Wasiirka Gaashaandhigga oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar.

Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo ciidamada dalka Masar ee qeybta ah hawlgalka ciidamada AUSSOM iyaga oo sidoo kale isla eegay hindisayaal wadajir ah oo lagu taageerayo kor u qaadidda tayada ciidamada Soomaaliya.

Labada wasiir waxa ay hoosta ka xariiqeen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada danaha wadaagga ah.

 

Wasiir Cali Balcad “Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay”

Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya,Mudane Cali Maxamad Cumar(Cali Balcad),oo shalay ka hadlayay Kulankan latashiga ururada Siyaasadda iyo xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegay in gogosha uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukuntay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dadaallada madaxweynaha ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu helo isfaham iyo midnimo qaran, isagoo xusay in talooyinka iyo waayo-aragnimada madaxdii hore ay muhiim u yihiin geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

“Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay”ayuu yiri wasiirka

Mudane Cali Balcad wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay wada-tashi qaran oo dhab ah si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed loona hormariyo dowladnimada Soomaaliya.

Shirka Wada-Tashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda Federaalka oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shir weynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheikh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Digniin kasoo saartay xilliga bad-xiranka

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Muddadan bad-xiranka waxay socon doontaa laga bilaabo 26 May 2025 ilaa 15 September 2025.

Wasaaraddu waxay kuu wargelineysaa dhammaan dadka ay khusayso in ay digtoonaadaan inta lagu jiro muddadan, gaar ahaan doomaha yaryar, kuwa waaweyn, iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton, maadaama xaaladda badda ay noqon karto mid khatar ah. Sidoo kale, shacabka waxaa si gaar ah loogu digayaa in aysan ku dabaalan badda muddadaas, si looga fogaado halis naf iyo hantiyeed ah oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada.

Ujeeddada wargelintan waa in la ilaaliyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha laga filanayo xaaladda cimilada ee badda xilligan. Wasaaraddu waxay ku dhiirrigelineysaa qof walba inuu si xilkasnimo leh uga jawaabo digniintan.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qeybgalay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo howlwadeeno ka socda Wasaarada ayaa ka qayb galay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka (WOAH) oo ka dhacaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Shirweynaha guud ee WOAH waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta caafimaadka xoolaha, ka hortagga cudurrada iyo la tacaalidda khataraha cusub.

Wasiir Xasan ayaa madal heer wasiir ah ka xusay kaalinta muhiimka ah ee xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga ka hortagga iyo xakameynta cudurrada xoolaha, helitaanka tallaalka iyo adeegyada caafimaadka xoolaha.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la shaqeynta bahwadaagta caalamiga si loo dhiso nidaamyo adkeysi leh oo taageera ganacsiga xoolaha, nolosha reer guuraaga, iyo koboc waara.

 

Soomaaliya oo xustay Maalinta Afrika, xaqiijisayna inay ka go’an tahay midnimada iyo cadaaladda Qaaradda

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta xarunteeda ku qabatay munaasabadda xuska Maalinta Afrika, oo ah xuska markii dhidibada loo taagay Ururka Midnimada Afrika (OAU) 25 May, 1963, iyadoo sanadkii 2002 loo beddelay Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in 25 May ay tahay maalin ku weyn Afrika oo ay ku beegantahay taariikhda markii la aas’aasay Ururka Midnimada Afrika, kaasoo markii dambe loo beddelay Midowga Afrika, isaga oo sheegay in ajandaha Afrika uu mudnaanta koowaad u yahay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Afrika guul iyo horumar, si la mid ah Soomaaliya in ay hiigsato baraare, isaga oo adkeeyay muhiimadda cadaaladda ay u leedahay Afrika, haddii ay ahaan lahayd wixii ka soo gaaray halgankii ay uga soo horjeedday gumaysiga iyo xoojinta isku-caddaalad-falka dhexdeeda.

Munaasabadani oo Wasaaraddu kala kaashatay Bankiga IBS ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Safiirrada dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Soomaaliya, waxa ay xubin aas’aase ka ahayd Ururka Midnimada Afrika (OAU), iyadoo saxiixday axdigii lagu aas’aasay sanadkii 1963, waxa ayna kaalin muuqata ka qaadatay taageeridda ururradii xornimo-doonka ee Koonfurta, Bartamaha iyo Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale ka qeyb-qaadatay dadaallo xal loogu helay qulqulatooyin iyo loolanno milatari oo ka dhexeeyay dowlado. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay martigelisay shir-madaxeedkii 11aad ee

 

 

     Ururka Midnimada Afrika sanadkii 1974, kaasi oo lagu qabtay Caasimadda Muqdisho.

Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan kiis dil ah

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan inuu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan horay kubadda Qaranka ugu soo cayaaray.

Dilkaas ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan aagga isgoyska Soobe, iyadoo marxuumka maanta meydkiisa lagu aasay magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo shaaciyey soo qabashada eedeysana ayaa balan-qaaday in la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh.

Taliyaha Ciidamada Dhulka oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay dagaal adag kula jiraan Khawaarijta.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye iyo saraakiil ciidan ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyey Moqokori.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Hiiraan u tegay dardar-gelinta dagaalka Khawaarijta ee ka socda soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee HirShabeelle.

  

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Hay’adda Miino baarista

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Madaxa Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya, Mudane Fran O’Grady, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Fran, isaga oo sheegay in Wasaaraddiisu ay u diyaar tahay xoojinta iskaashiga.

Dhankiisa, Mudane Fran O’Grady ayaa ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka loo magacaabay, isaga ka warbixiyay wadashaqaynta hay’adda Mine Action ay la leedahay Wasaaradaha heer qaranka iyo Booliska Soomaaliyeed, caddeeyayna in barnaamijyada wadashaqaynta ay kordhin doonaan.

  

Safiir ku-xigeenka JFS ee Shiinaha oo ka qeyb galay shir caalami ah

Beijing:- Lataliyaha koowaad ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Kodar, ayaa ka qeybgalay shirka caalamiga ah ee “BRI Green Brand Global Overseas Promotion Conference – China-Arab Green Industrial Cooperation Forum” oo lagu qabtay magaalada Beijing.

Shirkan oo ay martigelisay Ururka-Midnimada Deegaanka ee Shiinaha (All-China Environment Federation – ACEF), ayaa diiradda saaray horumarinta iskaashiga deegaanka iyo horumar waara oo ay wada yeeshaan Shiinaha iyo dalalka Carabta, iyada oo loo marayo hindisaha Belt and Road Initiative BRI,ee lagu hormariyo Dhaqaalaha Caalamiga ah.

Cabdisalaam Koda ayaa khudbad ka jeediyey madasha, tilmamaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si firfircoon uga qaybqaadato dadaallada caalamiga ah ee deegaanka, iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada oo muhiim u ah xaalada Soomaaliya madaama ay ka jirto xaalado ay keenan is-badelka cimilada.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya, inkasta oo ay la tacaaleyso caqabado dhanka isbadalka cimilada ah sida abaaraha soo noqnoqda iyo nabaad-guurka, balse ay leedahay fursado badan oo dabiici ah oo ay ka mid yihiin qorraxda diiran , iyo xeebaha dheer ee hodan ka ku ah khayraadka Badda.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu howlgelinayey Hey’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha ee (SARIS), taas oo ay dhawaan ansixiyeen sharciga lagu dhisayey goleyaasha sharci dajinta Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa bogaadiyey howlgelinta Hey’adda (SARIS) ee ka shaqenaysa beeraleyda Soomaaliyeed in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin ee dhanka beeraha, lana oo la hubiyey tayadooda. Isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda iyo howlwadeennada, howlgelinta hey’addan ilaalinaysa waxtarka abuurka dalagga dalka la keenayo iyo midka la dhoofinayo.