Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socday hay’adaha Dowladda Federaalka, howlgalka taageerista iyo xasillinta Midowga Afrika (AUSSOM), iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa ujeeddadiisu ahayd wadatashi ku saabsan dardargelinta howlgalka AUSSOM iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee ka shaqeynaya amniga iyo xasilloonida dalka.

          

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May, taasoo lagu xusayay 81 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoreynta, dowladnimada iyo horumarka dalka, isagoo sheegay in dhallinyaradii SYL ay horseedeen midnimo iyo xornimo, halka dhallinyarada maanta laga sugayo inay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

“13 dhallin yaro ah oo gumeysi ku hoos nool, oo aan haysan fursadaha maanta jira ayaa inoo horseeday gobanimo iyo dowladnimo. Maatna dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa horyaalla door la mid ah kaas oo kaga aaddan in ay codkooda ku doortaan hoggaanka dalka, dhexdana u xirtaan difaaca iyo xoreynta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey in ay ka go’an tahay dowladda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay haatan si rasmi ah uga socoto caasimadda Muqdisho, lagana shaqeeyey shuruucdii iyo nidmaadyadii doorashada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna ku bogaadiyey Guddiyada Dastuurka dadaalkooda ku aaddan dhameystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo midnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka.

Munaasabadda waxaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali, Taliyaha Booliska Federaalka Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada

kulanka Guddiga Joogtqda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Frderaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeyaa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay howlaha Golaha gaar ahaan shuruucda ay muhiim tahay inuu Goluhu ka howlgalo inta ka dhiman kalfadhigan lixaad.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddiga walba warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u dhiman, waxaana ugu dambeyn ajendeyn iyo jadwaleynba lagu sameeyay ajendayaasha Golaha ee todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaaramay dardargelinta howlaha Golaha Shacabka, maadaamaa uu gabogabo yahay kalfadhiga lixaad ee Golaha.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Sacuudiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa ee Magaalada Muqdsiho.

Kulankaan ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud  ee dalka,gaat ahaan amniga, guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale oo ku saabsan arrimaha Xajka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaasi ku ansixiyey heshiis is afgarad oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga,kaas oo khuseeya dhanka milatariga iyo amniga,waxaana soo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xubnaha golaha ayaa mudadii uu socday shirkaasi ,halkaasi ku dhageystay warbixin ay soo jeediyeen guddigga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhagax dhigay xarun cusub oo ay ku howlgalaan Wasaaradda Ciyaaraha

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo lagu guda jiro munaasabadda xuska Maalinka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxaa uu dhagax-dhigay dhismaha cusub oo ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.

Dhagax-dhigga waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ku weheliyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,ahna Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Wafdi ka socday Gaashaandhigga XFS oo lagu soo dhoweeyay Safaaradda Soomaalida ee Jarmalka

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐀𝐬𝐢𝐬 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐞 ayaa xarunta safaaraddaasi ku soo dhoweeyay 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢 iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Kulanka soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay 𝐤𝐮𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐃𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧,iyadoo mas’uuliyiintii la socotasy wasiiru dowlaha u kamid ahaaLataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Suldan Farah Ahmed.

𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐞 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐞 ayaa uga warbixiyay Wasiiru Dowlaha adeegyada ay safaaraddu u hayso Jaaliyadda Soomaaliyeed.Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ka socota safaaradda.

Wafdiga uu hoggaaminaayo wasiiru dowlaha waxa ay Magaalada Berlin uga qeybgaleen shir looga hadlaayey habka 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 ee qaramada midoobay,kaas oo socday 13-14 bishaan.

𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐞 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐃𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 ayaa ka mahad celiyay  booqashada Wasiiru Dowlaha iyo waftigiisu ay tageen xarunta Safaaradda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ubax-dhiggay taallada urrurka dhallinyarada ee SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ubax-dhiggay xarunta taallada urrurka dhallinyarada qaranka ee caasimadda Muqdisho.

\Xafladda ubax-dhigga waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah xubnaha labada gole,maamulka gobolka Banaadir,saraakiil iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabaddaasi.

Madaxweynaha ayaa gacanqaaday qaar kamid ah dhallinyarada dugsiyada ee soo xaadiray xafladddaasi lagu maamuusaayey sanadguurada 82-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii maalinta dhallinyarada.

Xuska maalinta dhallinyarada ee sanadkan ayaa ku soo beegmay xilli ay muuqdaan ifafaalo iyo horumarro wanaagsan oo loo qaaday hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baqdaad oo caasimad u ah dalka Ciraaq.

Booqashada wasiirka ayaa qeyb ka ah la socodka dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo howlaha muhiimka ah ee ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Wasiirka waxaa xarunta safaaradda si diirran ugu soo dhoweeyay Siihayaha Safaaradda, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed, oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee safaaradda iyo adeegyada ay bixiso.

Wasiir Abdisalaan oo hoggaaminaya wafdi ayaa lagu wadaa inuu magaaladaasi kaga qeybgalo Shirka heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka Carbeed ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, kaas oo la qorsheeyay inuu furmo 17 May.

Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa waa dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda ka dhigan ama keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo  ku yimaada dhanka horumarka,ilbaxnimada iyo arrimaha bulshada.

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen kacdoonno siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro oo wax bartay,kuna mideysnaa Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka umadda iyo baadigoobka xornimo dhameystiran oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadaal lamid ah kan dhallinyarada ee Gobolada Koonfureed waxa uu ka dhacay Gobolada Woqooyi,kuwaas oo oo ay horkacayeen Ururka SNL (Somali National League), waxayna u howlgaleen raadinta midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale.

Xilligaasi waxaa suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa xasuus mudan in dad badan oo ka mid ah qeybaha bulshada ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalkii  kacdoonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoos-baxo gumeysiga oo la qaato xoriyad,kuwaasina waxay ahaayeen qaar taabacsanaa maamulkii gumeysiga ee soo maray Dalka.

Haddaba,15-ka May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan kaalinta ay ku leeyihiin geeddi socodka barnaamijyada horumarineed ee dadka iyo dalka, iyadoo sidoo kale  ay waajib tahay in ay ka qeybqaataan  badbaadinta umadda iyo raadinta qaran dhameystiran oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay Ururka Dhallinyarada SYL ,isla markaana ay la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

Maadaama lagu jiro xilli adag ,cidda kaliya ee dalka gaarsin karta nabad iyo horumar waa dhallinyarada oo u baahan in la siiyo tallooyin wax ku biirin kara horumarka dalka,difaaca iyo soo celinta amniga.

Haddaba,xuska sanadguurada 82-aad ee ka soo wareegay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed,aawadeed,waxaan halkaan ka direynaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda Dhallinyarada meel kasta oo ay joogaan iyo xaalad kasta oo ay ku nool yihiin.

Ugu dambeyntii Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo ifiya noloshooda.

 

SONNA

Wasiirka maaliyadda oo Nairobi uga qaybgalay bandhigga warbixin maaliyadeedka Soomaaliya

Nairobi: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC) ayaa maanta Magaalada Nairobi uga qeyb galay bandhigga 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒-𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ee ay soo diyaariyeen Guddiga FGC oo uu guddomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda XFS.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabahaysay ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay Warbixintaan oo muujinaysa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dakhliga gudaha iyo hufnaanta maamul ee ilaha dhaqaalaha oo isbaddal muuqda lagu sameeyay.

Sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si dhab ah u go’an tahay sii wadidda ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ku saleysan maamul wanaag si loo dhiirigaliyo sare u qaadidda kobaca dhaqaalaha iyo abuuridda fursadaha lagu horumarinayo mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka soo bandhigidda Warbixinta Maamul-Wanaagga Maaliyadda Soomaaliya ee 2024-ka oo lagu qabtay xarunta Bangiga Adduunka ee Magaalada Nairobi, waxaa goobjoog ahaa dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Madaxda IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka sida joogtadaha uga la shaqeeya Dowladda Soomaaliya arrimaha Maaliyadda.