Kulan looga hadlaya dardar gelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha oo lagu qabtay Baydhabo

Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo xaqiijinta qabsoomidda doorashooyinka dadweynaha.

Odeyaasha dhaqanka ayaa muujiyay taageeradooda geeddi-socodka doorashooyinka in shacabka Soomaaliyeed talada lagu celiyo, iyagoo ballan qaaday inay ka qeyb qaadan doonaan wacyigelinta bulshada.

Kulan looga warbixinaya oddoroska dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta furay kulanka daabacaadda labaad ee warbixinta oddoroska dhaqaalaha Soomaaliya.

Mudane, Beene-beene ayaa sheegay in ujeedku uu yahay in lasoo saaro hal warbixin oo ka tarjumeysa xaaladda dhabta ah ee dhaqaalaha dalka, taas oo si wadajir ah ay uga shaqeeyeen dhammaan hay’adaha dowladda, isla markaana noqota mid lagu heshiin karo oo si hufan u matasha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa intaa raaciyay in warbixintan aysan ku jirin buunbuunin, taas oo si cad u muujinaysa meelaha aan ku liidanno iyo meelaha aan ku wanaagsanahay labadaba.

Hay’adda SoDMA oo muqdisho kusoo gabagabeysay shir looga hadlayay horumarinta maaraynta masiibooyinka

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa muqdisho kusoo gabagabaysay shir wada-tashi ahaa oo laba cisho ka socday muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgala wasaaradaha u qaabbilsan gargaarka iyo maareynta masiibooyinka maamul-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo looga hadlay horumarinta iskaashiga hay’adaha mas’uulka ka ah arrimaha bini’aadantinimo iyo maaraynta masiibooyinka ayaa waxaa lagu falanqeeyay qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee shanta sano ee soo socota, kuwaas oo lagu hagayo dedaallada ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dalka.

Lataliyaha Sare ee SoDMA, Maxamed Mukhtaar, ayaa soo jeediyay warbixin qoto dheer oo ku saabsan hannaanka qorsheynta iyo hormarinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed.

Maxamed Mukhtaar, ayaa sidoo kale iftiimiyay mudnaanta la siinayo diyaarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadam sameega ah.

Mas’uuliyiinta ka kala socday maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda bini’aadantinimo ee gobolladooda, iyaga oo si furan uga hadlay caqabadaha haysta adeegyada gurmadka degdegga ah, isgaarsiinta iyo isku-duwidda howlaha la xiriira maaraynta masiibooyinka.

Shirka ayaa si rasmi ah waxaa u soo xiray madaxa horumarinta mashaariicda ee SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida hagar la’aanta ah ee ay uga qeyb qaateen kulankan muhiimka ah.

Dr. Jimcaale ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah oo u dhexeysa dhammaan hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed si loo xaqiijiyo badbaado iyo horumar waara.

Wasiirka gaashaandhigga oo kulan la qaatay James Swan

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay James Swan madaxa hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka gaar ahaan kuwa shaqooyinka kala duwan la wada wasaaradda gaashaandhigga, iyo taageeridda geeddi-socodka Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiirka iyo Madaxa UNTMIS waxay si gaar ah u bogaadiyeen hawlgalladii guulaha lagu gaaray ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka, geesiyaasha Macawislayda iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta todobaadyadii la soo dhaafay.

  

Xeer ilaalinta Qaranka oo hubinaysa habka loo maareeyo kiisaska caafimaad ee la xiriira garsoorka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka  Sulayman Maxamed ayaa booqasho isugu jirta kormeer iyo u kuurgalka adeegyada caafimaad ee Isbitaalku u hayo bulshada Soomaaliyeed ku tegay Isbitaalka Madiina.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warbixin dhinacyo badan leh, oo ay ugu muhiimsaneyd Habka loo maareeyo kiisaska Sharciga caafimaad ee la xiriira Garsoorka iyo Caddaaladda dalka ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka.

Booqashadan ayaa aheyd mid muhiimad gaara u leh xoojinta wadashaqeynta u dhexeeysa garsoorka iyo hospitaalka Madina oo hay’adaha Caddaaladda ka saacida baarista iyo ka go’aan gaarista dacwadaha, sidoo kalena bulshada u haya adeeg caafimaad.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Isbitaalka Soodhaweynta qiimaha badan ee lagu soo dhoweeyey Isbitaalka weyn ee Madiina iyo sidoo kale adeegyada Caafimaad ee ay u hayaan Bulshada’ waxa uuna kuka dardaarmay in ay sii laba jibaaraan adeegyada ay ku badbaadinayaan Bulshadooda.

   

Duqeyn lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacday Jubada hoose

Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay meel qiyaastii 40 meel waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, si loo beegsado maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa howlgalka AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Guddoomiyaha SoDMA oo muqdisho kula kulmay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Md. Wang Yu.

Shirkaan ayaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah oo ay kamidtahay Shixnad gargaar raaahin ah oo ay dhawaan dalka keeneen taas oo gaaraysa 1,226 tan iyo sidii loo gaarsiin lahaa gobollada dalka gaar ahaan degmooyinka ay sameeysay dagaallada lagula jiro khawaarijta oo qeyb ka tahay gobolka Hiiraan.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidoo kale tayeeynta iyo sare u qaadidda waxtarka shaqaalaha Hay’adda SoDMA.

Wasiirka dhallinyarada XFS oo muqdisho kusoo dhoweeyay ciyaartooy caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo uu wehliyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxa ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen ciyaartooyda kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay Jay Okacha oo dalka soo gaaray.

Ciyaartoyda waxaa booqashadooda ku wehliya mas’uuliyiin sarsare oo ka socota xiriirka Kubadda Cagta ee CAF.

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa ICRC ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Xafiiska Hey’adda ICRC ee Soomaaliya Mudane Antoine Grand.

Duqa Muqdisho iyo Madaxa Hey’adda ICRC ayaa ka wada hadlay dar-dargelinta shaqooyinka iyo mashaariicyada horumarineed oo ay ICRC ka fuliso Magaalada Muqdisho iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ee ka dhaca Gobolka Banaadir, iyadoona la isla qaatay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Hey’adda ICRC iyo Bisha Cas doorka ay ka qaataan howlaha bini’aadannimada, taageerida dhinacyada Caafimaadka iyo fulinta mashaariicyada horumarineed.

Wasiirka dhallinyarada XFS oo muqdisho kusoo dhoweeyay ciyaartooy caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo uu wehliyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxa ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen ciyaartooyda kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay Jay Okacha oo dalka soo gaaray.

Ciyaartoyda waxaa booqashadooda ku wehliya mas’uuliyiin sarsare oo ka socota xiriirka Kubadda Cagta ee CAF.