Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay’adda Caalamiga ee Iskaashiga Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE) intii u dhaxaysay 2-5 Juun. Soomaaliya oo ka mid ah 90 ka dal ee iskaashiga la leh hay’addan, ayaa ku matasha Golaheeda Sare 13 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ah.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay arrimaha hortebinta u leh waxbarashada caalamka iyo sidii hawlaha GPE sare loogu qaadi lahaa. Waxaa lagu gorfeeyay qorshaha shanta sano ee soo socota 2026 – 2030, iyada oo xoogga la saaray arrimaha maaliyadda iyo kaalmooyinka caalamiga ah, xilli ay duruufo culus iyo isbeddello ku yimaadeen deeqaha caalamiga iyo meelaha ay mudnaanta siinayaan deeq-bixiyayaashu. Si loo hormariyo waxbarashada jiilalka cusub, waxaa la isla gartay in horumarinta macallimiinta uu tiir dhexaad u yahay maxsuulka waxbarasho ee ardayda iyo diyaarinta jiilka cusub.

Si looga dabbaasho xaaladaha dhaqaale ee sii adkaanayo, waxaa bahda waxbarashada loogu baaqay in lala yimmaaddo tabo iyo farsamooyin hal-abuur leh oo loogu qareemayo maalgelinta iyo deeq-ku-bixinta horumarinta waxbarashada.

Inkasta oo waxbarashada dalalka saboolka oo Soomaaliya ay ka mid tahay weli hooseeyso, haddana waxaa loo arkaa in dalkeenu uu ka jiro dadaal xoog leh oo ay iskakaashanayaan bulshada iyo dowladda, oo ay kabayaan deeqaha caalamiga ah.

  

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaaday Khawaarijtii ka firxatay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Ceelhareeri oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Duleedka deegaanada Garas-magan iyo Ceelhareeri ayaa lagu weeraray Khawaarijta, waxaana laga saaray goobihii lagu weeraray oo ay isku uruursanayeen.

Saraakiisha Xoogga iyo kuwa deegaanka ee howlgalladaas hoggaaminaya ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen cadowga, kana saareen godadkii ay ku isku uruursanayeen, maadaama ay ku soo jabeen dagaalladii malamihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelhareeri.

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamiga ah. Howlgalkaasi oo Lixdii bishan Juun 2025, ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Waxaa la xaqiijiyay in ilaa saddex horjooge oo kale lagu dilay howlgalkaas, kuwaas oo kala ah:

1. Nuur Cabdi Rooble (Nuunle) oo ahaa horjoogaha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug, iyo Galgaduud. Dhiigya-cabkan ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarka bartilmaameedka ahaa.

2. Horjooge Caddaw oo masuul ka ahaa waxa ay Khawaarijtu ugu yeeraan “dabagalka” Jabhaddooda ee Galgaduud.

3. Macallin Cumar oo ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda Khawaarijta marin-habaabinta iyo tababarka maleeshiyaadka.

Tirada guud ee horjoogayaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalkaas ayaa hadda gaartay shan, kuwaas oo dhammaantood si toos ah ugu lug lahaa abaabuladii Khawaarijtu ka wadeen muddooyinkii dambe gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladda horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka dhaawacmay, kuwaas oo kooxda Khawaarijtu isku dayeyso in ay kala baxsadaan goobaha dagaalka.

Ma jirto meel ay uga baxsan karaan cadaaladda iyo geesiyaasha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, horjoogayaasha dhiig-miiratada ah ee caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay haatan yihiin kuwo firxad ah, kuna jira xaalad jahwareer iyo khuus ah, kadib weerarro culus oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku qaadeen degaana ay ku sugnayeen khawaarijta.

“Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka”ayuu wasiir Fiqi

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha ay soo hoyeen ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsanaa khawaarijta.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in uu socdo abaabulka in ay dib ula wareegaan deegaannada ay ku sugan yihiin khawaarijta ayna si qorsheeysan oo wadajir ah uga shaqeynayaan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo mar walba halis ku ah qarannimada iyo diinta Islaamka ee suubban.

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva – Switzerland, kaga qeyb-galay kal-fadhigii 8-aad ee shir-weynaha madasha caalamiga ah ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka, (Global Platform for Disaster Risk Reduction – GPDRR 2025) kaas oo afartii sanaba mar la qabto.

Shirka oo socday intii u dhaxaysay 2 June ilaa 6 June, 2025, waxaa kasoo qeyb-galay in ka badan 2,700 oo qof oo isugu jiray madax sare iyo wafuud matalayay 133 dal, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray ka mira-dhalinta doorka muhiimka ah ee yaraynta khataraha, ka hortagga saameynta musiibooyinka iyo in bulshada loo diyaariyo wacyi ahaan wax ka qabashada iyo yareynta waxyeellada khataraha.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Yareynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) ayaa laga jeediyay khudbado taabanaya hoggaaminta, isku xirka iyo horumarinta dadaallada caalamiga ah ee lagu yareynayo khataraha musiibooyinka iyo sida uu dal kasta horumar la taaban karo uga sameeyay dhinacyada la xariira maareeynta khataraha iyo xoojinta u adkeysiga aafooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa madasha ka jeediyay khudbad muhiim ah, isaga oo ka warbixiyay dadaallada iyo horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dhanka maareynta khataraha musiibooyinka, wuxuu si gaar ah u xusay kobaca iyo dhismaha nidaamyada lagu badbaadinayo nolosha iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirka qeybtiisa muhiimka ah ayaa lagu gaaray go’aanno wax ku ool ah oo la doonayo in madaxda dalalka madasha ka soo qeeyb-galay ay ayidaan sidii lugu gaari lahaa yoolalka u asteeysan istaraatiijiyadda caalamiga ah ee Sendai Framework taas oo fareysa waddamada in marka la gaaro 2030-ka uu dal kasta si buuxda u dhiso awoodaha lugu yareeynayo khataraha musiibooyinka.

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Shabeellaha hoose:- Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa hawlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyey deegaanada ku hareeraysan Jannaale,iyagoo isku fidiyey deegaanno balaaran.

Guddoomiyaha deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kula hadlay shacabka deegaanka Mushaani ayaa yiri “Cadowga Khawaarijta waxa ay dhaheen Saalada Ciida waxaan ku tukanaynaa Janaale balse deegaanadii ay joogeen ayaa maanta Saalada Ciida ku oognay.”

Ciidanka xoogga iyo kuwa difaaca deegaanka ee Macawisleyda ayaa maalmihii u dambeeyey hawlgalo xooggan ka waday gobolada Shabeellaha Dhexe,Hiiraan iyo Shabeellaha hoose halkaas oo khawaarijta loogu geystay jab xooggan.

Khawaarijta ayaa jabkii ugu cuslaa la gaarsiiyey shalay ka dib markii hawlgal si gaar ah loo qorsheeyey looga dilay in ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta howlgalkan ayaa waxa si gaar ah u qorsheeyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade

Ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Goboleedka Puntland ayaa maanta, oo ku beegan maalinta 1-aad ee Ciidul Adxaa, fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Togga Baallade iyo gododka buuraha ku hareeraysan.

Hawlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay Guutooyinka 1-aad, 2-aad, 3-aad, iyo 5-aad, iyadoo ay si weyn uga qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ee taageera dowladda Soomaaliya kuwaas oo duqeeyay goobo muhiim ah oo ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaariijta Daacish.

Howllgalka ayaa khawaarijta waxaa lagu gaarsiiyay khasaaro baaxad leh, iyadoo la burburiyay xarumo istiraatiiji ah, godod sahayda lagu kaydin jiray iyo saldhigyo muhiim ah oo ay argagixisadu ku lahayd deegaanka.

Ciidamada Daraawiishta maamulka putland ayaa wado howllgalo ka dhan ah kooxaha Khawaariijta si looga sifeeyo guud ahaan deegaannada doowladd goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminaayay oo safar shaqo ugu maqnaa wadanka Ruushka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. wafdiga guddoomiyaha oo safar muddo shan cisho ah qaatay waxaa madaarka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Sanatarro iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisu waxay safarkooda shaqo kulamo kala duwan la yeesheen Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Ruushka una qaabilsan arrimaha Afrika iyo Carabta iyagoo oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo labada Baarlamaan.

Sidoo kale waxay booqdeen xarumaha dhaqanka, taariikh iyo matxafyo kala duwan oo Ruushku leeyahay.

In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan

In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaasi oo ahaa mid bartilmaameed ah una dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku qarinayeen, iyada oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid ay saarnaayeen maleeshiyaadka.

Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay howlgalkan, Abuu Anas, oo ay Khawaarijtu ugu yeeri jireen Horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed (Xerow), oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah. Sidoo kale, waxaa dhaawacyo culus la gaarsiiyay, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), oo ah horjoogaha maleeshiyaadka Khawaarijta u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud, iyo Horjooge Jeylaani oo hadda ah horjoogaha ugu sarreeya ee jabhadaha Khawaarijta.

Horjoogeyaashaan oo qaar lagu dilay howlgalka, qaarna dhaawac culus lagu gaarsiiyay ayaa la rumeysanyahay in ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay abaabulka weerarada naf-la-caariga ah ee Khawaarijta ka wadeen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe, waxaana howlgalkaan uu si weyn u naafeeyay shirqoolladii ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray ayaa la filayaa in uu intaas ka sii badanyahay, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow u la socotaa qiimeynta natiijada howlgalka, waxaana dib laga soo gudbin doonaa wax kasta oo ku soo kordha howlgalkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo mar walba halis ku ah qarannimada iyo diinta Islaamka ee suubban.

-DHAMMAAD-

Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago abaalmirin ah”

Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo saaka u waramaayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ruux kasta oo soo gudbiya xogta kooxaha khawaarijta ee falalka amni darada ka wada caasimadda la siin doono lacago abbaalmarin ah ,isla markaana la damaanad qaadi doono amnigiisa.

Taliyaha ayaa si gaar ah u tilmaamay in dadka soo sheega xogta qarsan ee Al-Shabaab iyo kuwa hoobiyaha ka rida daafaha magaalada lagu abbaalmarin doono lacag gaaraya Soddon kun oo doolar (30.000).

Taliyaha Ciidanka Boliiska Gobolka banaadir,waxa uu ka dalbaday bulshada in ay kala shaqeeyaan soo celinta amniga,isla markaana xil la iska saaro sidii loo soo qaban lahaa cid kasta oo wadda falal amni darro ah.