Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay janaasada AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda Janaazadda ku tukaday AUN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib tacsi gaar ah la wadaagay qoyska iyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Ugaasku. “Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaaho Ugaas Faarax, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay marxuumku”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeybgalay tukashada Salaadda Janaasada Madaxwaynaha Dowlad Goboleeeka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

     

DHAMMAAD

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA), ka dib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow oo ka qaybgalay shirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xogta shakhsiyeed, asturnaanta dijitaalka ah iyo ka qaybgalka madasha heer goboleed ee arrimaha dhowrista xogta.

Kulanka NAPDA oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika ayaa si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah.

Maareeyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hay’adaha kale ee ka qeybgalayay shirweynaha, isagoo adkeeyay muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si loogu wajahdo caqabadaha wadajirka ah ee xagga xog-ilaalinta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo socday muddo laba maalmood ah.

2.War Murtiyeed ka ka kooban 10 qodob oo laga soo saaray Shirka Golaha Wadatshiga Qaranka, kuwaas oo diiradda saaray u midoobidda dagaalka argagixisada, dardar gelinta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, aqoonsiga SSC Khaatumo, iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka soo talo bixiso sida laga yeelayo xaaladda sharci ee Dowlad Goboleedka Jubbaland

3.Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan la yeeshay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay  dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda hawlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.

4.Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Allah ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

5.Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, isagoo sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay dhiirigelinta wax soo-saarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku-filnaansho cunto.

6.Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax  oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

7.Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hay’adda Aqoonsiga  ee NIRA.

8.Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo  Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta.

9.Guddoomiyaha Golaha Shacabka   Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan magaalada Algiers kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.

10.Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali oo la kulmay   Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya   Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiye ka dhaxeeya.

11.Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ka wada diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka caasimadda, iyaga oo isku diyaarinaya u gudbidda ka bilaabidda diiwaan galinta degmooyinka gobollada dalka oo ay ugu horeeyaan xarumaha dowlad goboleedyada.

12.Wasiirka Gaashaandhigga  Axmed Macallin Fiqi   ayaa  la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Britain Arrimaha Afrika.

13.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay  Wasiirka Shaqada ee Qadar Cali bin Samikh Al-Marri , iyagoo ka wadahadley xoojinta wadashaqeynta ee  labada dal   ee ku aaddan arrimaha shaqada, horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta tababarada iyo kor u qaadista fursadaha shaqada.

14.Wasiirka  Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Daa’uud Aweys Jaamac oo  Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda ugu hambalyeeyey  dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ayaa bogaadiyeey kaalinta ay warbaahinta iyo suxufiyiinta ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada ee ka hortagga fikradaha xaqjirnimo iyo nabad-dhiska.

15.Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xasan Aadan  ayaa la kulmay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.,iyagoo ka wada hadlay sidii taageero buuxda looga heli lahaa kalluumeysatada.

16.Wasiirka Arrimaha Dibadda  Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka  telefonka kula hadley Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Danjire Hussein Al-Amin, isagoo adkeeyay mowfiqka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ee taageeridda,nabadda iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan.

17.Wasiirka Gaashaandhigga  Axmed Macallin Fiqi ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey jab xooggan  oo 30 ka tirsan maliishiyada argagixisada khawaarijta  lagu dilay  deegaanada Muqluga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

18.Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhagax dhigay dib u dhiska waddo  laami  ah ee isku xiri doonta  Degmada Guriceel iyo  Dhuusamareeb, taasi oo lagu dhisayo iskaashiga maamulka iyo shacabka Galmudug.

19.Wasiirka Batroolka iyo Macdanta  Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee  Istanbul    ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto shidaalka ku jira dhulkeeda.

20.Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan iyo  Ku-Xigeenka Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Amb Maxamed Al-Mudeyri  ayaa Muqdisho ka sagootiyay gabdho mataano ah oo isaga dhaqan xubinta kaadi heysta  oo  qaliin caafimaad ah looga sameynaaya Sacuudi Caraabiya .

21.Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirizaaq Maxamed oo dalka Sir Lanka ugu qeyb-galay shir looga hadlaayey horumarinta beeraha , arrimaha degaanka iyo isbeddelka cimilada ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Marwo Harini Nireka Amarasuriya.

22.Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada  ayaa soo agaasintay kulan hordhac ah oo lagu diyaarinayay ka qaybgalka Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee 30aad (COP30), kaas oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Belem ee dalka Brazil.

23.Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Indonesia Dr. Faysal Axmed Salaad, ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ku wareejiyey Madaxweynaha dalkaas Md Prabowo,

24.Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU)  ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

25.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan  ayaa magaalada Riyadh  kulan kula yeeshay Wasiir ku-Xigeenka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.

26.Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif)  ayaa ka qeyb galay shirka booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO, oo  lagu qabtey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiyaa.

27.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Yuusuf Maxamed Aadan  ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada oo ka dhacay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

28.Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Turkiga  u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal iyo horumarinta warshadaha iyo  dhiirrigelinta maalgelinta gaar ahaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed.

29.Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Drs. Maryama Mohamed Hussein   ayaa si rasmi ah u soo xirtay   wajiga 3aad ee ololaha qaliimada carruurta ku dhasha wadna daloolka, kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Somali Sudanese, Hormuud Salam Foundation, Hay’adda Cuntada iyo  Isbitaalka Wadnaha ee Mogadishu Heart Center.

Wasiirro ka tirsan XFS oo maanta sagootiyay xujeey Soomaliyeed oo ku sii jeeda Dalka Sacuudiga

Wasiirro ka tirsan XFS  ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sagootiyay 431 ruux oo doonaya in ay soo gutaam waajibaadka acmaasha xajka ee sanadkaan.

Munaasabadda sagootinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtaar Robow Cali, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux, Guddiga xamlada xajka iyo masuuliyiin kale.

Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa gaaraya ilaa 11,500 oo ruux, kuwaas oo maanta ka Kala safraya, garoomada diyaaradaha Hargeysa, Puntland iyo Muqdisho, waxaana howlaha dhoofinta xujeyda ee bilowday ay socon doonaan illaa 31-ka bishan May.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo kaashanaysa guddiga Xamlada iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeyneysa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay si hufan u gutaan  waajibaadka xajka.

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay Pakistan tan iyo markii Hindiya ay gantaallo ku bartilmaameedsatay xeryo ku yalla  Pakistan iyo deegaanada Kashmir ee ay maamusho Pakistan.

Wasiirka warfaafinta Pakistan ayaa sheegay in dalkiisa uu ku hawlan yahay oo kaliya jawaab difaac ah ,waxaana jira baaq ka imaanaya caalamka oo lagu dalbanayo joojinta colaadaha ka soo cusboonaaday labada dal.

Isku dhacyada ayaa daba socda xiisadda sii kordheysa ,kadib markii 22-kii Abriil  uu dhacay weerar lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Kashmiir ee Pahalgam ee ay Hindiya maamusho, kaasoo India ay ku eedeysay Pakistan.

Labada dal ee ku hubeysan hubka Niyuklerka ayaa la sheegay in mid kasta uu u diyaargaroobayo dagaal suurtagal ah in ay ku baxaan nolosha dad badan oo ku nool gobolka Kahmiir ee ay wada maamulaan Indiya iyo Pakistan

Soomaaliya iyo Qadar oo ku heshiiyay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada dalka

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS Mudane Xildhibaan yuusuf Maxamed Aadan oo ku sugan magaalada Doha ee ayaa kullumo miro dhal ah waxay la qaateen madaxda dawladda Qadar gaar ahaan madaxda Wasaaradda shaqada ee Xukuumadda dalkaasi.

Guddi laba dhinac ah oo ka socda Soomaaliya iyo Qadar ayaasi gaar ah uga hadlay nidaamka shaqaalaysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqada oo ay labada dal saxiixeen.

Hishiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar waa mashruuc lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10 kun oo dhallinyaro ah kuwaasi oo iskugu jira dhallinyarada xirfadaha leh iyo kuwa aan xirfadaha lahayn.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxaa ka go’an raadinta fursadaha shaqo abuurka ee dalka dibaddiisa,si ay dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan nolol iyo mustaqbal waara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir-guddoomiyay kulan fogaan arag ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah shir-guddoomiyay kulan fogaan-arag ah oo uu la qaatay Safiirrada, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsulada guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ujeedkiisu ahaa kor u qaadista isku-duwidda iyo xoojinta wada-shaqeynta diblomaasiyadeed.

Kulanka intii lagu guda-jiray, ayaa Wasiirku faray madaxda ergooyinka diblomaasiyadeed inay diyaariyaan qorshe howleed sanadle ah oo la jaan-qaadaya Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta wadashaqaynta Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsulada guud ay la leeyihiin Waaxyaha Wasaaradda, isaga oo ugu baaqay in ergooyinka diblomaasiyadeed ay si bille ah iyo seddex biloodle u soo gudbiyaan warbixinno.

Kulanka ayaa sidoo kale lagula taliyay madaxda ergooyinka dibadda sare-u-qaadidda matalaadda Soomaaliya, dardargelinta adeegyada loo fidiyo dadka iyo xoojinta wax-wadaagga istiraatiijiyadeed ee dalalka safaaradaha Soomaaliya ay ku yaallaan.

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐦𝐨 𝐦𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐢𝐧𝐥𝐚𝐧𝐝.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalooyinka Oslo iyo Helsinki ee dalalka Norway iyo Finland, halkaas oo ay kulammo muhiim ah kula yeesheen mas’uuliyiinta hay’adaha labada dal ee u xilsaaran socdaalka, Amniga Xuduuddaha iyo Jinsiyadda.

Kulamada ayaa xoogga lagu saaray:

1. Xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda.

2. Dardargelinta aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo fududeynta socdaalka sharciga ah.

3. Sugidda amniga xuduudaha iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyadda casriga ah.

4. Casriyeynta adeegyada HSJ sida dal-ku-galka, deganaanshaha, baasaboorrada iyo xaqiijinta aqoonsiga.

5. Ka hortagga dambiyada abaabulan iyo tahriibka.

6. Horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha HSJ.

7. Dhismaha akadeemiyad tababar iyo dejinta manhaj rasmi ah.

Kulamadan miro-dhalka ah ayaa lagu wiiqi doonaa caqabadaha jira, iyadoo la horumarinayo sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed iyo fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caalamka.

Dowladda Soomaaliya oo agab ciidan kala wareegtay Dowladda Maraykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab taageero ciidan kala wareegtay Safiirka dowladda Maraykanka Danjire Richard Riley,agabkan Ciidan ayaa waxa loogu talo galay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Agabkan ciidan ayaa wuxuu kor u qaadi doonaa xirfada iyo hawlgalada ciidanka kamandooska Danad ee xoogga dalka Soomaaliyeed,wuxuuna door weyn ka qaadan doonaa hawlgalada dalka looga xoraynayo khawaarijta sidoo kalena kordhinayaa wax ka qabashada caqabadaha Amniga dalka.

“Wasaaraddu waxay si gaar ah u soo dhoweynaysaa taageerada agabka ee maanta la guddoonsiiyay Ciidamada Kumandoosta Danab, taas oo si weyn kor ugu qaadaysa xirfadohooda howlgal ee la-dagaallanka argagixisada, kana caawinaysa kordhinta awoodda Ciidanka Qaranka ee wax ka qabashada caqabadaha amniga dalka”ayaa lagu yiri warmurtiyeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa leh iskaashi dhanka Ciidanka ah kaas oo lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta iyo iskaashiga Amniga gobolka geeska Afrika.

Wasiirka Kalluumaysiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka shiinaha

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Waxaa kulanka qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale — gaar ahaan kan la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa bogaadiyay xiriirka iskaashi ee ganacsiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee labada dal, wuxuuna muujiyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay horumarinta fursadaha suuq-geynta kalluunka Soomaaliyeed.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay in ay suuqyadeeda waaweyn u furto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hawlan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, isagoo xusay in badeecadahaas si canshuur-dhaaf ah looga iibin karo gudaha Shiinaha.

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, ayna taageeraan horumarinta ganacsiga kalluumeysiga sharciyeysan iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee u dhexeeya labada dal.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u caddeeyay taageeradooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.