Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa ICRC ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Xafiiska Hey’adda ICRC ee Soomaaliya Mudane Antoine Grand.

Duqa Muqdisho iyo Madaxa Hey’adda ICRC ayaa ka wada hadlay dar-dargelinta shaqooyinka iyo mashaariicyada horumarineed oo ay ICRC ka fuliso Magaalada Muqdisho iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ee ka dhaca Gobolka Banaadir, iyadoona la isla qaatay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Hey’adda ICRC iyo Bisha Cas doorka ay ka qaataan howlaha bini’aadannimada, taageerida dhinacyada Caafimaadka iyo fulinta mashaariicyada horumarineed.

Wasiirka dhallinyarada XFS oo muqdisho kusoo dhoweeyay ciyaartooy caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo uu wehliyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxa ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen ciyaartooyda kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay Jay Okacha oo dalka soo gaaray.

Ciyaartoyda waxaa booqashadooda ku wehliya mas’uuliyiin sarsare oo ka socota xiriirka Kubadda Cagta ee CAF.

Agaasimaha NISA oo kulan la qaatay odayaasha deegaanka Tardo

Baladweyne- Agaasimaha Hey’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Generaal Khaalid), oo kulan gaar ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Kulankan oo si gaar ah loo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyadoo la doonayo in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo bulshada deegaanka.

Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageeridda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha dagaalka.

Waxaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay in shacabka la baraarujiyo, lana xoojiyo wada-shaqeynta si looga hortagayo khatarta Khawaarijta.

Muqdisho oo marti gelinaysa ciyaartooy caalami ah

Maanta oo taariikhdu tahay 27 May Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho waxa uu martigelin doonaa ciyaar aad u xiiso badan oo u dhaxeysa labo koox oo kala meteli doona ciyaartoyda dalka iyo ciyaartoyda ajaanibta ah.

Kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda dalka waxaa ka soo muuqan doona qaar ka mid ah ciyaartoyda dalka iyo halyeeyada isboortiga dalka, halka kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda ajnabiha ah ay ka soo muuqan doonaan ciyaartoyda ajnabiga ah ee ka ciyaara dalka iyo ciyaartoyda martida ah kuwaas oo kala ah; Jay Jay Okacha, Samuel Eto’o iyo Emmanuel Adebayor iyo marti sharaf kale oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali maadama sida hab-maamuuska uu qabo kooxda martida ah uu hoggaamiyo masuulka martiqaaday.

Wasaaradda Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaaa taageerayaasha daneenaya daawashada ciyaartaas xiisaha lagu ku wargelisay inay garoonka soo xaadiraan xili hore si ay kaga gudbaan habraacyada amniga.

Waxaa sidoo kale taageerayaasha lagu wargelinayay in ay muujiyaan daganaan iyo ilbaxnimo maadaama beri ay magaalada Muqdisho diri doonto farriin caalami ah oo ku aaddan isboortiga iyo amniga dalka.

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay hooyada iyo dhallaanka

Geneva- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada,Dr. Guled Abdijalil Ali, ayaa ka qayb galay kulan doceed gaar ah oo ay isugu yimaadeen deeq bixiyayaal, hey’addo UN-ka iyo kuwa Caalami ah kaas oo lagaga hadalayay yareynta dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka iyo sidii looga heli lahaa Maalgalin Caafimaad oo ku filan.

Agaasimaha Guud oo madasha ka hadlay ayaa si gaar ah uga warbixiyay dadaaladi ugu danbeeyay ee Wasaaraddu hirgalisay oo ay kamid tahay soo kordhinta talaalada PCV iyo Rotavirus iyo qorahayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee ku aaddan yareynta dhimashada Hooyadda iyo Dhalaanka isago xusuusiyay bahwadaagta iyo deeq bixiyaasha shirka timid baahida loo qabo in laga dhabeeyo balan qaadyadi ku xusnaa qaraarka ay Soomaaliya horgeeysay Golaha Guud ee Caafimaadka Aduunka sanadkii tagay ee ku baaqayay in loo helo maalgalin ku filan Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka si loo yareeyo dhimashadooda loona gaaro yoolka caafimaadka loo dhan yahay UHC 20230.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulsha Xukuumadaa Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo hormarin lahaa Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka loona gaarsiin lahaa dhamaan dalka oo dhan.

Wasaaradda Dastuurka oo wadatashi ku saabsan Dastuurka la qaadatay bulshada ka soo jeeda Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa caawa furay shirka la-tashiga bulshada kasoo jeedda deegaannada Somaliland ee arrimaha dastuurka.

Wasiirka oo bidhaamiyay muhiimadda dastuurka ayaa sheegay in dastuurka la dhammeystiri karin iyada oo qeyb kamid ah dalka ay maqan tahay, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la isku yimaado, lana helo heshiis qaran oo saldhig u noqda dowladnimo loo dhan yahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in kacaankii 1969 uu meel iska dhigay dastuurka, taasina laga dhaxlay burbur, haddana baahi degdeg ah loo qabo in dastuurka kumeelgaarka ah la dhameystiro.

   

Wasiirka ganacsiga oo Muqdisho kula shiray waxgarad ka soo jeeda Sanaag iyo Bari

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay aqoonyahanno iyo haldoor ka soo jeeda gobollada Sanaag iyo Bari ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray aayaha siyaasadeed, fursadaha horumarineed, iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolladaas. Waxaa sidoo kale lagu bogaadiyay guulaha Dowladda Federaalka gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Wasiir Geesood ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay muhiimad gaar ah siinayso ka-qeybgalka bulshada ee go’aaminta masiirkooda, isla markaana diyaar u tahay dhageysiga talooyinka iyo xal u helidda baahiyaha bulshada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Senator Saynab Ismaaciil Tiinbiye iyo masuuliyiin kale.

      

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Madaxa Hay’adda ICRC oo booqasho ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeyta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand, oo booqasho ugu yimid si uu ugala hadlo arrimaha iskaashi wadaagga.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Mudane Antoine Grand waxa ugu hambalyeeyay Wasiirka xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ku guuleysto, warbixin guudna ka siiyay howlaha ICRC ee Soomaaliya iyo baaxadda howl-qabadkeeda guud ahaan dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta wadashaqaynta iyo ballaarinta barnaamijyada ICRC, iyadoo la hubinayo in taageerrada bani’aadantinimo si siman loo gaarsiiyo dhammaan gobollada Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isku-af-gartay xoojinta iyo kordhinta howlaha iyo isku-dubbaridka si loogu adeego baahiyaha bulshooyinka oo idil.

   

Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah

Magaalada Muqdisho ayaa maalinta berri ah martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah oo dunida magac ku leh. Soo dhoweynta taariikhiga ah ee halyeeyada kubadda cagta Afrika ee kala ah, Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, Jay-Jay Okocha iyo Madax ka socota FIFA iyo CAF ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada.

Guddoomiye ku xigeennada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Mudane Axmed Faarax Taqal iyo Mudane Cabdirashiid Cabdulle Maxamed ayaa maanta booqday garoonka Muqdisho Stadium oo berri lagu qabanayo ciyaar weyn oo lagu soo dhoweynayo ciyaaryahannada iyo madaxda kale.

  

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Guddiga qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xoojinaya qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka, ayaa magacaabay Guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa u xil-saaran qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee
Sanadguurada 65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, amniga iyo xiriirinta hey’ adaha qaybta ku leh dabaaldegga Maalmaha Xorriyadda.