Wasaaradda arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo gabangabaysay wadatashi ku aadan bad-qabka deegaanka

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  ee dowladda FS oo kaashanaysa ururka isbaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta magaalada muqdisho ku soo gabagabaysay shir socday labo maalmood oo looga hadlayay Istaraatiijiyada Gobolka ee Biotechnology, Biosafety iyo Biosecurity ee Ururka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC).

Kulankan ayaa Lagala tashanayay hay’adaha dowladda u qabilsan arrimaha la xariira badqabka Deegaanka iyo Binaadamka. Munaasabadda ayaa iskugu yimid, mas’uuliyiin ka socda dowladda, khuburo, iyo daneeyayaal si ay uga wada hadlaan sida Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto biotechnology si loo xoojiyo koritaanka dhaqaale, iyadoo sidoo kale la hubinayo badbaadada caafimaadka bulshada iyo deegaanka. Kulanka la-tashiga ayaa xooga saaray muhiimadda ay leedahay isku xidhka siyaasadaha Soomaaliya ee beeraha, Biotechnology, iyo Biosafety iyadoo lala jaanqaadayo qorshayaasha goboleed si loo dhiirrigeliyo horumarka waara ee Bariga Afrika.

Mawduuca ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ahaa baahida loo qabo in biotechnology loo adeegsado si loo kordhiyo wax-soosaarka beeraha, loo hagaajiyo amniga cuntooyinka, loona taageero caafimaadka bulshada. Khuburadu waxay ka wada hadleen doorka biotechnology ee abuuri kara dalagyo ka-hortagga cudurrada iyo hagaajinta caafimaadka xoolaha. Sidoo kale, waxaa la muujiyay baahida loo qabo in la sameeyo xeerar adag oo baadbaado ah iyo qaab-dhismeedyo Amni si ammaan ah loo maareeyo isticmaalka cilmi-baarista ku saleysan wax-soosaarka noolaha (GMOs) iyo codsiyada biotechnology. Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ka-qaybgalka bulshada iyo ka qaybgalka go’aan qaadashada si loo dhiso kalsoonida iyo aqoonsiga faa’iidooyinka hal-abuurnimada biotechnological.

Mustaqbalka, ka qaybgalayaashu waxay ka go’naayeen dhameystirka istaraatiijiyadda gobolka ee biotechnology, kor u qaadista wacyigelinta dadweynaha, iyo xoojinta awooda hay’adaha ee biotechnology, biosafety, iyo biosecurity. Kulanka ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga goboleed ee hoos yimaada EAC, iyadoo Soomaaliya si firfircoon uga shaqeyneysa isku xidhka siyaasadaha biotechnology iyo xoojinta awoodda cilmi-baarista. Doodaha kulankan ayaa bixiyay waddo cad oo Soomaaliya ku noqon karto ciyaaryahan muhiim u ah dadaallada goboleedka ee horumarinta beeraha waara, hal-abuurka biotechnology, iyo biosecurity gudaha Ururka Iskaashiga Bariga Afrika.

Wasiir Fiqi oo soo xiray tababar ku saabsan istiraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa si rasmi ah Xarunta Warbaahinta ee Wasaaradda ugu soo xiray tababar socday muddo saddex maalmood ah. Tababarkan, oo ay ka faa’iideysteen ku dhowaad 30 xubnood oo ka kala socday Waaxyaha Warfaafinta ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana uu hagayay khabiir sare oo ku takhasusay arrimaha saxaafadda, waxaa diiradda la saaray tayeynta, mideynta iyo casriyeynta istiraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca qaranka, iyadoo si gaar ah xoogga loo saaray sidii loo curin lahaa fariimo midaysan oo kaabaya Hawlaha baaxadda iyo naghurnimada leh ee ciidamadeenu samaynayaan iyo sidoo kale kuwo lagaga hortagayo dacaayadaha iyo afkaarta qaldan ee kooxda argagixisada ah ee Khawaarijta.

Wasiir Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay in argagixisada looga guuleysto dagaalka warbaahinta. Waxaa uu wasiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay warbaahin hufan oo kaalin firfircoon ka qaadata dagaalka ka dhanka ah fikirka gurracan. Waxaa uu intaasi raaciyey Fiqi “Runta iyo xaqiiqada sida xirfadda leh loo soo bandhigo ayaa ah hubka ugu culus ee aan kaga adkaan karno fikirka gurracan ee Khawaarijta.” Wuxuu hoosta ka xarriiqay in istiraatiijiyad warbaahineed oo qoto dheer ay lagama maarmaan u tahay soo bandhigidda hawlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo guulaha laga gaarayo halganka, taasoo sare u qaadaysa niyadda askariga Soomaaliyeed iyo kalsoonida shacabka.

Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay aqoonta ay barteen u adeegsadaan sidii ay shacabka ugu gudbin lahaayeen xaqiiqooyinka dhabta ah, una wiiqi lahaayeen dacaayadaha cadowga, isagoo farta ku fiiqay, “Xusuusnow, niyadda, qiimaha iyo cududda askarigeennu waxay si toos ah ugu xiran tahay sida aan u qiimeyno una sawirno.” Wuxuu ku boorriyay inay mar walba garab istaagaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee halganka adag kula jira argagixisada, iyagoo kor u qaadaya sharafta iyo qiimaha geesiyaasha naftooda u huraya difaaca dalkooda iyo dadkooda.

  

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Kenya uga qaybgalaya shirka IATA

Nairobi: Wafdi heer sare ah oo ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada XFS mudane Maxamed Faarax Nuux isla markaana uu qeyb ka yahay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Aaxmed Macalin Xasan ayaa magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya uga qeyb-galay shir uu soo agaasimay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada ee loo yaqaano International Air Transport Association (IATA), shirkan ayaa looga hadlayay horumarinta kaabayaasha Duulista Rayidka iyo is-waafajinta siyaasadaha Duulista iyadoo la raacayo hababka ugu wanaagsan ee caalamiga.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Hogaanka Duulista Rayidka Caalamka, Shirkaddaha Diyaaradaha iyo Hay’addaha Garoomada Maamula iyadoo diirada la saaray horumarinta addeegyada Duulista Rayidka.

Wafdiga Soomaaliya ayaa shir doceedyo la qaatay Madaxdii kasoo qeyb-gashay shirka; waxayna kulamo mira-dhal ah laa qaateen Wasiirka Gaadiidka iyo Kaaba-yaasha ee Dalka Kenya Md. Davis Chirchir iyadoo kulanka diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga Gobolka ee Duulista Rayidka iyo horumarinta isku-xirnaanshaha Gaadiidka labada dal ee Dariska ah.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee horumarinta Duulista Rayidka, hubinta iyo ilaalinta shuruucda Duulista Rayidka ee heer Caalami iyo dhiirigelinta kobaca dhaqaale ee ku saleeysan Gaadiidka Hawada.

Ka qeybgalka wafdiga Soomaaliya ee shirkan heer Caalami ah waxay muujineeysaa dadaalada Soomaaliya ay ku bixineeyso casriyeenta Duulista Hawada iyo xiriirka iskaashi ay la leedahay Caalamka intiisa kale.

Soomaaliya iyo Nigeria oo iska kaashanaya dhowrista xogta

Abuja: Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ilaalinta xogta iyo asturnaanta dijitaalka ah.

Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Abuja, waxa uu xoogga saarayaa wadashaqeyn rasmi ah oo u dhexeeya labada hay’adood, si ay isaga kaashadaan horumarinta nidaamka dhowrista xogta, kor u qaadidda wacyigelinta, iyo tayeynta awoodda hay’adaha u xilsaaran arrimaha xogta ee labada dal.

Maareeyaha Guud ee DPA, Mudane Maxamed Nuur Cali iyo Agaasimaha Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC), Dr. Vincent Olatunji ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska is afgaradka ah oo sare u qaadaya iskaashiga gobolka iyo sidii loo heli lahaa hab-raacyo wadajir ah oo wax looga qaban karo caqabadaha la xiriira xog-ilaalinta iyo asturnaanta.

Wadashaqaynta laba dhinac ayaa sidoo kale dhiiragalinaya in la furo waddooyin rasmi ah oo lagu qaban doono tababaro iyo aqoon-isweydaarsi si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si loo horumarinayo dadaalada wadajirka ah ee la dagaalanka xadgudubyada xogta, korna loogu qaadayo ilaalinta xogta gaarka ah ee muwaadiniinta.

Maareeyaha Guud ee DPA, Mudane Maxamed Nuur Cali, oo ka hadlay madasha saxiixa is-afgaradka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ilaalinta xogta ee Afrika ay yeeshaan wada shaqayn muuqata, si loo xoojiyo nidaamyada sharci, farsamo iyo wacyigelin ee ilaalinta xogta.

   

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabilay Wasiirro ka tirsan SSC-KHAATUMO

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wasiirro ka socda Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Kulanka oo looga arrinsaday dhismaha & tayeynta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Caddaaladda Arimaha Diinta iyo Dastuurka SSC General Cabdi Xasan Maxamed(Xijaar), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka SSC Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib-u-dhiska SSC Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame.

Madaxweynaha Mareykanka oo Riyaadh kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya

Riyaadh:- Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald Trump ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya, Axmed Sharac, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, halka uu Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan uu habka foggaan-arag ah kulanka uga qeybgalay.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald J. Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in Suuriya uu ka qaaday cunaqabateyntii la saaray xiligii Madaxweynahii hore ee dalkaasi Bishaar Al-asad, taas oo culeys badan ku haysay dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac.

Ka qaadista cunaqabateyntan ayaa albaabo badan oo maalgashi ah u fureyso dowladda cusub ee dalka Suuriya, iyadoo dowladda Qatar horay u sheegtay inay bixineyso miisaaniyadda Dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac taas oo muhiim u ah horumarka dowladnimada dalkaasi.

Boqolaal xujay Soomaaliyeed ah oo isugu tagay Rawdada Barakeysan ee Masjidka Nabiga

Ku dhawaad 700 oo xujey ah ayaa shalay  tagay Rawdada barakeysan ee ku taalla Masjidka Nabiga (sallallaahu calayhi wasallaam) ee magaalada Madiina, halkaas oo iyaga oo nidaamsan ay ka bilaabeen salaada iyo cibaada kale ee alle.

Xujayda gaartay Masjidka Nabiga ayaa loo sharaxay muhiimada goobaha barakeysan ee ku dhexyaalla Rawdada, sida: guriga Rasuulka (sallallaahu calayhi wasallaam), qabrigiisa shariifka ah, mihrabka, iyo mimbar-ka uu khudbadaha ka jeedin jiray.

Ugu dambeyntii xujeyda waxaa loo gudbiyey inay soo salaamaan qabrigiisa Nabiga iyo labada Khaliif ee uu saaxiibka la ahaa Abuu Bakar iyo Cumar (Radiyallahu canhum).

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo shir heer sare ah kula qaatay Muqdisho Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Kulankooda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ku aaddan maareynta kalluumeysiga waara, horumarinta kalluunka beerashada, dhisidda awoodda shaqaalaha, iyo maalgashiga khayraadka badda ee Soomaaliya. Labaduba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda isdhaafsiga farsamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiir Axmed Aadan ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiye ay siiso qeybta kalluumeysiga Soomaaliya, isagoo sidoo kale tilmaamay fursadaha ay maalgashadayaasha Turkiye ku heli karaan warshadeynta kalluunka iyo horumarinta xeebaha. Safiir Aktaş ayaa dib u xaqiijiyay diyaar garowga dowladda Turkiye ee ku aaddan xoojinta iskaashiga, ka faa’iidaysiga khibradda, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dhinaca dhaqaalaha buluugga ah.

Kulanku wuxuu kusoo gabagaboobay heshiis wadajir ah oo lagu xoojinayo mashaariic la taaban karo oo labada dal ka faa’iidi doonaan, si loo hubiyo isticmaalka khayraadka iyo horumar dhaqaale oo muddo dheer socon doona.

Wasiir Maareeye oo Azerbajan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku: Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada furitaanka bandhiga caalamiga ee Beeraha Caspian Agro 2025 oo lagu qabtay magaalada Baku ee Caasimada dalka Azerbaijan.

Bandhiga beeraha ee Caspian Agro waa bandhiga ugu weyn ee ka dhaca bariga yurub iyo wadamada la isku dhaho Caucasus. Sanandkaan waxaa ka soo qeyb galay 450 shirkadood oo beeraha ka shaqeeyo oo ay ka mid yahiin shirkado Soomaaliyeed oo ay Wasaaradda u fududeysay inay ka qeyb galaan bandhigaan caalamiga ah. Shirkadaha beeraha Soomaaliyeed ayaa kulamo ganacsi oo dhanka bacraminta iyo qalabka beeraha la qaatay shirkado caalami ah oo bandhiga ka soo qeyb galay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka qeyb galay dood wadaag Wasiiro beer ah oo ku saabsan natiijooyinkii ka soo baxay shirkii isbadalka cimilada COP29 oo sanadkii hore lagu qabtay caasimada Baku ee Azerbaijan.

    

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabatay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu qiimeynayo muuqaalka guud ee nidaamka daryeelka bulshada ee dalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ujeedkiisu ahaa in la is-weydaarsado xogaha muhiimka ah, lana xoojiyo iskaashiga lagu horumarinayo barnaamijyada daryeelka bulshada ee Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, waxa ka go’an in la dhiso nidaam ilaalin bulsho oo waara, loo dhan yahay, kana jawaaba baahiyaha dadka nugul, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).