Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa maanta xarunta saddexaad ee baasaboor bixinta ka furtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka xarunta Saddexaad ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Md Abdullahi Fartaag, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Agaasimayaal iyo saraakiil ka socday HSJ iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Deyniile & Hawl-Wadaag iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xaruntan cusub ay qeyb ka tahay dadaalka ay hay’addu ugu jirto ballaarinta adeegyada baasaboorka si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan adeeg u dhow oo deg deg ah isla markaana culeyska looga yareeyo xarumaha kale ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa dhanka kale sheegay in xaruntan cusub ee Dayniile ay astaan u tahay adeeg daadajinta iyo dowladnimo horumarsan, waxana uu sidoo kale bogaadiyay madaxda & Saraakiisha HSJ sida ay uga go’an tahay baahinta adeegyada muhiimka ah ee socdaalka iyo jinsiyadda.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashiga iyo in loo duubto horumarinta xarumaha Dowladda, si sare loogu qaado awoodda Hay’adaha ee bixinta adeegyada muhiimka u ah bulshada .

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay sidii ay Wasaaraddu u dhaqangalisay ballamihii hore loola galay ee ku aaddan sare u qaadista tayada adeegga loo hayo Xujeyda Soomaaliyeed isla markaana in laga shaqeeyo in la khafiifiyo culeyska dhaqaale ee khidmadaha laga qaado muwaadiniinta.

“Dhismahan waa tusaale muujinaya kartida iyo isku-tashiga shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda. Waxa uu ka dhashay beekhaaminta dakhliga yar ee la qabto iyo ka go’naasho in wax la saxo oo la hormariyo hufnaanta adeegga loo hayo muwaadiniinta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhanka kale farriin digniin ah u diray argagixisada, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la dagaallanka fikirka argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta goobaha Diinta.

“Qofkii ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisada waan soo dhaweynaynaa, waxa uuna la xaq iyo xuquuq noqon [doonaa] shacabka Soomaaliyeed. Qorshaha arxan darrada ah ee argagixisada waxa uu ku soo ururay xaggee dad badan joogaan aan qarxinnee. Ma waxaas baa diin iyo caqli ah,” ayuu tilmaamay Madaxwaynuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu danbayn kormeeray qaybo ka mid ah dhismaha cusub ee Wasaaradda, isagoo u mahad celiyay hawlwadeennada kala duwan ee ka qaybqaatay hirgelinta dhismahan cusub.

      

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 q𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐨𝐨 k𝐮𝐥𝐚𝐧 l𝐚 y𝐞𝐞𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 w𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 g𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 midowga Afrika

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula qaadatay wafdi sare oo ka socday AUSSOM oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo AUSSOM, gaar ahaan arrimaha la xiriira Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Mudane Kareem Adebayo ayaa si weyn u bogaadiyey horumarka laga gaaray dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka (NIHRC), isagoo xusay in AUSSOM ay diyaar u tahay in ay si buuxda u garab istaagto Wasaaradda Qoyska si loo xaqiijiyo horumar waara oo ku saleysan ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Wasiir Khadija Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Mudane Kareem Adebayo iyo Midowga Afrika taageeradooda joogtada ah ayadoo carabka ku adkaysay muhiimadda iskaashi wax ku ool ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan fogaan arag ah la qaatay madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyee ee SoDMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Madax sare oo hay’adda SoDMA ayaa maanta kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) kula yeeshay madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya World Bank Kristina_Svensso.

Kulanka ayaa salka ku haya xoojinta iskaashiga soo jireenka ah iyo dib u milicsiga saameynta baaxadda leh ee mashruuca soo kabashada xasaradaha Soomaaliya (SCRP).
Waxaa kulanka lagu xusay guulaha muhiimka ah sida aasaaska iyo hawlgelinta Xarunta Hawlaha gurmadka deg-degga ah ee Qaranka (NEOC) iyo nidaamka digniinta hore ee la tijaabiyay , kuwaas oo labaduba si weyn kor ugu qaaday u diyaargarowga musiibada Soomaaliya.

Hay’adda SoDMA waxay dib u xaqiijisay doorkeeda ah in Soomaaliya ay hogaamiso hay’adda dhimista khatarta musiibada waxayna carrabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay in la miisaamo dadaallada soo kabashada gaar ahaan dayactirka kaabayaasha meelaha ay saameysay Fatahaadii El Niño.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada aan kala go’a lahayn, Iskaashiga iyo wadashaqeeynta fog ay Hay’addu Bangiga Adduunka la leedahay hay’adda SoDMA, Guddoomiyaha ayaa xusay la rajeynayo in la sii wado iskaashiga lagu dhisayo Soomaaliya oo adkeysi badan.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 k𝐮𝐥𝐚𝐧 l𝐚 q𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 d𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 d𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa kulan muhiim ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Dr. Kemal Memişoğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta kaabeyaasha caafimaadka iyo dhisidda awoodda shaqaalaha caafimaadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda in ay sii dardargeliso iskaashiga caafimaad si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo shacabka Soomaaliyeed anfaca.

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐮𝐫𝐮𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐜𝐮𝐝𝐮r𝐫𝐚𝐝𝐚 h𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚l𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 m𝐮𝐪𝐝𝐢𝐚𝐡𝐨 𝐤𝐚 furmay

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr Maryama Mohamed Hussein, ayaa Daahfurka kulanka Ururka Dhakhaatiirta Cudurrada Haweenka iyo Dhalmada Soomaaliyeed ”SOGA”.

kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka tirsan Xildhibaannada labada aqal, wakiillada xarumaha caafimaadka guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururka dhaqaatiirta Soomaliyeed, uruka Umulisooyinka Soomaliyeed, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Bahda Jaamacadda Banaadir iyo marti sharaf kale.

Wasiru-dowlaha ahna Ku Simaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs Maryama Maxamed Xuseen ayaa ku amaantay xubnaha uruka wax qabadkooda kuna boorrisay in ay dedaalkooda halkaa kasii wadaan.

Dr. Maryama ayaa ugu dambayn ballan qaadday in ay diyaar u tahay gacan siinta iyo is-garab taagga urukan u taagan wax ka qabashada qataraha buktada haweena iyo carruurta Soomaliyeed waxayna sheegtay in wasaaraddu ay garab istaag diyaar ula tahay mar walba.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday difaaca deegaanka Geel-gub

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maalmahanba ku sugnaa deegaannada ay difaaca ugu jiraan ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee jooga difaacyada kala duwan ayaa waxa uu maanta kormeeray deegaanka Geel-gub.

Sarakiisha halkaas ku sugan ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buuxo.

Madaxweynaha ayaa sameynayo isku-xir guud oo dagaalka xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo Khawaarijta.

“Culeyska argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo la’aan.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Khawaarijta, ayaa dagaallamayaashii ugu badnaa waxaa looga dilay Hirshabeelle welina waxaa ku socdo beegsi xooggan.

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶r𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝘁𝗮

Genava-Switzerland-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qaybgalay Shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Shirka waxaa Wasiirka Caafimaadka ku wehlinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Guled Abdijalil iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Shirka oo ay ka qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Carabta iyo wufuudda diblomaasiyadeed ayaa lagu ansixiyey go’aammo muhiim ah oo ku saabsan, taageerada Caafimaad ee dalalka ay ka jiraan xaalado bini’aadantinimo iyo Caafimaad, xoojinta iskaashiga gobolka, taageeridda Golaha Carabta ee takhasusaadka Caafimaadka, dhiirrigelinta dalalka ku tallaabsaday warshadaynta dawooyinka iyo booqashooyinka Caafimaadka iyo la dagaallanka faafista cudurrada dilaaga ah.

Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay wada-shaqaynta gobolka iyo horumarinta nidaamka Caafimaad ee dalka.

Shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka qorshaynta isbeddelka Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa muqdisho ka furay shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka qorshaynta isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) oo socon doona muddo afar maalmood ah.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Wasaaradaha dowladda dhexe, maamul goboleedyada, hay’adaha Qaramada midoobay, deeq-bixiyeyaal, ganacsato iyo ururrada bulshada rayidka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa tiirka isbeddelka maamulka dowladnimo, iyadoo si qoto dheer looga dooday dib-u-eegista dastuurka, garsoorka, xuquuqda Aadanaha, doorashooyinka, isdiiwaangelinta, dib-u-heshiisiinta iyo Xasillinta.

Madashan ayaa ah mid lagu mideynayo mudnaanta Qaran, lagu qiimeynayo horumarka la gaaray, laguna xoojinayo hirgelinta qorshayaal waara oo loo dhan yahay.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay xuska maalinta dhalinyarada Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in mustaqbalka Qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in ay ku hagaan jidka toosan, si dalkaas horumar u gaaro.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo ku aaddan maalintan u diray dowladda iyo Shacabka Turkiga, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhexeeyo xiriirka saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo taageero.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ay leeyihiin walaaltinimo qoto dheer, oo ku saleysan kalsooni iyo is-garab istaag, maalmaheennii ugu adkaa, Türkiye wuu nagu garab istaagay, waxaa uu Soomaaliya la maray dariiq walba, isagoo dhisay isbitaallo, waddooyin, iskuullo iyo rajo. Wuxuu tababaray ciidamada. Wuxuu xoojiyey hay’adaha, Wuxuu garab istaagay shacabka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhihay ciyaaro kala duwan oo lagu maamuusayey qiimaha maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19 Maajo iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15 Maajo.