Wasiir Cali Xoosh”Dhallinyarada waxaa la gudboon in loo shaqeeyo dadka iyo dalka ee aan loo hanqaltaagin dal kale”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh oo maanta la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay halgan adag u soo galeen badbaadinta dadka Soomaaliya oo in muddo ah ku hoos noolaa maamulkii gumeysiga ee shisheeye.

Wasiirka ayaa xusay in dhalinyaro badan ay soo hooyeen guushii gobanimada,kadib markii qaarkood ay naftooda ku waayeen xorriyad doonkii Soomaaliya,halka kuwo kale laga buuxiyay xabsiyo gaar ah.

“Dhallinyaradii SYL in dalkeenu xor noqdo waxay u soo mareen dhibaato badan,sidaa daraadeed waxaa habboon in dhallinyarada maanta ay is-abaabulaan oo la yimaadaan door waxqabad oo lamid ah kii SYL” ayuu yiri Wasiir Xoosh

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh waxa uu ku taliyay in laga faa’ideysto awoodda dhallinyarada,isla markaana lagu jiheeyo sida ay uga qeybqaadan karaan badbaadinta dadka iyo dalka.

Wasaaradda Shaqada XFS oo ku baaqday in la joojiyo ku shaqeynta carruurta

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS  Xildhibaan Aamino Xuseen Cali oo ka qeybgashay xaflad loo sameeyay xuska 12-ka June ee maalinta caalamiga ah ee ka hortaga ku shaqeysiga carruurta  ayaa ka warbixisay tacadiyada kala duwan ee loo geysto carruurta iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay xal u helidda arrimahaasi.

Wasiir ku xigeenka ayaa caddeysay in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin sidii wax looga qaban lahaa xadgudubyada iyo tacadiyada ku dhaca carruurta,gaar ahaan ku shaqeynta dhallaanka yar-yar,waxayna soo jeedisay in cid kasta ay gacan ka geysato badbaadinta ubadka oo ah mustaqbalka dalka.

Maalinta caalamiga ah ee ka-hortagga ku shaqeynta carruurta waa dhacdo sanadle ah oo 12-ka Juun ay qabtaan Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO.

Maalintaan waxaa loogu talagalay in lagu xasuusto ama diiradda lagu saaro baahsanaanta tacadiyada ku dhaca carruurta ee dhanka ku shaqeynta iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in meesha laga saaro xadgudubyadaasi.

Madax ka socday Dowladda Soomaaliya iyo Turkiye oo yeeshay kulan muhiim ah

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan dooceed la yeeshay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Turkiga, Dr. Burhanettin Duran, intii lagu guda jiray shirka Oslo Forum.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga iyo ganacsiga.

Labada mas’uul ayaa markale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay doorka Turkiga ee dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay qaadeen mowjado duqeymo ah oo lala beegsaday xarunaha militariga Iran iyo goobaha nukliyeerka ee ku yaalla Iran .

Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa u digay Israa’iil,isagoo tilmaamay inay filayso ciqaab adag,ka dib weerarkaasi oo lagu dilay dhowr taliyeyaal iyo saynisyahano kale.

Maamulka Iran ayaa hakiyay duulimaadyadii garoonka caalamiga ah ee Tehran, iyadoo wakaaladaha wararka ay sheegayaan in dhismayaal ay degan yihiin dad rayid ah lagu duqeeyay caasimada Iran.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in howlgalka millatari ee lagu bartilmaameedsanaayo Iran ay sii socon doonaan inta loo baahdo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Maraykanku aysan wax lug ah ku  lahayn duqeymaha ,isagoo uga digay Iran inay weerarto saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla gobolka.

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka cusub ee Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka cusub ee Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Mudane Charles King.

Kulankaan oo ahaa mid isugu jira soo dhoweyn rasmi ah iyo wadatashi qoto dheer ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta magaalooyinka iyo kor u qaadista adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha ay labada dowladood iska kaashan karaan, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo ballanqaad ku aaddan horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal, iyadoo la isla qaatay in si dhow loo sii ambaqaado wadashaqeynta mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ku ammaantay qorshaha maareynta rasaasta

Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya ku ammaantay inay noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka guul ka gaaray qorshaha raadraaca iyo maareynta rasaasta.

War kasoo baxay Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan taageernay mashruuca maareynta rasaasta, waxaana bogaadinaynaa guusha laga gaaray qorshaha ay hoggaamineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka xakameynta rasaasta (AmTag), kaas oo ah hannaan casri ah oo lagu raadraaco rasaasta si loo ilaaliyo amniga loogana hortago in hubku galo gacmo khaldan.

Arrintani waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee ay Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ugu jiraan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta xiriirka dhiggiisa Shiinaha

Changsha:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay maanta Magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane Wang Yi, oo sidoo kale ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha.

Kulankan oo dhacay xilli ay socdeen Bandhigga 4aad ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika, iyo shirkii Wasiirrada Isku-duwayaasha FOCAC, ayaa ku beegmay sanad-guuradii 65-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha, waxaana Soomaaliya ahayd waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika xiriir la sameeya Shiinaha 1960kii.

Labada dhinac waxa ay mar kale xaqiijiyeen saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhaxaysa, is-ixtiraamka joogtada ah, iyo sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhawaan la kordhiyay.

Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerrada ay siisay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo suuq-geynta badeecadaha Soomaaliyeed, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo maalgelinta kobcinta awoodda aadanaha iyo adeegyada dhijitaalka ah, si waafaqsan qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhankiisa, Wasiir Wang Yi ayaa ku ammaanay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay taageeridda Shiinaha ee soo noqoshadii ay ugu soo laabatay masraxa caalamka, wuxuuna muujiyay qadarin weyn oo uu u hayo mabda’a cad ee Soomaaliya ka taagan tahay arrimaha Shiinaha. Waxa uu ballan qaaday in Shiinuhu si buuxda ula shaqeyn doono Soomaaliya si loo hirgeliyo mashaariic wax ku ool ah oo hoos yimaada FOCAC, kuwaas oo diiradda lagu saarayo natiijooyin muuqda oo nolosha shacabka wax ka beddela.

Wang Yi waxa uu sidoo kale sheegay in Shiinuhu diyaar u yahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale, isagoo dhiirrigelinaya maalgelinta shirkadaha Shiineeska ee ka shaqeynaya Soomaaliya, si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha, warshadaynta, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Labada wasiir waxay si buuxda u muujiyeen inay si dhab ah u garab taagan yihiin midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda. Waxa ay si cad u muujiyeen inay diyaar u yihiin inay si wadajir ah uga shaqeeyaan mustaqbal ay ku saleysan tahay nabad, horumar, iyo iskaashi dhab ah oo miro-dhal ah.

Soomaaliya oo Bandhig Weyn ka Samaysay Carwada ganacsi iyo Dhaqaalaha Shiinaha

Changsha, Hunan:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta taariikh cusub qortay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Abdi Ali (Dhaay), si rasmi ah xarigga uga jaray madasha Soomaaliya ee Carwada Afaraad ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika oo ka socota magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Waa markii ugu horreysay oo shirkado Soomaaliyeed si buuxa uga qaybqaataan carwadan muhiimka ah, taasoo fursad weyn u noqotay in caalamka lagu tuso wax-soo-saarka kala duwan ee dalku leeyahay—laga bilaabo xabagta kala duwan sida malmal ka iyo fooxa, ilaa kalluunka qasacadaysan, liinta qalalan, sisinta, iyo badeecado kale oo ay dadkeennu farsameeyaan.

Bandhigan Soomaaliyeed wuxuu si gaar ah u soo jiitay dadkii carwada ka soo qaybgalay—oo isugu jira masuuliyiin Shiinees ah, wafdi Afrikaan ah, maalgashadeyaal, iyo dadweyne danaynaya suuqyada cusub. Soo-bandhigidda ayaa muujisay in Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay horumarinta ganacsigeeda iyo in la gaaro suuqyo caalami ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo madasha furay ayaa hadal kooban ku yiri:

“Maanta waxaan u istaagnay inaan caalamka tusno hal-abuurka, kartida, iyo wax-soo-saarka dadka Soomaaliyeed. Ganacsato ka kala yimid dhammaan gobollada ayaa halkan jooga—waxay muujinayaan dadaalka, rajada shacabka Soomaaliyeed, iyo riyooyin ganacsi oo hadda bilow ah. Waxaan si qoto dheer ugu mahadnaqayaa Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, oo dadaal xooggan gelisay abaabulka iyo hirgelinta bandhiggan muhiimka ah.”

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee carwadan waxa uu qayb ka yahay dadaallada dowladdu ugu jirto kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta ganacsiga gudaha, iyo kasbashada maalgashi shisheeye. Waxa kale oo ay si toos ah u la jaanqaadaysaa yoolalka horumarineed ee ku xusan qorshaha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC).

     

Dib-u-soo Celinta Kalluumeysatadda Soomaaliyeed ee badda ku luntay

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dib u soo celiso saddex kalluumeysato Soomaaliyeed oo la waayay tan iyo dhammaadkii sanadkii 2024-kii, xilli ay ku jireen hawl kalluumeysi ah xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Cabdullaahi Yuusuf Jaamac, Aweys Cabdi Sheekh (Aweys Qunjaaro), iyo Bile Maxamed Mustaf ayaa maanta si farxad leh uga soo dagay garoonka Aadan Cabdulle, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socday Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Iskaashatada Dan-Kulmis ee Xeebaha Soomaaliya, iyo Ururka Iskaashatooyinka Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Soo celinta kalluumeysatadan ayaa suurta gashay iyada oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Iskaashatada Dan-Kulmis ee Xeebaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta iyo garab istaagga kalluumeysatada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay India

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dowladda iyo shacabka India kadib shilkii naxdinta lahaa ee ku dhacay diyaaradaAir India ee waxyar kadib markii ay ka duushay magaalada Ahmedabad.

Aad iyo aad ayaan uga xunahay dhacdada shilkan geystay khasaaraha culus, waxaanan murugada la qaybsanaynaa dhibanayaasha qoysaskooda iyo dhamaan inta ay ku dhinteen ehelkoodii.

Soomaaliya waxay garab taagan tahay Hindiya iyo dhammaan ummadaha ay dhibaatadu taabatay.