Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shaqeynaya soo celinta bilicda iyo furista waddooyinka

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeynaya dib-u-soo celinta bilicda caasimadda iyo furista waddooyinka, kaddib roobabkii xooganaa ee dhawaan ka da’ay magaalada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay kaabayaasha isku socodka iyo bilicda magaalada.

Howlwadeennada Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafadda iyo Bilicda oo kaashanaya maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay qaadista biyihii roobka ee fariistay waddooyin muhiim ah, iyagoo dib u soo celiyay nadaafadda iyo bilicda waddooyinkaasi, si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale, waxaa si xowli ah ku socda qorshaha lagu soo afjarayo shaqooyinka nadaafadda iyo bilicda waddooyinka harsan ee magaalada Muqdisho, iyadoo la wado dib-u-hagaajin iyo dib-u-dhis lagu sameynayo waddooyinkii uu burburka ka soo gaaray roobabka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa adkeeyay in dadaalladaas ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada, si shacabka Caasimaddu u helaan adeegyo nololeed oo tayo leh.

            

𝐑𝐀’𝐈𝐈𝐒𝐔𝐋 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐄 𝐗𝐀𝐌𝐒𝐀: “𝐇𝐀𝐃𝐀𝐅𝐊𝐄𝐄𝐍𝐍𝐔 𝐖𝐀𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐐𝐎𝐅 𝐈𝐘𝐎 𝐂𝐎𝐃 𝐀𝐇”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada, iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada, iyo dib-u-dhiska. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.

“Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya. Hadal kaliya ma ahayn, balse ficil. Waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababaro ciidamo booliis ah, la horumariyo iskuullada, iyo in la taageero beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad-dhisidda iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay in shirkii 11-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ay kasoo baxeen go’aammo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka. “Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan, balse waxaan ognahay in dimuqraadiyaddu ay mudan tahay.”

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in hadafka dowladda uu yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dhammaan gobollada dalka. Waxa uu intaa ku daray in aanay jiri doonin doorasho dadban, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed go’aan ka gaari doonaan cidda hoggaamin doonta.

     

Taliyaha Booliiska oo furay imtixaan tartan furan loogu gelayo xulashada saraakiil ku biiraya barnaamijka waxbarasho ee Layli Sarkaalnimo

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaan tartan furan oo loogu talagalay xulashada saraakiil ku biiraya barnaamij waxbarasho oo Layli Sarkaalnimo ah oo ka dhacaya dalka dibaddiisa.

Imtixaankan ayaa looga golleeyahay in meesha laga saaro hab-raacyadii hore ee xulashada fursadaha waxbarasho ee ciidamada, kuwaas oo cabashooyin badan laga muujin jiray. Tartan furan oo hufan ayaa hadda loo marayaa xulashada, si loo xaqiijiyo sinnaanta fursadaha, loogana hortago eexda, nin jeclaysiga, iyo nidaamka “kanaa i xiga”.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah isbeddellada hufnaanta ku dhisan ee uu la yimid Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed tan iyo markii uu xilka la wareegay. Waxay sidoo kale qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hannaanka caddaaladda iyo daahfurnaanta ee hay’adaha ammaanka.

Taliyuhu wuxuu caddeeyay in hannaankan cusub uu sare u qaadi doono kalsoonida ciidamada, isla markaana uu dhiirrigelin doono tartan caafimaad qaba oo ku dhisan karti iyo aqoon.

Kulan looga hadlay Maareynta si xun isticmaalka baraha bulshada oo lagu qabtay Muqdisho

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa diiradda lagu saaray ka hortaga khataraha ka dhasha si xun u isticmaalka Baraha bulshada sida; faafinta been abuurka, marin habaabinta, Iska horkeynka bulshada, hadalada naceybka, anshax xumada iyo baahinta muuqaalada argagax leh sida kuwa argagixisada faafiyaan.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa guddoomiyay kulankan waxaana ka qeyb galay Agaasimayaasha guud ee wasaaraha Amniga Gudaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Caddaaladda iyo Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Dhalinyarada, qoyska, Isgaarsiinta, saraakiil sare oo ka socotay Taliska Booliiska, Iyo Xafiiska Amniga Qaranka

Waxaa looga hadlay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Warbaahinta Bulshada ee Maareynta Khataraha si xun u isticmaalka Baraha Bulshada oo qeyb ka ah qaraarka xukuumadda ee Maareynta kharataha ka dhasha isticmaalka qaldan ee Warbaahinta.

Ka qeyb galayaasha ayaa isku raacay dardar galinta shuruucda iyo hawlaha xoojinaya dhiira galinta isticmaalka wanaagsan ee Warbaahinta casriga ah.

    

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo daaha ka rogay tubta isbeddelka iyo horumarinta adeegyada oo ku hanaqaadaysa muddo 90 cisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah shir-guddoomiyay kulanka agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo ujeedkiisu ahaa xoojinta wadashaqaynta dhow ee Waaxyaha ka dhexeysa, sare-u-qaadidda iskuduwidda iyo dardargelinta howlaha maamul iyo waxqabad ee socda.

Shirka ayaa waxaa diirradda lagu saarray fulinta sharciga shaqaalaha dibadda, go’aanka golaha Wasiirrada ee lagu xadaynayay tirada diblomaasiyiinta ka howlgala ergooyinka dibadda, dejinta siyaasad arrimo dibadeed oo la jaan qaadaysa danaha qaranka, kana tarjumaysa horumarka hiigsiga diblomaasiyadeed ee dalka, iyadoo dib u eegis lagu sameynayo waxyaabaha ka taabagalay dib-u-habaynta maamulka ee loogu talagalay in lagu horumariyo adeegga iyo hufnaanta Wasaaradda.

Wasiirka ayaa soo bandhigay qorshe 90 cisho loogu talogalay oo looga gol leeyahay in lagu horseedo isbedel muuqda, oo ay ku jiraan tallaabooyin kor loogu qaadayo fulinta, laguna hagaajinayo hannaanka gudaha.

Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi

(Nairobi):-Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa ka qeybgalay xafladda Abaalmarinta Habeenka Soomaalida ee 5aad oo ka dhacday magaalada Nairobi, isagoo oo wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Nairobi, Mudane Njoroge Muchiri.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu maamuusayey hal-abuurka, kartida, iyo doorka muuqda ee ay bulshada Soomaaliyeed ka ciyaarayaan dhinacyada ganacsiga, cilmiga, hoggaaminta, farshaxanka iyo isbedel-doonka.

Safiir Jabril ayaa bogaadiyey dhammaan dadkii abaalmarinta helay, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay guushan u adeegsadaan horumarinta naftooda iyo dhiirrigelinta jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin iftiin hagaya mustaqbalka dalka iyo dadkaba.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya arrimaha amniga, horumarka iyo fulinta Qorshaha Cusub ee Isbeddelka Qaranka (NTP), waxaana uu Mudane Xamsa uga mahadceliyey Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday Khawaarijta ka fuliyey tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka, kuwaas oo hoos yimaada deegaanka Deynuunay, gobolka Baay.

Howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo muhiim ah oo Khawaarijtu ay ku lahaayeen halkaasi, kuwaas oo u adeegayey abaabulka falalka amni-darrada ah. Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo Taliyaha Daraawiishta Burjaad G/le Awul Ibraahim Cabdullaahi ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay ahayd xaqiijinta amniga, ciribtirka Khawaarijta, iyo xoojinta haykalka dowladnimo ee deegaanka.

Taliyayaashu waxay xuseen in shacabka deegaanka ay si wanaagsan u garab taagan yihiin ciidanka, taas oo sahashay in howlgalka lagu fuliyo si hufan.

DF iyo maamulka SSC-Khaatumo oo iska kaashanaya ka shaqeynta arrimaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdiga la socda oo maalmahaan safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa ku bogaadiyey Hoggaamiyaha iyo maamulkiisa horumarrada kala duwan ee ay muddada gaaban ka sameeyeen dhismaha SSC-Khaatumo, isagoo xusay in si dhow ay uga wada shaqeyn doonaan arrimaha amniga iyo horumarinta deegaannada maamulkaas.

Kulankaan oo ahaa mid balaaran waxaa masuuliyiinta ku weheliyey, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, sarakiil iyo marti sharaf kale.

                      

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddiga Gurmadka Deg-Degga ah

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka ayaa magacaabay Guddiga gurmadka deg deggga ah ee maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha markii uu arkay xaaladda deg degga ah ee ka jirta Muqdisho, markii uu arkay dhibaatooyinka uu sababay roobabkii ka da’ay caasimadda, markii uu arkay in lagama maarmaan ay tahay in la magacaabo Guddi gurmad deg deg ah ee wax ka qabashada iyo u diyaargarowga roobabka lixaadka leh ee la filayo in ay ka da’aan magaalada Muqdisho.
Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11/5/2025, wuxuu magacaabay guddiga gurmadka deg degga ah oo ka shaqeynaya saameyntii iyo waxyeeladii uu geystay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ee naf iyo maalba lahaa iyo bur burka waddooyinka iyo sidoo kale, u diyaargarowga maareynta roobabka la filayo in uu ka da’o magaalada.
Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa kala ah:-
1. Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir oo ah guddoomiyaha guddiga.
Sidoo kale, guddiga waxaa xubin ka ah Agaasimaha Guud ee xafiiska Duqa Muqdisho iyo agaasimaha guud ee Howlaha Guud, Agaasimaha Guud ee arrimaha Bulshada iyo Waxyigelinta, Agaasimaha Guud ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta, Agaasimaha Waaxda xiriirka degmooyinka gobolka Banaadir, Agaasimaha Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha iyo Agaasimaha Waaxda caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar, Afhayeenka gobolka Banaadir iyo lataliyaha gobolka Banaadir ee arrimaha Teknaloojiyadda.