Odoyaasha dhaqanka Hiiraan oo gurmad u fidiyay ciidanka Hirshabeelle

Odoyaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Baladweyn ayaa maanta deeq mucaawino ah oo loogu talagalay ciidamada gaarsiiya maamulka Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Deeqdaan oo isugu jirtay sdex beef oo geel ah iyo gaari raashin ah,waxaa guddoomay Guddoomiyaha Degmada Moqokori Maxamed Cabdi Mocoow,saraakiil iyo odayaal kale.

Gurmadkaan ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu dhiirigaliyo ciidanka ku sugan furimaha hore ee doonaya in ay soo gabagabeeyaan kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada Hirshabeelle.

Safiirka Soomaaliya ee Rwanda oo shir la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Rwanda Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa kulan isugu jiray soo dhaweyn iyo xogwareysi la qaatay qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Rwanda kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Arday.

Safiir Ilyaas ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Rwanda u sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay heli doonaan dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin, kuwaas oo ay bixin doonaan maamulka  Safaaradda Soomaalida ee halkaasi.

Safiirka ayaa yiri “Rwanda waxa ay  kamid tahay Wadamada ay tagi karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heysta Baasaboorka Soomaaliga,wuxuuna intaa ku daray in dadka safarka ah aan looga baahneyn wax Visa ah ama dal-kugal .

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Rwanda Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa caddeeyay in ay xoojin doonaan sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen qiimo dhimis lamid ah midka ay helaan ardeyda kale ee ka yimaada wadamada katirsan Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)”.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la qatay dhiggiisa Dalka Algeria

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda Dalka Algeria Mr. Abdelkrim Bouzred oo ah shir-guddooonka kulanka shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo dardargalinta iskaashi  ee dhanka dhaqalaalaha, maadaama Dowladda Algeria ay ka mid aheyd xubnihii ka qeyb qaatay hannaankii deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiiirka Maaliyadda XFS ayaa dhigiisa Algeria warbixin buuxda ka siiyay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha horumarineed ee la doonayo in lagu maalgaliyo mashaariicda waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo la kulmay madax ka socotay xarunta dhexe ee IGAD

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamal Maxamed Xasan madaxa xarunta dhexe IGAD ee laqabsiga cimilada iyo ilaalinta Deegaanka.

Kulanka qaabilaaddaasi ayaa si qoota dheer looga hadlay wadashaqeyn dhexmarta labada xafiis ee dhanka maaraynta masiibooyinka iyo dhisidda awoodaha u adkeysiga ee xagga maasiibooyinka bulshada.

Waxaa kaloo qodobadii looga hadlay ka mid ahaa in si dhab ah loo dardargaliyo fulinta tala soojeedintii ka soo baxday qiimayntii lagu sameeyay saamayntii ka dhalatay fatahaadihii 𝗘𝗹 𝗡𝗶ñ𝗼 ee 2023.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la dardargaliyo howlaha dhaqaale raadinta ee khuseeya fatahaadaha iyo abaaraha ka dhaca dalka’ maadaama Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee qiimayn dhameystiran ku sameeyay fataahadii Elnino dalal kamid ah Urur goboleedka IGAD.

Wasiir Fiqi “Mardhow gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa dhammaantiis laga xoreyn doonaa Khawaarijta”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Maclin Fiqi oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa shaaca la qaaday in dhammaan ciidamada qaranka oo ay ku jiraan kuwa deegaanka ee loo yaqaanno macawisleeyda ay u diyaargaroobaan dagaal lagu soo afjarayo kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda Soomaaliya.

“Suurtagal maaha in dad ka yimi meelo fog-fog iyo kuwo ajaanib ah ay kugu addoonsadaan deegaankaaga”ayuuyiri Wasiir Fiqi oo intaa raaciyay in ay waajib tahay la dagaalanka kooxdaan oo diidan horumarka dadka iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa xusay in kooxda nabad-diidka ay marayaan xaalad gabagabo ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago kooxdaasi,isagoo si gaar ah uga codsaday dhallinyarada in ay xoogooda ku muquuniyaan Al-Shabaab maadaama ay diidan yihiin in dhallinyaradu in ay helaan nabad,shaqo iyo amni.

Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka

madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hor istaagay awoodda Maamulka  jaamacadda Harvard ee ay ku diiwaangelinayaan ardayda caalamiga ah ee doonaya jaamacaddaasi, sida ay sheegtay waaxda amniga gudaha dalkaasi.

Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulsada ku sheegtay in maamulka Trump uu joojiyay diiwaangalinta iyo qaadashada ardayda ajanabiga ah ee daneynaya in ay bartaan casharada ay bixiyaan jaamacadda Harvard.

“ma ahan xaq in jaamacaduhu ay diiwaan geliyaan ardayda ajnabiga ah oo ay ka faa’iideystaan ​​deegaha mucaawinada waxbarashada ee ay ku baxayaan balaayiinta dollar ayaa lagu yiri qoralkaasi.

Qorshahaan ayaa u muuqda mid saameyn doona jaamacado badan ,kuwaas oo aan awood u yeelan doonin in ay aqbalaan ardayda ajnabiga ah,waxaana xilligaan  ardayda jaamacadda Harvard ay u baahnaan doonaan in ay u beddeshaan jaamacado kale si ay u sii wataan xaaladdooda waxbarasho.

Tallaabadaan ayaa lala xiriiray waxa lagu sheegay kororka rabshadaha, nacaybka iyo isku xirka ardayda Shiinaha ee jaamacaddasi.

Agaasimaha Hey’adda NISA oo boogaadiyay howlgallada ciidan ee ka socda Hir-Shabeelle

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda waxaa looga hadlay dardargelinta howlgallada ciidanka ee ka dhanka ah Khawaarijta iyo sida ugu habboon ee loo xoojin karo wadashaqeynta hey’adaha ammaanka iyo ciidanka kale ee ku howlan ciribtirka kooxdaasi.

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa furimaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa boogaadiyay guulaha ciidanka qaranka ay todobaadkaan ka soo hooyeen la dagaalanka kooxaha nabad-diidka,wuxuuna kula dardaarmay in la dardargaliyo howlgalada ciidan ee ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaanada kale.

Kulanka waxaa dhinaca kale ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Horshabeelle Cabdi Daahir Guure,Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobolka Hiiraan Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaa,kusimaha Ciidanka qeybta 27-aad C/Laahi Barre  Cilmi,Taliyaha qeybta Boliiska Hiiraan Isaaq cali C/Le iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiitaan Muuse Salaad Weheliye.

Sidoo kale Kulankaasi waxaa soo xaadiray qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.

Wasiirka Caafimaadka JFS oo ka qeybgalay Shirweynaha 78-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada JFS Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeybgalay Shirweyne looga hadlaayey daaweynta cudurrada ku dhaca wadnaha, Kilyaha iyo Dheef-shiidka,kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Caafimaadka Adduunka (WHA78).

Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay shirweynaha 78-aad, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ka hortagga cudurrada faafa (NCDs), kuwaas oo ku sii kordhaya gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba.

Wasaaradda caafimaadka & daryeelka bulshada JFS waxaa ka go’an xoojinta nidaamka daryeelka caafimaadka si loo helo daaweyn waqtiyeysan iyo caafimaad waara.

Ciidanka xoogga dalka oo Jubbada hoose ku dilay in ka badan 40 khawaarij ah

Kismaayo- Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta oo saacadihii lasoo dhaafay lagu laayay howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen in ka badan 40 Khawaarij ah, ayna noloshana ay ku qabteen xubno ay ku jiraan horjoogayaal, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay iyo godadkii ay galeen oo lagu burburiyey.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa noo sheegay in howlgalladu ay weli socdaan oo ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta, isla markaana ay ka saareen deegaano muhiim ah oo hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada Danab ee xoogga dalka.

In ka badan 120 Khawaarij ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay howlgallada dalka ka socda, kuwaas oo lagu beegsaday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada hoose, weli waxaa goobihii lagu laayey ka socda baacsiga firxadka Khawaarijta.

Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay

Laba ka mid ah shaqaalaha safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Mareykanka ayaa toogasho lagu dilay weerar ka dhacay bannaanka madxafka Yuhuudda ee ku yaalla Washington .

Toogashadan ayaa dhacday abbaare 9-kii fiidnimo ee xalay,waxaana Pamela A Smith, oo ah madaxa waaxda booliska magaalada ay sheegtay in ay xireen hal tuhunsane oo lagu magacaabo Elias Rodriguez oo 30 jir ah kana soo jeeda Chicago, Illinois.

Ninka lagu edeeyay dilkaasi ayaa la sheegay in uu qori ku weeraray labadaasi ruux,isagoo adeegsaday ereyo lagu taageerayo dadka rer Falastiin sida ha xorowdo Falastiin,

Duqa magaalada Washington, DC Muriel Bowser ayaa u sheegtay wariyeyaasha in maamulkeedu uusan u dulqaadan doonin rabshad ama nacayb ka jira magaaladeeda.