Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax oo booqasho salaan ah ku tegay xarunta.

Danjire Jabriil iyo Guddoomiye Duraan ayaa salaam kadib ka wada hadlay horumarinta cayaaraha dalka iyo sidii loo garab istaagi lahaa dhalinta magaca u soo hooysay dalkeenna.

Danjiraha ayaa uga warbixiyay kulankii dhiirigelinta ahaa ee uu Eldoret kula qaatay cayaartooyda da’yarta ah Qaranka Soomaaliyeed kuwaasi oo tababaro ku qaadanayay magaalada Eldoret, baahiyaha ay qabaan iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la garab istaago, maadaama ay Safaaraddu haatanba gacanta ku heyso ka war qabkooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa qiray in Danjire Jabril iyo diblomaasiyiinta Safaaraddu hawlaha ay u bulshada u qabtaan aysan ku koobneyn dhanka diblomaasiyadda oo kaliya ee ay dhexda u xirteen daryeelka bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dalka Kenya kaga suganyihiin.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay Safiirka Turkiga, Danjire Alper Aktaş, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Amniga Madaxtooyada Turkiga, Mudane Hasan Yıldırım, iyo saraakiil kale.

Wasiirka iyo xubnaha la socday Safiirka Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada,Wasiir Fiqi ayaa Turkiga uga mahadceliyay taageeradooda joogtada ah. Labada dhinac waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga amni ee labada dal.

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA LABAAD EE BJFS OO INDONESIA UGA QEYB GALAY SHIRWEYNAHA BAARLAMAANKA ISLAAMKA.

Indonesia;- Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku sugan Magaaladda Jakarta ee Caasimadda wadanka Indonesia ayaa ka qeyb galay kulan horudhac u ah shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Islaamka oo dhowaan halkaasi ka furmi doona, waxaana kulanka oo ay si gaar ah u yeesheen qeybta carabta ee baaramaanka Islaamka looga hadlay waxyaabaha sida gaarka ah wadamada carabta uga khuseeya shirka iyo Ajendaha guud ee shirweynaha.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka wadanka Indonesia, waxaana ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Indonesia, qibrad isweydaarsiga labada baarlamaan iyo sidoo kale sidii howlwadeenadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u heli lahaayeen tababaro aqoontooda iyo qibradooda kor loogu qaadayo.

Shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Islaamka oo sanadkan si guud loogaga hadli doono maamul wanaaga iyo dhisida hay’ado xoog leh ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa xuquuqda dadka muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay, Sahaminta istaraatiijiyado qoto dheer oo lala yeesho dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada rayidka ah si kor loogu qaado ka-qaybgal dimoqraadiyadeed oo loo dhan yahay iyo sidoo kale qodobo kale.

  

Qoysas danyar ah oo ku nool degmada Dayniile oo la gaarsiiyay deeq gargaar ah

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa gargaar degdeg ah oo isugu jira raashin, dhar iyo hoy gaarsiisay 564 qoys oo ku dhaqan degmada Dayniile, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay gobolka Banaadir.

Deeqdan oo ka timid Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa qeybisay hay’adda wadaniga ah ee Tadamun, oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo maamulka degmada Dayniile.

Maxamed Sh. Cabdi, oo ka tirsan hay’adda Tadamun, ayaa sheegay in deeqdan maalmaha soo socda si degdeg ah loo gaarsiin doono 21,090 qoys oo ku dhaqan 9 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Xasan Maxamuud Mahadalle, agaasime ku xigeenka waaxda samafalka ee degmada Dayniile, oo goob joog ka ahaa halka lagu qeybiyay gargaarka, ayaa sheegay in deeqdan ay ku soo beegantay xilli ay baahi weyn jirtay, isla markaana ay si weyn uga caawin doonto dadka deegaanka ee ay musiibadu saameysay.

Qaar ka mid ah dadka ka faa’iideystay gargaarkan ayaa u mahadceliyay hay’adda Tadamun iyo dowladda Sucuudiga, iyagoo xusay in gargaarku ahaa mid si hufan loo soo diyaariyay oo ku yimid xilli loogu baahi qabay.   

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabiley Masuuliyiin ka sacdey Maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhan Warsame oo Xafiisku qaabiley Wasiiro ka sacdey Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiir Bidhaan ayaa qaabilay Wasiirada kala ah, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorshaynta Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiiradda Dowllad Goboleedka ayaa Wasiir Bidhan uga warbixiyey xaallada guud ee deegaanka iyo hananka dowlad dhiska SSC-Khaatumo, iyagoo wasiirka uga mahadceliyey shaqada baaxada leh, iyo guusha miro dhalka ah ee uu kaso shaqeeyey.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ayaa ugu horeyn Wasiiiradda uga mahadceliyey dhankiisa booqashada ay ugu yimadeen, isagoo kula dardaarmey inloo baahan yahay sidii loo xejisan lahaa guulaha laga gaarey dhinacyada, Siyaasadda, Aminiga iyo Horumarka.

Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dagay caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, waa booqashadii ugu horreysay oo dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Mareykanka garoonka diyaaradaha ee King Khaalid ee magaalada Riyaad.

Booqashada Trump ayaa qaadan doonta dhoor cisho, waxaa uu booqan doona marka uu ka tego Sacuudiga dalalka Qatar iyo Imaaraadka.

Booqashada Trump ayaa ku soo aaday iyadoo gobolka ay ka taagantahay xiisado xooggan oo ay ka mid tahay dagaalka gardarada leh ee Israel ka wado Qasa, duqaymaha Suuriya iyo weerarada xuutiyiinta gacanta cadan iyo badda cas.

Madaxweyne Trump ayaa ka hor inta uusan ka soo bixin Washinton waxa booqashadiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah mar uu Isniintii khudbad ka jeediyay Aqalka Cad.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Alle u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Ugaas Cabdullaahi, uu ka mid ahaa tiirarka muhiimka ah ee waqtigooda galiyey ka shaqaynta nabadda iyo xasilloonida ummadda Soomaaliyeed, laguna xasuusan doono halgankiisii dowlad-dhiska Soomaaliya.

“Ugaas Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay dhaqanka, nabaddeynta iyo midnimada bulshada. Wuxuu ahaa hoggaamiye bulsho, codkiisana ugu hiilin jiray nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladimada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa qoyska, ehelka, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Ugaaska, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.     

BOGGA HORE


Wararkii ugu dambeeyay dambeeyay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

Howlwadeennada waa as gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa abaarihii 6:32 maqribnimo ku baxay dab ka kacay Suuqa Balaaraha, qeybta Daawada ee Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa ka kacay guri ka kooban lix-qol oo ganacsi ah, kaas oo lagu iibiyo Daawooyinka Kala duwan.

Waaxda Dab-damiska ayaa ku guuleysatay in ay dabkaas ku  xakemeeyaan halkii uu ka bilowday, waxayna badbaadiyeen 4-guri oo kale, kuwaas oo ay ku yaalaan 21-qol oo ganacsi ah laguna iibiyo daawooyinka isbeer-baaristiska ah iyo qalabka Elektaroonikada.

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay 38-shaqaale oo ka tirsan naft-hurayaasha waaxda gurmadka deg degga ah,Maamulka degmada Howlwadaag iyo Agaasimeyaal.

 

Muxuu Danjire Ilyaas Cali Xasan kala hadlay Danjire Stephen Mbundi?

Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Ururla Bulshadda Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire Stephen Mbundi.

Labada mas’uul ayaa wadahadalkooda diiradda ku saarey dardargelinta iyo xiriirka labada dowladood gaar ahaan dhaqan-gelinta is-afgaradyadii labo geesoodka ah er dhowaan kala saxiixdeen labada dal.

“Waxaan kaloo isla gorfeynaya ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Tanzania. Waxaan ku bogaadinayaa Danjire Stephen mudnaanta uu u muujiyay qodobkan iyo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania ay ku hirgelin doonto sida ugu dhow,” ayuu yiri Danjire Ilyaas.

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas sii raaciyay: “Kor u qaadista iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, dalxiiska, iyo aqoon isweydaarsiga ayaan sidoo kale isla soo qaadnay iyadda oo lagu salaynayo mabaadi’da Bulshadda Bariga Afrika”.
   

Wasaaradaha Beeraha Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis is-afgarad muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is afgarad (MoU) wada shaqeyn ah, isagoo la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

Heshiiskan ayaa xooga saaraya iskaashi balaaran oo ku saabsan maalgashiga beeraha, is weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeenta, horumarinta cilmi-baarista iyo wada shaqeynta ganacsatada beeraha ee labada dal.

Is afgaradkaan wuxuu qayb ka yahay dadaalada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ee lagu hormarinayo wax soosaarka dalka, iyadoo la adeegsanaayo teknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah. Azerbaijan oo ah dal ku hormaray tiknoolojiyadda beeraha ayaa laga filayaa inuu noqdo lamaane muhiim ah oo beeraleyda Soomaaliyeed wax badan ka faa’iidayaan.

Ugu danbeyntii Wasiirka iyo wafdigiisa waxay booqdeen xarumaha cilmi-baarista beeraha iyo machadyada tiknoolajiyadda la xiriira cilmiga carada iyo kiimikada beeraha ee dalka Azerbaijan.