Xildhibaanadii golaha shacabka ee laga hakiyay fadhiyada golaha oo dib loogu fasaxay

Warqad kasoo baxday xafiiska ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha dib loogu fasaxay fadhiyada Golaha ka dib markii dhowaan laga hakiyay ka qeyb galka fadhiyaha Golaha Shacabka.

Xubnahan xildhibaanada golaha shacabka ee magacyadooda hoos ku xusan yihiin ayaa horay looga hakiyay fadhiyada golaha shacabka sababo amni dartood

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga” “In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Hiiraan,”

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Abuukar Macallin ayaa ka warbixiyay weerar fuleynimo ah oo cadowga Khawaarijta shalay ku soo qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan iyo kuwo ku yaalo xadka kala qeyb qeybiya xuduudda gobolladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa xaq-u-dirka deegaanka.
Howlgalka oo mid qorsheysan ahaa ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxaana jilbaha u aastay geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka, waxaanna howlgalkaas looga dilay Khawaarijta 50-meeyo maleeshiyo iyo horjoogayaal isugu jira, kuwaas oo meydadkooda lagu arki karo goobihii lagu dagaallamay.
”Howlgalkaas wuxuu ahaa mid qorsheysan, cadowga Khawaarijta ayaa waxay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, waxaanna ka hortegay ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka, waxayna gaarsiiyeen jab aad u weyn, meydad gaaraya labaatameeyo oo cadowga Khawaarijta ay goobta kaga carareen dhaawacoodana ay ku daba jiraan, maanta waxaan xaqiijineynaa in meydad soddomeeyo ah loogu tegay keymaha deegaannada laga dagaallamay, kuwaas oo laga dilay Khawaarijta, waxaanna marka la isku daro khasaaraha Khawaarijta shalay iyo maanta gaaray noqonayaan 50-meeyo meydadka Khawaarijta ah,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS.
Deegaannada lagu dagaallamay oo kala ah Muqluge Cali, Ceelhareeri,Hareeri Madoobe iyo Garas Magan iyo deegaanno kale oo ku teedsan xuduuddda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa dhammaan hadda waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, iyadoo lagu dabo jiro firxadka Khawaarijta.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray howlgallada ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Khawaarijta, waxaanna meel wanaagsan maraya qorshaha dagaal ee dalka looga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) garoonka duyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hoggaamiye C.qaadir Axmed Aw-Cali ayaa imaatinkiisa magaalada Muqdisho uga qayb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ku casuumay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, shirkaas oo lagu wado Villa Soomaaliya ka dhacayo shanta bishaan May ee 2025.

Hoggaamiyaha oo soo dhoweyn ka dib, warbaahinta kula hadlay la hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu Muqdisho u yimid ay tahay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee SCC-Khaatumo qeyb ka tahay.

“Waxaan u imid Muqdisho in aan ka qeybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo markii u horeysay ay SCC-Khaatumo ka qeybgaleyso”.

   

Wasiirka Batroolka XFS oo ku dhawaaqay in Shidaalka dalka dhowaan la soo saari doono

Istanbul: Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeeda.

Waxa uu xusay in dadaallada sahaminta Shidaalka ay sii dardargelinayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay iskaashi la leedahay Dowlada Turkiga iyo saaxiibbada kale Caalamka si loo xoojiyo wax soo saarka khayraadka dalka iyo Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan arrimaha Kheyraadka dabiiciga looga hadlaayay ee ka dhacayay Istanbul, ayaa sanadkaan halkudhiggiisu waxaa uu ahaa Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, ee ku aaddan Macdanta iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee tamarta nadiif ka ah iyo macdanta waarta.

Waxaa jiray Shirkaan intuu socday doodo oo ay ka qayb qaadanayeen Wasiirrada Macdanta ee dalalka Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ayadoo uu dooda qaybinayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Ugu dambeyntiina wasiir Bayraktar ayaa dhankiisa adkeeyay in dawladda Turkigu, ay marwalba garab taagan tahay dawladda Soomaaliya,sidii ay ulasoo bixi lahayd shidaalka dhex ceegaaga dhulkeeda.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo dilay 10 xubnood khawaarij ah

Bari:-Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hortegay weerar ay xalay dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta Daacish ku soo qaadeen difaaca ciidamada ee buuraha Calmiskaad, gaar ahaan halka loo yaqaano Dhasaan Sare.

Meydadka ku dhawaad 10 dhagarqabe oo weerarkaas soo qaaday ayaa lagu soo bandhigay goobta, waxayna saraakiisha ciidamada oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in si buuxda ay u fashiliyeen dhagartii cadowga, iyadoo wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidanka.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi, munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxa ka soo qayb galay Madax kala duwan oo ka socday haya’addaha Dowladda.

  

Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda.

3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqoonsaday xoriyadda saxaafadda ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka,gaar ahaan qodobka 19-aad ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka.

Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda saxaafadda iyo in dawladaha la xasuusiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo ixtiraamka saxaafiyiinta.

Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dowladaha ee ay ku leetihiin badqabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabtaa shir ay soo abaabulaan hey’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xiriira xorriyadda saxaafadda, gaat ahaan maamul-wanaagga, , isla xisaabtan la’aanta iyo doorka warbaahinta ay ku leeyihiin la shaqeynta dalalka ka soo kabanaya colaadaha.

Labaatankii sano ee u dambeeyay warbaahinta dunida waxay ku tallaabsatay horumar ballaaran,kadib kolkii,isbadallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,taasina waxa ay dhiirigalisay in uu xoogaysto tartanka ganacsi ee dhanka warbaahinta ah.

Haddaba,Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd’a ahaan ka dhigan in si wadajir ah codka iyo ra’yiga loogu gudbiyo nuucyada warbaahinta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooniga ah.

Xuska munaasabaddaan,waa mid loogu talagalay in lagu eego horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen suxuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta nidaamka shaqo ee ay u hayaan bulshada.

Saxaafadda waa muraayad laga daawado horumarka dalka,sidaad daraadeed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambeeyay ay ka qeybgaleen dadaalada hordhaca ah ee loo galay geedi socodka nabadda ,dhismaha dalka iyo rajo soo celinta umadda.

Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda saxaafadda Soomaaliya, waxa uu saaciday in bulshada Soomaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiyaasha dalka.

In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kaliya ee lagu ilaalin karo xoriyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in Suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha looga saaro is-qabqabsi iyo hoos u dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta .

Ogoow saxaafaddu waa adeeg loo isticmaali karo laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ayaad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.ha ku sifoobin aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu yahay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fogoow in aad qeyb ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda ama dhinacyada kale ee ishaya.

Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Anagoo ka faa’ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u direynaa suxuufiyiinta caalamka,gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ka howlgala qeybaha warbaahinta dalka.

Gabagabadii,waxaan u rajeyneynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.

 

SONNA

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo maanta xilka la wareegaya

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ugala wareegi doona Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo isagana dhawaan loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, waa Wasiirka 33aad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, sida ku xusan diiwaanka tan iyo markii ay Soomaaliya gobonnimada qaadatay 1 Luulyo, 1960, waxa ay tani muhiim u tahay sooyaalka taariikheed ee qormaya ee diblomaasiyadda dalka.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo saaka ka bilaabatay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley

Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxaa saakay ka bilowday is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa bilowga bisha June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ayaa saaka subaxdii hore si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka ay is diiwaangalinta ka socoto ayaa soo dhaweeyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Sidoo kale qaar kamid ah shacabka labadan degmo oo ay kasocoto diiwaangalinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaan oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Waxa guul weyn u ah in shacabka Soomaaliyeed mudo dheer ka dib heli doonan xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka qayb galay Kulan hordhac u ah shirweynaha Baarlamaanka Carabta

Algiers:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa caawa ka qeyb galay kulan horudhac u ah shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo halkaasi ka furmi doona, waxaana Kulanka looga hadlay arrimaha shirka guud iyo sidoo kale jadwalka guud ee shirka.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa isla gartay in shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta laga soo saaro qodobo muhiim u ah Ajendaha shirka ee sanadkan oo ah arrimaha carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.