Soomaaliya iyo Turkiga oo is-dhaafsanaya qibradaha dhanka Warfaafinta

Ankara- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimayaasha Warbaahinta ee Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Lataliyayaal sare dhinaca xiriirka Warbaahinta ah.

Wafdiga ayaa booqday Xarumaha Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga (TRT), Wakaaladda Wararka ee Anadol Agency iyo Havelsan oo ka mid ah xarumaha soo saara, isla markaana horumariya qalabka Militariga, Difaaca iyo Tiknoolajiyadda.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo xubnaha kale ee wafdiga ayaa booqday Istuudiyayaasha iyo xarumaha kaydka Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga, iyadoo loo soo bandhigay qaabka ay u shaqeeyaan hay’adahan, kuwaas oo ka mid ah warbaahinnada ugu waaweyn caalamka.

Xarunta Havelsan ee Difaaca oo ay wafdigu booqdeen waxaa loogu soo bandhigay horumarka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda iyo kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta difaaca dhulka, cirka iyo badda iyo sida Turkigu horumarka xowliga ah u sameynayo, maadaama uu yahay dalka ka mid ah saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya u taageera sida ugu dhow.

Xarunta Wakaaladda Wararka ee Anadol ayay sidoo kale wafdiga tageen, halkaas oo ay ugu bilaabatay aqoon isweydaarsi iyo khibrad wadaag soconaya laba maalmood oo diiradda saaraya sida loo diyaariyo, loona Maareeyo xiriiirka Warbaahinta ee xiliyada Doorashooyinka, Maareynta Xasaradaha iyo ka hortagga been abuurka iyo marin habaabinta.

Booqashada shaqo ee wafdigan heerka sare ah oo daarran khibrad wadaag xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee labada dowladood ah, waxaa marti galiyay Agaasinka xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Turkiga, waxayna masuuliyiintaan booqan doonaan xarumo kale oo ay ku jirto xarunta Agaasinka.

NISA oo soo dhaweysay meel marinta heshiiska argagixiso la dagaalanka ee Sucuudiga iyo Soomaaliya

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay xukuumadda Sacuudiga ku meelmarisay heshiiska labada dal ee la dagaalanka Argagixisada iyo maalgelinteeda.

Gashaanle dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo Muqdisho lagu aasay

Masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa maanta ka qeyb galay aaska Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale, Taliyihii Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday Taliye Xujaale gudaha Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo sidoo kale salaad janaaso qaa’ib ah loo tukaday dhammaan shuhadada Ciidanka Xooga iyo Xoogaga Macawisleyda ee ku naf waayay dagaalka lagu ilaalinayo sharafta iyo karaamada Soomaaliyeed.

Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale wuxuu muddo dheer ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo noloshiisa iyo awooddiisa u hibeeyay difaaca Qaranka. Wuxuu ahaa taliye ku tilmaaman geesinimo, daacadnimo, iyo hoggaan toosan oo aan marna ka leexan safka hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyska marxuumka, ehelada dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ee uu ka geeriyooday Gashaanle Dhexe Xujaale.

Geeridiisu waxay dhiirigelin iyo awood dheeraad ah u tahay xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, kooxahaas oo maalmihii la soo dhaafay wajahayay jab iyo guuldarrooyin culus.

Dadaalka socda waa dariiqa kaliya ee Ummadda Soomaaliyeed ku gaari karto sharaf, karaamo iyo nabad waarta.

Munaasabadda salaadda janaasada waxaa ka soo qeyb galay wasiirka gaashaandhigga mudane Axmed Macalin Fiqi, mudane Cali Shacbaan Ibraahim Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, mudane Cabdullahi Timacadde Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare, mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil ‘Fartaag’ Wasiirka Amniga Gudaha, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Dhulka Sahal Cabdullahi Cumar, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senataro, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, iyo ehelada marxuumka.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

     

Wasiirka waxbarashada oo London uga qaybgalay madasha caalamiga ee waxbarashada

London: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Madasha Caalamiga ee Waxbarashada (Education World Forum 2025), oo ka dhacay magaalada London, ee Boqortooyada Ingiriiska intii u dhexeysay 18ka—21ka 2025.

Madashan oo ah tan ugu ballaaran adduunka ee looga hadlo horumarinta iyo iskaashiga waxbarashada, ayaa waxa sannadkan isugu yimid in ka badan 150 wasiiro waxbarasho, khubarada waxbarashada, hay’adaha ku hawlan horumarinta waxbarashada iyo daneeyayaasha waxbarashada qeybaheeda kala duwan.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa waxaa uu khudbad muhiim ah ka jeediyay kulan weynaha madasha, isaga oo ka hadlay kaalinta ay waxbarashada ku leedahay korriimada iyo kobaca ummadeed, kan bulsho iyo midka shaqsiyadeed. Iyada oo ay dawladda Soomaaliyeed ahmiyaddaa ka duulaysana ay qaadday qorshe iyo hindise ballaaran oo lagu baahinayo waxbarashada aasaasiga ah.

Wasiirka waxaa uu u xusay in 6,000 oo macalim la qaatay muddo laba sano ah gudaheed; 6,000 oo kalana la qaadanayo sannadka 2026. Wasiirka waxaa kale oo uu ka hadlay dibuhabaynta xeerarka iyo siyaasadda ee ay wasaaraddu samaysay; iyo dhanka kale dibudhiska ballaaran ee dugsiyada iyo goobaha Maamulka waxbarashada ee ay wasaaraddu waddo si loo horumariyo adeegga waxbarashada.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wafdigiisa waxaa kale oo u suurtagashay in ay kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshaan mas’uuliyiin badan oo ka soo qeybgalay madasha sanadkan.

    

Wasiirka hawlaha guud oo ka qaybgalay shir ku saabsan fulinta qorshaha isbedelka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka qayb galay shir lagu dar-dargalinayo fulinta qorshaha isbedelka Qaranka (NTP 2025-2029).

Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ayaa qayb ka ah laba tiir oo waawayn, muhiimna u ah dalka.

a) Tiirka dhaqaalaha.

b) Tiirka Arimaha Bulshada.

Waxa ay masuuliyiintii ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ay ku soobandhigeen madasha shirka qorsha kaga aaddan dhismaha Waddooyinka, Horumarinta Magaalooyinka iyo Guryo qiimo jaban oo loo dhisayo shaqaalaha dowladda.

Dhammaan hawlahan ayaa la rajaynayaa in la fuliyo shanta sano ee uu socdo Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP 2025-2029).

  

Wasiirka difaaca oo sheegay in khawaarijta laga dilay 120 xubnood

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo ku dhawaaqay in howlgalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta uu galay marxalad cusub oo xooggan, ayna sii xoogeystay dadaallada xoreynta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha Macawiisleyda ay guulo waaweyn ka gaareen dagaallo isdaba joog ah oo ka dhacay Geel-Gub, Sabiib, Canoole, Barjaale iyo nawaaxiga Aadan Yabaal. Howlgalladaas waxaa lagu dilay horjooge sare oo Khawaarij ah iyo ilaaladiisii, iyadoo ciidamada Qaranku hadda in ka yar 3km u jiraan degmada Aadan Yabaal, lagana filayo in saacado gudahood si buuxda looga xoreeyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in muddo 72 saacadood gudahood ah, in ka badan 120 maleeshiyo Khawaarij ah lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose. Tani waxay muujinaysaa heerka firfircoonaanta ciidanka iyo dadaalka joogtada ah ee lagu xoreynayo dalka.

Wasiir Fiqi wuxuu caddeeyay: “Xoraynta deegaannada Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan ma istaageyso. Waa dagaal qaran. Waxa naga go’an in Khawaarijta laga suuliyo dalka oo dhan – deegaan deegaan, tuulo tuulo, illaa laga ciribtiro gebi ahaanba.”

Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadal kasta oo dhaawacaya halganka Qaran, ayna noqdaan kuwo garab istaaga Ciidanka iyo shacabka – halkii ay noqon lahaayeen codka cadowga.

Gudoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay madaxa Islamic Relief ee Soomaaliya

Gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kula kulmay xafiiskiisa madaxa Islamic Relief Somalia mudane Aliow iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqayta labada hay’adood iyo sidii loo daadejin lahaa howlaha samafalka ee Islamic Relief.

Ugu dambayn waxaa laysla gartay in ay Islamic Relief si dhaw ula shaqayso hay’adda SoDMA, si looga jawaabo dhibaatooyinka ay is beddelka cimilladu sababeen.

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ee labada dowladood

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Boqortooyada Sweden ee Soomaaliya, Mudane Joachim Waern.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashi wadaagga.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray waxyaabaha mudnaanta wadaagga ah leh oo ay ku jirto iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo iskuduwidda dhinacyada badan, iyadoo labada dhinac ay caddeeyeen mar kale ka go’naanshaha wada hadal mug weyn iyo sii ambaqaadidda dedaallada lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo gaaray heshiis iskaashi amni

Shirka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shalay lagu ansixiyay heshiis iskaashi amni oo ka dhaxeeya labada Sirdoon ee dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo uu shir guddoomiyay Boqorka dalkaas Boqor Salman Bin Abdulaziz, laguna qabtay magaalada Jeddah.

Heshiiskan uu Golaha Wasiirrada Sacuudiga ansixiyay ayaa muhiim u ah in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA iyo dhiggeeda Sacuudiga ay iska kaa shadaan la dagaalanka argagixisada iyo maalgalintooda.

Dhanka kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan kulankoodii toddaabadlaha ku ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca Milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Heshiisyadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixineyso iskaashiga saaxiibadeeda gobolka si kooxaha Khawaarijta ah ee halista ku ah gobolka looga ciribtiro guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee XFS oo furay shirka saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka dastuurka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid ayaa si rasmi ah u furay shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka.

Madasha waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka, Xasan Macallin, Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, iyo marti sharaf kale.

Shirweynaha Saameynta Dhaqaale ee Qaab-dhismeedka Dastuurka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa diiradda lagu saarayaa sida qaab-dhismeedka Dastuurka Federaalka uu u saameyn karo koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.