Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Qatar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Intii kulanka lagu guda-jiray , waxaa labada dhinac ay ka wadahadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee nacfi is-dhaafsiga leh, si gaar ah ka guul keenidda ujeeddo wadaagga iyo abuuridda fursado iskaashi oo qoto dheer oo dhan weliba leh.

  

Degmada Dayniile oo saaka laga bilaabay diiwaangelinta doorashooyinka

Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir waxaa saakay ka bilowday is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa bilowga bisha June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmada Dayniile ayaa saaka subaxdii hore si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoo safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Qaar ka mid ah Shacabka degmada Dayniile oo aragtiidooda dhiibtay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaan oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hadda waxa si habsami leh uga socota diiwaangelinta doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khadka teleefoonka kula hadlay Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa fiidnimadii xalay khadka isgaarsiinta kula hadlay Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Danjire Hussein Al-Amin.

Intii wadahadalku socday, Wasiir Cabdisalaan waxa uu caddeeyay qoto-dheerida xiriirka labo geesoodka ee salka adag ee u dhexeeya labada dad ee walaalaha ah, isaga oo markale ku celiyay mowqifka sugan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee taageeraya nabadda, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan, waxaana uu carabaabay in Soomaaliya ay garab-taagantahay Suudaan markii loo eego xaaladaha ay wajahayso xilligan.

Dhankiisa, Mudane Danjire Hussein Al-Amin ayaa carabka ku adkeeyay tixgelinta xooggan ee uu u hayo mowqifka walaalnimo ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay dadaalka iyo taageerrada dhabta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab-taagantahay xilligan dadka iyo dowladda Suudaaan.

Labada dhinac ayaa waxa ay isku afgarteen in la sii ambaqaado iskuduwidda iyo xoojinta wadatashiga u dhexeeya labada dal si u adeegaysa dano wadaagga, sarena u qaadaysa iskaashiga labo dhinaclaha.

Soomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday Heshiisyo Is-Afgarad oo la xiriira Maamulka Amniga Internetka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.

Heshiiska ugu horreeya oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeer nidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha; Heshiiskan ayaa waxa uu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE.

Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Taliyaha Taliska AFRICOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Jeneraal Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda howlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda taageerada joogtada ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

   

Wasiiro ka tirsan dowladda oo sagootiyey gabdho mataano ah oo isku dhagan oo caafimaad loo diray

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Qoyska iyo hormarinta Xuquuqul insaanka Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, kuxigeenka Safiirka Sacuudiga ah ee Soomaaliya Amb Maxamed Al-mudeyri iyo Agaasimaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka IOC Maxamed Bamba ayaa maanta Muqdisho ka sagootiyay gabdho mataano ah oo isaga dhagan xubinta kaadi heysta.

Gabdhahan mataanahan ah oo 3 bilood jir ah ayaa waxaa daryeelkooda Caafimaad fududeeyo Hay’adda gargaarka ee Boqor Salmaan oo wakiill ka ah dowladda Sacuudiga, kuwaas oo qaliin loogu sameeyn doono dalka Sucuudiga.

Raxmo Fiqi Sayid iyo Ramlo Fiqi Sayid waa mataano 3-billood kahor waxay ku dhashay isbitaalka Somali Sudane oo ka mid ah cisbitaalada Muqdisho, kuwaas oo ay maanta hay’adda gargaarka Boqor Salmaan u qaaday Dalka Sucuudiga.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa dowladda Boqortooyada Sucuudiga iyo hay’adda Boqor Salmaan uga mahadceliyey daryeelka caafimaad ee dalka Sacuudiga loogu qaadayo mataanahan, isagoo u rajeeyay in lagu guuleysto qaliinkooda.

“Maanta halkaan waxaan u joognaa inaan ka sagootinno gabdho mataano ah oo ku dhashay iyaga oo isku dhagan, si loogu qaado dalka dibaddiisa looguna sameeyo qalliin lagu kala saarayo. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Sacuudi Carabiya oo bixisay deeqdan caafimaad” ayuu yiri Wasiirka caafimaadka XFS, Mudane Cali Xaaji.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinka Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa sidoo kale Dowladda Sacuudiga ugu mahadcelisay fududeynta qarashka ku baxaya qaliinka mataanahan.

Ku xigeenkia Safiirka Boqortooyada Sucuudiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Mohammed Al-Budeiri ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Sacuudiga garab walaalnimo u tahay Soomaaliya loona diyaariyey mataanahan dhaqaatiir heer-sare, isagoo u rajeeyay inay dalkooda ku soo laabtaan iyaga oo caafimaad Qabo.

Hay’adda gargaarka ee Boqor Salmaan oo wakiill ka ah dowladda Sacuudiga ayaa sidaan oo kale horay daryeel caafimaad u fidiyay muwaadin Soomaaliyeed kuwaas oo dalka wax looga qaban waayay.

    

Shirka golaha wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirkan oo qeyb ka ah gogoshii Qaran ee uu fidiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed Mudane Cabdacasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-cali, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Shirkan oo ah mid heer qaran ah, ayaa waxaa looga arrinsanaya xaaladda dalka, howlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada.

   

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Cuntada oo galay maalinkii labaad

Shirkii manta oo lahaa xiiso gaar ah waxaa lagu soo jeediyay Khudbado iyo doodo muhiim ah oo lagu falanqeyay xaalada dhabta ah ee maalgashiga beeraha, horumarinta cuntada iyo doorka tiknoolijiyada ee kobcinta wax soosaarka gudaha.

Ujeeddooyinka ugu waa weyn ee NAFIS2025:

1- Doodo wax ku ool ah: Waxaa si furan looga doodayaa siyaasadaha la xiriira maalgashiga beeraha, gaar ahaan baahida loo qabo mashiino casri ah, kaydinta biyaha, iyo adeegsiga tiknoolijiyada si loo yareeyo khasaaraha iyo kor loogu qaado wax soosaarka.

2- Soo jeedimo waxtar leh: Khubarada iyo daneeyayaasha ayaa soo bandhigay xalal cusub oo la xiriira kor u qaadidda wax soosaarka beeraha, ilaalinta deegaanka, iyo kobcinta suuqyada gudaha iyo dibadda.

3- Isbeddelka Qorshaha Qaran ee Beeraha: Shirkan wuxuu horseed u yahay in dib u eegis lagu sameeyo Qorshaha Maalgashi ee Cuntada dalka iyo Horumarinta Beeraha si uu uga jawaabo xaalada cusub ee isbeddeleysa ee cimilada, suuqyada iyo tiknoolijiyada.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 shaqada 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐜𝐮𝐮𝐝𝐢𝐠𝐚

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan oo safar shaqo ku jooga magaalada Riyadh ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.

Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga, horumarinta bulshada iyo shaqo abuurka, iyadoo labada dhinac ay isla gaareen in la dedejiyo is-afgaradkii dhowaan dhexmaray labada dal ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga kaas oo ku saabsanaa shaqo-siinta debadda oo hadda meel fiican maraysa.

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada
Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay abuurto jawi shaqo oo waxsoo saar leh iyadoo u kuur gashay in ay dowladaha caalamka ay la gasho heshiishyo labo geesood ah (Bilateral labour agreements).

Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hadda waxa uu baaritaanno Seismic ah oo Seddex geesood ah ka wada deegaanno ka tirsan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka ahaa heshiis hore. Oruc Reis uu horay u dhammaystiray ku dhawaad ​​78% howsha sahaminta, Bayraktar wuxuu yiri: “Dhammaadka bisha May, waxaan ku dhammeyn doonnaa daraasadaha Seismic-ka halkaas”. “Iyada oo ku saleysan xogta la uruuriyay, waxaan gaari doonaa go’aankayaga ku saabsan Wejiga xiga, kaasi oo ah qodista,” ayuu yiri.

Bayraktar waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in magaalada Istanbul ay martigelin doonto Shirka Khayraadka Dabiiciga ah ee Caalamiga ah bisha May 2-deeda. Wasiiro iyo shirkado ay khusayso oo ka kala socda daafaha caalamka ayaa isugu iman doona, xafladaasina ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaashiga, gaar ahaan dhinaca Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah, iyo Macdanta.

“Dhammaanteen waxay noo tahay maalin taariikhi ah” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed, wuxuuna sheegay in koox loo abaabuli doono, si ay Soomaaliya u aadaan, si ay u qiimeeyaan oo ay ugu diyaar garoobaan shaqada weyn ee hortaala.”  Sida uu sheegeen, Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya “waxaa ka go’an inay Soomaaliya gaarsiiyaan heer ka duwan kuwii hore.

‘Iskaashiga mustaqbalka’, Wasiirka Soomaaliya ayaa yiri: “Waxaan sidoo kale ka fekereynaa kheyraadka kale sida Macdanta.” Waxa uu sheegay in marka la sameeyo aasaaska sharci ee lagama maarmaanka ah, shirkadaha macdanta ee Turkiga ay soo geli karaan Soomaaliya, si ay heshiisyo iyo qandaraasyo u sameeyaan.

Haddaba bishan 2-deedii ayaa Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, ayay shir-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay Wasiirro ka kala socday dalalka Azerbaijan, Ciraaq, iyo Libya, xilli uu socday shirka caalamiga ah ee “Istanbul Natural Resources Summit”.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray:-

1.Horumarinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

2.Tababarka iyo dhisidda awoodda shaqaalaha Soomaaliyeed
Wada-shaqeyn istiraatiiji ah oo ku saabsan sahminta.

3. iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah
Is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo kor u qaadista xirfadaha farsamo

Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa madasha uga faa’iideystay fursad uu si qoto dheer ugala hadlo dhiggiisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalkan, si loo abuuro iskaashi muuqda oo horumarin kara kheyraadka dalka.

Kulammadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku raadinayso iskaashi caalami ah oo wax-ku-ool ah, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo adeegyada la xiriira Batroolka iyo Macdanta.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeeda, waxa uuna xusay in dadaallada sahaminta Shidaalka ay sii dardargelinayaan, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay iskaashi la leedahay Dowlada Turkiga iyo saaxiibbada kale Caalamka, si loo xoojiyo waxsoosaarka khayraadka dalka iyo Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan arrimaha Kheyraadka dabiiciga looga hadlaayay ee ka dhacayay Istanbul, ayaa sanadkaan halkudhiggiisu waxaa uu ahaa Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, ee ku aaddan Macdanta, iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee Tamarta nadiif ka ah iyo Macdanta waarta.

Shirkaan intii uu socday waxaa jiray doodo oo ay ka qayb qaadanayeen Wasiirrada Macdanta ee dalalka Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia iyo Soomaaliya, iyadoo uu dooda qaybinayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar, waxaana ugu dambeyntiina Wasiir Bayraktar ayaa dhankiisa adkeeyay in dawladda Turkigu, ay marwalba garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, sidii ay ula soo bixi laheyd Shidaalka dihan ee dhex ceegaaga dhulkeeda.

Dhinaca kale Ilo dhanka Dowladda Turkiga ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sahminta Batroolka iyo Gaaska ee ay Dowladda Turkiga ka waddo Badda Soomaaliya uu haatan gebogebo ku dhaw yahay, xogta laga helayo baaritaanka horudhacana uu muujinayo :

– In seddexdii Ceel labo ka mid ah baaritaankooda la dhameeyay, halka midka seddexaadna uu haatan gabagabo ku socdo.

– In boqolkiiba 90% baaritaanka la sameeyay uu muujinayo in Gaas ganacsi noqon karo laga helay labada Ceel.

-In dhameystirka Ceelka seddexaad uu qaadan karo ilaa bisha sideedaad (Agosto) ee saandkan.

-In halkii Ceel ay suurtagal tahay in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo Gaas Ganacsi ah.

-In nooca Gaaska iyo qiyaasta rasmiga la ogaan karo marka :
– Ceelasha Afka laga dilaaciyo

-Iyo marka xogta baaritaan ee 3D lagu soo qiimeeyo sheybaarada Gaaska iyo Shidaalka, sida ay qortay Wakaaladda Wararaka dalka Turkiye ee Anadolu.

By. C/laahi Ruush