Ganacsato Soomaali ah oo daneynaya in ay maalgashi ku sameeyaan Jabuuti

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Dalka Jabuuti iyo ganacsato Soomaali ah ayaa caasimadda dalkaasi ku soo gabagabeeyay shir looga hadlaayey sidii qurba-joogta Soomaalida ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen Dalka Jabuuti.

Kulankaasi oo ay soo abaabuleen Wasiirka Ganacsiga Jabuuti iyo Guddoomiyaha Rugta ganacsiga,waxaa ka qeybgalay 30 xubnood oo ka socday ganacsatada Soomaalida eek u dhaqan Dalka Mareykanka.

Wasiirka Ganacsiga Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye iyo Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Yuusuf Muuse Dawaali oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhoweeyay ganacsatada Soomaalida ah,iyagoo sharaxaad ka siiyay fursadaha shaqo ee ka bannaan dalkaasi jabuuti.

Qaar kamid ah ganacsatadasi oo iyaguna hadlay ayaa ka dalbadan dadka Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan Jabuuti,halkii ay dhaqaalahooda galin lahaayeen dalal kale.

Mas’uuliyiinta Ciidanka Boliiska oo Muqdisho ku yeeshay kulan la xiriiray amniga dalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir looga hadlay amniga la qaatay Hogaanada, Taliyaasha Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliska.

Kulankaasi oo lagu dhageystay warbixinno ka hadlaya amniga  dalka,waxaa la is-tusay in dardar horleh la galiyo dadaalada lau xoojinaayo soo celinta nabadda iyo xasilinta dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa saraakiisha amniga faray dhaqan gelinta qorshaha horumarinta Amniga,,isagoo ku baaqay in laga hortago falalka guracan ee kooxaha Khawaariijta ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Sami Abu Zuhri  ayaa sheegay in kooxda hubeysan ee Falastiin ay diidi doonaan soo jeedintii Mareykanka ee xabbad joojinta cusub ee Gaza iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha.

Mas’uulkan ka tirsan Xamaas ayaa xaqiijiyay in aysan ku qanacsaneyn soo jeedintaasi ,isla markaana ay ka maqan yihiin shuruudihii muhoiimka ahaa sida joojinta dagaalka  iyo qodobbo kale..

Hoggaanka dhaqdhaqaaqa ururka Xamaas ayaa daraaseynaya jawaabta ku habboon soo jeedinta mareykanka ee ay taageereen Israel,waxaana la filayaa in maanta ama berri ay soo baxaan jawaabo dhameystiran oo khuseeya go’aanka ururkaasi ee dhinaca xabad-joojinta cusub.

Illaa hadda si rasmi ah looma shaacin faahfaahinta hindisahan cusub,waxaana arrimaha ay doonayaan xamaas kamid ah in Israel ay joojiso dagaalka ay ku hayso Qaza, in ay ciidamada Israa’iil ka saarto dhulka go’doonsan iyo in gargaarku si xor ah u galo dhulka ay dagaalladu aafeeyeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo qaabbilay hoggaamiyaha Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada ku nool deegaanadda maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horreyn bogaadiyay dowlad goboleedka SSC-Khaatumo iyo shacabka deeganadaasi iyo sida ay muhiim u tahay dhameystirka maamulka khaatumo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay habdhowre ku-xigeenka golaha shacabka Xildhibaan Sahra Bundubte, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

Wasiirka howlaha guud oo kulan la yeeshay madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan la yeeshay madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradda iyo bangiga adduunka, iyadoo si gaar ah loo lafaguray horumarinta mashaariicda bangiga uu ka taageero Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada Nagaad iyo Shiib.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo hannaanka fulinta mashaariicda hadda socda, si waafaqsan qorshayaasha iyo jadwal sanadeedka ee horey loo dejiyey, iyadoo la dardargelinayo habraacyada hirgelinta si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda muddada dhow iyo tan fogba.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in la kordhiyo taageerada la xariirta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, sida waddooyinka, biyo-mareennada iyo mashaariicda horumarineed ee saldhigga u ah kobaca dhaqaale, horumarka bulshada iyo kor u qaadista isku xirnaanta gudaha dalka.

Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo yididiilo weyn oo ku aaddan sare u qaadidda iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya Wasaaradda hawlaha guud iyo bangiga adduunka, taas oo horseedi karta horumar la taaban karo oo dalka ka hirgala.

Golaha wasiirrada oo maanta ka hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ka gaareen guulo badan.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalkeenna iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta siyaasadda jaangoynta darajooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.

Toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan

Ciidanka geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kacdoonka shacabka ee macawiisleyda gobolka Hiiraan ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday fariisin ay khawaarijtu ku lahaayeen degaanka Ceel-dheere oo qiyaastii 8-km u jirta magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa lagu gaaray guulo la taaban karo, iyadoo la xaqiijiyay in laga dilay ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan khawaarijta.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah dedaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, waxaanu muujinayaa kartida iyo feejignaanta ciidanka xoogga dalka iyo shacabka deegaanka ee garabkooda ah.

Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Sahal Cabdullaahi, ayaa weli ku sugan furimaha hore ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka hoggaaminayaan abaabulka iyo qorsheynta howlgallada lagu xoreynayo guud ahaan deegaannada ay khawaarijtu kaga dhuumaaleysanayaan Hirshabeelle.

Waa kuma guddoomiye Muungaab?

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) u magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Guddoomiye Mungaab ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, asagoo soo noqday guddoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka Sida, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda.

Xasan Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale muddo dheer wuxuu ka soo shaqeeyay hay’adaha garsoorka dalka iyo safaaradda Soomaaliya ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Dhanka waxbarashada, waa sharciyaqaan shahaada sare ee PHD ka qaatay Jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan, iyadoo sidoo kale dhammaan heerar kala ee jaamacadahana uu ku qaatay isla dalkaasi Suudaan.

Mungaab wuxuu sidoo kale muddo dheer ka tirsanaa bahda waxbarashada isagoo qayb ku lahaa dib u soo noolaynta waxbarashada dalka burburkii ka dib.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa lagu xasuustaa inuu shaqooyin badan oo wax ku ool ah uu ka soo qabtay maxkamada ciidanka qalabka sida iyo gobalka Banaadir.

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay kulan ku saabsanaa qorshaha 7-aad ee horumarinta bulshada bariga Afrika (2026–2031)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Shire, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulan wadatashi oo laba cisho socday, kaas oo lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya ay uga qeyb qaadan lahayd diyaarinta Qorshaha 7-aad ee Horumarinta Bulshada Bariga Afrika (EAC Development Plan 2026–2031).

Kulankan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan hay’adaha dowladda ee khuseeya arrimaha horumarinta, waxaana si wadajir ah loogu gogol xaaray aragtida iyo mudnaanta ay Soomaaliya dooneyso in lagu daro qorshaha cusub ee Bariga Afrika.

Intii uu socday kulanka, hay’adaha dowladda waxay soo bandhigeen halbeegyo iyo hortabinno qaran oo la jaanqaadaya himilooyinka horumarineed ee Soomaaliya shanta sano ee soo socota.

Mas’uuliyiintii shirka ka qeybgalay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashi qaran iyo mid goboleed si Soomaaliya uga mid noqoto geeddi-socodka horumarineed ee Bariga Afrika.

SoDMA iyo QM oo yeeshay kulan looga hadlayay xaaladaha bini’aadannimo ee dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Muqdisho ku qabatay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalkeenna, waxaana si wadajir ah u guddoomiyay kulankaan Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey.

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxa OCHA Soomaaliya iyo xubno ka socday labada dhinac, iyo khubarrada farsamada ee SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhaqaale ee heysta howlaha gurmadka, gaar ahaan yareynta lacagaha deeq-bixiyaasha iyo baahida loo qabo in dib loogu qiimeeyo howlaha iyo adeegyada hortabinta leh iyo mashaariicda hadda socda.

Labada dhinac ayaa isla gartay in si dhow loo qiimeeyo sidii loo wajihi lahaa arintaan , iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada bani’aadannimo guud ahaan dalka.

SoDMA ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan bahwadaagta caalamiga ah si loo dhiso nidaam bani’aadannimo oo waxtar leh, lana tacaali kara xaaladaha adag ee bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.