Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta

Agiers:- Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Carabta oo maalintii labaad ka socda Magaalada Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha wadamada carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Soomaaliya shirka ku matalaya ayaa maanta ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu ugu horeyn u mahadcelyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannadda Carabta iyo dowladda Algeria.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay xiligan leedahay in si dhab ah oo ka go’naasho ah looga hadlo loona wajaho, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay taageersantahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin iyo in la helo dowlad rasmi ah oo Falastiiniyiintu leeyihiin caasimadeeduna tahay Qudus.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada wadanka suudaan oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in aanan la faragelin.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tibaaxay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga wadamada Carabta dhexdooda ah gaar ahaan baarlamaannada Carabta oo uu sheegay in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo dhammaan ujeedooyinka iyo hadafyada horumarinta dhinac walba lagu gaarsiin karo dalalka Carabta iyo shucuubtooda. Sidoo kalena waxa uu ku booriyay guddoomiyeyaasha kale ee shirka ka qeyb galaya in la dhaqan geliyo qodobada shirka ka soo baxa.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf (Cali-Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ka hadlay shaqada baaxadda leh ee uu Guddiga ka qabtay Doorashada, gaar ahaan Diiwaangalinta Codbixiyayaasha iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa bogaadiyay howlaha waxtarka leh ee Guddigu u hayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan hirgelinta doorashada qof iyo codka ah, oo muwaadinka awoodsiineysa isla markaana dhiirigelineysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Wasiirka dekadaha oo sheegay in dowladdu ka shaqaynayso horumarinta dekadaha dalka

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Marwo Fartuun Cabdulqaadir Faarax ayaa maanta kormeer ku tegay Dekedda magaalada Muqdisho, si ay u qiimeeyaan howlaha kala duwan ee ka socda.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu dardargalinayo howlaha muhiimka ah ee lagu hormarinayo kaabayaasha ganacsiga iyo qiimaynta tayada badeecadaha ka soo degaya dekedaha dalka.

Intii uu socday kormeerka Wasiirka wuxuu warbixin ka dhageystay Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Mudane Axmed Maxamed (Washington), oo faahfaahin ka bixiyay nidaamka shaqo ee dekedda, horumarrada la gaaray, iyo caqabadaha weli jira.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa bogaadiyay dadaalka joogtada ah oo ay muujiyeen maamulka iyo shaqaalaha dekedda, isagoo xusay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta adeegyadeeda, casriyeynta qalabka iyo dhismaha kaabeyaasha.

   

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo booqday magaalada Elliott

Eldoret,:- Danjiraha Soomaaliya u jooga Dalka Kenya ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay magaalada Eldoret, gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Eldoret oo ah magaalada shanaad ee ugu weyn dalka Kenya ayaa hooy u ah jaaliyad Soomaaliyeed oo ballaaran. Jaaliyaddan ayaa door muuqda ku leh kobaca dhaqaalaha magaalada, iyaga oo si weyn ugu lug leh ganacsiga, xoolo dhaqashada, iyo beeralayda.

Danjiraha iyo xubnaha diblomaasiyiinta la socda ayaa booqday suuqyada waaweyn ee magaalada, gaar ahaan suuqa caanka ah ee Islii-Yareey, oo ah xarun ganacsi oo ay si weyn u maamulaan ganacsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxay booqdeen xarumo ganacsi oo waaweyn, iyaga oo la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo ka ganacsada badeecooyin kala duwan, isla markaana dhoofiya shidaal iyo alaabooyin kale oo loo dhoofiyo dalalka dariska ah sida South Sudan, Rwanda, Suudaan iyo DRC-Congo.

Intii ay socotay booqashada, Danjire Jabril ayaa la kulmay madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Eldoret, isaga oo xog wareysi iyo dhiirrigelin u sameeyay bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan. Madaxda jaaliyadda ayaa u gudbiyay cabashooyin la xiriira caqabadaha dhinaca safarka iyo ganacsiga, waxaana la isla gartay in la magacaabo guddi joogto ah oo xiriir toos ah la leh safaaradda.

Xaflad habeenkii ka dhacday magaalada ayaa lagu soo dhoweeyay danjiraha iyo wafdigiisa, iyadoo lagu muujiyay taageero iyo farxad weyn oo ay dadku u qabaan booqashadiisa. Madaxda jaaliyadda ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee mas’uul heer sare ah oo Soomaaliyeed uu si rasmi ah u booqdo jaaliyadda Eldoret.

Danjiraha ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxda gobolka iyo kuwa magaalada Eldoret sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, isaga oo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu marayo heerkii ugu wanaagsanaa, ayna safaaraddu diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.
           

Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma oo kulan la qaatay kusimaha danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay kusimaha danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya, Mudane Carsten Carlsen.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabad-dhiska, horumarinta siyaasadeed, barnaamijyada xasilinta iyo iskaashiga mustaqbalka ee u dhaxeeya labada dhinac.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada SSC-Khaatumo ay ugu jirto horumarinta deegaannada ay masuulka ka tahay.

 

  

Hay’adda Istaatistikada oo soo bandhigeyso warbixin ka hadleyso casriyeynta badeecadaha Soomaaliya

Shirka daahfurka casriyeynta badeecadaha Soomaaliya oo ay qabaneyso Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene iyo lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr Xasan Aadan Hoosow iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya madashan oo lagu soo bandhigayo warbixinta casriyeynta baahinta iyo tusaha badeecadaha Soomaaliya.

Warbixintaan ayaa looga hadli doonaa qeybaha kala duwan ee sicirka badeecadaha oo ay kamid tahay cuntada, Tamarta iyo gadiidka,waxana ka qeyb galaya daah furka munaasabadda wasiirro,xildhibaano,ganacsato iyo qeybaha bulshada rayidka.

Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in xogta la soo bandhigay ay muhiim tahay in ficil loo badalo si looga hortago dhaqaala burburka qoysaska Soomaaliyeed.

“Xogta maanta la soo bandhigay waxaan rajeynaynaa in ficil loo badalo si looga hortago dhaqaalo burburka qoysaska Soomaaliyeed.”Wasiir Beene Beene

Agaasimaha guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Cabdisalaan C/raxmaan Maxamed oo la hadlayay warbaahinya qaranka ayaa yiri”Maanta waxaan soo bandhigeynaa daraasado ka hadlaya waxyaabaha keena in badeecadaha dalkeenna sicir barar ku yimaado.”

Warbixinta waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa waxyaabaha keena sara ukaca badeecadaha dalka iyo isbadalada ku yimaado sida looga hortagi karo,waxaana halkaa lagu soo bandhigi doonaa doodo la xariiro arintaa.

 

     

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo martigelinaysa kulan dadweyne oo muhiim ah

Wasaaradda Cadaaladda iyo ArArrimah Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa martigelinaysa kulan dadweyne muhiim ah oo cinwaankiisu yahay: 𝐇𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐮𝐮 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐨 𝐬𝐚𝐫𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.

Kulankan ayaa waxa uu iftiimin doonaa sida hannaanka cadaaladda dadban uu door muuqda uga ciyaari karo la fal-galka Hannaanka rasmiga ah ee Cadaaladda dalka iyo fursadaha iskaashi uu la yeelan karo nidaamka rasmiga ah ee caddaaladda.

Waxaa kasoo qeyb geli doona: Mas’uuliyiin sare oo ka socda bahda Garsoorka , khubaro Sharci iyo aqoonyahanno Aqoon durugsan uleh Arrimaha caddaaladda iyo dhaqanka bulshada.

Wasaaradda Beeraha oo Kulan Dhiirigelin ah u Qabatay Dhalinyarada Barata Cilmiga Beeraha ee Jaamacadaha Dalka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS. ayaa muqdisho qabatay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah ardayda dhigata cilmiga beeraha ee jaamacadaha dalka.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dhiirigelinta xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda iyo dhalinyarada barta cilmiga beeraha, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta wax soosaarka gudaha iyo isbadelka nidaamyada casriga ah ee beeraha.

Madashaan oo ay ka hadleen qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha ardayda jaamacadaha, dhanka kale kulanka waxaa kasoo qaybgalay
Gudoomiyaha Arrimaha bulshada Baarlamanka Soomaaliyeed Marwo: Nadra Salah.

Gabagabadii kulankaan ayaa ka mid ahaa kulamadii hor-udhaca ahaa ee looga arrinsanaaye Shirka wayn ee NAFIS2025 kaasoo dhacay 5,6 May 2025

 

   

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ahaan, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegan maanta, 3-da May 2025.

Sanadkan Hay’adda Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ( UNESCO) waxa ay halkudhig uga dhigtay xuska munnaasabaddani Saameynta Casriyaynta Warbaahinta iyo Adeegsiga Garaadka Macmalka ah ee Warbaahinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee suxufiyiintu ku leeyihiin horumarinta bulshada, ilaalinta dimuqraadiyadda, iyo xaqiijinta daahfurnaanta.

“Munaasabadda qiimaha leh ee Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda awgeed, waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daahfurnaanta, iyo dimuqraadiyadda. Waxaan qirayaa in doorkiina wacyi-dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

“Halkudhigga sanadkan ee UNESCO waxa uu ka tarjumayaa horumarka casriyaynta warbaahinta iyo adeegsiga saameynta Macmalka ah, waxaa muhiim ah in iyada oo laga faa’iidaysanayo aaladaha casriga ah haddane, in ay warbaahintu kor u qaaddo hubinta wararka, ka feejignaanta marin habaabinta iyo been abuurka” ayuu ku daray Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku booriyay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay door weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ka hortaga fikradaha xagjirka, xoojinta nabad dhiska, fahamsiinta dadweynaha ee saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, taas oo si weyn u saameysay dunida oo dhan, Soomaaliya-na ay ka mid tahay dhibbanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka.

“Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiirrigelinta warbaahinta. Ka dowlad ahaan, waxaa naga go’an in aan kor u qaadno xoriyadda saxaafadda oo mas’uuliyad ku dheehan tahay, xoojinta tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta. Waxaan aaminsanahay in wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale u xaqiijinaysaa suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta, iyo xaqa ay u leeyihiin helitaanka xogta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo warbaahinta, iyadoo la dhiirrigelinayo dhaqangelinta mabaadi’da iyo anshaxa suuban ee saxaafadda.

𝐎𝐥𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫r𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐊𝐮 𝐃𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐧𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐨𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐠e𝐛𝐚𝐠e𝐛𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa si rasmi ah u soo gabagabeesay wajiga 3aad ee olalaha qaliimada caruurta ku dhasha wadna daloolka ayadoona ollolahan ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Somali Sudanese, Hormuud Salam Foundation, Hay’adda Muntada, Isbitaalka Wadnaha ee Mogadishu Heart Center, iyo Hay’adda Sadaaqa.

Olalahaan oo mid lacag la,aan ahaa ayay ka faa’iidaysteen in ka badan 70 carruur ah oo ku dhashay xaalad Wadna Daloolka Tallaabadan ayaa ah mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka Wasaaradda iyo hay’adaha kala duwan ee bulshada si loo taageero caruurta u baahan daryeel caafimaad.

Wasir Dowlaha wasaaradda Dr. Maryama, ayaa sheegtay in olalaha noocan ahi ay muhiim u yihiin caafimaadka bulshada, isla markaana ay ka caawinayaan in la yareeyo dhibaatada caafimaad ay wajahaan carruurta waxaxay sidoo kale ku boorisay waalidiinta inay ka aqayb qaataan wacyigelinada iyo barnaamijyada caafimaadka.

Ugu danbayn Dr. Maryama Mohamed Hussein Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa shahaadooyin gudoonsiisay dhaqatiirta iyo maaulyiinta kale ee ka qaybta ahaa ololahaan ayadoona xaqiijisay in wasaaradda ay ka go,antahay joogtaynta olalahaan si kor loogu qaado Daryeelka iyo Caafimaadka carruurta Soomaaliyeed.