Soomaaliya oo ka qaybgashay xuska maalinta Afrika oo lagu qabtay Hindiya

New Delhi – Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdillaahi Maxamed Odowaa, oo ay weheliyeen diblomaasiyiinta safaaradda iyo xubno ka socday madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay xuska maalinta Afrika (Africa day) oo lagu qabtay caasimadda Hindiya ee New Delhi.

Munaasabadda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa ka qaybgalay madax sare, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socda dalalka Afrikaanka ah ee fadhigoodu yahay magaalada New Delhi.

Munaasabadda waxaa marti sharaf ku ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Hindiya, Dr. S. Jaishankar, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad qoto dheer oo dhinacyo badan taabaneysay.

Wasiirku wuxuu u hambalyeeyay dalalka Qaaradda Afrika, isagoo xusay muhiimadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya Hindiya iyo Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Jaishankar wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo gaaro horumar waara, xasillooni iyo dan guud oo la wadaago.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.

Wafdi ka socda ciidanka Özel Harekat ee Yurkiga oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi Saraakiil ah oo ka socday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Özel Harekat ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Xerada Haramcad ee General Farxaan Mohamoud Qaroole.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta ciidanka gaarka ah ee labada dal. Wafdiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista awoodda hawlgal ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran.

Taliyaha Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, ayaa uga mahadceliyey wafdiga Özel Harekat booqashadooda, isagoo xusay in kulankani uu yahay mid muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay xiddigga kubadda cagta ee Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku timid dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

     

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, mudane Wang Yu.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, dardar-gelinta iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo kor-u-qaadidda waxyaabaha mudnaanta wadaagga ah leh.

Sidoo kale, waxaa la isla fallanqeeyay ka qeybgalka Soomaaliya ee Kulanka heer wasiir ee madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono 10-12 June magaalada Changsha gobolka Hunan ee dalka Shiinaha iyo Bandhigga afaraad ee dhaqaalaha iyo ganacsiga Shiinaha iyo Afrika oo ku qabsoomi doona isla magaaladaasi.

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askari horay u dilay saaxiibkiis

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ex-dable xoogga Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf, markii uu horay u dilay marxuum Ex dable xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Eedeysane Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf iyo marxuum Ismaaciil Xasan ayaa ka wada tirsanaa ururka 222 aad, guutada 22-aad ee Boliis milataara.

Dilkaan, ayaa ka dhashay muran ka billowday xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada dhista ee degmadda Deyniile, 17-kii Feebaraayo ee Sanadkan.

Garsoorka maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay dable Xoogga Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf dil toogasho, ahna qisaasta marxuum Ex dable xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey, sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 d𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐚𝐱𝐝𝐚

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa dhagax-dhiggay dhismaha waddada Laamiga ee degmada Kaxda.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta caasimadda ee lagu dhisaayo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay u horreeyaan waddooyinka.

Munaasabadda dhagax-dhigga dhismaha waddada degmada Kaxda waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf, guddoomiyaha degmada Kaxda, agaasimeyaal, culuma’udiin, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNESCO oo ka wada hadlay dib usoo nooleynta goobaha taariikhiga ah ee muqdisho

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa aqalka dowladda hoose kusoo dhoweeyay wafdi ka socda hay’adda UNESCO oo uu hor kacaayay lataliyaha dhaqanka xafiiska UNESCO ee bariga Afrika.

Madaxda gobolka Banaadir iyo hay’adda UNESCO ayaa ka wada hadlay dib usoo nooleynta goobaha Taariikhiga ah ee Magaalada Muqdisho, iyo in la iska kaashado dib u dhiska, sidii fagarayaasha caalamka loogu soo bandhigi lahaa.

Guddoomiye Cabdicasiis ayaa uga mahadceliyay wafdigaan ka socda hay’adda UNISCO doorka horumarineed ay doonayaan inay ka qataan dib usoo nooleeynti xarumihii taariikhiga ah ee caasimadda.

Wafdiga ayaa waxay booqdeen xarumo taariikhi ah oo ku yaalla degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne iyo Shingaani.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay xiddigihii Afrika ee kubadda cagta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku timid dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)

Taariikhda dhabta ah ee magaalada Muqdisho, waxaan si qurux badan uga marag furi karnaa Mogadishu Stadium, inuu yahay garoon weyn oo astaan u ahaa Isboortiga Soomaaliyeed, balse mar noqday mid ka mid ah meelaha ay colaadda iyo burburku ugu daran Saameeyeen. Muuqaalka maanta laga arkayo Mogadishu Stadium waa mid gebi ahaanba ka duwan kii toban ama labaatan sano ka hor. Garoonkii burbursanaa ayaa dib loo dhisay, lana qalabeeyay, waxaana loo rogay xaruun isboorti oo heer caalami ah. Ma aha kaliya meel lagu ciyaaro kubadda cagta, balse waa astaanta cusub ee nabadda, horumarka iyo kalsoonida ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan dalkooda.

Bishaan May,  27, 2025-ka, oo aheyd shalay Muqdisho waxay martigelisay ciyaartoy caalami ah oo magac iyo maamuus ku leh dunida. Xiddigaha reer Afrika sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo dhammaantood u soo ciyaaray kooxaha ugu waa weyn kubadda cagta sida Barcelona, Real Madrid, Chelsea, Arsenal, iyo Manchester City, ayaa cagta dhigay Garoonkaasi. Muuqaalkaasi waa kuwo taariikhi ah, dareen gaar ahna u leh kumannaan qof oo Muqdisho ku noolaa xilliyadii dagaallada iyo burburka.

Ciyaartani ma aheyn oo kaliya ciyaar, waxay ahayd farriin xooggan oo muujinaysa in Soomaaliya ay ka baxday mugdigii, una socoto iftiin, waxaana la arkay Caruur faraxsan, Waalidiin iyo dhallinyaro isugu yimid inay taageeraan ciyaaraha, iyadoo aysan jirin amni darro iyo cabsi midna, taasina waa horumar uu dalkeenna gaaray.

Dib u soo noolaanshaha Mogadishu Stadium waa qeyb ka mid ah isbeddelka guud ee ka socda dalka, waxaana dib u shaqo bilaabay xarumo dowladeed, iskuullo iyo jaamacado ayaa si xowli ah u fidaya, waddooyin ayaa la dhisay, ganacsi ayaa kobcaya, dalxiis ayaa soo ifbaxaya, iyo diblomaasiyad firfircoon oo horseed u noqotay magaca wanaagsan ee Soomaaliya ku yeelatay dunida inteeda kale.

Isboortigu wuxuu kaalin weyn ka ciyaaraa nabadda, wuxuuna mideeyaa bulshada, wuxuu dhiirrigeliyaa wadajirka, wuxuuna daaweyn u yahay dhaawacyadii Maskaxda iyo qalbiga ee ay colaadaha sababeen. In ciyaartoy heer caalami ah ay yimaadaan Muqdisho waxay soo jiidatay indhaha caalamka, waxayna kor u qaaday niyadda bulshada Soomaaliyeed.

Mahad Alle ayey u sugnaatay,  Isbeddelkan ma suurtagaleen la’aanta is-garab taagga Alle, sabirka shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hal-abuurka leh ee ay muujinayaan dhallinyarada, dowladda iyo dadka qurbo-joogta ah, waxaana mudan in la xasuusto in horumarka aan maanta aragno uu yahay natiijada sannado badan oo dadaal, dulqaad iyo hiigsasho wacan ah.

Sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, “Caasimada dalka maanta waxay gudbisey sawir qurux badan Xukuumadda DanQaran iyo Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, waana uga mahad celineynaa inay dunida u muujiyeen in dalkeennu maanta uu  si cad u muujiyey inuu  Marti gelin karo ciyaaro caalami ah”.

Mogadishu Stadium maanta ma aha oo kaliya garoon, ee waa ‘Astaan Qaran’, calaamad rajo, iyo tusaale cad oo muujinaysa soo kabashada Soomaaliya .

“Qaar ka mid ah Ciyaartooyda heerka caalami ee Afrika ayaa dib ugu soo laabtay garoonka, iyagoo ciyaar taariikhi ah ku soo bandhigay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”, sidaasi waxaa qoray TRT Africa qeybteeda African’s Post.

“Kumanaan taageereyaal ah ayaa maanta oo Talaado ah isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, si ay u daawadaan ciyaartaas, waxaana ka dhex muuqday xiddigo hore oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Jay-Jay Okocha, Emmanuel Adebayor, Samuel Eto’o, iyo Vincent Onyeama iyo qaar kale, kuwaasoo la ciyaarayay koox ka mid ah xiddigihii hore ee Soomaaliya”.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya lagu qabto ciyaar heer sare ah tan iyo markii ay ka dilaaceen dagaaladii Sokeeye in ka badan 30 sano ka hor, waxaa loogu magacdaray Dalxiiska Nabadda iyo Halyeyga, waxaana ujeeddadiisu tahay in lagu muujiyo hamiga Soomaaliya ee ah in ay dib ugu soo laabato Masraxa kubadda Cagta caalamka, ayna muujinayso nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Wafuud ka kala socota FIFA iyo xiriirka kubadda cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa sidoo kale la filayaa inay dhawaan dalka yimaadaan”, ayay qoraalkeeda ku sheegtay. “Kulamada martigelinta ee ka dhacaya garoonka Muqdisho waxay sare u qaadayaan muuqaalkeenna kubbadda cagta,” ayuu yiri Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed, isaga oo xusay in joogitaanka Xiddigaha Caalamiga ah iyo Madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabay Soomaaliya ee dhanka Isboortiga.