Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha G/Banaadir

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Amb. Cali Cabdi Awaare ayaa Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo safar shaqo ku joogo Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ayaa si diiran usoo dhaweeyay wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, asigoona ugu warbixiyay xaalada ay ku shaqeyso Safaarada iyo baahiyaha jirta oo ay ugu muhiimsan tahay dib-u-dhiska iyo dayactirka hoolka shirarka ee Safaarada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Danjiraha ka guddoomay warqadaha Qiimeynta Qarashka ku baxaya dib u dhiska hoolka shirarka ee Safaarada, asigoona balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doonno.

Danjire Awaare ayaa u mahad celiyay Guddoomiye Amiir, waxa uuna sheegay in Safaaradda aysan iloobi doonin taageerada Duqa Magaalada Muqdisho ee ku aadan dhismaha hoolka shirarka ee Safaaradda.

 

  

RW ku-xigeenka labaad ee XFS oo kormeeray goobihii ay Saameyeen Roobabkii Da’ay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid oo hoggaaminayey guddi heer Qaran iyo heer Gobol isugu jira oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobihii ay saameynta ku yeesheen roobabkii xooganaa ee xalay illaa iyo saakay ka da’ayey caasimadda.

Goobaha ay kormeerka ku tageen guddiga oo ay kamid yihiin Iskool Buluusiya iyo waddada isku xirta garoonka Aaadan Cadde iyo KM4, ayaa waxa ay u kuurgaleen saameynta uu geystay roobka, si looga jawaabayo khasaaraha ka dhashay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan caasimadda, gaar ahaan kuwoodda daggan meelaha u dhow dhow biyo mareennada in ay muujiyaan feejigaan dheeri ah, maadaama la saadaalinayo saacadaha soo foogan in ay di’i karaan roobab kale.

       

Madaxweynaha JFS oo qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa booqasho shaqo ugu tagay Madaxweynaha JFS Mud. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoggaamiyaha ayaa Madaxweynaha dalka uga warbixiyey xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dawlad-dhis ee Dawlad Goboleeedka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Madaxweynaha JFS uga mahadceliyey casuumaddii shirka Golaha Wadashiga Qaran, isgarab-taagga dhismaha Dawladnimada SSC-Khaatumo iyo dadaalada xukuumadda JFS ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo warbixin kasoo saaray xaaladda ka dhalatay Roobabka da’ay Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda degdeg ah ee ka dhalatay Roobabka da’ay Caasimadda.

Gudoomiye Amiir ayaa yiri “Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan xaaladaha ka dhashay ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah, Waxaana goordhow soo saari doonnaa warbixin la xariirta saameynta Roobka, sidoo kale gargaar deg deg ayaan gaarsiin doonaa dadkii ku waxyeellobay Roobka iyo daadadka ka dhashay”.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan wali howl adag ka wadnaa maareynta saameynta roobka, anaga oo diyaarinay Matoorro tuura biyaha iyo Booyado ka dhuuqa meelaha ay biyuhu fadhiisteen”.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay burburka soo gaaray qaar kamid waddooyinka Magaalada ayaa yiri “waxaa degdeg loo dhisi doonaa jidadka ay daadadka Roobka burburiyeen, waxaana fareynaa shirkadihii waddooyinkaasi horey u dhisay iney markale dib u dhisaan Laamiyo ka taya wanaagsan kuwii burburay”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wang Yu, oo booqasho sharafeed ugu yimid, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, korna loogu qaadi karo xiriirka diblomaasiyadeed.

Kulanka oo la isku dhaafsaday ereyo soo dhowayn ah, ayaa intii lagu guda-jiray uu Safiirka ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dhowaan loo magacaabay. Wang Yu waxa uu carabaabay taageerrada Shiinaha iyo ifafaalaha uu ka qabo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo is-fahanka ka dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale u saldhigidda iskaashi xooggan oo dhinacyo badan leh.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha Guddig doorashooyinka qaranka Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, guddoomiyaha ayaa shacab weynihii madasha ka soo qayb galay uga jawaabay dhamaan su’aalihii ay waydiiyeen ee ku saabsanaa doorashooyinka iyo diiwaangelinta.

Ugu horayn guddoomiyaha ayaa ka jawaabay halka ay marayso diiwaangelinta gobolka Banaadir waxaanu yiri guddoomiyuhu”Diiwaan gelinta doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir meel fiican ayey maraysaa, dhawaana waxaan tagaynaa gobolada dalka.”

Dhinaca kale Guddoomiye Cabdikariim ayaa madasha kaga dhawaaqay in ay bilaabi doonaan kala xadaynta degmooyinka isagoo ka jawaabayana wuxuu yiri “Markaan dhamayno doorashada waxaa ku xigi doonta in aan xaduudo u sameeno degmooyinka iyo maamulada kale ee dalka.”

Gobolka Banaadir ayey hadda si rasmi ah uga socotaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha taas oo Shacabka Soomaaliyeed si weyn u soo dhoweeyeen in taladu gacantooda dib ugu soo noqoto dhowaana ay dooran doonaan masuliyiintii meteli lahaa

Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo Shacabka caasimadda ciidanka Booliisku gurmad ugu sameeyey

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin Ciidanka Booliiska loogu sameeyey Shacabka Caasimadda oo saamayn uu ku yeeshay Roobka ka da’aya magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Saraakiil oo ka tirsan Ciidanka Booliiska ayuu Taliyuhu kula kulmay goobihii gurmadka loogu sameynayey dadweynaha ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobka da’aya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan la qaatay Safiirka Dawlada Maraykanka u fadhiya Soomaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xukuumadda Faderalka Soomaliya, Mudane. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan laqaatay ambassador Riley oo ah safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Waxayna ka wada hadleen sii wadidda iskaashiga ku saabsan duulista rayidka, Nidaamka PISCES, iyo ilaalinta Amniga Hawda Dalka iyo Garoomada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa dawlada Maraykanka, uga mahad celiyey tageerada Dawlad dhiska Soomaliya gaar ahaan Mashaariicda Hortabinta u leh Dalkeenna Soomaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay janaasada AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda Janaazadda ku tukaday AUN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib tacsi gaar ah la wadaagay qoyska iyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Ugaasku. “Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaaho Ugaas Faarax, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay marxuumku”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeybgalay tukashada Salaadda Janaasada Madaxwaynaha Dowlad Goboleeeka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

     

DHAMMAAD

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA), ka dib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow oo ka qaybgalay shirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xogta shakhsiyeed, asturnaanta dijitaalka ah iyo ka qaybgalka madasha heer goboleed ee arrimaha dhowrista xogta.

Kulanka NAPDA oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika ayaa si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah.

Maareeyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hay’adaha kale ee ka qeybgalayay shirweynaha, isagoo adkeeyay muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si loogu wajahdo caqabadaha wadajirka ah ee xagga xog-ilaalinta.