Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha-u-naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan dhaqanka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Cabdullaahi oo intii uu noolaa ku suntanaa nabad jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu soo kaban lahayd burburkii gaaray qaranka.

“Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, waxa uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo arrimaha dhaqanka, waxaana lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii raadinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka bulshada soo kala dhexgala”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, ehelka, bulshadii uu ugaaska u ahaa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka Shaqada oo ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada, oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirkan ayaa diiradda saaraya horumarinta deegaanka shaqo ee badbaado leh, kana madax bannaan shilal iyo cudurro shaqo.

Wasiir Yuusuf wuxuu xusay dadaalka ay Wasaaraddu ku bixineyso xoojinta arrimaha badqabka shaqada, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la aasaaso Machadka Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada si kor loogu qaado wacyigelinta iyo ilaalinta shaqaalaha Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya

Algiers : Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.

Kulanka ayaa ka dhacay xilli uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku sugan yahay dalka Aljeeriya si uu uga qeyb galo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa, isagoo uga mahadceliyay ka qeybgalka shirka iyo xoojinta xiriirka labada baarlamaan. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan lagu xoojin karo iskaashiga baarlamaannada labada dal, isaga oo sidoo kale bogaadiyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ka qaadato arrimaha xasiloonida iyo horumarka dalalka Carabta.

Dhinaciisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Algeria martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Wuxuu muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, gaar ahaan dhanka baarlamaannada.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u amaanay doorka Aljeeriya ee taageerada ay siiso arrimaha Carabta, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu fure u yahay isdhaafsiga waayo-aragnimada, aqoonta sharci-dejinta iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan, iyadoo lagu saleynayo danaha guud iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

   

Wasaaradda caafimaadka oo dawo ku wareejisay ciidamada dagaalka Khawaarijta ku jira

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wareejiyey Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir oo wakiil ka ah xildhibaanada deegaanada ay howlgaladu ka socdaan kaalmo Daawo ah oo loogu talagalay Ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanka ee qeybta ka ah hawlgalada joogtada ah ee lagu cirib tirayo kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ka socda qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Dawadan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh xoojinta Caafimaadka iyo daryeelka Ciidamada dagaalka adag kula jira Khawaarijta, si loo hubiyo in guulaha laga gaarayo howlgalada amniga ay u sii socdaan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an taageeridda Ciidamada naftooda u huraya difaaca dalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyada oo mudnaanta koowaad siineysa Caafimaadka iyo horumarka deegaannada ay ka socdaan howlgallada amniga.

 

      

Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka dad dhigista iyo tirakoobka madaniga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 10-aad, waxaana shir guddoominayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad oo kukanka furay ayaa Xildhibaanadda Golaha kula dardaarmay in ay dhowraan xeerhoosaadka iyo nidaamka Golaha sidoo kalena ay ilaaliyaan wakhtiga soo xaadiritaanka Golaha.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise shaeciyeedka dad dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga, waxaana warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedkan golaha u akhriyay kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afeey).

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay qodobada hindise sharcyeedkan iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay, iyaga oo su’aalo Hindise Sharciyeedkan ku saabsan weydiiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddiga arrimaha gudaha.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo si rasmi ah kulanka u soo xiray ayaa faray guddiga arrimaha gudaha in hindise sharciyeedkan ay kusoo daraan aragtida iyo talooyinka Xildhibaanada ka dibna akhrintiisa sedaxaad ay dib golaha ugu soo celiyaan.

       

Wasiirka ganacsiga oo la kulmay danjiraha Turkiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa fursad muhiim ah oo labada masuul ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, horumarinta warshadaha, iyo dhiirrigelinta maalgelinta gaar ahaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa xusay in kulanka uu horseeday is-afgarad muhiim ah oo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa ka qeybgalka ganacsatada Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, si loo abuuro dhaqaale kobca, loona dhiso iskaashi waara oo ku dhisan dan-wadaag iyo horumar waara.

Sidoo kale, Wasiir Geesood ayaa carrabka ku adkeeyay in Jamhuuriyadda Turkiga ay tahay saaxiib istaraatiiji ah oo Soomaaliya ka taageeray dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada. Waxa uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la sii xoojiyo xiriirka labada dal, iyadoo lagu saleynayo ixtiraam, is-kaashi dhab ah, iyo dan guud.

 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta waxsoosaarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro iskufilnaansho cunto.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daahfurka Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, oo lagu soo bandhigay caqabadaha waaweyn ee ku hor gudban kor u qaadista wax soo saarka dalka, ayaa ugu boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan beeraha dalka, si looga maarmo wax yaabaha dibadda laga soo dhoofiyo, iyada oo gudaha dalka laga heli karo.

Mudane Xamsa, oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah dhallinyaradii hal abuurkooda ku soo bandhigay madasha shirweynaha, ayaa ku dhiirigeliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan barashada cilmiga la xiriira beeraha, si loo helo jiil ku foogan wax soo saarka dalkooda.

   

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/G Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka ayaa daarnaa isxogwaraysi iyo sidii Taliska Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo isaga kaashan lahaayeen arrimaha hortebinta u leh qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Wasiirka Kalluumeysiga oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe, ayaa la kulmay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta hay’adda iyo wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga iyo sidii kalluumeysatada loogu heli lahaa mashaariicyo wax ka tara sidii loogu faa’ideysan lahaa kheyraadka badda.

 

   

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo ka furmay Muqdisho

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha ayaa si rasmi ah uga furmaya maanta magaalada Muqdisho,iyadoo lagu qabtay Hotel Jazeera. Munaasabaddan muhiimka ah ayaa isu keentay masuuliyiin sare, khubaro, ganacsato iyo daneeyayaasha kala duwan ee ku hawlan horumarinta cuntada iyo wax-soosaarka beeraha dalka

 

     .