Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baraawe, meel qiyaastii 40km u jirta magaalada, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen kooxaha Khawaarijta.

Howlgalka oo lagu beegsaday saldhigyo ay kooxda Argagaxisada ku lahaayeen deegaanka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 25aad Gaashaanle Dhaxe Cali Degal, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Aadan Yuusuf Baroon, iyo Taliyaha Xasilinta Degmada Ibraahim Xasan Geladow.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijyay in kooxda looga saaray dhul ballaaran oo ay horey u maamulayeen, iyagoo intaa ku daray in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada hoos yimaada Baraawe.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kordhiyay dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha Argagaxisada, iyagoo sheegay inay sii wadayaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka.

           

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐣𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐁𝐚𝐱𝐧𝐚𝐚𝐧𝐨

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo daahfuray wajiga labaad ee mashruuca Baxnaano ee daryeelka bulshada ayaa sheegay in mashruucaani uu caawiyo dadka danyarta ah wajigiisa koowaadna uu guul ku soo dhammaaday.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bogaadiyay guulihii uu xaqiijiyey masharuucan muddadii shanta sano ahayd ee uu shaqaynayey, waxa uuna faray hay’adaha ku shaqada leh in la dardargeliyo fulinta wajiga labaad, isaga oo ka mahadceliyey dadaalka la galiyey, si uu miradhal u noqdo.

Barnaamijka Baxnaano ayaa wajigiisa koowaad waxaa uu socday intii u dhexeysay 2019 ilaa 2024, waxaana ka faa’iideystay dad gaaraya 1.3 Milyan oo reer guuraa u badan, sida ay sheegtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo u xilsaaran fulintiisa.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo Dhammeystiray labo Diiwaan oo muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud e JFS ayaa si rasmi ah u dhammeystiray laba dukumiinti oo aas aas u ah horumarinta maamulka shaqaalaha ee XHGS oo kala ah:

1. 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 oo daadihinaya jihada iyo xeerarka lagu hago maamulka shaqaalaha xafiiska, laga bilaabo habraaca shaqaaleynta ilaa qorsheynta horumarinta xirfadeed.

2. 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝d𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 oo si istiraatiiji ah u tilmaamaya halka xafiisku u jihaysanayo shanta sano ee soo socota, isagoo dardargelinaya himilo ah in la helo nidaam shaqaale oo leh waxtar iyo isla-xisaabtan, kuna saleysan cadaalad iyo xirfad.

Labadan dukumiinti ayaa si xeel dheer uga hadlaya baahida loo qabo in la hirgeliyo hannaan shaqaaleysiin oo hufan, tababarro qorshaysan oo joogto ah iyo hab qiimeyn waxqabad ah oo la isku halleyn karo. Waxa ay sidoo kale xoojinayaan muhiimadda ay leedahay in la dhiso jawi shaqo oo dhiirrigelinaya isfaham iyo wada-shaqeyn, iyada oo horumarinta shaqaalaha loo arkayo tiir-dhexaad lagu kobcinayo tayada shaqo ee Xafiiska Hantidhowrka Guud.

Sidoo kale, labada dukumiinti waxaa si qoto dheer loogu saleeyay waafaqsanaanta Xeerarka Shaqada Shaqaalaha Dowladda iyo tilmaamaha caalamiga ah ee maamulka shaqaalaha, taas oo ka dhigaysa kuwo xaqiijinaya horumarinta shaqaalaha xafiiska iyo tayeyntoodaba.

Howshan waxaa si gaar ah uga taageeray Xafiiska Mashruuca Midowga Yurub ee EU SFA, oo ah mashruuc lagu horumarinayo isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad wanaagga. Sidaas darteed, waxa aan u mahadcelinaynaa taageeradooda joogtada ah iyo garab istaagga ay siiyeen geeddi-socodkan muhiimka ah ee la xiriira tayeynta shaqaalaha xafiiska.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MEERTADA 34-AAD EE JAAMACADDA CARABTA

Baqdaad:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha dowladda, sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha, taas oo suurta gelisay in horumar laga sameeyo dhismaha dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, waxa uuna caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa muujiyey taageerada Soomaaliya ee midnimada, madax-bannaanida, iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaas.
  

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku soo dhoweeyay taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay sarreeye Guud Sam Okiding, taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo Sarreeye Guud Okiding uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ah ee caqabadaha ku haya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimadda xiriirka milatari ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulank Sanadeedka Guddiga

-Guddoomiyaha Guddiga Hagidda Dad dhigista iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulank Sanadeedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay shaqada u qabsoontay guddiga, wuxuuna yiri”Muddada uu Guddigaani shaqaynayay, waxaa horumar fiican laga gaaray dejinta siyaasadaha, sharciyada, istaraatijada iyo qorshooyinka lagu maamulayo adeegga dad-dhigista kuwaa oo badankooda uu ansixiyay Guddigan. Sidoo kale, Guddigani wuxuu ku guulaystay inuu hirgeliyo adeeg dhijitaal ah oo si midaysan loogu bixinayo adeegyada dhalashada iyo dhimashada kaasi oo wejigiisa kowaad laga hirgeliyay 19 degmo oo ku kala yaalla dawlad goboleedyada dalka”.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka hadlay dedaalka uu guddiga ku bixiyay karaanka iyo tayada howlwadeennada Hay’adaha, wuxuuna yiri “ Dhinaca kale, waxaa in la xuso mudan Guddigu dadaal farabadan ku bixiyay dhisidda karraanka hay’adaha iyo hawlwadeennada kala duwan ee u xilsaaran adeegga dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah. Waxaa tababbaro dibedda iyo gudaha ah la siiyay hawlwadeennada ka kala socday Dawladda Federaalka, dawlad goboleedyada iyo dowladaha hoose. Bixinta tababbaradaasi waxaa garab-socday qalabaynta dawladaha hoose kuwaa oo la gacangeliyay agabyo xafiis si xilkooda ugu gutaan uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed”.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Hagidda Dad-dhagista oo ka hadashay Kulan Sandeedka 3-aad ee Guddiga Dad-dhigista Iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga ayaa ka hadashay arrimaha guurka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Xildhibaan Khadiija ayaa si gaar ah u isu dultaagtay arrimaha guurka iyo xal u helidda cabaqadaha ka yimaada.

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda.

Madaxwaynuhu Jamhuuriyaddu ayaa shirka ku soo bandhigi doono halganka ka dhanka ah Khawaarijta Alshabaab iyo ISIS, kuwaas oo dowladda dagaal kula jirto si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado dhibaatooyinka waaweyn ee khawaarijta.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo magaalada Baqdaad kulan duceedyo la qaadan doona madaxda ka soo qeyb-gelaysa meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May, kuna beegan 82 guuradii aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley salaadda Janaazadda ee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee dalka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025) ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada, iyo dib-u-dhiska.

7- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis is afgarad oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga,kaas oo khuseeya dhanka milatariga iyo amniga

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Xaaji Cabdirashiid ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobo ay saameyn ku yeesheen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Muqdisho.

9- Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Aaxmed Macalin Xasan ayaa magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya uga qeyb-galay shir uu soo agaasimay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada ee loo yaqaano International Air Transport Association (IATA)

10- Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ilaalinta xogta iyo asturnaanta dijitaalka ah.

11- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Alper Aktaş, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
12- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada furitaanka bandhiga caalamiga ee Beeraha Caspian Agro 2025 ,oo ka qabsoomay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

13- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Turkiye , Danjire Alper Aktaş ,iyagoo ka wada hadlay la dagaalanka argagaxisadda iyo danaha labada dal ka dhaxeeya.

14- Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa gargaar isugu jira raashin, dhar iyo hoy gaarsiisay 564 qoys oo ku dhaqan degmada Dayniile, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay gobolka Banaadir.

15- Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire Stephen Mbundi.

16- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is afgarad (MoU) wada shaqeyn ah, isagoo la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

17- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaan tartan furan oo loogu talagalay xulashada saraakiil ku biiraya barnaamij waxbarasho oo Layli Sarkaalnimo ah oo dalka dibaddiisa lagu soo tababarayo.

18- Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay ka hortagga khataraha ka dhasha si xun u isticmaalka baraha bulshada ee faafinta been abuurka ,marin habaabinta, hadallada naceybka iyo muqaaladda ay argagaxisadda baraha ku faafiyaan,

19- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA) ,kaddib, kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja dalka Nigeria.

20- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.

21- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer howleed ku tagay goobo dhowr ah oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

23- Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyey xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dawlad-dhis ee Dawlad Goboleeedka SSC-Khaatumo.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali ayaa furay kulanka dowladda iyo bulshadda rayidka, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wadashaqaynta iyo iskaashiga bulshada rayidka iyo dowladda.
25- Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

26- Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Xasan Abshirow Maxamed ayaa daahfuray wajiga 2-aad ee tababarka guddi hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ku saabsan Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

27- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Lionel Laurens.

28- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Danjire. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa qaabishay Safiirka Yemen ee Soomaaliya, Mudane Fadel Cali Axmed Al-Xanak.

=====DHAMMAAD======

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baqdaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaas oo uu uga qaybgali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda, iyada oo Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu uu dhankiisa soo bandhigi doono halganka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan.

        

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay Shirweynaha Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Islaamka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeybgaley Shirweynaha Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Waddamada Islaamka OIC oo ka dhacay magaalada Kazan ee Jamhuuriyadda Tatarstan oo ka tirsan Xiriirka Federaalka ee Ruushka.

Waxaa kulankan looga hadley doorka diblomaasiyadda dhaqanka ka qaadan karto arrimaha amniga iyo nabadda, xalinta xasaradaha iyo isku soo dhoweynta dalalka caalamka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah Madasha Kazan Forum 2025 oo ay ku kulmayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka OIC iyo Ruushka, kaas oo diiradda lagu saarayo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac ka dhexeeya, gaar ahaan horumarinta ganacsiga, iskaashiga dhinacyada sayniska, tiknoloojiyadda, arrimaha bulshada , dhaqanka iyo kuwo kale oo ay labada dhinac wadaagi karaan.

Khadka telefonka ee magaalada Kazan ee Jamhuuriyadda Tatarstan waxaan kula xiriirney Wasiir Daa’uud Aweys oo aan wax ka weydiinay shirkaasi iyo Madasha Kazan Forum ee halkaasi ka so