Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isla markaana jeediyay khudbad uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

2-Madaxweyhe Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka magaalada Muqdisho kala qeyb galey tukashada Salaadda Ciidul Adxa.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore inay ka soo qeyb galaan kulan sare oo wadatashi ah oo magaalada Muqdisho ka dhici doona.

4-Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaan-geliyey.

5-Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Britain u fadhin doona Soomaaliya Danjire Charles King.

6-     Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga ee ka dhexeeya labada dal.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa

8-Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta ee dalka Djibouti oo ahayd halkii lagu soo  dhisay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha  iyo xaaladda gobolka.

10-Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magaacabista Taliyaha cusub ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad.

11-  Golaha wasiiradda oo yeeshay kulan diiradda lagu saaray qiimeynta amniga dalka iyo diyaar-garowga munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo  imtixaanka shahaaddiga ah ee heer qaran.

12-  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah  oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

13-  Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbeddelka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada   soo qaban-qaabisay.

14-  Wasiirka Gaashaandhigga  Axmed Macallin Fiqi  ayaa  la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga, General Luciano Portolano oo booqasho ku yimid dalka.

15-  Dowladda Soomaaliya ayaa markii  ugu horraysay ku  guuleysatay xubinnimada Golaha Fulinta ee UN-Habitat, taasoo qaabilsan Qorsheynta Magaalooyinka & Maareynta Dhulka iyo Wax kaqabadka Cimilada.

16-  Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa  dhagax dhigay dugsi waxbarasho oo gaar u ah gabdhaha Soomaaliyeed oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.

17-  Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta  Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa guddoomiyay kulanka guddiga qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada ee sannad guurada  65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da July .

18-  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaaalada Geneva ee dalka Switzerland , halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Shaqada ee Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan.

19-  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yusuf Mohamed  Aadan ayaa magaalada Geneva uga qeybgalay  Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah oo looga hadlay   mabaadii’da aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqaalaha

20-  Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi  Cabdullaahi ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka, Marwo Valentina Matvienkog.

21-  Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa kulan gaar ah la yeeshay masuuliyiin  ka socotay   hay’adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday Hay’adda Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

22-  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo   Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa si’ wadajir ah u fuliyay laba duqeymo  oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta  ee Daacish.

23-  Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  ayaa ku wareejisay seddax gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah, maamulka caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

24-  Wasiirka Maaliyadda  Biixi Iimaan Cige  ayaa  ku guuleeystay  abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ee Afrika 2025-KA  oo ay bixiso African Leadership Magazine, kaddib, codeyn dhanka online-ka ka dhacday.

25-  Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mohamoud Adan Geesood  ayaa magaaladda Arusha ee dalka Tanzania ugu  qeyb-galay shirka meertada 46-aad ee Golaha  Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga ee Ururka Bariga Afrika.

26-  Wasiiru Dowlah Beeraha iyo Waraabka  Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ka qeyb-galay  shirka ( IFAD Innovation Day 2025)  uu soo qabanqaabiyeey  Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD oo ka dhacay Talyaaniga.

27-  Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa  warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen.

28-  Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka  Marwo  Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa  u  furtay Imtixaan  qoraal ah xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

29-  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas  Odawaa Yuusuf Raage, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Talyaaniga, General Luciano Portolano, oo booqasho rasmi ah ku yimid  dalka.

30-  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Xasan Aadan, oo ku kacay falal marin habaabin bulsho iyo sumcad xumeyn uu u geystay Ciidamada Qaranka.

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo kuwa Gobollada oo ka qeybgalay tukashada salaadda Ciidul Adxa

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa saaka salaada Ciidda Adxa la tdukaday shacabka Soomaaliyeed eek u dhaqan Xaafadda Islii ee magaalada Nairiobi.

Dhinaca kale,Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, xubo ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada Beledweyne iyo Saraakiil Ciidan ayaa Salaada Ciida Carrafo la tukaday dadka shacabka ah eek u sugan Beledweyne.

Guddoomiyaha oo lahadlay shacabka ayaa ku adkeeyey inay si-wada jir ah uga wada qeyb qaataan dagaalka Khawaarijta ee ka socda qeybo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isaga oo sheegay in markasta ay ahmiyadda koowaad siinayaan nabad galyada iyo xoreynta Cadowga.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA CARRAFO KU OOGAY MASJIDKA ISBAHAYSIGA ISLAAMKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Carafo, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo howlwadeennnada hay’adaha Dowladda.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa oo ah astaan midnimo, isjacayl iyo farxadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay kaalinta lama ilaawaanka ah ee Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Halyeeyada xaq u dirirka ahi ay ku leeyihiin in si nabad loogu Ciido Caasimadda dalka iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Ciidamada, taageeridda iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah iyo ka shaqeynta danta guud

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, Sarreeyaasha, Saraakiisha, Ciidamada iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

 

Muslimiinta Caalamka oo u dabbaaldegaya Maalinta Ciidul-Adxa

Muslimiinta ku dhaqan guud ahaan caalamka ayaa u dabaaldagaya xuska Ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha ugu waaweyn taariikhda ee ay leeyihiin Islaamka.

Xuskaan oo la sameeyo Aalla baari ayaa yimid,xilli lagu goda jiro  gudashada waajibaadka Xajka ee sannadlaha ah .

Maalintaan ayaa loo asteeyay in la gowraco xoolo,gaar ahaan ariga, waxaana hilibka loo qaybiyaa deriska, xubnaha qoyska iyo masaakiinta.

Xuska sanadkaan ayaa ku soo beegmay waqti ay sii kordhayaan baaqyada loo jedinayo Israel ee ku saabsan joojinta collaadda Gaza,

Inta badan dadka caalamka ayaa maanta u dabbaaldegaya si farxad leh,marka laga reebo dadka Falastiin ah oo la tilmaamay in aysan heysan fursado ay qoysaskooda kula ciidaan,waxayna la daalaa-dhacayaan duqeynaha Israel  iyo maqanaanshaha  gargaarka bini;aadanimo ee ku socda deegaanada Gaza.

Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Beirut

Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka  ah ka geysatay  deegaanka koonfureed ee magaalada Beyruut,halkaasi oo la soo sheegayo in ay jiraan dhimasho,dhaawac iyo burbur hanti.

Weerarka ayaa dhacay habeenimadii xalay xilli loo diyaargaroobaayey munaasabadda Ciidul Adxaa oo ka mid ah dabbaaldegyada ugu muhiimsan Islaamka.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay aqoonsadeen cutub ka tirsan ururka Xisbullah oo soo saara kumannaan diyaaradood oo lagu farsameeyo dhulka hoostiisa ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay maalgeliyaan Iran.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa sheegay in uu si adag u cambaareynayo weerarrada Israel ee koonfurta Beirut. Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhaashay weeraradaasi.

Madaxda Hay’adaha Amniga iyo M/G Banaadir oo yeeshay kulan looga hadlay amniga maalmaha Ciida

Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay kulan lagaga hadlay amniga maalmaha barakaysan ee Ciida.

Taliyaha Ciidanka Booliska, Gen. Asad Cabdullahi Cismaan, Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Xuseen Mungaab, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha qeybaha Booliska iyo NISA ee Gobolka Banaadir, iyo Taliyaha Ciidanka Boolis Militaaro ayaa caawa yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay adkeynta amniga maalmaha dabaal-daga Ciida Carafo.

Saraakiisha ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay sugidda nabadgelyada maalmahaan farxadda badan, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in la laba jibbaaro dadaallada amniga si shacabka Soomaaliyeed ay ugu ciidaan xasillooni iyo nabadgelyo.

Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee u taagan sidii farxad iyo nabad ugu ciidi lahaayeen.

  

Ra”iisul wasaaraha XFS oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka – Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca diinta, dalka iyo dadkooda, si ay u ciribtiraan Khawaarijta ee dhibaatada ku haysa dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa munaasabadda Ciidda uga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo hambalyada munaasabadda ciidul Adxaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweyne Xasan waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay iney garab istagaan walaalahooda kale ee danyarta ah ee aan awoodin iney ka qeyb qaataan munaasabadda maalintaan farxada badan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweynaha JFS oo Casuumad u fidiyey Madaxdii hore dalka iyo kuwii dowlad gobolleedyadii hore

Iyadoo la tixraacayo baaqii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, jeediyey iyo farriintiisii Ciidul-Fidriga ee taariikhdu ahayd 30-ka Maarso 2025, kaasoo ku baaqay in la bilaabo wadatashi qaran oo ballaaran, Madaxweynaha ayaa gudagalay wadahadallo la xiriira arrimaha dalka oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha kala duwan ee heer Qaran. Ujeedada hindisahan waa in si dhab ah loo dhageysto cabashooyinka iyo aragtiyada hoggaamiyeyaashaasi, si looga wada shaqeeyo arrimaha masiiriga ah ee mudnaanta u leh dalka, oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab, dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka iyo kuwa heer qaran.

Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga go’an yahay dhageysiga qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay madaxda Ururada Siyaasadda ee la diiwaangeliyey, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiin xilal muhiim ah kasoo qabtay dalka. Kulamadan waxay bixiyeen xog iyo aragtiyo qiimo leh oo ka tarjumaya baahida iyo himilada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo uu wadatashigu sii socdo, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore. Waxaa la filayaa in kulankan sare uu qabsoomo 15-ka Juun 2025, si waayo-aragnimadooda iyo taladooda looga faa’iidaysto.

Kadib kulamadan, Madaxweynaha ayaa isugu yeeri doona Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), oo ka kooban madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, kaas oo qabsoomo doona 22-ka Juun 2025. Kulankaas ayaa lagu gorfeyn doonaa talooyinka kasoo baxa wadatashiyada, waxaana la filayaa in GWQ uu ka gaaro go’aamo rasmi ah. Natiijooyinkaas ayaa markaa kadib la horgeyn doonaa Baarlamaanka Federaalka si loo qaado tallaabo sharciyeed haddii loo baahdo wax-ka-beddel sharci ama dastuur.

Geeddi-socodkan loo dhanyahay wuxuu ka tarjumayaa laba arrimood oo muhiim ah: in la dhiirrigeliyo wadatashi qaran iyo in la adkeeyo sharafta iyo madax-bannaanida hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Kulanka madaxda hore wuxuu noqonayaa madal muhiim u ah talo-wadaag, halka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka oo ah hay’adda keliya ee sharci-dejinta ay xaqiijin doonaan in go’aamada lagu saleeyo hab-raaca dimuqraadiyadeed iyo sharciga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka go’an in uu horumariyo hannaan Soomaaliyeed oo taladiisu tahay mid Soomaali leedahay, kaas oo ku saleysan xikmad Qaran wadajir iyo ilaalinta waajibaadka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

-DHAMMAAD-

Soomaaliya oo fariin ku saabsan shaqo abuurka iyo horumarinta Shaqaalaha Soomaaliyeed u gudbisay Shirka Shaqaalaha Aduunka

Geneva:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa khudbad ka jeediyey maanta shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Aduunka ee ka soconaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka ayaa khudbadiisa uga hadlay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday Hormarinta Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo xaquuqdooda ayada oo dowladdu ay meel marisay siyaasado iyo shuruuc muhiim u ah Shaqaalaha Soomaaliyeed , isaga oo dhinaca kalena tilmaamay in Dowladdu ku howlantahay sidii loosii hormarin lahaa Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo metelaya Shaqaala weynaha Soomaaliyeed ayaa saakay shirka 113-aad ee Ururka Shaqaalaha Aduunka ka jeediyey khudbad uu uga hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin Shaqaallaha Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay hormarintooda .

Cumar Faaruuq Cismaan ayaa khudbadiisa ku muujiyey dhibaatooyinka iyo daruufaha heysta Shaqaalaha Soomaaliyeed isaga oo dhanka kale ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya sharciga Shaqada Soomaaliya oo 52 sano dib u eegis lagu sameeyey, waxaana uu caalamka ka codsaday iney gacan buuxda ka geystaan dhaqan gelinta sharcigaasi.

Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Aduunka oo 2dii bishan June ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeybgalaya sanadkan wufuud ka socota 187 dowladood,hay’ado iyo urrurada Shaqaalaha Caalamka balse sanadkan Soomaaliya waxa ay shirkan uga soo qeybgashay si ka duwan sidii hore.