Khawaarijta oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku dhow 30 looga dilay gobolka Hiiraan

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta Khawaarijta ku jebiyey weerar ay ka soo qaadeen seddax jiho, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Khawaarijta ayaa looga dilay ku dhawaad 30 Khawaarij ah oo horjoogayaal ajaanib ah ay ku jiraan, iyagoo goobihii dagaalka ka qaatay meydad iyo dhaawacyo tiro beel ah, waxaana lagu soo bandhigay meyd kale oo goobta uga carareen.

Taliyaha Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale “25 ka tirsan meydadkii Khawaarijta ay ka carareen ayaan gacanta ku haynaa, Saddex aag oo ay ka soo weerar tageena waan ku jabinay.”

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey jabka khawaarijta maanta loogu geystay deegaanada Muqluga Cali , Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan ee ku yaala xaduudka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan bogaadinayaa, si weyn u garab taaggannahay xaq u dirirka ciidamada Xoogga dalka iyo macawislayda Kula diriray khawaarijta deegaanada Muqluga Cali , Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan iyo deegaanada kale kuwaasoo galabtay wacdaraha ugu dhigay Kooxda Khawaarijta, dhabarkana u saaray guuldarro xooggan ilaa lagu qasbay in ay ka cararaaan tobonaan ka mid ah maydadkoodii” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa intaas ku daray”Khawaarijta tabartoodu waa intaas, waxayna reer Hiiraan muujiyeen dhabar adayg iyo geesinimo laga qaadan doono casharro, meel kasta oo ciidamada qaranka, kuwa dawlad Goboleedyada iyo kuwa deegaanku ay ku sugan yihiin waxaan ku dhiiragalinayaa in uu bilowday jabkii khawaarijtii rogaal-celinta waday, sidaas awgeed in la xoojiyo dagaalka xaqqa ah ee lagula jiro”.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta kawada qeybo kamid ah dalka, kuwaas oo looga dilay Maleeshiyaad badan oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo Khawaarijta muhiim u ahaa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya London oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Boqorka dalka ingiriiska

Safiirka Soomaaliya u fadhiya London oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Boqorka dalka ingiriiska,Qasriga Boqortooyada ee magaalada London ayuu kaga gudoomay Boqor Charles III Nuqulkii Rasmiga ahaa ee Waraaqihiisii aqoonsig,munaasabada qaabilaada ayaa aheyd mid u dhacday si hab maamuuska sare leh.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Musuu’liyiin ka tirsan Aqalka Boqortooyada, Madaxa diblimaaasoyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska iyo La Taliyaha Koowaad iyo La Taliya Labaad ee Safaardaa mudane Dayib Sh. Mohamud Ahmed iyo mudane Abdi Ali Muse.

masuuliyiin ka tirsan Waaxda Hab maamuuska Boqortooyada ingriiska & Masuuliyiin ka socday Safaarada soomaaliya ee dalka Ingiriiska,

Danjire Cabdulqaadir Cabdi Xaashi. wax uu ahaa Xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaaliya ee UK burburkii ka hor, sidoo kale waxa uu soo noqday Xoghayahe labaad ee safaarada Soomaaliya ee dalka canada,

kadib bur burki soomaaliya waxa uu Waxbarasho u aaday dalka Mareykanka, isagoo ka soo laabtay 2010,markaasina waxa uu noqday wasiiru dowladaha qorsheynta maamulka Puntland.

Kadibna waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamankii 9aad ee DFS federaal a 2012,2015 waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradad dastuurka dowladda Federaalka,2016 waxa uu noqday wasiirka waxbarashada iyo hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya

Dabayaaqaddii sanadkii tagay ayaa loo magacaabay safiirka dalka UK waxuuna soo gaaray UK horaantii Janaayo ee sanadkan, haatan ayaana si rasmiga ah looga gudoomay waraqaaha danjirenimo ee danjiraha safarada soomaaliya ee UK

Wasiirka deegaanka XFS oo booqasho ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Switzerland

Geneva:-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud mudane Bashiir Maxamed, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Switzerland.

Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyay Danjire Khadra Axmed Ducaale iyo xubno ka tirsan howl-wadeennada safaaradda.

Wasiir Bashiir kulan miro-dhal ah oo uu la yeeshay Safiir Khadra Axmed Ducaale ayaa warbixin dhammaystiran laga siiyay howlaha muhiimka ah ee safaaraddu u qabato dalka Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta ka qaybgalka Soomaaliya ee hay’adaha iyo madalaha caalamiga ah iyo kor u qaadidda codka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Danjire Khadra Ducale sida ay uga go’an tahay u adeegidda danaha qaranka, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashi dhexmara wasaaradda iyo safaaradaha Soomaaliya si kor loogu qaado mowqifka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee caalamka.

Guddiga doorashooyinka oo qabtay kulan looga hadlayo dardar gelinta Diiwaangelinta

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dooraashooyinka Qaran iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ka qayb-galay kulan lagu dardar-galinaayey howlaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb-galay Xoghaya guud ee guddiga iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha iyo howl-wadeenada ka shaqeeya diiwaan-gelinta Codbixiyaasha.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha ee ka socota Degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kale kulanka ayaa warbixinno looga dhagaystay hawl-wadeenada u xilsaaran hawlaha Diiwaan-gelinta ee dhamaan xarumaha hada shaqadu ka socoto.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qarank iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa howl-wadeenada kula dardaarmay dardar-gelinta shaqada iyo in ay ka shaqeeyaan cadaaladda.

     

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo dilay 10 khawaarij ah

Hiiraan:-Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa maanta Khawaarijta ku weeraray deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ku dhowaad 10 dhagarqabe ay Khawaarijta halkaas uga dileen, iyagoo kasoo furtay in ka badan 10 qori, waxaana si buuxda looga hortegay dhagartii ay halkaas kasoo maleegayeen.

Aaggii uu howlgalkaasi ka dhacay ee Khawaarijta lagu weeraray waxaa ku sugan Ciidamada Deegaanka ee gobolka Hiiraan, waxaana weli la sii baacsanayaa firxadkii Khawaarijta.

Xildhibaan Ismaaciil Iidow Maxamed oo si rasmi ah ula wareegay xubinta guddiga fulinta Baarlamaanka carabta ku metelaysa Soomaaliya

Algiers:-Xubnaha guddiga fulinta ee baarlamaanka Carabta oo ay Soomaaliya xubin firfricoon ka tahay ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

Kulanka oo inta uu socday looga hadlay diyaarinta warbixinta shirka weynaha guud ee Guddoomiyaasha baarlamaanadda carabta oo dhowaan furmi doona ayaa Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo hore Soomaaliya ugu matalayay guddiga fulinta ee baarlamaanka carabta hadana ka mid noqday golaha wasiiradda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu xubinimadii Baarlamaanka carabta gaar ahaan guddiga fulinta si rasmi ah ugu wareejiyay Xildhibaan Ismaaciil Iidow Maxamed iyadoona uu goob joog ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalinta Shaqaalaha Adduunka hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca qaranka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Mikhail Bodanov.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay Guddiga Xeer Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo .

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa xafiiskiis kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Algiers ee Algeria, isagoo ka qeybgelaya shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Carabta.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejirey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirkii hore Jabriil Cabdirashiid Xaaji.

9- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Mohamed Adan oo dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixisay ilaalinta xuquuqdooda iyo kaalinta shaqo-abuurka.

10- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa soo dhawaysay talaabada ay Maamulada Soomaaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen maxaabiista dagaalka, kadib dedaaladii is-dabajoogga ahaa ee uu horkacayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

11- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ayaa loo qabtey taariikh cusub oo noqoneysa 5 bisha May 2025.

12- Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo sii habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.

13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO),ee Bariga Africa Marwo Louise Haxthausen.

14- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Qatar u fadhiya ee Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah Salem Al Nuceymi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya

15- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faraax Nuux ayaa qaabilay Ed Norris oo ah taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Afrika ee Maraykanka (AFRICOM).

16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeybgaley shir looga hadlayay Dardar-gelinta amniga caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta ee diiwaangelinta dadweynaha.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo ay ka faa’ideysteen 25 weriye ah oo ka kala socda warbaahinta madax-banaan iyo warbaahinta dowladda.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Dr. Badr Al-Atty ayaa khadka taleefoonka ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.

19- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di Martino ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mid ah halyeeyada dagaalka ee macawisleyda ee ku soo dhaawacmay dagaalka ciribtirka Khawaarijta ee ka socda dalka.

20- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Addis Ababa uga qayb-galay Shirweynaha Hal-Abuurnimada Afrika oo si rasmi ah uu u daahfuray Ra’iisul Wasaare-Ku-Xigeenka Ethiopia Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.

21- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee labada dal.

22- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Safiirka Turliga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

23- Ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleyda ayaa gacanta ku dhigay hawdka degaanka Ciid-Ciidka ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo halkaasi ku dilay maaleeshiyaad ka tirsan argagaxisadda.

24- Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya Yuusuf Xasan Jeego.

25- Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Mohamud Abdullahi Ahmed ayaa ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta oo ka qabsoomay magaalada Haiko ee dalka Shiinaha.

26- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maryan Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashey munaasabada xuska maalinta Caalamiga ah ee tallaalka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

27- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray ololaha wacyigelinta iyo abaabulka shacabka ee la dagaalanka argagixisada.

28- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mr. Lionel Lourense, iyagoo ka wadahadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, casriyeynta magaalooyinka, iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada.

29- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen dhulka buuraha ah ee Yasooman iyo Aboorey ee galbeedka gobolka Hiiraan.

30- Wasiirro iyo Xildhibaano ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka xoogga Dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada Ciidanka Qalabks Sida ee ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka.

31- Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

===========DHAMMAAD==========

Istanbul:Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay shir khuseeyay arrimaha khayraadka ee dabiiciga ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamad ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiye,kaas oo looga hadlaayey khayraadka dabiiciga ah  (Natural Resources)

Shirkaasi waxaa wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamad Xaashi Carabeey iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fatxudin Cali Maxamed ,iyadoo kulamkaasi diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan  Macdanta iyo sidii loo heli lahaa tamar nadiif ah iyo macdan waarta.

Shirkaasi oo inta badan lagu soo bandhigay dood ku saabsan doorka isbeddelka tamarta macdanta waxaa ka qeybgalay Wasiirada Macdanta Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ,iyadoo uu dooda qaybinaayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS, Mudane Daahir Shire, ayaa si gooni gooni ah ula ula kulmay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi,isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si cad u muujiyay diyaar garowga Soomaaliya ee ah in dalka uu noqdo mid ku socda wadada horumarka oo laga dheehan karo daahfurnaan, hufnaan, iyo danta shacabka.

Ingiriiska oo ku baaay in la qaado xayiraadda gargaarka ee Gaza

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) u sheegtay in Israa’iil ay qaado xayiraadaha ku aaddan gargaarka bini’aadanimo ee galaya Gaza,isla markaana ay xaqiijiso ilaalinta rayidka iyo dhowrista sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

“Waa wax aan la aqbali karin in muddo ku dhow laba bilood Israa’iil ay xannibtay taageerada bini’aadanimo ee gelaya Gaza” ayay tiri Sally Langrish oo ah wakiilka UK,waxayna intaa raaciday in in rayidka Falastiiniyiin oo ay ku jiraan hal milyan oo carruur ah ay wajahayaan gaajo, cudurro iyo dhimasho.

Haweeneydaasi waxa ay sharxday in sida uu dhigayo qodobka 59-aad ee Axdiga Afaraad ee Geneva, Israa’iil waa in ay ogolaato oo ay fududayso dadaallada gargaarka marka dadka la gaarsiiyo. Diidmada waxay noqonaysaa xad gudub sharciga caalamiga ah, ayay tidhi.

Tan iyo 2-dii bishii Maarso, Israa’iil waxay xirtay isgoysyada Gaza, iyadoo ka xannibtay saadka lagama maarmaanka ah inay soo galaan Gaza,taasoo keentay warbixinno badan oo ku saabsan macaluul ka jirta dhulka ay dagaalladu baabi’iyeen.

Ciidanka Israa’iil ayaa dib u soo cusboonaysiiyay weerarkii ay ku hayeen Gaza 18-kii March, taas oo burburisay 19-kii Jannaayo xabbad joojin iyo heshiis maxaabiis isdhaafsi ah oo lala galay kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas.

Madaxda Wasaaradda Tamarta XFS oo ka qeybgalay daahfurka xarun qaabilsan baaritaanka xanuunada halista ah

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha XFS Xildhibaan Suuro Xaaji Culusoow iyo mas’uuliyiin Kale ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeybgalay furitaanka xarun qaabilsan baaritaanka xanuunada halista ah ee ku dhaca bulshada.

Xafladdii furitaanka xaruntaasi oo ka dhacday Cisbitaalka Shaafi waxaa kaloo ka qeybgalay xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir,Ururka Dhaqaatiirta iyo marti sharaf kale oo matalayey cisbitaalada caasimadda.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha XFS Xildhibaan Suuro Xaaji Culusoow oo ka hadashay xafladdaasi ayaa sheegtay in qalabka cusub ee lagu soo kordhiyay cisbitaalkaasi uu wax weyn ka tarayo baahida bulshada ay u qabaan xagga caafimaadka.

Qalabka cusub ee lagu soo kordhiyay cisbitaalkaasi waxaa kamid ah CT Scan,Altra sound iyo Emography,kuwaas oo suurgalinaya ogaanshaha xaaladda caafimaad ee bukaanada.