๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š

Raโ€™iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029).

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada uu ku saleysan-yahay hannaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalkeennu leeyahayโ€” laguna tayeynayo heyโ€™adaha kala duwan ee dowladda, si dalka loo gaarsiiyo horumar waara.

โ€œXukuumadda DanQaran waxa ay ballan-qaadday in ay dalkeenna u jihayso hannaan kor loogu qaadayo dowladnimada iyo dhismaha heyโ€™ado xooggan, iyada oo taas laga duulayana waxaan diyaarinay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada siyaasadda, amniga, caddaaladda iyo arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahayโ€.Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo qoraalkiisu socday in muddo ah, ayaa waxaa diyaariyey in ka badan 400, oo qof, oo isugu jira khubaro iyo masuuliyiin dowladeed, kaasi oo beddelay Qorshihii hore ee Horumarinta Qaranka NDP9, waxaanna uu xoogga saarayaa qaabkii dalku u gaari lahaa horumar la taaban kari shanta ee soo socota.

ย ย ย 

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub ee Wasiirrada Xukuumadda JFS ee kala ah:

1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ

2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ

3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

4. Md. Maxamed Faarax Nuux โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

6. Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

7. Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

8. Md. Sulub Axmed Firin โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha

9. Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

10. Mw. Aamina Xuseen Cali โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada

11. Md. Xuseen Cali Xaaji โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

12. Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

13. Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha

14. Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta

15. Mw. Dahabo Suusow Muunye โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

16. Md. Cismaan Axmed Macow โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta oo gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo qeyb ka noqon doona soo afjaridda khawaarijta ku sugan deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo halkaa u joogo dardargelinta dagaalka lagu baacsanayo Khawaariijta ayaa ciidankan ku so dhaweeyay furumaha hore dagaalka Gobalka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo shalay laga sagootiyay magaalada Muqdisho.

Gobalka Shabeellaha Dhexe xiligaan waxaa ka soconayo howlgallo culus oo Argagixisada lagu naafeeyay, iyadoo Geesiyada is garabsanaya ay nafta dhaafiyeen Maleeshiyaad tiro beel ah, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, waxaana lagu burburiyay Saanad ciidan oo khawaarijta laheyd.

Guud ahaan deegaannada khawaarijta ku dhuumaaleysanaysa waxaa ka socda howlgallo dhulka iyo cirka ah oo ay iska kaashanayaaan Ciidanka Qaranka, kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamka, iyadoo horjoogayaal muhiim u ahaa khawaarijta lagu khaarajiyay looga Saanad ciidan.

ย 

120 khawaarijta ah oo lagu dilay duqeymahii ka dhacay magaalada Jilib

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo lagu bartilmaameedsaday xarummo waaweyn oo ay Khawaarijta ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayadoo duqeymahaasi ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kasoo gaartay khasaare xooggan.

Wararka hordhaca ah ee ay Warbaahinta Qaranka ka heshay khasaaraha guud ee duqeymaha degmada Jilib ku gaaray maleeshiyadaadka Khawaarijta waa dhimashada 20 meeyo horjoogayaal sar sare, dhexe iyo maleeshiyaad 100 gaaraya oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, waana duqeymihii ugu ballaarnaa ee gudaha degmada Jilib laga fuliyo mudooyinkaan.

Duqeymaha kuwa ugu horeeya waxaa lala bartilmaameedsaday xaruntii maamulkii degmada Jilib oo hada ah fariisinka ugu weyn ee Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ku lahaayeen gobollada Jubbooyinka, waxaana duqeyntaasi ay dhacday xili ay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta halkaasi ku shirsanaayeen, ayadoo uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimashada iyo dhaawaca horjoogayaal sar sare oo Khawaarijta ka tirsan iyo maleeshiyaadkooda.

Duqeynta Labaad waxa ay ka dhacday xarun weyn oo isugu jirtay xarun tababar Maleeshiyaad iyo meel ay ku marin habaabiyaan carruurta waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday goob ay deegaan ahaan u degenaayeen horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsan marin habaabinta iyo luminta carruurta, ayadoo halkaasina uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Xarunta Karuur oo ah keyd weyn oo ay Khawaarijta Al-Shabaab ku keydsan jireen saadka dagaalka ayaa ka mid ah goobaha la duqeeyey ayadoo halkaasi ay gebi ahaanba bes beeshay oo ay gubatay waayo goobtaasi waxaa waxyaabaha ku keydsanaa ku jiray shidaal taasi oo keentay in hubkii iyo agabkii kale ee yeelay ay gebi ahaanba baabaโ€™aan.

Duqeymo dhowr ah ayaa sidoo kale lala eegtay guryo ay deganaayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo ku yaala gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayadoo duqeynta gurayaha horjoogayaasha Khawaarijta uu ka dhashay khasaare lexaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed.

Horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab oo markii hore si raaxo leh ku joogay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa hada bilaabay iney ka kala cararaan magaalada, ayagoo naftooda ula cararay duurka waxaana magaaladii Jilib ee Taliskii dhexe ee Khawaarijta aheyd hada ay tahay mid haawaneysa oo baqdin aawgeed duurka iyo beeraha loo miciin biday.

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo martigeliyay dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay โ€œmuhiimadda ay leedahay in Soomaaliya markale ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayโ€ ku qabtay Caasimadda Muqdisho.

Dood cilmiyeedkan oo sidoo kale ahaa af-fur wadareed ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Danjire Yuusuf-Garaad Cumar Axmed, aqoonyahanno iyo wakiillada bulshada rayidka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa furay dood cilmiyeedka , isagoo ka hadlay kaalinta Soomaaliya ee matalidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka iyo ka goโ€™naanshaheeda nabadda iyo ammaanka caalamiga.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, Mudane Maxamed Maxamuud Guure, ayaa sheegay inuu horumarinayo howlaha iyo barnaamijyada machadka si uu uga dhabeeyo qorshayaasha deggan,

Ka qeybgalayaasha ayaa is-dhaafsaday aragtiyo ku qotoma xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka oo muddo xileedkeedu yahay labo sano, iyaga oo xusay muhiimadda ay arrinkaasi leedahay.

Intii madashu ka socotay doodda ayaa kaqeybgalayaashu ay ku tabaruceen 560 buug oo wax ka taraysa ballaarinta Maktabadda Machadka .

Wasiir Xasanโ€™โ€™ Siyaadda Soomaaliya waxay horumar ballaaran ka sameysay xiriirka diblomaasiyadda caalamka,โ€™โ€™

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐จ๐จ๐ ๐œ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐๐จ๐จ๐๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐š๐ฒ ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฆ๐š๐ซ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ง๐จ๐ช๐จ๐ญ๐จ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐€๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ

Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay Machadka Daraasaadka Diblumaasiyadda (IDS) ee Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray doorka Soomaaliya ee xoojinta amniga guud ee Caalamka iyo saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karto Golaha Ammaanka.

Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa si qoto dheer u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu fariisatay miiska goโ€™aanada caalamiga ah, Idaho, oo carabka ku adkeeyay in siyaasadda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysay Xiriirka diblomaasiyadda Caalamka.

Wuxuu intaa ku daray in ka qeybgalka Soomaaliya eegoโ€™aannada caalamiga ah ay tahay tallaabo muhiim ah sarrena u qaadeysa sumcadda iyo saameynta Soomaaliya ee masraxa caalamiga ah.

Madasha dood-cilmiyeedka ayaa sidoo kale, waxaaa goobjoog ahaa wasiirka warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Federaalka iyo Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo goobta ka jeediyay hadallo qiimo leh, qirayna in horumar dhanka diblomaasiyadda la sameeyay.

Wasiir Daaโ€™uud Aweysโ€™โ€™ Shacabka haka fogaadaan goobaha ay joogaan Khawaarijta,โ€™โ€™

Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyees ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku harsan ย yihiin Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo ku soo koobmay in ay shacabka shibaateeyaan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Daaโ€™uud Aweys ย ayaa sheegay in any Dowlasdu kordhisay duqeymaha cirka ee ay ka fulineyso goobaha ay joogaan Khawaarijta, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aysan ka agdhawaan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in duqeymo dhacay Saacadihii la soo dhaafay lagu dilay ย horjoogayaal ku sugnaa degmada Jilib.

โ€˜โ€™ Waxaan markale shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa howlgalo ballaaran oo lagu beeraha carpets Khawaarijta, kuwaas oo ka dhacay degmada Jilib, markale, waxaan shacabka Soomaaliyeed uga dogma in ay ka fogaadaan goobaha carpets ka soo abaabulayo dhagarta ama ay rabaan in ay ka sameeyaan carqalado dhinac nabadda la xiriira, dowladda federaalka waxaa ka goโ€™an in ay sii waddo howlgallada oo waliba u badan duqeymoDhanka cirka ah, marka si loo yareeyo khasaaro soo gaaro shacabka waa in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Cadowga,โ€™โ€™ ayuu yiri wasiir Daaโ€™uud Aweys oo shir jiraaโ€™d ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Howlgalka Jilib laga fuliyay oo ku soo dhammaaday guul ayaa lagu bur buriyay xarumo muhiim u ahaa Khawaarijta oo ay ku jiraan labo guri oo ay deganaayeen labo horjooge oo la kala yiraahdo Xasan Yacquub iyo Amiin oo intaba ku yaalo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidamada Madaxtooyada Galmudug, NISA, Danab iyo Booliiska ayaa maanta howgal qorsheysan oo sifeyn ah oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey deegaano Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa maanta isku maray deegaanada Bulacle, Taragaduud, Xirsi-fiin iyo Miirdugul, saraakiisha hoggaamineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howgalkan ay cadowga Khawaarijta ah uga sifeynayeen inta u dhexeysa Ceelgaras iyo Dhuusamareeb.

CIIDANKA QARANKA IYO SAAXIIBADA CAALAMKA OO HOWLGAL CULUS KA FULIYAY MAGAALADA JILIB

Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beedsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobalada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka goโ€™an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaalyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta.

Hawlgal lagu beegsaday Khawaarijta Al Shabab oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo daba joogay dagaalkii lagu jabiyay Khawaarijta ee ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalka duqeynta ah oo ka dhacay deegaanka Laba Garas ayaa ujeedkiisu ahaa burburinta dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo qorsheynayay in ay dib u isku abaabulaan kadib jabkii ay kala kulmeen dagaalkii cashirka ay ugu dhigeen Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka ee ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidanka Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ayaa ku hawlan xoojinta iskaashiga ciribtirka Khawaarijta iyo qiimeynta khasaaraha Khawaarijta ku gaaray hawlgaladii u dambeeyay oo marba marka ka dambeysa isa soo taraya, taas oo muujineysa in ay Khawaarijtu sii jabayaan