Ciidamada Daraawiishta Puntland oo la wareegay fariisinkii ugu weynaa ee Khawaarijta Daacish

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Taliskii Miiraale oo ahaa fariisinkii ugu dambeeyay ee ay ku dhuumaalaysanayeen Kooxda argagixisada ee Daacish.

Ciidamada ayaan dhowr jiho oo kala duwan oo dhul iyo cirba leh ka weerarat Miiraale oo ahayd Taliska ugu weyn ee ay Kooxda Dhiig Miiratada ah ee Daacish ku lahayd Buuralayda Calmiskaad ee Gobalka Bari.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda amniga maamulka Puntland ayaa lagu yiru “Allaahu Akbar, Ciidanku wuxuu la wareegay taliskii firxadkii Argagixisada Daacish ee Togga Miiraale, Ceelashii xarunta u ahaa kii u danbeeyayna hadda laqabtay, Hawlgalku waa Cir & Dhul, Wejigii 3-aad ee hawlgalka ayaa Guul kusoo dhammaaday”.

Qabashada taliska Miiraale ee Ciidmada Daraawiishta Puntland waxay moneys gebagebada iyo afjarka Kooxdii Sanooyinka kala duwan dhibaatada iyo Hagardaamada ku haysay bulshada Soomaaliyeed.

   

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Hon Mohamoud Adan Geesood, ayaa ka qeyb-galay Shirka meertada 46-aad ee Golaha qeybaha Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga (SCTIFI), kaasoo socday intii u dhaxeysay 26-kii illaa 30-kii May 2025 xarunta EAC ee Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, iyadoo la raacayo qorshaha jadwal sanadedka ee Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka ayaa lagu qabtay saddex kalfadhi oo heerar kala duwan oo ay ka soo bilowdeen Madax sare oo heer farsamo ah, waxaana ku xigay Xoghayayaasha Joogtada ah iyo Agaasimeyaasha Guud, waxaana lagu soo gabagabeeyay heerka Wasiirada EAC, sido kale Goluhu wuxuu diiradda saaray kobcinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada ganacsiga, warshadaha, maaliyadda, iyo maalgashiga  Bariga Afrika.

Intii uu kulanka socday ayaa Soomaaliya waxa ay soo bandhigtay xog-wareysi heer qaran ah, iyadoo lagu faah faahiyay horumarka laga gaaray hirgelinta Roadmap-ka EAC, waxaana lagu soo bandhigay guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray qorshaha dib u habeynta ganacsiga, Ka-qaybgalkaani waxa uu calaamadeeyay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta, iskaashiga ee dalalka xubnaha ka ah EAC.

  

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Yemen Amb. Mustafa Al-nucmaan.

Danjiraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda.

Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhoweynta uu u sameeyay isagoo u ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal.

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo hawlgalka lagu cirib tirayo khawaarijta,xildhibaan Buraale ayaa isagoo furimaha hore ee dagaalka ku sugan bogaadiyey doorka ay dagaalka ka qaateen Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo ciidanka deegaanka macawisleyda gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Buraale ayaa sheegay in khawaarijta daciifeen iyagoo hadda maraya in ay afduubtaan hablaha taas oo muujinaysa awood darida ay wajahayaan” Khawaarijta waxa nacday bulshada Soomaaliyeed si gaar ah bulshada gobolka Hiiraan” ayuu yiri xildhibaan Buraale.

Dhinaca kale Xildhibaan Buraale ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in la fashiliyey qorshe khawaarijtu soo degtay” Khawaarijtu waxay soo dageen qorshe ay culays dagaal ku saarayaan Hiiraan siiba degmada Moqokori,damacaas waxa fashiliyey geesiyaasheena oo difaacay sharafta deegaankooda”.

Ugu dambayn Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey doorka garab istaaga ee uu la garab istaagay Ciidanka deegaanka macawisleyda oo door muhiim ah ka geystay dabar goynta Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Odaw Yusuf Rage, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Talyaaniga, General Luciano Portolano, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada labada dal. Taliyaha CXDS ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan dhanka tababarka iyo tayeynta ciidanka.

Kulanku wuxuu muujinayay muhiimadda iskaashi dhow oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga si loo xoojiyo amniga iyo nabadda dalka.

Shir looga hadlayo qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, kaasi oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta hwolaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hay’adaha Kala duwan ee dowladda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha & Hay’adaha ka shaqaynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.

        

Soomaaliya oo Markii Ugu Horraysay Ku Guuleysatay Xubinimada Golaha Fulinta ee UN-Habitat

Nairobi:-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay in si rasmi ah xubin uga noqoto Golaha Fulinta ee Hay’adda UN-Habitat, taas oo ah guul taariikhi ah oo ka tarjumeysa horumarka siyaasadeed iyo dib u soo kabashada hay’adaha dowladnimo ee dalka.

Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Soomaaliya, Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa ku guuleystay in Soomaaliya si rasmi ah loogu doorto xubinnimada Golaha Fulinta ee UN-Habitat, iyadoo muddo afar sano ah ay ku jiri doonto xilkan muhiimka ah.

Xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Fulinta waxay muujinaysaa kalsoonida beesha caalamku ay ku qabto dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska magaalooyinka, iyo sidii Soomaaliya cod muuqda uga yeelan lahayd fagaarayaasha caalamiga ah.

Dr. Elmi Mahamoud Nur, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta, ayaa door muuqda ka qaatay sidii loo xaqiijin lahaa guushan. Waxa uu si hagar la’aan ah ugu dadaalay sidii Soomaaliya u noqon lahayd xubin buuxda oo matasha danaha dalka ee Golaha Fulinta ee UN-Habitat, kaas oo mar kasta afartii sano la cusboonaysiin karo.

Guushan waa mid ay wada leeyihiin Wasaaradda Hawlaha Guud, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay caddeyn u tahay dadaalka lagu bixinayo dhismaha dowladnimada, horumarka magaalooyinka, iyo ka qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya ee hay’adaha caalamiga ah.

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa maanta gargaar loogu tala-galay shacabka saameenta ka soo gaartay dagaalada khawaarijta lagula jiro ee ka socda deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay u dirtay 10-gaari oo sida shixnad raashin ah.

Gargaarkaan ayaa si gaar ah ugu wajahan deegaanka lamabar-50 iyo tuulooyinka ku xeeran, waxaana Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Lix kun (6,000) oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyaha deegaanka Lambar Konton iyo Iskuduwaha gargaarka gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha SoDMA oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka tabaalaysan ee cadowga deeganadoodii iyo beerahoodii ka soo barakiciyay, waxaana uu u mahadnaqay dowladda Shiinaha oo dhawaan gargaarkaan dalkeenna keentay.

   

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka difaaca Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga, General Luciano Portolano, iyo wafdi uu hogaaminayay oo uu ka mid yahay, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Danjire Pier Daccò Coppi.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, kor u qaadidda tayada iyo tababarada. Ciidamada Xoogga Dalka (CXD), iyo adkeynta taageerada joogtada ah ee Dowladda Talyaanigu ay ka qaadato dagaalka ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

  

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho u magacaabey Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon Samuel Eto’o iyo cayaaryahano kale oo caan ah oo ka soo jeeda qaaradda Africa.

3- Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaga dooday xaaladda amniga guud ee dalka iyo guulaha laga soo hoyay hawlgallada dalka looga xorreynayo Khawaarijta ee ay horkacayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska ,ehellada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah ha u naxariistee S/Guuto Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, taas oo dhex martay halyeeyadii hore ee xulka Qaranka iyo kuwa Qaaradda Afrika oo ay ka mid ahaayeen Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha iyo Emmanuel Adebayor.

6- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, isagoo sheegay in wasaaraddani ay tusaale u tahay isku tashiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha dowladda.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu hawlgelinayey Hey’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha ee (SARIS).

9- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan. Sheekh Faarax ayaa furay kulanka daabacaadda labaad ee warbixinta Oddoroska Dhaqaalaha Soomaaliya.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaablisan Soomaaliya, James Swan, iyagoo ka wadahadley geeddi-socodka Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

11- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Md. Wang Yu.

12- Agaasimaha Hey’adda Nabadsugidda (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xogga Dalka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen odayaasha dhaqanka ee degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, iyagoo kala hadlay Dardar-gelinta dagaalka.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa nuqulka warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Midowday (UK) u fadhin doona Soomaaliya Amb. Charles King.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Dacco Coppi, waxaana kulankaasi diiradda lagu saraay iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee labada dal.

15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shir guddoomiyey kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Federaalka ah.

16- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qayb galey shir ay bulshada kaas oo jeedda degaannada Somaliland uga doodayeen dhameystirka dastuurka.

17- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay aqoonyahannada iyo haldoorka ka soo jeeda gobollada Sanaag iyo Bari ee ku sugan Muqdisho.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al Caddaala) ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Mudane Burhanettin Duran

20- Wasir Dowlaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maryam Maxamed Xasan Mohamed ayaa ka qayb-gashay munaasabad lagu xusayey sannad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Isbitaalka Madiina.

21- Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda (NISA) Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ee aagga degmada Aadan Yabaal.

22- Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo halkaa laga bilaabi doona diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

23- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca ee dalka Masar, S/Gaas Cabdulmajiid Saqar ayaa khadka teleefoonka ku wada hadlay, iyagoo ka wada hadlay ciidamada Masar ee qeybta ka ah hawgalka cusub ee AUSSOM.

24- Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibedda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in gogosha uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay qeyb ka yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukuntay.

25- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qayb galay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka (WOAH) oo lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

26- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan in uu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan kubadda cagta oo horay Xulka Qaranka Soomaaliya u soo cayaaray.

27- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ay dagaal adag kula jiraan Khawaarijta.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya.

29- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

30- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada Iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noq-noqda.

31- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dalka Tanzania Ugu qeybgaley shirka madaxda baarlamanka dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika.

32- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa qaabilay Wasiirka Caafimaadka ee Dawlad Goboleedka Khaatumo Dr. Yuusuf Saleebaan.

33- Wasiir Ku-Xigeenka Beeraha iyo Waraabka Marwo Sahra Yuusuf Cige ayaa dalka Brazil ugu qeyb-gashay Shirka 2-aad ee wadahadalada u dhexeeya Brazil iyo Afrika ee looga hadlayay Sugnaanta Cuntada, La Dagaalanka Gaajada iyo Horumarinta Miyiga.

 

 

===========DHAMMAAD==========