Wasiir ku-xigeenka Beeraha XFS oo ka qeyb gashay shir muhiim ah

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahra Yuusuf Ige, ayaa si rasmi ah uga qeybgashay Shirka 2-aad ee Wadahadalka u dhexeeya Brazil iyo Afrika ee looga hadlayay Sugnaanta Cuntada, La Dagaalanka Gaajada iyo Horumarinta Miyiga.

Shirkaasi oo socday intii u dhaxaysay 20–22 May 2025, ayaa ka dhacay caasimadda dalka Brazil, magaalada Brasilia.

Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay wufuud matalayay dowlado badan oo Afrikaan ah, hay’ado caalami ah, iyo hey’ado horumarineed, iyada oo kulanka lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada teknoolojiyadda, cilmi-baarista, iyo hirgelinta siyaasad wax ku ool ah oo lagula tacaalayo gaajada iyo saboolnimada ka jirta qaaradda Afrika.
  

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyey kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Federaalka ah.

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta ahna Agaasimaha Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Waaaaradda Arrimaha Guddaha ee Soomaaliya mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye wuxuu sharaxay ujeedka loo dhisay guddigan, ahmiyadda iyo kaalintiisa xilliggan uu dalku ku jira dib u xorreyn iyo ladagaalanka Argigixisada, iska warqabka, mideynta ajendeyaaaha iyo, Fariimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbintooda ee dhammaan hey’adaha labada heer ee0 ka shaqeeya howlaha Xasillinta.

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa bogaadiyey howsha guddiga isagoo ka warbixyey howlgallada ay ku jiraan geesiyaasha xoogga dalka, sida ay ugu raadjoogaan Haraadiga Cadowga iyo kaalinta ay tahay in ay guddigan ku lahaadaan gulufka socda iyo bandhigga guulaha.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dheeraaday kaalinta ay warbaahinta u leedahay Abaabulka, ka hortagga dacaayadaha Argagixisada, soo gudbinta iyo garab istaagga guulaha ciidamada xoogga dalka, jiheynta umadda iyo soo bandhigidda waxqabadka dowladda gaar ahaan dedaallada Xasillinta iyo Soo kabashada isaga oo adkeeyey in la labo jibaarro howsha loona diyaargaroobo wejiga ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

      

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚

Waxaa Magaalada Algerias ee caasimadda dalka Algeria lagu soo gabagabeeyay shirka Bangiga Horumarinta Islaamka oo sanad waliba xiligaan oo kale la qabto, waxaana sanadkaan Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria.

Kulanka loo dhayahay ee Bangiga ayuu khudbad kooban ka jeediyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, isagoo qudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo Dowladdu ay galisay dadaal xooggan. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ka soo qeybgalayaasha shirka oo isugu jiray Wasiiro iyo Safiiro matalayay dalalkooda waxa uu u xaqiijiyay deyn cafintii kadib tilaabooyinka guusha ah ee ay Dowladdu qaaday iyo sida ay dalalka kale cashar uga baran karaan hannaanka dib-u-haneynta Maaliyadda dalka oo horseeday in adduunku u aqoonsado guul maaliyadeed oo taariikhi ah.

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 16-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn Xildhibaan Cabdulqaadir Barako oo ka mid ah Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka ayaa mudanayaasha Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo uu guddiga kusoo daray doodii iyo aragtidii xildhibaanada ee akhrintii labaad.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedkan ayaa waxaa ogolaatay 136-Xildhibaan, 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha madaniga ah, waxaana ogolaatay 136-Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday 5-xildhibaanna waa ay ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa ka hadlay arin ay xildhibaano Golaha ka tirsan soo jeediyeen taas oo aheyd in Golaha uu dhaqaale ku taageero Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira Khawaariijta, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in arrintaas uu guddoonka Golaha guddi gaar ah u xilsaari doono.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo howlo shaqo u joogay dalka Aljeeriya ayaa maanta booqday xarunta cusub ee Safaaradda JFS ee dalka Aljeeriya oo dhawaan si rasmi ah xariga looga jari doono.

Waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Xarunta Safaaradda, Safiirka JFS ee Dalka Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego). Tan iyo 1991, xarun rasmi ah oo safaaradeed kama jirin dalka Aljeeriya.

Wasiir Biixi ayaa dalka Aljeeriya u joogay ka qeyb galka kulanka fadhiga loo dhan yahay ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo ka furmay dalka Aljeeriya,wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay dhigiisa Aljeeriya iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhaqaale ee labadda dal.

Danjire Jeego ayaa ka mahadceliyay dhankiisa Booqashada wasiirka waxaana uu sheegay in Safaaradu Tahay halka marka uu arko ruuxa Ajnabiga ah uu ka eegi karo inta uusan imaan Dalkaga ay tahay sidaas darteedna loo Baahan yahay in ay noqoto goob qurxoon oo lagu Shaqeyn karo .

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir heer gobol ah oo looga hadlayay xal u helidda barakacayaasha iyo doorka magaalooyinka IGAD ee arrimaha barakaca.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay IGAD, waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxda magaalooyinka dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo hay’ado caalami ah sida IOM, UN-Habitat, UNHCR, World Bank, iyo Sida.

Magaalada Muqdisho waxa si rasmi ah ugu metelay shirka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Ismaaciil Cali Sheekh Nuur, oo ka jeediyay madasha warbixin ku saabsan xaalada barakacayaasha, caqabadaha ka jira gudaha caasimadda, iyo istiraatiijiyadda ay magaalada leedahay si xal waara loogu helo dadka barakacay.

Shirka waxa lagu soo bandhigay khibrado kala duwan oo ka yimid magaalooyinka IGAD, iyadoo lagu ballamay in la sii joogteeyo shirarka noocan oo kale ah, si ay magaalooyinku ugu wada shaqeeyaan sidii barakacayaasha gobolka loogu heli lahaa xalal waara, si loogaaro isku filnaasho bulsho.

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaniya

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Dar es Salaam ee wadanka Tanzania, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee wadankaasi.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa inta uu ku suganyahay wadanka Tanzania caasimadiisa Dar es Salaam uga qeyb geli doona shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika.

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo Ankara kula kulmay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Turkiga

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar ( Cadaala) iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’isulwasaaraha Mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim, Afhayeenka Xukuumadda ahna Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’isulwasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale, Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Maxamed Aadam Dugoow, Agaasimaha Istiraatiijiyada Warbaahinta Wasaaradda Warfaafinta Cabdishakuur Cali Axmed, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifitaax Daahir Jeyte iyo Lataliyayaal sare oo ka socda Xafiiska Madaxweynaha oo booqasho khibrad wadaag shaqo ku joogo dalka Turkiga ayaa xafiiskiisa ku booqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mudane Prof. Burhanettin Duran oo ay wehliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo Mas’uuliyiin ka socotay Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka ee Madaxtooyada Turkiga.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed, waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, waxaa lagu adkeeyay isku xirka labada shacab iyo ladagaalanka dacaayadaha iyo been abuurka ka dhanka ah xiriirka walaaltinimada ku dhisan ee labada dal.

Mudane Cabdiraxmaan Cadaala Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu mahad celiyay martigalinta dowladda Turkiga ee Wafdiga iyo abuuridda jawi khibrad wadaag heersare ah oo kor u qaadaya xiriirka labada dowladood ee dhinaca Warfaafinta.

“ Waxaan ku faraxsanahay in halkaan naloogu soo dhaweeyay si fiican, aan yeelanay kulamo mirodhal ah iyo aqoon isweydaarsi, waxaan booqanay xarumaha Warbaahinta dalkan Turkiga oo ka mid ah kuwa ugu xooggan caalamka iyo Warshadda tiknoolajiyadda ee soosaarta agabka Difaaca ee Havelsan, waxaan u mahad celinaynaa si guud dowladda Turkiga, si gaar ah Agaasinka Warbaaahinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Hay’adaha kale ee aanu kulanay” ayuu yirri Wasiir Caddaala

Wasiir Ku xigeenka ayaa intaa ku daray in Iskaashiga Warbaahinta labada dal ay xilligani tahay muhiim, Soomaaliyana ay ka faa’iidayso khibradda Turkigu u leeyahay Casriyaynta Warbaahinta, dhismaha aragtida dadweynaha, ka hortaga been abuurka iyo marin habaabinta

Prof. Burhanettin Duran, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Turkiye ayaa uga mahad celiyay wafdiga Wasiir ku xigeenka Warfaafinta imaashaha dalka Turkiga iyo kulamadii khibrad wadaag ahaa ee la yeesheen Hay’adaha Warbaahinta Turkiga.

“ Labada dal waxa ay leeyihiin calaaqaad qoto dheer oo ku dhisan iskaashi walaalnimo, iyo saaxiibtinimo, Arrinta xiriirka Warbaahinta waa jiha cusub oo aan doonayno in aanu iska kaashano maadaama ay jiraan xaalado wadajir ah oo ay wajahaan labada dal, sida qatarta marin habaabinta, been abuurka, casriyaynta Warbaahinta iyo Baraha Bulshada, waxaan doonaynaa in aan ku sii xoojinno xiriirkeena soojireenka ah’ ayuu yirri Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda.

Wasiir Cadaala iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday xarunta Agaasinka Maxaxtooyada Turkiga ee Xiriirka iyo Warbaahinta, wakaalada Wararka Turkiga ee Andulu, Xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Turkiga ee TRT iyo Xarunta shirkadda Havalson ee samaysa qalabka dagaalka.

    

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidamada Qalabka Sida ku ammaaney guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Isbitaalka Demartino, isagoo u kuurgaley xaaladda caafimaad ee geesiyaasha ciidanka degaanka ee Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Mudane Idiris Cismaan Xaaji Cali u magacaabay inuu noqdo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed la yeeshay kulan weyne lagu xoojinayay doorka ay ku leeyihiin difaaca qaranka iyo doorashooyinka

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana uu xusay in mustaqbalka qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in ay ku hagaan jidka toosan.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadli Ali Ahmed, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

9- Ra’iisul Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK Lord Collins of Highbury ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyey Dood-wadaag Caalami ah oo ku saabsaneed Ilaalinta Bulshada.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa daah-furay shir lagu falanqeynayay saameynta dhaqaale ee xulashooyinka qaab-dhismeedka dastuurka Jamhuuriyadda.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa si wadajir u dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo ee marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere iyo Shibis.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jabriil Cabdirashiid ayaa si rasmi ah u furay shir lagu falanqeynaayay saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka.

14- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Algiers kaga qeybgaley shirka sannadlaha ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM u fadhiya Soomaaliya Manuel M. Pereira

16- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaas,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labbada dal ee dhanka amniga.

17- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq kula saxiixday heshiis dhanka amniga ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mudane Cabdul-Amiir Al-Shamari.

18- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay kulan sannadeedka Guddiga Hagidda Dad-Dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.

19- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

20- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa furay shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka Qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

21- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa si rasmi ah u soo xiray shir ay isuga yimaadeen Wasiiradda Ganacsiga ee Dowlad-Goboleedyada oo diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee diiwaan-gelinta iyo shatiga ganacsiga.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho khibrad wadaag dhanka warbaahinta ah ku tegay Turkiga.

23- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa la kulantay wafdi sare oo ka socday AUSSOM oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya, Kareem Adebayo.

24- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Dr. Kemal Memişoğlu.

25- Wasiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs Maryama Maxamed Xuseen ayaa furtay kulanka Ururka Dhakhaatiirta Cudurrada Haweenka iyo Dhalmada Soomaaliyeed ”SOGA” oo looga hadlay taageeridda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka soo wajaha haweenka xilliga dhalmada.

26- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ka wada-hadlay dimuqraadiyeynta dowladnimo iyo doorashooyinka Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.

27- Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Ilyaas Cali Xasan oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

28- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qaybgalay shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

29- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb Pier Mario Dacco Coppi.

30- Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyayaasha degaanka ee gobolka Hiiraan ayaa in ka badan 75 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ku dilay dagaalo ka dhacay xuduudda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

31- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay kaalinta naf hurnimada ah ee geesiyaasha degaanka ee Macawisleyda gobolka Hiiraan ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaarijta iyo sida ay dhabarka uga jabiyeen dhammaan isku-dayadii naf la caariga ahaa ee Khawaarijta.

32- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay Shirka ID4Africa 2025.

33- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay guddiga Isku-dhafka ee u xil-saaran diyaarinta qandaraaska hannaanka lagu tayaynayo dukumentiga Baasaboorka Soomaaliyeed.

34- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan si’ loo Dardar-geliyo dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe.

35- Maxkamadda gobolka Bay ayaa ku fulisay xukun dil toogasho ah Axmed Cabdullaahi Maxamuud oo magaalada Baydhabo ku dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan.

36- Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Maryama Maxamed Xuseen ayaa kulan la yeelatey Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya. Amb Pier Mario Dacco Coppi.

37- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay S/Guud Sam Okiding, oo ah Taliye Ku-Xigeenka Ciidamada Uganda.

 

===========DHAMMAAD==========

Shirka Caafimaadka Adduunka oo lagu lafaguray doorka Soomaaliya ee horumarinta caafimaad bulshada

Geneva:-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah magaalada Geneva ugu qabatay munaasabad heer caalami ah oo qeyb ka ah Shirweynaha Caafimaadka Adduunka (WHA78), taas oo lagu lafaguray doorka Soomaaliya ee horumarinta daryeelka caafimaad ee bulshada.

Munaasabaddan oo lagu xusay hal-ku-dhigga: “𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐥𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚: 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐢𝐧𝐚𝐜𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚” ayaa ahayd madal muhiim ah oo ay isugu yimaadeen madax sare oo caalami ah, wakiillo ka socday hay’adaha caafimaadka adduunka, deeq-bixiyayaal, iyo saaxiibada horumarineed ee Soomaaliya.

Waxaa munaasabada ka qaybgalay Wasiirka wasaaradda caafimaadka & daryeelka bulshada JFS Dr. Ali Haji Adam, Agaasimaha Guud ee Hay’adda caafimaadka aduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus, Marwo Khadra Ahmed Dualle, Safiirka Soomaaliya ee Switzerland ahna Wakiilka Joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga, Qaar kamid ah wasiirada caafimaadka qaar kamid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, Madaxa GFF/World Bank Luc Leviolette, Agaasime goboleedka WHO ee EMRO Hannan Balkhy, Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka DFS Dr Guuled abdijalil, Agaasime ku xigeenka Gates Foundation Magdalina Roberts iyo Xubno sare oo kamid ah wafdiga Wasiirka ee ka qaybgalaya WHA78 Saaxiibada caalamiga ah iyo wakiillo ka socday hay’ado badan oo caalami ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Ali Haji Adam Abubakar oo si qoto dheer uga hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo maalgelinta caafimaadka Soomaaliya, ayaa xusay sida loogu baahan yahay taageero dhab ah oo caalami ah si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo waara, loo siman yahay, islamarkaana bulshada Soomaaliyeed u horseeda mustaqbal caafimaad qaba.

Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Agaasimaha Guud ee WHO, ayaa muujiyay bogaadin iyo dhiirrigelin uu u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka, isagoo tilmaamay in la arkayo horumar muuqda iyo dadaal joogto ah oo ku wajahan tayeynta adeegyada caafimaadka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadaalladaasi laga taageero heer caalami ah, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.

Wasaaradda caafimaadka JFS uu hogaaminayo Dr Ali Aji Adam, wasiirka caafimaadka waxay markale ugu baaqday beesha caalamka in ay si buuxda ula garab istaagto dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka, taas oo fure u ah amniga caafimaad ee dalka iyo guud ahaan gobolka.