madoobe ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka oo ah xubno katirsan Golaha Wasiirada XFS ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xubno ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golahaasi sababo amni dartood, isagoo guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday ineey talo bixin iyo talaabooyin ku haboon kasoo gudbiyaan xubnahan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.