Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku howlana wadatashiyo gaar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururada siyaasadda, iyo bulshada rayidka.

Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.

Iyadoo oo la tixgelinayo, muhiimadda ay leedahay wadatashiyo dhab ah oo ku dhisan xeelinta danta guud, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa kulammo loogu gogol xaaryo shirkaan isla markaana diiradda lagu saaray arrimaha hortabinta u leh dawladda dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada, Dimuqraadiyanta iyo Doorashooyinka, Dhammeytstirka Dastuurka, Midnimada iyo Dhab-u-heshiinta.

Haddaba waxaa laga codsanayaa siyaasinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalรญn mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dawladnimadeena ayna soo ajiibaan casuummadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.

Arrimaha farsamada ee gogoshaa iyo wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka howlgalaya oo lagala xiriirayaa guddi gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.

 

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐Ÿ๐š-๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayay Raโ€™iisul Wasaare ,Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta amniga ee guud ahaan dalka, isku-dubaridka heyโ€™adaha amniga, doorka bulshada ee xoojinta xasilloonida iyo diyaar-garowga Qaranka ee munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo u diyaar garowga imtixaanka shahaadiga ah.

Golaha, ayaa guul taariikhi ah oo ay gaartay Soomaaliya ku tilmaamay ka mid noqoshada Heyโ€™adda Qaramada Midoobey ee horumarinta magaalooyinka iyo deegaanka ee (UN-HABITAT).

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub oo lagu dhisayo hayโ€™ad u gaar ah ilaalinta badqabka kalluunka iyo sugnaanta cuntada ee dalka Soomaaliya.

Xeerkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo habraacyada iyo nidaamyada lagu maamulayo kheyraadka kalluunka, si loo hubiyo in kalluunka la helo uu yahay mid tayo leh, caafimaad qaba, islamarkaana ku habboon suuqyada gudaha iyo dibadda. Hayโ€™adan cusub ayaa kaalin mug leh ka qaadan doonta ilaalinta badqabka kalluunka, iyada oo sare u qaadaysa kalsoonida macaamiisha iyo ganacsatada.

Xeerkani wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa suuqgaynta kalluunka Soomaaliyeed, dhoofintiisa, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Soomaaliya oo hodan ku ah khayraadka badda ayaa fursad weyn u leh in ay ka faaโ€™iideysato suuqyada caalamiga ah ee kalluunka, iyadoo hayโ€™ada dhowrista badqabka kalluunka ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta iyo tayeynta dhoofka kalluunka. Tani waxay horseedi doontaa in dhoofka kalluunka uu noqdo mid xeer iyo sharci ku saleysan, laguna kalsoonaan karo, taasoo kor u qaadi doonta sumcadda kalluunka Soomaaliyeed iyo dakhliga laga helo.

Guud ahaan, xeerkan cusub ayaa dhiirrigelinaya kobaca dhaqaalaha dalka ee kasoo xaroon doona dhoofka kalluunka, isagoo abuuraya jawi ganacsi oo sharciyeysan, hufan, isla markaana ilaalinaya badqabka cuntada. Hayโ€™adan dhowrista badqabka kalluunka ayaa sidoo kale la filayaa inay kor u qaado xirfadaha shaqaalaha kalluumaysiga iyo maamulka, isla markaana gacan ka geysato ilaalinta deegaanka badda, si kalluunka Soomaaliyeed uu mustaqbalka u noqdo mid waara oo faaโ€™iido badan u leh bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay awgeed.

Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Agaasimaha Heyโ€™adda NISA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Heyโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Agaasimaha Heyโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Heyโ€™adda NISA.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee heyโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

Hiiraan:-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wareejisay seddax Gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah maamulka Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

Gawaaridan, oo laga soo iibiyey mashruuca Damal Caafimaad, isla markaana ay fududeysay Heyโ€™adda Save the Children ayaa loogu talagalay inay kor u qaadaan tayada adeegyada Caafimaadka ee Gobolka.

Wasaaradda Caafimaadka waxay gacanta ku haysaa 60 xaruumo Caafimaad oo ay ka mid yihiin Isbitaalka weyn ee Gobolka Hiiraan iyo Isbitaalada degmooyinka Matabaan, Buuloburde, Jalalaqsi, Maxaas, iyo Moqokori, kuwaas oo dhammaantood bixiya adeegyo Caafimaad oo bilaash ah.

Adeegyada Caafimaadka ee gobolka waxaa ka shaqeeya in ka badan 500 shaqaale, oo ay ka mid yihiin dhaqaatiir, kalkaaliyaal, umulisooyin, iyo shaqaale kale oo muhiim ah, sanadkii la soo dhaafay, in ka badan 1,300,000 qof oo isugu jira caruur, haween, waayeel, barakacayaal, iyo reer guuraa ayaa ka faaโ€™iideystay adeegyada bilaashka ah ee gobolka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay mar walba ka shaqeynaysaa sidii loo gaarsiin lahaa adeegyo caafimaad oo loo wada siman yahay, loona horumarin lahaa tayada adeegyada caafimaadka, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa isla xisaabtanka hawlaha Caafimaad.

 

ย ย ย 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka Taleefanka kula galay Madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip ErdoฤŸan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga miro-dhalka dadaallada nabadda iyo wada-hadalka ee ku aaddan PKK, isagoo bogaadiyey doorka firfircoon ee dowladda Turkiga ay ka qaadato taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip ErdoฤŸan ayaa mar kale adkeeyey in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, iyadoo mudnaanta siinaysa mashaariicda horumarineed iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo kormeeray goobaha cod-bixinta loo diyaariyay

Masโ€™uuliyiin ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorasooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta kormeeray gonna loo diyaari yay in lagu qabto diiwaangelinta cod-bixiyaasha.

Yuusuf Abduqaadir Mohamed iyo Mohamed Abdirahmaan oo kamid ah Gudiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa ujeedka kormeeekooda ahaa sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda goobaha loo diyaariyay codbixiyaasha deegaannada Koonfur Galbeed iyo Shaqada ka socota.

Madaxa Xafiiska Guddiga Doorashooyinka ee Koonfur Galbeed Cali Muse Maracade, Agaasimaha saadka xafiiska guddiga Doorashooyinka KG iyo Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Baydhabo ayaa Kormeerka ku wehlinayey Xubanaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka.

ย ย ย ย ย ย ย 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo loo doortay Wasiirka Maaliyadda Afrika ee 2025

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa loo doortay Wasiirka Maaliyadda ee Afrika 2025 ee ay bixiso African Leadership Magazine kadib codeyn dhanka online ka ah.

Cod-Bixintan oo ay ku tartamayeen Wasiirada Maaliyadda dalalka kala ah Somalia, Senegal, South Sudan, Egypt iyo Zimbabwe ayaa ugu dambeyn waxaa ku guulaysaty Soomaaliya, taas oo muujinaysa awoodda ay bulshada Soomaaliyeed ku leeyihiin baraha bulshada, sidoo kale Abaalmarintan waxay tilmaamaysaa hoggaankiisa hufan ee dib-u-habaynta maaliyadda, deyn cafinta iyo daahfurnaanta dhaqaalaha Soomaaliya ee uu muujiyay Wasiirka Maaliyadda XFS.

Wasiirku waxaa si rasmi ah loogu sharfayaa munaasabadda ABLA ee ka dhici doonta Africa Summit London 2025 bisha July.

Dhinaca kale masuulyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ay ugu horreeyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqoow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda ayaa hambalyo u diray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige

Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya oo booqasho sharafeed ku tegtay Safaaradda Soomaaliyau ee Kenya

Nairobi:- ย Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku qaabilay Danjire Ms. Namgya Khampa, oo ah Safiirka Safaaradda India u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya ee xilka ka degaysa, taasi oo booqasho sharafeed ugu tegtay Safiirka.

Labada Masโ€™uul ayaa ka wada hadlay xoojinta danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal, muhiimadda ay leedahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo India.

โ€œAnigoo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliya, waxaan u rajaynayaa Danjire Ms. Namgya Khampa mustaqbal wanaagsan, waxaana uga mahad-celinayaa dedaalka ay muujisay muddadii ay shaqada ku jirtay.โ€ Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay dadaal badan ku bixisay sare u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo India.