Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah , xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo booqasho ugu yimid.

Danjire Swan ayaa ugu horrayn Wasiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub ee dhowaan loo magacaabay, isagoo muujiyay taageerrada iyo kalsoonida Qaramada Midoobay ee ku aaddan wada-shaqeynta labada dhinac. Intaa kaddib, wuxuu Wasiirka la wadaagay qorshayaasha xilliga Kala-guurka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta dowlad wanaagga, doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Danjire Swan taageerrada iyo wadashaqeynta joogtada ah ee Qaramada Midoobay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

 

   

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Shir ballaaran oo u dhexeeya ururrada siyaasadda ee diiwaangishan iyo Xukuumadda Federaalka ayaa si rasmi ah ufurmay, Waxaana Kasoo qeyb galay Madax sare oo ka socoto Hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga qabanqaabada Gogosha Qaran, ee uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shir weynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheikh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Danjire Cabdixakiin Ashkir, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada Iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda.

Wasiir Ashkir oo ka hadlay  Munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda Iskaashiga, isagoo yiri” Waxaan adkaynayaa muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi dhab ah oo ka dhaxeeya bulshada rayidka ah iyo dowladda, si wadajir loogu wajaho baabi’inta kala qeybsanaanta bulshada”.

Ugu Dambayn, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Cabdixakiin Ashkir, ayaa u mahadceliyay Ka qaybgalayasha Kulanka oo ka kala socda DF, Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo Ururrada Bulshada Raydka ah.

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay safar shaqo ku joogaan wadanka Tanzania caasimadiisa Dar es Salaam ayaa booqday xarunta safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaaladda Dar es Salaam, taas oo hada dhismaheedu meel gabogabo ah marayo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu xarunta safaaradda ku soo dhoweeyay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Tanzania Danjire Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania ay ka mid noqon doonto xarumaha ugu quruxda badan ee safaaradaha dalkeennu ku leeyahay caalamka.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa Tanzania uga qeyb galay Shirweynihii 19-aad Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada wadamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo socday labo maalmood.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xil Caynaashe Yusuf Xuseen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, iyo fanaanka caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac).

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Golaha Dhallinyarada Qaranka, iyadoo si gaar ah loo eegay arrimaha la xiriira shaqo-abuurka dhalinyarada, horumarinta xirfadaha, iyo diyaarinta fursadaha mashruucyada soo socda ee lagu horumarinayo nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Hantidhowrka Guud ee JFS oo Ka Qayb Galay Shirkii 21-aad Ee Golaha Maamulka AFROSAI-E Ee Seychelles

𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay Shir-Madaxeedkii 21aad ee Ururka Hay’adaha Hantidhawrka Sare ee Afrikada Ku Hadla Ingiriiska (𝐀𝐅𝐑𝐎𝐒𝐀𝐈-𝐄), kaas oo lagu qabtay Magaalada Mahé ee Jasiiradda 𝐒𝐞𝐲𝐜𝐡𝐞𝐥𝐥𝐞𝐬, intii u dhaxaysay 19–23 May 2025. Shirkan oo uu martigeliyey Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Seychelles ayaa xoogga saaray:

𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟎–𝟐𝟎𝟐𝟒;

𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓–𝟐𝟎𝟐𝟗 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 𝐤𝐨𝐫-𝐮-𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚, 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚;

✓ 𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐢𝐡𝐧𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 (𝐀𝐏𝐈), 𝐬𝐢 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐝𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐢𝐲𝐨

✓ 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐦𝐚 𝐦𝐮𝐬𝐮𝐪𝐦𝐚𝐚𝐬𝐮𝐪𝐚, 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐝𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐨𝐠-𝐰𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐢𝐝𝐝𝐚.

Sidoo kale, shirkan waxa uu xasuus gaar ah u ahaa dabaaldegga 20 sano guurada AFROSAI-E, iyada oo si qoto dheer looga wada hadlay sidii Xafiisyada Hantidhowrka Guud u noqon lahaayeen tiir-dhexaadka hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarrada waara.

Ka-qaybgalka joogtada ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ee shirarkan waa muujin dhab ah oo ka tarjumaysa dowrka sii xoogeysanaya ee uu XHGS ku leeyahay hormarinta isla-xisaabtanka maaliyadeed ee Qaaradda Afrika.

Dadweynaha oo loogu baaqay in ay ka fogaadaan xeebaha xilli Baddu kacsan tahay

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay soo saartay Warsaxaafadeed ku saabsan digniinaha xilligaan ay baddu kacsantahay, iyadoo dhammaan kalluumeysatada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelisay in kacsanaanta Badda ay keeni karto xaalado khatar ah oo halis gelin kara badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan Badda.

           Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:- 

Dowladda Federaalka oo dardargelineysa tayeynta adeegyada caafimaadka dalka

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka ee Dawlad GobolLeedka SSC Khaatumo Dr. Yuusuf Saleebaan iyo Xildhibaan Cisman Cali Jubba.

Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda caafimaadka heer federaal iyo tan dowlad goboleedka SSC Khaatumo, si kor loogu qaado adeegyada caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed ay siiyaan.

Labada wasiir ayaa isla meel-dhigay in la dardar-geliyo adeegyada caafimaadka ee deegaanada SSC, iyadoo xoogga la saarayo tababarada iyo tayeynta shaqaalaha caafimaadka, baahinta adeegyada hooyada & dhallaanka, tallaalka iyo adeegyada deg-degga ah.

      

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub UK

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday (UK), Mudane Charles King.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Safiirka, isaga oo u rajeeyay inuu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee loo igmaday, carabaabayna rajada uu ka qabo inuu xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

  

Muxuu Wasiirka Gaashaandhigga XFS kala hadlay Safiirka Talyaaniga?

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Dacco Coppi, oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Talyaaniga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iyo horumarinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee labada dal, iyadoo si gaar ah loo isla meel dhigay dardargelinta tababarrada iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Dowladda Talyaanigu ka qaadato taageeridda, tayeynta iyo horumarinta awoodda ciidanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid lama huraan u ah dadaallada dowladdu ugu jirto sugidda amniga iyo xasiloonida dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii ballaariyo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo xoogga la saarayo iskaashiga dhinaca difaaca, xoojinta awoodda ciidanka iyo la dagaallanka argagixisada.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey dadaalka joogtada ah iyo garab-istaagga ay la barbar-taagan tahay Soomaaliya, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii joogtaynta iyo xoojinta iskaashigan istaraatiijiga ah si loo xaqiijiyo amni iyo nabad waarta oo gobolka ka dhalata.