Maxkamadda gobolka Baay oo dil toogasho ah ku fulisay Nin horay dil uga geystay Baydhabo

Maxkamadda gobolka Baay ayaa maanta fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Axmed Cabdullaahi Maxamuud, kaasi oo shalay magaalada Baydhabo ku dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa wiil dhalinyaro ah.

Dilka marxuum Abshir ayaa ka dhacay xafiis uu ka shaqeynayay oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo.

Xukunka qisaasta ah ayaa laga fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, saraakiil ciidan, maamulka degmada Baydhabo iyo dadweyne tiro badan oo ay ka mid ahaayeen ehellada marxuumka la dilay.

 

   

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Daccò Coppi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Safaaradda Talyaaniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dib-u-habaynta garsoorka, iyo dhameystirka dastuurka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Soomaaliya, halka wafdigu ay ku bogaadiyeen dadaallada dowladda ee ku aaddan tayeynta cadaaladda iyo dastuurka iyagoo ballanqaaday sii wadista taageerada.

Wasaaradda Cadaaladdu waxay sii xoojineysaa dadaallada ku aaddan tayeynta nidaamka Cadaaladda iyo dhameystirka iyadoo la kaashaneysa bahda cadaaladda iyo saaxiibada caalamiga ah.

 

   

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo uu wehliyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo ee marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere ilaa Shibis.

“Waddo markii la dhiso waxaa lagama maarmaan ah in loo sameeyo goobo biyo mareen ah haddii kale siima jireyso waddadaas, guddoomiyaasha degmooyinka waxaan farayaa in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku dheelaya nadaafadda waddooyinka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen Jibriil ayaa maamulka gobolka ku boogaadiyay in xoogga uu saaro dhismaha waddooyinka hal bowlaha ah ee Magaalada Muqdisho, oo ahmiyad weyn u leh shacabka caasimadda, waxa uuna shacabka kula dar-daarmay in ay ka qeyb qaataan nadaafadda iyo bilicda waddooyinka.

      

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED

Mogadishu(SONNA);’Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah,, Ciidanka waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka

Hay’adaha Amniga waxa ay ka howlan yihiin xaqiijinta Khasaaraha, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay warbixinta rasmiga ah ka sugaan Hay’adaha Dowladda ee gacanta ku haya.

Faahfaahin dhameystiran waxaan soo gudbin doonaa goor dhow insha allah.

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis dil ah oo loo heysto Axmed Cabdullaahi Maxamuud oo Baydhabo ku diley marxuum Abshir Xasan Cabdiraxmaan.

Maxkamadda ayaa la horkeeney marqaatiyaal goob joog u ahaa falkan dilka ah iyadoo ugu dambeyn maxkamadda gobolka Baay ay eedeysanaha ku xukuntay dil toogasho ah.

 

   

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay Shirka Guddiga Hagidda Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Ashkir oo Guddoominaya Kulan Sanadeedka 3-aad ee Guddiga Hagidda Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ayaa ka hadlay kulanka.

Wasiir Ashkir ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay Guddiga Hagidda Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga sanadkii tagay, isagoo adkeeyay in si wadajir loo wajaho caqabadahii jiray, dhanka kale Wasiir Ashkir ayaa ka hadlay ahmiyadda dhamasytirka system-ka Digital-ka ee dad dhigista iyo sida ay xilligaan u haboontahay baahinta adeegyada dad-dhigista dalkoo dhan.

Ugu Dambayn, Wasiir Ashkir ayaa u mahadceliyay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saaxibada caalamiga ah wadashaqaynta joogtada ah ee arrimaha dad-dhigsta.

Shir ku saabsan Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga oo ka dhacay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa guddoomiyay kulan sanadeedka 3-aad ee Guddiga Hagidda Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.
Wasiir Ashkir ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay Guddiga sanadkii tagay, isagoo adkeeyay in si wadajir ah loo wajaho caqabadahii jiray, dhanka kale Wasiir Ashkir ayaa ka hadlay ahmiyadda dhammeystirka habka Dhijitaalka ah ee dad dhigista iyo sida ay xilligaan u haboontahay baahinta adeegyada dad-dhigista dalka oo dhan.
Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saaxibbada caalamiga ah.

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐏𝐀𝐈𝐒-𝐅𝐔𝐒 – 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐬𝐨𝐨𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚

ku simaha Wasiirka ahna Wasiir dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa wasaarada ku qaabishay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb Pier Mario Dacco Coppi.

Kulankan ayaa ahaa mid ay goobjoog ku ahayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dr. Guuleed Abdijalil iyo masuuliyiin kasocotay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed, ayadoona hirgelinta mashrucaan ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhisayo kartida iyo xirfadda shaqaalaha Caafimaadka heer federal iyoheer dowlad goboleed.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijyo waxbarasho oo heer sare ah (Executive Master’s Program) kuwasoo lagu tababarayo shaqaalaha caafimaadka si kor loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka iyo adeeg bixinta caafimaadka.

Dr. Maryama Wasir Dowlaha Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa xustay in ay ugago’an tahay hirgelinta mashruucan muhiimka ah ayadoona la rajeynayo in uu noqdo tausaale guul leh oo horseeda barnaamijyo kale oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadkaee dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Ciraaq

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaasi, kadib markii uu gaaray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo Ciraaqi ah ayaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, tababarka iyo is-weydaarsiga khibradaha ciidamada.

Wasiir Thaabit Al-Cabaasi ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga si heer sare ah, halka Wasiir Fiqi uu uga mahadceliyay martiqaadka, isagoo xusay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la dhiso iskaashi waara oo walaaltinimo iyo istaraatiiji ah.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo heshiis iskaashi amni ku kala saxiixday magaalada Baqdaad

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdul-Amiir Al-Shamari, ayaa magaalada Baqdaad ku kala saxiixday heshiis iskaashi amni oo u dhexeeya labada dal.

Heshiiska ay labada Wasiir kala saxiixdeen ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasilloonida labada dal ee walaalaha ah, isla markaana lagu tayeynayo awoodda hey’adda amniga.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kamid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalka Ciraaq uga qeyb galaya shirka Jaamacadda Carabta.

Munaasabadda heshiiska labada Wasiir waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood oo uu ku jiray Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi.