“Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo Weerarkan ay si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamadu si toos ah ugu beegsadeen xarun ay Khawaarijtu isku uruursanayeen. Intii uu socday howlgalkaasi, waxaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagaga saaray godod ay horay gabaad uga dhigan jireen.

Sidoo kale, maydadka xubnihii laga dilay kooxda ayaa halkaas yaallay, iyadoo cadowgu uu jab weyn kala kulmay dagaalka. Ciidamada deegaanka gobolka Hiiraan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray howlgalkaasi, waxaana Khawaarijta laga saaray saldhigyo muhiim ah oo ay ku lahaayeen xadka u dhexeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa mar kale shalay weerar culus ku qaaday dhulka howldka ah ee ay khawaarijtu kaga dhuumaalaysanayaan xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay Baraha Bulshada lagu arkayay Godad ay qoteen Khawaarijta laga saaray markii looga itaal roonaaday dagaalkii halkaasi ka dhacay.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa markoodi hore ka baxay deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waxaana cadowga Khawaarijta ah loogu galay goob ay isku uruursanayeen, halkaasi oo ay dagaal culus la galeen kooxda Khawaarijta ah, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan.

Maalmihii la soo dhaafay howlgallo is dabajoog ah oo ciidamada deegaanka iyo kuwa Qaranka ay ku baacsanayeen cadowga Khawaarijta ah ayaa lagu dilay dhagarqabayaal badan, iyadoo Argagixisada laga xoreeyay deegaanno muhiim ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maalmahan booqonaya xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan difaacyada kala duwan, waxa uuna kormeeray deegaanka Geel-gub. Saraakiisha ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buuxo, iyadoo la sheegay in uu Madaxweynuhu sameynayo isku-xir guud oo dagaalka, xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo Khawaarijta.

“Culeyska Argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo la’aan.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle. Khawaarijta, ayaa dagaallamayaashii ugu badnaa waxaa looga dilay Hirshabeelle, welina waxaa ku socdo beegsi xooggan, iyadoo ay bilqan yihiin Meydadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Wararka laga helaayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Xalay  dhulka lala simey xarumo keydka hubka u ahaa Kooxda Khawaarijta ah ee AlShabaab, iyadoo la sheegay in Dhowr magaalo oo ay Maleeshiyaadka ku kedsanayeen hub ayaana la burburiyay. Duleedka Degmada Jilib xarunta keydka ee ugu weynayd ayaa lala helay gantaalo dhowr ah, waana ay gubatay. Sidoo kale xaruntoodii degmada Sablaale duleedkeeda ku taaley ayaa iyaduna la gubay, halka Kunya-barow ay iyaduna xalay lala helay dhowr gantaal xarunta kooxdaasi u aheyd keydka.

Duulaankaasi oo ahaa dhinaca Cirka ayaa waxaa howlgalkaasi iska kaashaday Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa sidoo kale waxaa la bartilmaamedsadey Xarun tababar u aheyd kooxdaasi oo ay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo Maleeshiyaad, kuwaasi oo  isugu jira Ajaaniib, Madax Afrikaan ah & Macalimiin, iyadoo halkaasi ay naftooda ku waayeen 29 Sarkaal oo u badan Ajaanib, sida xogta lagu helayo. Inkastoo aan wali la helin tafaasiil intaasi dhaafsan, balse Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay faahfaahin ka bixiso wixii halkaasi ka dhacay. AUN Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur ayaa laga hayaa hees dhiiragin u ah Mujaahidiinta haatan ku howlan ciribtirka Khawaarijta ayaa waxaa Miraheeda waxaa ka mid ahaa “ Jabaabiibta Soomaaliyeedeey Jihaad gala, Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo Jihaad u gala”.

Warar kale oo laga helayo Howlgal Qorsheysan oo Ka Dhacay Duleedka Sabiid iyo Caanoole ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranka ay saacadihii la soo dhaafay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen.

Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ee NISA ayaa howlgal gaar ah oo qorshaysnaa ka fuliyay deegaanka Sabiib ee Shabeelada Hoose, iyadoo Duqaymo xoogan lagu garaacay meelo ay ka dhuumanayeen, iyada oo loogu galay godod ay ku dhuumanayeen. Howlgalka ayaa si gaar ah lagu beegsaday saldhigyo ay Argagixisadu ku lahaayeen dhulka beeraha ah, kuwaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada ay ku dhibaateynayeen shacabka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in kooxda laga burburiyay guud ahaan goobihii ay gabbaad ka dhiganayeen, ayna ka soo abaabuli jireen dhagarta dadka Soomaaliyeed,  waxayna sidoo kale sheegeen in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

Warar kale oo laga helayo Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Danab ay deegaanka Barjalla ee gobolka Jubbada Hoose oo u dhow degmada Afmadow ku qabtay maxaabiis Khawaarij ah oo ay ku dumiyeen godadkii ay ku dhuumanayeen.

By. C/lahi Ruush

NISA oo dishay horjooge sare oo ka tirsanaa khawaarijta

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan ay xalay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee gobolka Shabellaha hoose.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge sare oo Khawaarijta u qaabbilsanaa qorsheynta weerarradii Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2023.

Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa horjoogahan ayaa howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa.

Dhinaca kale, lix howlgal oo duqeyn ah oo shalay galab illaa xalay ay ciidanka NISA ka fuliyeen deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 46 Khawaarij ah oo isugu jiray horjoogeyaal iyo malleeshiyaad, kuwaas oo lagu beegsaday goob ay gabbaad ka dhiganayeen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa kor u qaadday howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo Khawaarijta, xlili Taliyaha guud ee Hay’adda uu ku sugan yahay deegaannada ay hawlgalladu ka socdaan.

 

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka socda deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan

Buulo-burte- Ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Aboorreey oo hoos taga degmada Buuloburde, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in labo jiho ay ka weerareen khawaarijta oo isku uruursanaysay aagga Aboorreey, isla markaana uu halkaas weli ka socda howlgalka baacsiga cadowga khawaarijta ah.

Faahfaahinta howlgalka Aboorreey oo dhameystran goordhow kala soco Warbaahinta Qaranka.

Soomaaliya oo ka qaybgashay s𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 s𝐚𝐧𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 h𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐨𝐨 xalay 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 𝐀𝐥𝐠𝐞𝐫𝐢𝐚

𝐀𝐥𝐠𝐢𝐞𝐫𝐬- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan gaaray dalka Algeria ayaa ka qeyb galay caawa furitaanka Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo Sanadkan lagu qabanayo magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

Shirkaan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Ra’isul Wasaaraha dalka Algeria Mudane Nadir Larbaoui, iyada oo shirka ay ka soo qeyb galeen dhammaan Wasiirada iyo Safiirada malatalayay dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah Bangiga horumarinta Islaamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan shirarka loo dhanyahay ee Bangiga horumarinta Islaamka iyo kulamada gaarka ah ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaalaha dalka oo dowladda Soomaaliya ay galisay dadaal dheer sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo dhinacyo badan ah ah.

Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waxa uu ka mid yahay saaxiibada sida gaarka ah u taageera Dowladda Soomaaliya, sidoo kale gabagabada shirarka Bangiga ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natiijo muhiim ah ah dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo maalgalinta mashaariicda horumarineed ee dalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Rwanda oo aqoonsiga ka guddoontay danjiraha Soomaaliya

Kigali: Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Rwanda, Kabarebe James, ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Ilyaas Cali Xasan oo sidoo kale ah safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika.

“Waxaa sharaf ii ah in maanta nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiirenimo aan dalkayga ugu uu iga gudoomay Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada Rwanda, Kabarebe James,” ayuu yiri Danjire Ilyaas.

Wuxuu sii raaciyay: “Waan uga mahadcelinayaa soo dhawaynta diirran waxaana rajeynaa in aan sii xoojiyo xiriirka labada ee Soomaaliya iyo Rwanda”.

 

Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday shir wadatashi Qaran oo muhiim u ah ganacsiga dalka kaasoo dhexeeyay Wasiirka Ganacsiga XFS iyo Wasiiradda ganacsiga Dowlad-goboleedyada, Shirkan oo muddo laba maalmood ah kasocday Muqdisho diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga.

Waxaana shirka kasoo qeyb galay Wasiirrada Ganacsiga ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland.

Intii uu socday shirku, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dhisi lahaa hannaan sharci oo mideysan, kaas oo meesha ka saaraya jahawareerka ka dhashay kala-duwanaanta sharciyada dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Waxaa sidoo kale laga hadlay dhibaatooyinka ay ganacsatada la kulmaan, sida shuruucda kala duwan ee is-daba-yaaca ah, shatiyada fara badan ee laga qaado, iyo lacagaha aan nidaamka lahayn ee mararka qaar ku khasba ganacsatada inay bixiyaan si ay u helaan rukhsado ganacsi.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la gaaro hal sharci qaran oo dhammaan dalka laga hirgeliyo, taasoo wax ka qaban doonta is-buurashada hay’adaha kala duwan ee bixiya shatiyada.

Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay ayaa ah in la hirgeliyo nidaam casri ah oo dijitaal ah (automatic system) oo si toos ah looga heli karo diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga dhammaan gobollada dalka.

Nidaamkan wuxuu meesha ka saaraya baahida uu ganacsaduhu u qabo inuu safar dheer ku yimaado Muqdisho si uu u helo laysanka ganacsiga.

Tani waxay si weyn u fududeyn doontaa howlaha ganacsatada, waxayna yarayn doontaa kharashaadka iyo waqti lumiska.

Waxaa kaloo shirka lagu muujiyay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan wadashaqeynta farsamo iyo siyaasadeed, si loo dhiso nidaam ganacsi oo hufan, kalsooni ku dhisan, loogana hortago wax isdaba-marinta, musuqmaasuqa iyo caqabadaha kale ee hor taagan horumarka dhaqaalaha dalka.

Shirka wuxuu horseeday faham iyo go’aan mideysan oo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa ansixinta hindisaha xeerka cusub ee diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta ganacsiga, iyadoo qorshuhu yahay in xeerkaasi la horgeeyo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Federaalka si uu u noqdo sharci rasmi ah oo dalka ka dhaqan gala.

Mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee laga gaaray shirkan ayaa ah heshiis rasmi ah oo dhex maray Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka iyo wasiirrada ganacsiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo si buuxda uga heshiiyay in laga fogaado khilaafka siyaasadeed iyo is-maandhaafka maamul ee muddooyinkii dambe caqabad ku ahaa horumarinta ganacsiga dalka. Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa caddeeyay in wadajirka iyo wadashaqeynta ay tahay furaha lagu gaari karo kobac dhaqaale iyo horumar waara. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yiri:

“Wasiirrada Ganacsiga dowlad-goboleedyada waxaan ku heshiinay in laga fogaado khilaafka oo laga wada shaqeeyo wixii dalka waxtar u leh, maadaama loo adeegayo dadka Soomaaliyeed.”

Dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxay muujiyeen in loo baahan yahay in ganacsatada Soomaaliyeed laga dulqaado culeysyada ay wajahayaan, lana siiyo jawi ganacsi oo hufan, xasilloon, una sahlaya inay horumariyaan ganacsigooda iyagoo aan la kulmin wax carqalado sharci ah ama maamul oo aysan u baahnayn.

    

Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

Jowhar: Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamadu si toos ah ugu beegsadeen xarun ay Khawaarijtu isku uruursanayeen. Intii uu socday howlgalkaasi, waxaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagaga saaray godod ay horay gabaad uga dhigan jireen.

Sidoo kale, maydadka xubnihii laga dilay kooxda ayaa halkaas yaallay, iyadoo cadowgu uu jab weyn kala kulmay dagaalka. Ciidamada deegaanka gobolka Hiiraan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray howlgalkaasi, waxaana Khawaarijta laga saaray saldhigyo muhiim ah oo ay ku lahaayeen xadka u dhexeeya Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF

Magaalada Muqdisho ayaa isku diyaarineysa soo dhoweynta wafuud caalami ah oo ka kala socda Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).

Wafdigan ayaa indha-indheyn ku sameyn doona horumarka ciyaaraha ee dalka, si mustaqbalka Soomaaliya ay ugu qalanto martigelinta ciyaaraha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa lagu ciyaaro garoonka kubadda cagta ee Muqdisho, oo loo yaqaanno Tuulada Ciyaaraha – Stadio Muqdisho.

Wafdiga soo booqanaya Soomaaliya waxaa ka mid ah halyeeyada kubadda cagta Afrika: Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha.

Wafdigan ayaa la filayaa in ay Soomaaliya soo gaaraan 27-ka bishan, waxaana lagu soo wareejin doonaa goobaha taariikhiga ah ee dalka, oo ay ka mid yihiin garoomada kubadda cagta iyo xarumaha kale ee isboortiga.

Maareeyaha hay’adda aqoonsiga Qaranka oo Addis Ababa uga qaybgalay shirka ID4Africa

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay Shirka ID4Africa 2025, isaga oo halkaas ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay hirgelinta nidaamka aqoonsiga qaran.

Maareeyaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa xusay in guulo la taaban karo laga gaaray baahinta xarumaha diiwaangelinta iyo hirgelinta nidaamyada Hubiye, eAqoonsi, iyo CDS, kuwaas oo si weyn uga qeyb qaatay daadajinta adeegga aqoonsiga qaranka ee shacabka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, waxaana Soomaaliya ku metelay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

     

Qabanqaabada shirka wadatashiga ee madaxweynuhu ku baaqay oo Muqdisho ka socota

Guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dawladda Federaalka ah ayaa bilaabay kulamo loogu diyaar garoobayo qabsoomidda gogosha Qaran ee uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga ayaa kulankii ugu horeeyay la yeesheen wakiilo ka socda Ururada Bulshada Rayadka ah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay dhinacyadu yeesheen aragti wadag balaaran kaas oo ku qotoma sidii looga miro dhalin lahaa Gogosha Qaran.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan iclaamiyay in la qabandoono gogol qaran taas oo looga tashanayo sidii loogu midoobi lahaa arrimaha masiiriga ah sida Dagaalka Khawaarijta iyo arrimaha siyaasadda