Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho rasmi ay ku jooga Boqortooyada Sacuudiga, ayaa magaalada Makkah wadahadal kula yeeshay Wasiirka Warfaafinta ee Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Salman bin Yousef Al-Dosari.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo dhiggiisa Mudane Salman bin Yousef Al-Dosari ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dad ee dhanka Warbaahinta iyo isdhaafsiga khibradaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo booqday masajidka cathedralka ee Moscow

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, ayaa booqday maanta masajidka cathedralka ee Moscow, waxaana ku soo dhaweeyay imaamka iyo khadiibka masajidka Mudane Ildar Galeev.

Guddoomiyaha iyo xubnaha safarkiisa shaqo ku wahelinaayey waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masjidka isla markaana uga mahadceliyay imaanka sida wanagsan ee milgalaha leh ee ay u soo dhaweyeen maamulka masjidka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kula dardaarmay maamulka masjidka sidii dadka loogu soo bandhigi lahaa wanaagga ay leedahay diinta islaamka isla markaana loo bari lahaa bulsho weynta Ruushka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay ururrada bulshada rayidka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa horudhac u ah gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay 15ka Juun 2025.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay door muuqda ku yeeshaan qaabaynta mustaqbalka dalka.

“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda.”

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay wadatashi dhab ah oo ku dhisan xeerinta danta guud, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu sii wadi doono kulammada isdaba-joogga ah ee uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sii xoojiyo isu diyaarinta gogosha.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhiska dalka, sida hannaanka federaalka, dastuurka, doorashooyinka, iyo amniga.

 

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Geneva uga qaybgalaya shirweynaha shaqaalaha caalamiga ah ee ILO

Geneva : Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeybgalaya Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah ee socon doona inta u dhaxaysa 2-da ilaa 14-ka June 2025.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labor Organisation) ayaa waxaa isugu yimid Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo wufuudda dawladaha ee ka kala socda 187-da dawladood ee xubnaha ka ah ILO, waxaa lagaga hadlaya arrimo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan: mabaadi’da aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqada, ilaalinta khataraha noolaha ee deegaanka shaqada, shaqo hufan iyo daryeelka bulshada.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS ayaa ah wafdi sedex-geesood ah (Dowladda, wakiilada Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha), wuxuuna Wasiirka shirar gaar ah la yeelan doonaa Wasiirada dhiggiisa ee kasoo qeyb-galeya shirka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa khudbad ka jeedin doono shirka oo ku saabsan sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhaqangellinta heerarka shaqo ee caalamiga ah iyo horumarinta xaaladaha shaqada iyo ilaalinta bulshad.

    

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta oo ahayd halkii lagu soo unkay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid ah magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirka sanadkii 2000, halkaas oo laga hirgeliyey madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka weyn ee ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey dhismaha madxafka lagu keydiyey taariikhda shirka uu lahaa, si jiilasha soo socda ay ugu noqoto raad ay ku heli karaan taariikhdii uu shirkaas lahaa.

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee maareynta hubka, rasaasta, iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

-Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku fuliyaan iyo kuwa ka cilladooba, isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, mid cusubna saari jiray, si tixraac aysan ugu sameyn hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayay aragixisada.

Dhagarihii uu ka qeyb qaatay waxaa kamid ah qaraxii Zoobbe 2 oo dhacay 29-kii oktoobar 2022, kaasi oo loo adeegsaday mooto kuwa xamuulka qaada ah oo farsameynteeda uu lahaa, sidoo kale qaraxyo ka dhacay SYL, Beach View ayuu ka qeyb qaatay.

Eedeysane Cabdinaasir oo hoostagayay horjooge lagu magacaabo Khaalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari noha ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa khawaarijnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa Argagaxisada.

Waxa uu la shaqeeyay xukunsanayaal ku jira xabsi dhexe iyo kuwa lagu dilay Xabsiga, ka dib markii ay isku dayeen iyaggoo dagaalamaya inay baxsadaan Sanadkii 2024.

Horjoogahaan, ayaa gacanta ciidamada amniga soo galay 19-kii septembar ee 2024, iyadoo lagu soo qabtay gawaari loo diyaarinayey in loo adeegsado qaraxyo.

Maaddeey Cabdi Xuseen oo makaaniknimo ku shaqeysta ayaa xiriirka argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya barrow Shabeelada hoose, si uu khawaarijta ugu farsameeyo seddex gaari oo ka ciladeysnaa, waxaana uu horey usii watay Ciise Maaddeey Cabdi Xuseen.

Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iyaggoo wata $400 dollar oo khawaarijtu ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise.

Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo hore tiro laba jeer ah loo soo xiray ayaa lagu soo eedeyay inuu kala gudbin jiray dadka u dacwooda Khawaarijta iyo inuu ka iibsan rabay argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

– Cabdinaasir Maxamed Xasan ayey .maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in.

– Maaddeey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi argagixiso ah.

– Ciisa Maaddeey Cabdi Xuseen ayaa isna lagu xukumay hal sano oo Xabsi Argagixiso ah.

– Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq ay maxkamaddu dib u siisay xoriyadiisa, kadib markii lagu waayey eedii loo heystay.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha Xajka ma’suuliyiinta dalka Sacuudiga lagu daray luuqada Soomaaliga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ballaaran ee ay xujeyda Soomaaliyeed u leedahay in lagu soo kordhiyo khudbadaha halkaasi laga jeedin doona luqadda Soomaaliga si ay u fahmaan xujeyda Soomaaliyeed.

Mudane, Rooboow oo magaalada Makkah ee dalka Sacuudiga kula hadlay shirkadaha Xajka ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Xajku yahay cibaado ay tahay in loo qabto si ixtiraam, dulqaad iyo si adeeg wanaagsan leh.

Wasiirka wuxuu ku dhiirrigeliyay shirkadaha in ay xoogga saaraan badbaadada iyo daryeelka xujeyda, fulinta jadwalka raridda si waqtiyeysan iyo ka shaqeynta sumcadda wanaagsan ee Soomaaliya.

Dr. Khadar Daahir Suleymaan oo ka mid ah madaxda shirkadaha Xajka ayaa sheegay in ay xoojinayaan dhanka farsamada ee fulinta howlaha raridda xujeyda, qorshaha isuduwidda safarrada xujeyda inta u dhaxeysa Maka, Mina, Carafa, ka hortagga ciriiriga, isdhexyaaca, la shaqeynta maamulka Sacuudiga iyo la socodka nidaamka cusub ee elektaroonigga ah ee la adeegsanayo sanadkan.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in la sameynayo nidaam lagu qiimeeyo waxqabadka shirkadaha, lagana hortagayo wixii cabasho ah ee horey uga imaan jiray howlaha Xajka.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Ruushka ayaa booqday daljirka daahsoon dhigayna ubax kaas oo ku yaalla darbiga Kremlin-ka caasimadda Ruushka una taagan astaan xusuus iyo ixtiraam loo hayo askartii geeryootay.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha golaha Federaalka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka Marwo Valentino Matvienko waxayna ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka soo jireenka ee labada dal iyo dhisidda xiriir wada shaqayneed oo dhax mara Aqalka Sare iyo Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Dowladda Ruushka.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, Inta ay ku suganyihiin dalka Ruushka waxay sii wadi doonan kulamada ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dowlada Ruushka iyo booqashooyinka goobaha taariikhiga ah.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ah labo dowladood oo uu ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, kaas oo soo jiray qarniyo badan.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal  khadka taleefanka la yeeshay Amiirka dowladda Qatar Amiir Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo qadyadaha caalamiga ah ee hadda taagan.

Qatar waxa ay ka mid tahay dowladaha carbeed ee calaaqaadka wanaagsan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo qayb ah dadaalada dib u kabashada Soomaaliya.