Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Shacabka oo ka qayb galay shirka Baarlamaanka dalalka Islaamka

Jakarta:- Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku sugan Magaaladda Jakarta ee Caasimadda wadanka Indonesia ayaa ka qeyb galay shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Islaamka oo muddo afar cisho ah ka socday Magaaladda Jakarta.

Shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka wadamada Islaamka oo sanadkan si guud loogaga hadlayay maamul wanaaga iyo dhisida hay’ado xoog leh ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray xuquuqda dadka muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay, Sahaminta istaraatiijiyado qoto dheer oo lala yeesho dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada rayidka ah si kor loogu qaado ka-qaybgal dimoqraadiyadeed oo loo dhan yahay iyo sidoo kale ujeedooyinka ku xusan Xeerka Midowga Baarlamaanka ee Dawladaha Xubnaha ka ah OIC iyo waajibka ka saaran in la ixtiraamno ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga OIC iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

Gabagabadii Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay ayaa sheegay Baarlamaannada xubnaha ka ah midowga muhuim tahay in ay si firfircoon uga hortagaan Islaam nacaybka, ajaanib nacaybka, dulqaad la’aanta, iyo nooc kasta oo takoorid ah iyaga oo tusaale u ah qiyamka mabaadi’da Islaamka iyo horumarinta sharafta muslimiinta iyo wada-xaajoodka baarlamaanka iyo sidoo kale ilaalinta sharafta iyo xuquuqda dadka oo dhan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan doceedyo muhiim ah la yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jabuuti iyo Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ku sugan magaalada Baqdaad ayaa kulan doceedyo muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Maanta, Wasiir Cabdisalaam waxa uu kulammo miro-dhal ah la qaatay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Aljeeriya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo sidoo kale taageerada labada dal ay u hayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka dalka.

Kulammadani waxay ka tarjumayaan sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyada oo la sii amba-qaadayo wada-shaqeynta dhow ee ku saleysan danaha wadajirka ah ee gobolka iyo dunida Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Baqdaad kula kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdul Salaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Baqdaad kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Jamhuuriyadda Yemen, Mudane Dr. Shaye Mohsen Al-Zindani, oo ka qayb galay shirka Golaha Wasiirada Carabta.

Labada wasiir ayaa ka wadahadlay qodobbo ay kanid yihiin xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo yemen iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa barnaamijyada wax ku oolka ah ee saacidaya horumarka labada dal.

Wasiir C/salaan ayaa ku nuux-nuuxsaday xiriirka walaaltinimo ee xooggan iyo taariikhda wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, isagoo muujiyay sida dalkiisu u doonayo inuu xoojiyo iskaashiga iyo taageerada hindisaha wadajirka ah.

Dhankiisa, wasiir Al-Zindani ayaa ugu hambalyeeyay wasiir Cabdul Salaam xilka dhawaan loo magacaabay, wuxuuna u rajeeyay guul, isagoo carabka ku adkeeyay inay Yemen ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada badan ee kala dhexxeeya dalkeenna..

Trump oo dhameystay socdaal uu ku tagay Bariga Dhexe

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump oo ku jira lugtii u dambeysay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe ayaa sheegay in Dalka  Imaaraadka Carabta uu $1.4 trillion ku maalgelin doono Mareykanka  tobanka sano ee soo socda.

Heshiiskaasi maalgalinta ee lala galay Imaaraadka waxaa ku jira kuwo lagu hormarinaayo waaxda AI ,gaar ahaan adeegyada loo yaqaanno nidaamyada kombuyuutarada awoodda u leh inay qabtaan hawlaha sida caadiga ah u baahan garaadka aadanaha.

Waxaa kaloo heshiiska ganacsi kamid ah hub laga iibinaayo Imaaraadka,inkastoo ay jiraan koox katirsan senetarada Maraykanka oo isku dayaya inay joojiyaan hub laga iibinaayo Qadar iyo Imaaraadka.

Trump waxaa lagu wadaa in maanta uu ka ambaboxo Dalka Imaaraadka oo maalinimadii shalay uu soo gaaray kadib markii uu soo maray Sacuudiga iyo Qatar.

Wasiir Fiqi oo boogaadiyay howsha wax ku oolka ah ee ka socota Dugsiga Tababarka TURKSOM

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo la socday ayaa booqasho howleed ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka oo si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta dugsigaasi ayaa salaan sharaf ka qaatay saraakiisha Turkiga iyo ardayda Soomaaliyeed ee tababarka ku qaadanaya halkaasi.

Kulanka booqashada wasiirka oo uu goob joog ka ahaa Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş waxaa  halkaasi la isku dhaafsaday ereyo la xiriiray xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.

Dhinacyadaasi waxaa kaloo ay ka hadleen doorka muhiimka ah ee Dugsiga TURKSOM ee uu ka qaato dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Cisbitaalka Banaadir oo helay gargaar ka yimid Hay’adda SODMA

Maamulka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar bini’aadanimo oo wax loogu qabanaayo bukaanada isugu jira hooyada iyo dhallaanka  gaarsiisay Cisbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan oo ka koobneyd nuucyada cuntooyinka waxaa loogu talagalay in lagu quudiyo bukaanada ku jira Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir

Agaasimaha waaxda gargaarka SODMA Sahra Cali Yuusuf ayaa ka warbixisay gaariga raashinka ah ee ay ugu deeqeen maamulka cisbitaalkaasi iyo ahmiyadda uu samofalkaan u leeyahay dhibanayaasha la ildaran nafaqa darida iyo cudurada kale eek u dhaca carruurta sida Jadeeco iyo Xiiq-dheerta.

Agaasime ku xigeenka cisbitaalka Aamino Sh Xasan ayaa ka mahadceliyay kaalmadaasi ay bixiyeen Hey’adda SODMA oo markii 3-aad cisbitaalkaasi gaarsiisay daawo,qalab iyo cunto muddo ka yae sanad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Masar

Baghdad:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad intii uu socday Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa Wasiir Cabdisalaan waxa uu carabaabay tixgelintiisa taageerada Masar ee nabadda iyo degannaanshaha Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay ka qeyb-noqoshadeeda Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), caddeeyayna inuu ku dadaali doono kor-u-qaadidda iskaashiga Soomaaliya kala dhexeeya Masar iyo ka faaideysiga khibradaha dhinac weliba.

Dhankiisa, Wasiir Badr Abdelatty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliya xilka dhowaantan loo magacaabay, isaga oo caddeeyay sida ay uga go’antahay Masar sare-u-qaadidda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo tilmaamay in xiriirka labo geesoodka la gaarsiiyay heerkii ugu sarreeyay oo ah wax-wadaag istiraatiijiyadeed kadib booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira bishii January, 2025.

Wasiir Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay taageerada sugan ee Masar ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya , isaga oo xaqiijiyay in Masar ay ka go’antahay taageeridda awood-dhisidda iyo tababbaridda Soomaalida si howlgudashada hay’adaha dowladda ay u noqdaan kuwa wax-gal ah.

Labada Wasiir ayaa waxa ay isku af-garteen inay sii wadaan wada-shaqaynta dhow si loo qotodheereeyo iskaashiga jira, lana xoojiyo xasiloonida gobolka iyadoo loo marayo dadaallo wadajir ah.

Nairobi oo lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhexeeyay Hey’adaha Maaliyadda Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka

Waxaa maanta Magaalada Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Hey’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda mudan in la maalgaliyo ee wax soo saarka uu ka mid yahay.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka soo qeyb galay oo ka kooban Xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo xiritaanka shirka ka hadlayay ayaa xusay sida ay Dowladda Soomaaliya ahmiyad gaar ah u siinayso in la helo maalgalin ku saabsan ka faa’iideysiga kheyraadka Dalka, sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay qorshaha Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurtinta si sare loogu qaado dakhliga gudaha.

Shirkaan oo 3 Biloodle ah ayaa inta badan waxaa dib-u-eegis lagu sameeyaa horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay Dowladda tan iyo markii lagu dhawaaqay hannaankii deyn cafinta.

Dardar-gelinta Maalgashiga Warshadaha Soomaaliya

Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (SOMINVEST), iyadoo iskaashi la leh Barnaamijka SDIT ee Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u bilaawday Daraasad Maalgashi oo lagu sameynayo Qaybaha Mudnaanta Leh ee Maalgashiga Warshadaha Soomaaliya.

Daraasaddan ayaa ah mid istiraatiiji ah oo lagu qiimeynayo fursadaha maalgashi ee ka hira warshadaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kobcin kara wax-soo-saarka warshadaha, sare u qaadi kara suuqyada shaqada, xoojin kara dhoofinta, isla markaana kaalin mug leh ka qaadan kara xaqiijinta sugnaanta cunnada qaranka.

Mashruucani wuxuu la jaanqaadayaa yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya horumar waara, koboc loo dhan yahay, iyo dhisidda dhaqaale ku tiirsan wax-soo-saarka gudaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada arrimaha Dibada ee Golaha Jaamacadda Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali Cabdi, ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirrada arrimaha Dibada ee Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, waxuuna gogol xaar u ahaa shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee lagu wado in la qabto 17-ka May.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray diyaar garowga shir-madaxeedka, iyadoo Wasiirradu ay si qoto dheer uga doodeen xaaladaha siyaasadeed, Dhaqaale iyo Amni ee ka taagan gobolka Carabta. Sidoo kale, waxa ay xoogga saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Carbeed, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha cusub iyo kuwa isbedelka ku yimid ee saameynta ku yeeshay dalalka xubnaha ka ah ururka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta iskaashiga iyo midnimada dalalka Carabta, si loo helo xalal waara oo lagaga hortagayo caqabadaha iyo duruufaha taagan, loogana shaqeeyo nabad, xasillooni iyo horumar wadajir ah.