Guddoomiyaha aqalka sare oo la kulmay guddoomiyaha golaha federaalka ee Baarlamaanka Ruushka

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Ruushka ee Moscow, Intii ay halkaas ku sugnaayeen, waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka, Marwo Valentina Matvienko. Kulankaas ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo dhisidda iskaashi dhow oo dhex mara Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo Golaha Federaalka ee Ruushka.

Guddoomiye Valentina Matvienko ayaa carrabka ku adkaysay in dowladda Ruushka ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin inay taageero ka siiyaan dhinacyada milatariga, waxbarashada, tababarka ciidamada, iyo kaalmada bini’aadantinimo.

Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka uu yahay mid soo jireen ah oo bilowday sanadkii 1964, afar sano kadib markii Soomaaliya ay xornimada qaadatay. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee dowladdii Midowga Sofiyeet ay ka qaadatay gurmadkii abaartii 1974–1975, iyadoo la soo diray gargaar bani’aadanimo iyo diyaarado lagu badbaadinayay dadkii ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Marwo Valentina Matvienko soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhisto xiriir wanaagsan oo joogto ah la leh dowladda Ruushka iyo Baarlamaanka Federaalka ee dalkaas.

   

Dhagarqabe ka tirsaa Khawaarijta oo iska soo dhiibay Koofur Galbeed

Baydhabo: Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan deegaanka Burjaad ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Buubaay Ganuun Salaad, oo ka tirsanaa horjoogayaasha kooxda Khawaarijta.

Buubaay ayaa isku soo dhiibay isagoo wata qori nooca AK-47 ah iyo booshkiisii, kaddib markii uu sheegay in uusan u dulqaadan karin dhibaatada iyo cadaadiska ay kooxda Khawaarijtu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa soo dhaweeyay go’aankiisa, iyagoo ku boorriyay xubnaha kale ee Khawaarijta in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee dowladda.

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa guddoomiyey kulan gaar oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday hay’adda United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS).

Qodobbada shirka diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa:

Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Amniga iyo UNTMIS, dardar gelinta qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya, iyo horumarinta hannaan wadajir ah oo lagu daba-galo horumarka amniga.

Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahadceliyay UNTMIS iyo saaxiibada caalamiga ah taageeradooda joogtada ah, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo isfahamka dhanka amniga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo amni waara.

      

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo cisho ah oo looga hadlayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah ku qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha ammaanka heer federaal iyo kuwa mamulada dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah hay’adaha caalamiga ah ee dhanka ammaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Amniga gudaha Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeyb gashay.

Wasiirrada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee shirka ka hadashay ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ay uga wada shaqeyn lahaayeen dajinta qorshaha istiraatiijiyadda 2025-2030, sidoo kale waxay masuuliyiintu isku raaceen in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa hubka iyo rasaasta sharci darrada ah iyo qaraxyada la farsameeyo.

         

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xaqiijisay muddadii ay shaqaynaysay guulo wax ku ool ah oo la xiriira dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulahaasi lagu gaaray iskaashiga iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. isaga oo ku amaanay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ku leeyahay nabadda iyo isku soo dhawaynta gobolka gaar ahaan ummadd Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

 

Galmudug oo laga daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka tooska ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug kaga qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta deegaannada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne QoorQoor oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa si rasmi ah u daah furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filaayo inay ka dhacaan guud ahaan dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo bulshada Caasimadda Dhuusamarreeb.

 

Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia

Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia.

Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka qeyb galay shirka fududeynta adeegga Xajka

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga uga qeyb galay shir looga hadlay fududeenta adeegyada Xajka.

Shirkaan uu shir Guddoominayey Wasiirka Xajka iyo Cimrada Boqortooyada Sacuudiga Dr Towfiiq Al-Rabiic waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Diinta ee dalalka Islaamka, inta uu socday shirka waxaa looga dooday qaabka ugu sahlan ee loo fududeen karo adeegyada Xajka, sida Caafimaad, Warbaahinta iyo kor u qaadida wacyigalinta Xujayda.

Dowladda Sacuudiga ayaa balan qaaday inay fududeen doonaan adeegyada Xujayda inta ay ku jiraan acmaasha Xajka.
      

Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu

Kisumu:-  Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle oo ay wehliyaan Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Cabdullahi Siyaat iyo u qaybsamaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Sareeye Gaas Maxamed Bariise ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Kisumu. Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah isla markaana looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Jaaliyadda iyo safaraadda, iyo sidii loogu fududeyn lahaa Jaaliyadda adeegyada ay u baahan yihiin.

Magaalada Kisumu oo ku taal galbeedka dalka Kenya, isla markaana uu maro wabijga ama harada weyn ee loo yaqaano Victoria ayaa ah Caasimadda Ismaamulka Gobolka Kisumu, waana magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Kenya. Kisumu ayaa sidoo kale ah caasimadii hore ee Gobolka Nyanza.

Magaalada Kisumu waxaa ku ganacsada Soomaali degaan ka dhigatay halkaas muddo haatan laga joogo100 sano, inkasta oo dadka Soomaalida ee ugu badan ee ku dhaqan magaaladaas ay yimaadeen Magaalada Kisumu horaantii 1990-kii.

Laga soo bilaabo xiligaas waxaa degaankaas ay soo dhaweysay oo ay marti galisay Soomaali aad u badan. Dadka Soomaaliyeed ayaa sanadkii 1996 ka dhisay Magaalada Kisumu suuqii ugu horeeyay oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Suuqa Soomaalida ayaa ah mid ay ka duukeeystaan dadka ku nool gobolka ismaamulka Kizumu. Waxaa sidoo kale suuqa aad u isticmaalo gobolada ku xeendaaban gobolka Kizumu.

Dadka Soomaaliyeed ayaa sameeyo ganacsiga la isaga gudbo dalalka Uganda iyo Kenya. Waxa ay Magaalada Kisumu iyo nawaaxigeeda ku leeyihiin in ka badan 30 Kaalimo Shidaal ah.

Ganacsatada Soomaalida ayaa ah kuwa xushmo iyo Sharaf ku haysta Magaalada Kisumu, iyaga oo shaqaaleysiiyay kumanaan Kenyaan ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Maxamuud Maxamed Hiish oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo mas’uul Soomaaloyeed oo ka socda Dowlad Soomaaliyeed uu soo booqda dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kizumu.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadashay Xildhibaan Soomaaliyeed oo laga soo doorto golaha deegaanka Kisumu, Marwa Farxiya Ciid, iyada oo amaantay hogaanka Jaaliyadda midnimada iyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kisumu.

Waxaa kalmad soo dhaweyn iyo dardaaran isugu jirta ka jeediyay kulanka Ganacsade Yuusuf Cabdi Madaale oo ka mida aas-aasayaasha Jaaliyada Soomaaliya ee Kisumu.

Jaaliyada ayaa u sheegtay Danjire Jabriil inay jiraan dhibaatooyin la soo darsa dad tahriibayaal oo ka soo gudbo xadka Uganda iyo Kenya, iyaga oo aanan haysan waraaqaha aqoonsiga ama visaha dal galka kuwaas oo Mararka qaar ku raaga xabsiyada. Danjire Jabriil ayaa balan qaaday in arintaan uu kala hadli doono madaxda gobolka iyo tan dowlada Dhexe intuba.

Danjire Jabriil ayaa warbixin buuxda ka siiyay Jaaliyadda Horumarka uu dalka Soomaaliya sameeyay iyo guud ahaan xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaana la isla gartay in Jaaliyadda iyo Safaaradda sy ka wada shaqeeyaan danaha dadka Soomaaliyeed.

“Runtii sharaf ayaa ku leedihiin Gobalkan, waana waxa aad kasbateen, Safaaraddu waxa ay diyaar idinla tahay inay idinka caawiso waxkasta oo aad uga baahataan”.ayuu yiri Danjire Jabril.
    

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaas oo uu ku tagayo casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxwaynaha Dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dalka Jabuuti, ayaa kawada hadli doona arrimo ay kamid yihiin;
Amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada Dalka iyo dadkaba.