Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) James Swan, ayaa ka wada-hadlay qorshaha Dimuqraadiyeynta ee awooda dib loogu celinaayo shacabka iyo doorashooyinka Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay Magaalada Muqdisho, sidii gacan looga geysan lahaa xaaladdaha bini’aadannimo, dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha iyo in laga wada-shaqeeyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa ka mahad celiyey doorka QM ay ka qaadato xoojinta dowladnimada, maamul wanaaga iyo arrimaha gargaarka, iyadoona labada dhinac isla qaatay sare u qaadida mashaariicda horumarineed ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

   

Agaasime Dhuxulow oo kulan la qaatay guddiga diyaarinta qandaraaska dukumentiga Baasaboorka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Isku-dhafka ee u xil-saaran diyaarinta qandaraaska hannaanka lagu tayaynayo dukumentiga Baasaboorka Soomaaliyeed.

Guddigan Isku-dhafka ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNOPS, Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), ayaa waxa ay ka shaqeynayaan hagidda iyo talo-bixinta ku saabsan hannaanka iibka iyo qandaraasyada si dib-u-habeyn dhameystiran loogu sameeyo baasaboorka Soomaaliga. Ujeeddadu waa in la hirgaliyo baasaboor leh qaab-dhismeed, amni iyo muuqaal casri ah (3rd Generation) oo ka sarreeya kan hadda la isticmaalo, isla markaana u qalma muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in baahi wayn loo qabo in la helo dukumenti tayo sare lehna astaamaha amniga ee ugu sarreeya, si uu ula jaanqaado baasaboorada caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah u adkeeyay in hannaanka qandaraaska uu noqon doono mid si buuxda u daah-furan, oo ay ka qayb qaadan karaan dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee leh waayo-aragnimada iyo awoodda farsamo ee lagu horumarin karo baasaboorka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay UNOPS kaalintooda farsamo ee joogtada ah, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga dhow ee u dhexeeya HSJ, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee ku lugta leh mashruuca, si gaar ahna waxa uu tilmaamay in mashruucan uu yahay mid taariikhi ah oo qayb ka qaadan doona tayaynta baasaboorka Soomaaliyeed iyo sumcaddiisa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in la dadajiyo dhammeystirka dukumentiyada si daahfurka rasmiga ah ee qandaraaska loogu qabto muddo kooban, isagoo balanqaaday in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay si buuxda uga go’antahay hirgelinta mashruucan Qaran.

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Yeman ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya danjire Fadli Cli Axmed oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, xaaladda qaxootiga iyo jaaliyadda Yemen oo ay Soomaaliya keeneen daruufaha ka jira dalkooda.

Soomaaliya iyo Yemen waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada dhaqanka, bulshada iyo ganacsiga kaas oo saldhig adag u ah kor u qaadidda iskaashi ku dhisan danaha wadaagga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.

 

Golaha Shacabka BFS oo Akhrinta koowaad marsiiyay Sharciyo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed AlMakhzoumi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo qodobada uu ka koobanyahay, waxaana maadaamaa akhrinta koowaad uu marayay islamarkaana aanu wax dood ah ka furneyn, waxa ay Xildhibaanadda Golaha ay wasiirka weydiiyeen su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh labada hindise in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad dibna ay Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

       

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Hindise sharciyeedkan ayaa ah mid lagu xoojinayo awoodda iyo kartida Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, iyadoo la eegayo baahida sii kordheysa ee is-dhaafsiga garsoor, xog, iyo la dagaallanka dambiyada caalamiga ah.

Wasiir Xasan Macallin ayaa Xildhibaannada si faahfaahsan ugu sharraxay muhiimadda sharcigan, isagoo xusay in uu fududeyn doono in Soomaaliya ay si hufan ula shaqeyso waddamada kale iyo hay’adaha sharciga caalamiga ah.

“Sharcigan wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa xoojinta caddaaladda, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo xaqiijinta wada shaqeyn dhaxal gal ah oo dhex marta Soomaaliya iyo beesha caalamka,” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood kaleh sharciyaan,iyagoo oo muujiyay ahmiyadda uu dalka u leeyahay,waxaana xildhibaannada ay marsiin doonaan akhrinta labaad iyo dood furan si loo dhammeystiro ansixintiisa.

Hindise sharciyeedkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habeynta garsoorka iyo dhismaha dowladnimo hufan oo caddaalad ku dhisan.

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Hiraan:-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, si Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ay ugu dhiirigeliyaan dagaalka Khawaarijta.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa inta u dhaxeysa deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan-Yabaal lagu dilay in ka badan 70 Khawaarij ah oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Ciidamada Qaranka iyo xaq u dirirka deegaanka ayaa maanta kaabiga ku haya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Sh/Dhexe, halkaas oo Khawaarijtii lagu jabiyay dagaalka ay isaga carartay, waxaana weli aaggaas ka socda howlgallada sifeynta ah.

   

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay nidaamka doorasho dadban oo muddo badan ka jiray Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in la hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo hufan, caddaalad ah, una adeegta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu yiri

“Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Ra’iisul wasaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkaan ka sheegay kulan xalay uu la qaatay Hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed,kaa oo daranaa xoojinayo doorka ay ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah oo dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gutaan.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan idin kugu yeeray oo caawa halkaan aad u joogtaan in aan idiin soo gaarsiiyo farriin ah difaaca dalka, taas oo ah

waajib ay tahay in aan loo kala harin, dhammaanteenna aan u wada istaagno”. Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ay xaqiijisay guulo waaweyn oo la taaban karo, isla markaana ay ka go’an tahay in ay dadka Soomaaliyeed ku hoggaamiso ciribtirka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed la yeeshay kulan weyne lagu xoojinayo doorka ay ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka.

Kulanka ayaa ujeedkiisu yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin cad ka qaataan dardargelinta difaaca dalka iyo hirgelinta doorashooyinka dadweynaha.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulankaas ka sheegay in dowladdu ay guul wax ku ool ah ka gaartay dagaalka Khawaarijta ee uu dalka ku hoggaaminayo madaxweyne Dr Xasan Sheekh.

“Majiro Madaxweyne inta uu dagaal galo dadkiisu ka haraan waa in aan dagaalka Khawaarijta dhamaanteen galnaa, dhallinyaradda Soomaaliyeed haddaad tihiin dalka difaaciisa ka qeyb qaata waa fariinta aan rabo in aan idiin dhiibo”. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa xusay inay xukuumaddu shaqo weyn ka qabatay sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo ah hadaf Qaran oo muddo la sugayey.

     

Khawaarijta oo lagu jabiyay dagaal ka dhacay deegaannada Hirshabeelle

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha difaaca deegaanka ee Hiiraan ayaa ku jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta ah, weeraro ay kusoo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobal.

Geesiyaasha degaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta , iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan.

Geesiyaasha Qaranka waxay Khawaarijta ku jabiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku ballaariyaan, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe .

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan ee cagta mariyey damaca Khawaarijta, isla markaana muujiyay geesinimo iyo adkaysi.

Dawladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta.