Horjoogayaal ka tirsanaa khawaarijta oo maanta la xukumay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xabsi daa’in ku ridday Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqarre”, ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray in ay ku biiraan kooxaha nabad-diidka iyo marin habaabin carruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.

Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo sargaal xigeen ka ahaa ciidanka xoogga dalka ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray khawaarijta, kadib tashkiilinta abtigiis Cabdisalaan Daqarre oo hooyadii la ahaa ilmo adeer.

Eedeysane Wadne ayaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta caasimada gawaarida qaraxyada lagu diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada ciidamada amniga, iyagoo xitaa raran, madaama uu heystay aqoonsi ciidan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare xabsi daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne), isna lagu xukumay afar sano oo xabsi argagaxiso ah, sida uu warbaahinta u sheegay gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Malaayiin muslimiin ah oo maanta taagan banka Carrafo

Carrafo-In ka badan 2-milyan oo xujey ah kana kala timid daafaha caalamka ayaa maanta taagan Banka Carafo oo ka mid ah Rukniyada waawayn ee Xajka.

Xuxeyda Soomaaliyeed ayaa xalay si nabad ah ku gaaray Carrafa, iyadoo ay maamulka xajka kaalin weyn ka qaadanayso wasaaradda awqaafta XFS iyo mas’uuliyiinta xamlooyinka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska bixinta adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed ayaa xujeyda faray in ay ka gaashaantaan kulayl fara badan oo la filayo in maalmaha soo socda uu jiri doono halkaas inta u dhexeysa 10-ka subaxnimo illaa 4-ta galabnimo, sidaa awgeedna loo baahan yahay in ay qaataan dallaayado, cabbaan biyo badan, kana soo bixin khaymadahooda.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Islaamka XFS ayaa dedaallo fara badan ku bixisay in ay xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeegyada ka wanaagsan kuwii hore, iyadoo u diyaarisay tala bixiyayaal iyo guddiyo farsamo oo kala duwan.

Guddoomiyaha aqalka sare oo ka qaybgalay fadhiga aqalka sare ee Ruushka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo wali ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka ayaa maanta ka qayb galay kulanka guud 591aad ee golaha Federaalka (Aqalka Sare) ee dowladda Ruushka.

Guddoomiyaha oo maanta khudbad ka jeediyey kulanka ayuu kaga hadlay adkaynta labada Baarlamaan iyo kan labada dal ay leeyihiin, isagoo si kooban u sheegay taariikhda xidhiidhkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Midowga Sofiyeet. Sidoo kalena Guddoomiyuhu wuxuu xusay sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhka wanaagsan oo ay wada lahaayeen labada dowladood isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay wada shaqaynta kor u qaadida xidhiidh wax ku ool ah oo ay la yeelato Dowladda Ruushka iyo in labada Baarlamaan isdhaafsadaan guddi saaxiibtinimo si looga wada faa’iidaysto khibradaha, shaqooyinka iyo dajinta-sharci ay wadaagaan.

Dhanka kale Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Ruushka in ay ka cafisay lacag boqolaal milyan oo ay ku lahayd Soomaaliya ayna muujinayso mowqif saaxiibtinimo iyo sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Marwo Valentino Metvienko casuumadda qiimaha badan leh isla markaana ay sharaf u tahay in maanta uu hor taaganyahay golaha Federaalka (Aqalka Sare) ayna tahay talaabo wanaagsan oo u horseedi karta in labada Baarlamaan xidhiidh toos ah oo wada shaqayneed yeesheen.

      

Fasaxa maalmaha ciidda Carafo

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay dhammaan shaqaalaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ku wargelinaysaa inay yihiin fasax rasmi ah oo saddex maalmood ah munaasabadda Ciidda Carafo (Ciiddul Adxaa, 2025). Fasaxa wuxuu bilaabanayaa Sabtida, 07 Juun, wuxuuna ku eg yahay Isniinta, 09 Juun 2025.

Sida uu qabo xeerka shaqada, haddii Fasaxa maalinta ciidda ay ku aadan tahay maalin Jimco ah, waxuu fasaxa ciidu ka bilaabmayaa maalinta xigta ee Sabtiga ah. Sida ku cad Sharciga Shaqaalaha Soomaaliyeed LR.36. Qodobka 65aad Fasaxyada Qaranka. Faqradiisa (4.KH) in ay fasax yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan u rajeynaynaa dhammaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed in ay kula ciidaan Xaasaskooda iyo Caruurtooda Farxad iyo Nabad.

Taliyaha Booliska oo tababar u soo xiray saraakiil baaarayaal ah

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil Baarayaal ah oo ka kala socdo Maamul Goboleedyada Dalka u soo xiray Tababar lagu horumarinayo Xirfadooda.

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in Baarayaashan lagu Tababaray Cilmiga Fooraansi sayniska, maareynta goobta Dambiyadu ka dhacaan, habka Waraysiyada looga qaado dhibanaha iyo Markhaantiga iyo sida loo adeegsado dhijitaalka marka cadeymaha la soo bandhigayo.

Taliyaha ayaa Baarayaasha kula dardaarmay in wada shaqeynta dhexdooda xoojiyaan cilmiga la barayna ku howlgalaan , saaxiibada shaqo wadaaga ay yihiina la wadaagaan aqoonta ay soo faa’iideen.

          

SoDMA oo muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saarayay ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo iyo sidii looga shaqeyn lahaa xaqiijinta in gargaarku si hufan, caddaalad ah, loona siman yahay uu ku gaaro dadka ay dhibaatadu saameysay.

Kulankan oo ay si wadajir ah uga soo qeyb galeen maamulka gobolka Banaadir, wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha ka jira habsami u socodka gargaarka, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo nidaamka bixinta gargaarka.

Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta howlaha gargaarka, iyagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola dagaallamo musuqmaasuqa iyo ku takrifalka ku xeeran hawlaha gargaarka bini’aadannimo. Waxaa sidoo kale lagu booriyay bulshada in ay door muuqda ka qaadato ilaalinta iyo kormeerka hannaanka gargaarka.

SoDMA waxay markale caddeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyadoo dadaal xooggan ku bixinaysa in gargaar kasta lagu bixiyo si waafaqsan mabaadi’da bini’aadannimo, xeerarka caalamiga ah, iyo sharciyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu heshiiyay in la dhiso gudi farsamo oo ka shaqeeya ka hortagga ku tagrifalka gargaarka bini’aadannimo, lana xoojiyo wada shaqeynta dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso.

Wasiirka Shaqada XFS oo Geneva kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Switzerland ayaa magaalada Geneva kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan.

Kulankan oo Wasiirka ay ku wehlisay Safiirka Soomaaliya u fadhisa Geneva Amb Khadra Ducaale ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo la dhaqan gelinayo heshiiskii ay horey labada wasaaradood u kala saxiixdeen sanadkii 2016 kaasi oo aanan weli dhaqan gelin.

Wasiirka Shaqada Dalka Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskii labada wasaaradood ay kala saxiixdeen 2016 kaasi oo wax badan ka tari doona horumarinta shaqooyinka iyo kor u qaadista tayada iyo qibradda shaqaallaha Soomaaliyeed, ayadoo dhankooda ay soo magacaabayaan guddi farsamo oo shaqooyinka loo baahan yahay dardar geliya.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo kulanka ka hadlay dhankiisa ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyey taageerrada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin waxaana uu Wasiirku ka sheekeeyey xaaladda shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo taasi oo ah baahi deg deg ah, waxaana uu ballan qaaday in dhanka Soomaaliya ay diyaar la yihiin tallaabooyinka looga baahan yahay.

Kulankan ayaa qeyb ka ah shirar gaar gaar ah oo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula qaadanayo madaxda dalalka iyo hay’adaha kala duwan ee Geneva u jooga ka qeybgalka shirka 113aad ee Ururka Shaqaallaha Aduunka ayadoo Wasiirka uu berrito khudbad ka jeedin doono shirkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wada tashi ah la qaatay hoggaanka xisbiyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Kulankan oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Dhankooda, hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad oo Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbedalka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada ee XFS ay soo qaban qaabisay.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirweynaha qaran ee isbedalka cimillada ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in xal waara loo helo saameynta togan ee isbedalka cimilladu ku yeelatay dalkeena.

Shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha isbedalka cimillada, waxaana ka qeyb gelaya wasiirro ka tirsan XFS, masuuliyiin ka socota wasaaradaha deegaanka ee dowlad goboleedyada, xubno ka socda beesha caalamka, masuuliyiin iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedalka Cimillada XFS Bashiir Maxamed Jaamac “Waa shirweynihii ugu horeeyey ee noociisa Soomaaliya lagu qabto, waxaana isugu keenay hay’adaha beesha caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha deegaanka, qorshe qaran ayaan ka dhiganay isbedalka cimillada.”

James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda, isagoo xusay taageerada QM ee dadaallada Soomaaliya ee la xiriira cimilada, deegaanka, iyo horumar waara. Wuxuu si gaar ah u xoojiyay doorka dhalinyarada iyo muhiimadda iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro yoolalka SDGs iyo NDCs.

Arrimaha la xiriira  isbedalka cimillada ayaa adduunka oo dhan laga dareemayaa waxa uuna saameyn dhan kasta ah ku yeeshay bulshooyinka aduunka haba ugu darnaadeene dowladaha u nugul isbaddalka cimilada oo ay Soomaaliya ku jiro, waxaana socda dadaalo lagula falgalayo isbeddalladan.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho rasmi ay ku jooga Boqortooyada Sacuudiga, ayaa magaalada Makkah wadahadal kula yeeshay Wasiirka Warfaafinta ee Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Salman bin Yousef Al-Dosari.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo dhiggiisa Mudane Salman bin Yousef Al-Dosari ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dad ee dhanka Warbaahinta iyo isdhaafsiga khibradaha.