Wasiiru Dowlaha Beeraha XFS oo dalka Sirilanka kula kulmay madax iyo mas’uuliyiin kale

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed oo ka qaybgalaya shirwaynaha ka socda Dalka-Siri Lanka, ayaa shir doceed kula kulmay Raisul Wasaaraha dalkaas Marwo Harini Nireka Amarasuriya.

Kulanka dhinacyadaasi wuxuu wasiiru Dowlaha si kooban uga warramay xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha lagu samayn karo iskaashi dhanka beeraha ah ee labada dal.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka waxaa kale oo uu la kulmay Dr. Cabdalla Axmed Almanduus oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada.

Shirweynaha 4-aad oo looga hadlay arrimaha beeraha iyo qodobbo kale oo khuseeyay dhanka cimilada iyo deegaanka waxaa soo  qabanqaabisay hay’adda Nidaamka Digniinta Khatarta ee Gobolka (RIMES).

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo wafdi ka socday Ingiriiska oo ka wadahadlay qodobbo muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Afrika iyo Americas.

Kulanka labada dhinac oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Danjiraha Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo saraakiil kale,waxaa diiradda lagu saaray hawlgallada socda ee ka dhanka ah khawaarijta, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)  iyo  qorshaha kala-guurka.

Kulankaasi dhexmaray wasirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo wafdiga ay hoggaamineysay madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America waxaa kaloo looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada iyo doorka xukuumadda Ingiriisku ka qaadato taageerada Soomaaliya ee xagga amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Fiqi ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay kaalinta firfircoon iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowliga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Indonesia oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Jakarta: Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Indonesia Dr. Faysal Axmed Salaad, ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ku wareejiyey Madaxweynaha dalkaas Md Prabowo, waxaana uu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay danjire Feysal inuu noqday Danjirihii ugu horreeyay ee la aqbalo muddo usbuuc ka yar oo uu joogay Waddanka, taasoo ka dhigan muhiimadda Xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dal.

Danjire Dr. Faysal Axmed Salaad ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo Dawladda Indonesia soo dhaweynta heerka sare leh ee loo sameeyey, waxaana uu salaam diirran ka gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sare u qaadista xiriirka labada dal.

  

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed

War-murtiyeedkii ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka qabsoomay Muqdosho 6-7 May 2025

1. Hordhac

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho October 6-7 May 2025. Shirka o qayb ka ah shirarka wadatashiga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu hore ugu baaqay, waxaa ka soo qaybgalay Ra’lisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Hogaamiyaha Dowlad Gobaleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.

1. Warbixin

GWQ waxa uu warbixino faahfaahsan ka dhagaystay:

a. La-taliyaha Amniga Qaranka oo golaha uga waramay xaalada dagaalka lagula jirc argagixisada iyo qorshaha looga nadiifinayo goobaha ay dhawaanahan xasilooni darada ka wadeen.

b. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo si faahfaahsan uga waribixiyay habsami u-socodka diiwaangelinta cod bixiyaasha, iyo diyaargarowga guud ee ka billaabmay Gobolka Banadir.

2. Bogaadin:

a. GWQ waxa uu u hambalyeeyay geesiyada ciidamada qaranka iyo xoogaga difaac: bulshada guulaha ay ka gaareen la dagaalanka argagaxisada, sida oo kale waxaa uu bogaadiyay sida ay dawlada federaalka u maaraysay qaabdhismeeka iyo howsha shaqo ee Howl Galka Midowga Afrika ee AUSSOM.

b.Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey habsami u socodka howlaha diwaangalinta dadweynaha ee ka bilaabatay Gobolka Banaadir. Waxa uuna ku dhiirigaliyey inay gaarsiyaan degaanada dowlad goboleedyada dalka.

3. Go’aamada Shirka

GWQ waxa uu si goto-dheer u falanqeeyay xaaladaha amniga, siyaasadda, iyo bini aadanimo ee dalku ku suganyahay, wuxuuna ku heshiiyay qodobada soo socda:

1. Goluhu waxa uu isla qaatay inay lagama maarmaan tahay in laga wada qayb-qaato la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka.

2. Goluhu waxa uu adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo hay’ adaha dastuuriga ah ee dalka taas 00 aas-aas u ah hanaanka dawaladnimo ee dadka Soomaaliyeed hiigsanayaan kuna qotoma dastuurka dalka.

3. Goluhu waxa uu isku raacay in maamul-goboleedyadu ay gudiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangalinta dadwaynaha si loo hirgaliyo doorasho xor iyo xalaal ah.

4. Goluhu waxa uu soo dhaweeyay hannaanka xisbiyada badan ee Dalka kahirgalay, wuxuuna u hambalyeeyay xisbiyada is diiwaangeliyay, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda iney diiwaan gashadaan ururro siyaasadeed matala afkaartooda.

5. GWQ isaga oo ka duulaya baaqii madaxweynaha ee maalintii ciidda aheyd

(29 Maarso 2025), waxa uu isku raacay in Dawlada Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ay dardar galiyaan wadatashiga siyaasiyiinta iyo waxgaradka dalka si loogu midoobo la dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyadeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

6. GWQ waxa uu isku raacay in wasaarada’Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay keento talo iyo soo jeedin xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dawlad Goboleed oo sharci ah.

7. Goluhu waxa uu u isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo ay tahay xubin ka mid ah dowladaha xubinta ka ah DFS, laguna soo dhammaystiro shirweynaha loo ballansan yahay iyada oo la raacayo dastuurka dalka.

8. Goluhu waxaa uu Dowladda federaalka u soo jeediyay in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo SSC-Khaatumo iska kaashadaan qabashada shirweynaha iyo dhammaystirka SSC-Khaatumo.

9. Goluhu waxa uu isku raacay in DFS iyo maamul goboleedyada ay si dhow uga wada shaqeeyaan duruufaha bini-aadanimo ee adag ee ka dhashay isbedelka cimilada iyo dagaalada argagaxisada si looga gudbo duruufaha adag ee shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin.

10. Goluhu waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo dhameystirka Qorshaha Isbedelka Qaranka, waxa uuna ugu baaqay dhamaan beesha caalamka, maalgashatada iyo ganacsatada iney mudnaan süyaan mashaariicda horumarinta qaranka ee wax looga badalayo kobaca dhaqaalaha, shaga abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.

Hanti-dhowraha guud oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Hanti-dhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan isbarasho iyo soodhaweyn ah kula qaatay Muqdisho wefdi ka socday Midowga Yurub, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Cusub ee Mashruuca Kaalmada Farsamo ee Horumarinta Isla-xisaabtanka Maaliyadeed ee uu Midowga Yurub ku Taageero Soomaaliya (EU SFA Project), Menno Jan van der Ven, iyo wefdi uu hoggaaminayey.

Hantidhowraha Guud iyo wefdigu waxay ka wada-hadleen sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay in ay Xafiiska ka taageerto in uu ku guuleysto dedaalladiisa istiraatiijayeed ee la xiriira xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad wanaagga.

Intii uu kulanku socday waxa uu Abukaate Guutaale la wadaagay Agaasimaha Cusub iyo wefdigiisa dedaallada uu XHGS ku hawlan yahay, si uu uga mira-dhaliyo yoolashiisa, iyo xoojinta wada-shaqaynta istiraatiijiyadeed ee uu la leeyahay Midowga Yurub, gaar ahaan Mshruuca EU SFA, si hortabinnada Xafiiska diiradda loo saaro, iyada oo dib loo milicsaday guulaha uu XHGS gaaray, isaga oo kaashanaya Mashruucaas.

Kulanka markii uu dhammaaday kadib, Agaasime Menno iyo Xubnaha Wefdigiisa ayaa lagu soo wareejiyey qaybo ka mid ah Waaxaha XHGS ee xudunta u ah shaqada Xafiiska, iyada oo la sii xoojinayo isbarashada iyo soodhaweynta Xafiiska iyo Agaasime Menno.

   

Wasiirka shaqada oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Dooxa: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Mudane Cali bin Samikh Al-Marri.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac ee ku aaddan arrimaha shaqada, oo ay ka mid yihiin horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta tababarada iyo kor u qaadista fursadaha shaqada.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo kobaca dhaqaalaha waara iyo horumarinta bulshada. Waxaa si gaar ah loo dul istaagay dib u eegista heshiis iskaashi labada dal.

  

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad oo furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hay’adda Aqoonsiga NIRA

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in helitaanka aqoonsiga Qaranku uu yahay xaq dastuuri ah oo muwaadinka u fududeynaya shaqooyinka iyo adeegga uu u baahan yahay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo daah-furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), ayaa xusay in hannaankani uu yahay mid sugan, oo u fududeynaya muwaadinku in uu si fudud ku helo aqoonsiga Qaranka.

Guddoomiyaha SODMA oo furay mashruuc ay ku kacayso 40 million

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ( SoDMA )Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa 40,000000 afartan milyan oo doolar.

Mashruuca *(WISER Action First – Eastern Africa)* oo wadamada bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa awooda u adkeeysiga aafooyinka ee bulshada kuwa ugu nugul ee gobolka bariga Africa oo ay Soomaaliyana qeeyb ka tahay, iyadoo ay mashruucan fulin doonaan Hay’addaha Maareeynta Musiibooyinka iyo kuwa Saadaasha Cimilada u qaabilsan wadamada bariga Afrika. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo afar sano ah, waxaana maalgelinaya dowladda UK hay’addeeda u qaabilsan Horumarinta ee FCDO.

Gudoomiyaha oo Munaasabadda Daah-furka mashruuca hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu mashruucu ku soo aadayay wakhtigii aadka loogu baahnaa, wuxuuna iftiimiyay faa’iidada mashruucan u leedahay dhameeystirka firaaqa ka jira hanaanka bixiya digniinaha halis-wadareedka dalalka gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gaba-gabadii munaasabadda wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mashruucan laga faa’iideeysto, wuxuuna kula dardaarmay dhammaan bah-wadaagta mashruuca fulinaysa in ay si hufan oo daahfurnaan leh u gutaan waajibaadkooda si bulshadu si siman ugu faa’iidaysato.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamud Macalin ayaa wuxuu shir doceed la yeeshay madaxdii mataleeysay hay’adda “FCDO” oo ah deeq bixiyaha mashruuca, gudoomiyuhu wuxuu uga Mahad celiyay taageetada ay had iyo jeer la garabtaaganyihiin wadamada gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.

    

Wasiirka Beeraha XFS oo furay Shirka wada tashiga ee daneeyayaasha abuurka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Xil. Maxamed a Abdi Xayir (Maareeye) ayaa furay Shirka wada tashiga ee daneeyayaasha abuurka Soomaaliyeed kaasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ujeedada ugu weyn ee shirka ayaa ah in lagu soo bandhigo laguna wadaago natiijooyinka hordhaca ah ee daraasada qiimeynta abuurka ee Soomaaliya.

Daraasaddan ayaa la sameeyay intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Abriil 2025. Ujeedka daraansadaan ayaa aheed in laga helo jawaab-celin, dood wax tar u leh cilmibaaristaan iyo talooyin ka yimid daneeyayaasha abuurka Soomali.

Daraasada waxay soo bandhigi doontaa caqabadaha iyo dulduleelada ka jira nidaamka abuurka qaranka, sidoo kale daraasada waxey soo saari doonta talooyin maalgashi iyo talooyin quseeya sida loo xoojin lahaa nidaamka abuurka dalka.

Daraasada waxaa iska kaashaday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Waaxdeeda Cilmibaarista iyo fidinta, iyo Hay’adda TASAI, waxaana daraasad ka caawiyay fulinteeda Hay’adda FAO, iyo Ururka Midowga Afrika.

Ugu danbeyntii shirka waxa qeyb ka ahaa Wasaradaha Beeraha ee Dowlad Goboleeyada KGS, Hirshabelle and Jubaland, waxaa ka qeyb qaatay xog aruurinta dhamaan shirkadaha abuurka dalka, heyadaha maxaliga iyo kuwa caalamiga, jaamcada dalka kuwooda ka shaqeeya Abuurka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Turkiga xoojinta xiriirka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiirka ayaa kala hadlay Safiirka intii kulanka lagu guda-jiray siyaabaha sare loogu qaadi karo xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, waxa ayna isla qaadaa-dhigeen dhabbaha istiraatiijiyadeed ee lagu sii qoto-dheerayn karo wax wadaag ku suntan danaha labada dal.