Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddiga Gurmadka Deg-Degga ah
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐮𝐥 𝐈𝐧𝐬𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐘𝐞𝐦𝐞𝐧
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowladda Yemen ee Soomaaliya, Mudane Fadel Cali Axmed Al-Xanak.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan dhinacyada bulshada, qoyska, iyo xuquuqul insaanka. Labada dhinac waxay si wadajir ah u muujiyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah si loo horumariyo adeegyada la xiriira ilaalinta iyo daryeelka xuquuqda dumarka, carruurta, iyo qoysaska nugul.
Wasiir Khadiija ayaa uga mahadcelisay Safiir Fadel booqashada uu ku yimid xafiiska Wasaaradda, iyadoo carrabka ku adkeysay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Lionel Laurens iyo masuuliyiin sare oo Xafiiskiisa ka socda.
Kullan gaar ah oo Taliyaha dhankiisa ay ku wehliyeen Saraakiil katirsan Boliiska ayaa looga hadlay sugidda Amniga Diiwaangelinta Codbixiyaasha iyo Doorashada maadama Boliiska u xilsaaran yahay ilaalinta Amniga muwaadiniinta,xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo derdergelinta howlaha horumarinta Ciidanka.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo Tababbar u furay Guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u daahfuray wajiga labaad ee Tababbarka Guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ku saabsan Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
Intii uu tababbarka furayay, Guddoomiye Xasan Abshirow waxa uu ka hadlay muhiimadda uu tababbarkan u leeyahay hirgelinta nidaam caddaalad ah oo lagu jaangooyo darajooyinka iyo mushaaraadka, kaas oo saldhig u ah tayeynta maamulka shaqaalaha rayidka.
Wuxuu si gaar ah ugu dhiirrigeliyay xubnaha guddi-hoosaadyada inay si buuxda u qaataan kaalintooda, kuna shaqeeyaan daacadnimo, dulqaad iyo hufnaan.
Guddoomiyuhu waxa uu dardaaran u jeediyay ka qeybgalayaasha, isagoo xusay in xilka loo igmaday uu yahay mid muhiim u ah kobcinta dowladnimo, loogana baahan yahay in ay noqdaan tusaale wanaag leh oo hormuud u ah hirgelinta siyaasadda qaranka ee lagu horumarinayo nidaamka shaqaalaha rayidka.

Wasiirka Amniga oo guddoomiyey shir looga hadlayay dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Agaasimeyaasha Hey’adda ee ka kala socday maamul goboleedyada dalka, ayaa wasiirka warbixin faahfaahsan ka siiyey howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Shirka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee gobolada dalka, lana isku waafajin lahaa nidaamyada shaqo ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Shirka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray caqabadaha jira, fursadaha horumarineed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada adeegyada loo hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasiir Fartaag ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta hey’adda in la kordhiyo wada-shaqeynta iyo isafgaradka ka dhaxeeya heerarka kala duwan ee maamulka, si bulshada loogu adeego si hufan,amnigana loo adkeeyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah.
Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay wadashaqaynta & iskaashiga Bulshada Raydka iyo Dowladda isagoo sheegay in ay muhiiim tahay xoojinta Madasha Dowladda iyo Bulshada Raydka, wuxuuna yiri” Bulshada rayidka ahi waa qeyb aad muhiim u ah wadankaana iyo
dib u dhiska dowladnimadeena, Waxaan rabnaa in aan wada Xoojinno madasha Dowladda iyo Bulshada Rayidka ah si aan u yeelanno xiriir joogto ah, laguna hago isfahamka, lagu xalliyo arimaha soo baxa, lana dhiso qorshe wadajir ah”.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay sida deeqaha gaabis ku yimid iyo sida muhiim u tahay in looga arrinsado arrinkaas, isagoo yiri” Dunida maanta waxay wajahaysaa hoos u dhac ballaaran oo ku
yimid deeqaha caalamiga ah. Soomaaliya si gaar ah ayuu isbedelkaasi u saameeyay – mashruucyo muhiim ah ayaa hakad ku yimid, Waxaa jirta in deequhu sidii hore aysan ahayn, waxaynu u baahanaay in aynu isla aragno xaalku sida uu yahay in saameyntu inta ay la’egtahay”.
Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay Ururrada Bulshada Raydka ah sida joogtada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeegeen iyadoo ay duruuf adag dalka ka jirto.

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada
Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee Soomaaliya ee la dagaalanka isbeddelka cimilada.
Kulankan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo dalka u horseedi karta wax ka qabashada saameynta sii kordheysa ee cimilada, iyadoo la mideynayo aragtiyada iyo dadaallada dhammaan bahda ay khusayso.
Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa
Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi iyo Addis Abbaba, isla markaana ah wakiilada joogtada ah ee Hay’adaha UNEP iyo UN Habitat.
Kulankan wadatshiga ah ayaa waxa uu u dhaxeeyay wakiilada joogtada ah iyo hay’adda UN Habitat. Kulanka ayaa loogu gogol xaarayay kalfadhigii 2-aad ee UNHA oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Nairobi.
Ujeeddada kulanka ayaa waxaa ka mid ahayd in la is waafajiyo mudnaanta guud ee caalamiga ah, tan gobolka iyo tan dalalka iyo in la abuuro mawqif midaysan oo Afrikaan ah oo ku wajahan xal u helidda caqabadaha iyo fursadaha magaalooyinka Afrika heysta,
Malaayiinta ka mid ah dadka ku dhaqan caalamka ayaa waxaa heysata hoy ama deegaan la’aan ama meel ay ku noolaadaan.
Soomaaliya oo xubin firfircoon ka ah howl qabadka hay’adda ayaa ka hadashay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya saartay arrimaha deegaameynta, xal u helidda barakayaasha iyo dhismaha magaalooyinka.
Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka warbixiyay horumarka uu sameeyay dalka Soomaaliya ee dhanka dhismaha magaalooyinka, kobcinta daqliga Dowladda iyo Sare u qaadidda aqoonta hogaanka maamulada dowladaha hoose.
Barnaamijka degaanka iyo dejinta aadanaha ee Qaramada Midoobay (UN-Habitat) waxaa uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u xilsaaran inay kor u qaaddo bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba magaalooyinka
Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine iyo Rashia ay yeeshaan wadahadal toos ah oo aan ku xirneyn wax shuruud ah,isla markaana 15-ka bishaan ka dhaca Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiye.
Baaqaan oo soo baxay aroornimadii saaka oo Axad ah ayaa yimid saacado ka dib markii hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka, Poland iyo Boqortooyada Ingiriiska ay soo jeediyeen xabbad joojin shuruud la’aan ah oo dhaqan-gasha muddo 30 maalmood ah.
“Waxaan soo jeedineynaa in Kyiv ay dib u bilaabaan wada xaajoodka tooska ah, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin wada xaajoodka Khamiista ee Istanbul”,ayuu yiri madaxweynaha Raashiya.
Putin ayaa sheegay in uu la hadli doono madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,si loo fududeeyo wadahadallada ,isla markaana loo gaaro nabad waarta iyo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah” ee colaadda saddexda sano ah.
Hadalladaan ayaa imaanaya xilli qaar kamid ah wadamada Yurub oo ku shiray caasimadda Kyiv ayaa ku baaqay in Mosco haddii aysan u hoggaansaamin 30 cisho oo xabad-joojin la saari doono cunaqabateyn cusub,taas oo la sheegay in uu ku gacanseyray Mr.putin.
Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania
Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kaas oo ay isugu yimaadaan agaasimayaasha iyo khubarrada Kastamyada waddamada xubnaha ka ah EAC si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira isdhexgalka gobolka, fududeynta ganacsiga, casriyeynta Kastamyada, mideynta habraacyada iyo hirgelinta heshiiska Kastamyada EAC.
Shirkan ayaa agaasimayaasha Kastamyada Afrika diiradda ku saareen horumarinta iskaashiga Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, fududeynta ganacsiga iyo hagaajinta habka maareynta gaadiidka xamuulka ah ee isku mara gobolka.
Dowladda Soomaaliya waxaa shirka uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abuukar Sheekh Axmed Mursal oo ay wehliyaan khubarro ka tirsan Furdooyinka Soomaaliya. Wafdiga Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dib-u-habaynta iyo casriyeynta Furdooyinka Dalka, iyagoo soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo iskaashiga gobolka.











